Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Xaabsade Responds to Faroole

Recommended Posts

“Faroole Waxaanu Leenahay Waxba Hayska Hagran Ee Garoowe Iyo Boosaaso Ayaynu Iskugu Iman Doonaa, Ciidamada S/Land-na Ka Bixi Maayaan Dhulkooda” Xaabsade

 

 

Hargeysa, February 20, 2011 (Haatuf) - Laba iyo Toban ka mid ahaa Maleeshiyadii Nabad-diidka Buuhoodle ee shalay subax weerarka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhiisinkoodu yahay Maygaagle iyo Hagoogane oo ku dhintay dagaalkaasi ayaa xalay Maydadkoodii lagu Aasay magaalada Buuhoodle.

 

Weerarkan ay shalay maleeshiyada nabaddiidku ku soo qaadeen ciidamada qaranka Somaliland ayaa la sheegay, in ciidamada qaranka ay kaga geeriyoodeen shan askari halka sideed kalena ay kaga dhaawacmeen.

 

Maleeshiyada nabad-diidka Buuhoodle oo la sheegay inay gacan ka helayeen dagaalkaasi kooxo ka tirsan Al-shabaab, ONLF iyo Puntland ayaa ilaa inta la og-yahay waxa Maydadkooda la keenay xalay magaalada Buuhoodle 12 ka mid ahaa maleeshiyadaasi, oo iskugu jira Nabad-diidka iyo kooxaha la safan halka 13 dhaawac ahna la geeyay magaaladaasi.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Haatuf u xaqiijiyey, in dagaalkaasi maleeshiyada nabad-diidka lagaga qabsaday saddex gaadhi oo laba ka mid ahi yihiin gaadiidka dagaalka ee loo yaqaano Tiknikada oo ay ku rakiban yihiin qoryo halka gaadhiga kalena yahay xamuul Zaadka u siday lagagana qabtay maxaabiis tiradoodu gaadhayso labaatan qof.

 

Madaxa hawlgalinta Ciidamada qaranka Somaliland Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Kayse) oo isagu warbaahinta uga waramayay qaabkii uu u dhacay dagaalkaasi, ayaa isagu xaqiijiyey in ciidanka qaranka Somaliland ay maleeshiyada soo weerartay jab xoogleh gaadhsiiyeen, islamarkaana ay dul fadhiyaan magaalada Buuhoodle, islamarkaana kaga qabteen labaatan maxaabiis ah iyo laba gaadhi oo mid yahay gaadhi Tikniko ah, waxaanu yidhi ‘5:00 subaxnimo ayay ciidamada qaranka soo weerareen maleeshiyadaasi, waxaana laga qabtay labaatan maxbuus iyo laba gaadhi, waanay jabiyeen, hadana ciidanka qaranku waxay dul fadhiyaan Buuhoodle”

 

Dhinaca kale Caaqil Yuusuf Sheekh C/llaahi, oo ka mid ah Cuqaasha Buuhoodle oo xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay isagoo ku sugan magaaladaasi, waxna kaga weydiinay khasaaraha soo gaadhay dhinacooda, ayaa isaguna yidhi “Sagaal qof oo dhimasho ah ayaa ilaa hada inta la hubo la keenay maydadkoodii magaalada, waana la aasay, dhaawacuna waa sideed inta ka keenay”

 

Dagaalkan dhex maray ciidamada qaranka Somaliland iyo Nabad-diidka Buuhoodle oo la isku adeegsaday hubka culculus iyo madaafiicda oo socday 5:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo ee shalay ayaa la sheegay, in ciidanka qaranku ay ku ruqaansadeen duleedka Buuhoodle iyo Bali-shangale oo duleedka magaalada ah, taasoo wararkii u dambeeyay ee aagaasi aanu ka helay sheegayaan, in maleeshiyada nabadiidka iyo ciidanka qaranka Somaliland ee isku gedaamay magaaladaasi ay isku muuqdaan lagana cabsi qabo, in maanta mar kale dagaal culusi ka qarxo magaalada dusheeda, taas oo tibaaxuhu ay sheegayaan, in dadka ku dhaqan gudaha Buuhoodle ay walaac ka muujinayaan Ciidamada Somaliland ee kulaalaya.

 

Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland, isla markaana ah Afhayeenka xukuumadda Axmed Cabdi Xaabsade ayaa jawaab kulul ka bixiyay hanjabaadii ka soo yeedhay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ee uu ku

 

sheegay, inanay faraha ka laabanaynin dagaalka u dhexeeya maleeshiyada Nabad-diidka Buuhoodle iyo Ciidamada Qaranka Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay, in Sool iyo Buuhoodle dadka degaa ay yihiin Somaliland, islamarkaana haddii ay joojin waayaan faragalina ay Garoowe noqon doonto Furin dagaal, isagoo intaa ku daray, in Somaliland ay diyaar u tahay talaabo kasta oo ay ku difaacayso xuduudaheeda, iskana caabiyi doonto weerar kasta oo lagu soo qaado.

 

Wasiirka warfaafintu waxa kale oo uu sheegay inaanay ciidamada qaranka Somaliland ka baxaynin Laascaanood iyo deegaanada Buuhoodle.

 

Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay mar aanu xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay, waxna kaga weydiinay sida uu u arko maadaama uu yahay afhayeenka xukuumadda Somaliland hanjabaada madaxweynaha Puntland Faroole ka soo jeediyay idaacada BBC-da xalay, ugana digay Somaliland inay ciidamadeeda kala baxdo Laascaanood iyo Buuhoodle Wasiirka Warfaafinta Md. Xaabasade

 

isaga oo hanjabaadaa Faroole jawaab ka bixinayana, waxa uu yidhi “Somaliland ka bixi mayso dhulkeeda, xuduudahayagana ka laaban mayno, awooda iyo itaalka uu hayana ha keeno, Faroole waxba yuu iska hagranin, marka uu talaabo soo qaado ayay noo tahay, Laaxcaanood iyo Buuhoodle-na shaqo kuma laha Faroole iyo maamulkiisa toona, Garoowe iyo Laascaanood ayaynu iskugu iman doonaa Laascaanood baad ka hadlaysaaye Somaliland xuduudaheeda ka laaban mayso ciddii ku soo xadgudubtana talaabo ayay ka qaadi doontaa, xuduudaheedana way sugaysaa cid ay uga daba fadhiisanaynsaa ma jirto”

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Hatuuf been badana ninyaho! :D (ma ONLF, Al Shabab iyo PL ayaa SSC gacan siinaya?). This news reporting is getting real silly now.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

“Faroole Waxaanu Leenahay Waxba Hayska Hagran Ee Garoowe Iyo Boosaaso Ayaynu Iskugu Iman Doonaa, Ciidamada S/Land-na Ka Bixi Maayaan Dhulkooda” Xaabsade

Looooooool! Is this seriously a guy to trust? He has absolutely no credibility! Wasn't he the one that invited Riyaale to Lascaanood and promised his security, only to ambush him and case out the NW Somali leader?

 

He is now saying your militia wont leave "their" lands, but only a few years ago he was saying the exact opposite and was one of Puntlands ministers........

 

Only JB would quote this man who has no loyalty but to the dollar, snake who attempted to assassinate your leader!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

No he won't, he is just waiting for Faroole/Puntland to offer him more money and he'll switch. Right now your enclave is paying him the best rate for his loyalty......the fact remains, he supported your enclave and than switched by attacking your leader and claimed that Lascaanood is part of Somalia....now he is singing another tune.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Now when the resources went to Mogadishu to assist President Abdullahi Yusuf, Puntland cut off Habsade pricey tag! Faroole refuses to pay it again.....your enclave took advantage of it.

 

Again, the man supported an attack on your leader!

Share this post


Link to post
Share on other sites

NGONGE-Haatuf is only writing Sland officials say in interviews or press releases. In the prior fight, the head of military claimed everyone but God and the angels collaborated against them.

 

Haabsade is a joke.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Che -Guevara;696755 wrote:
NGONGE-Haatuf is only writing Sland officials say in interviews or press releases. In the prior fight, the head of military claimed everyone but God and the angels collaborated against them.

 

Haabsade is a joke.

Politicians can say what they like, saaxib. News reporters shouldn't.

Share this post


Link to post
Share on other sites

NGONGE-On the hand, Faysal assesstment interesting

 

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay dagaalka ka dhacay deegaanka Kalshaale wuxuu yidhi “Waxaan ka cabsi qabaa in dagaalka Kalshaale haddii aanu Ilaahay inaga qaboojin inuu dagaal dheer noqonayo, saddex berkadood way ka weyn tahay, waa qorshe nidaamsan oo lagu doonayo in aan Somaliland la ictiraafin, markii dimuqraadiyaddii iyo doorashooyinkii aynu sasmaynay ayaa la yidhi aynu dagaal gelino. Waxaanu KULMIYE isku ogayn in UDUB foodka laga helo oo dawlad dalka midaysan aynu samaysano oo horumar keenta. Laakiin waxay u egtahay laakiin waxaad mooddaa markii gaadhigu madaxtooyada galayay ay ka daateen oo rag kale fuuleen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this