Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Nabi Amaan for the Mowliid

Recommended Posts

gooni   

Mowliidku waa xasuus wanaagsan siday culimaduba u sheegeen,mar hadii arimuhu diin ku taxaluqaan cilmi baa looga jawaabaa waxay ila tahay masoo gasho, lakiin tasarufka ama sida loo dhaqmo ayaa keenaysa in laysku dhaco khaasatan dadka aan carabta ahyn oo somaalidu ka mid tahay.

 

In tusbax aad uweyn qoorta la gashado subagna la mariyo biilkii islaamaha loo soo diray lagasoo ururiyo luguna yiraahdo ilaahaybaad ugu dhawaanaysaa ee bixiya,xoolo la qasho lays dhex boodo. hadii wadaad fiican ilaahay u keeno oo u sheego dariiq fiican oo lagu xasuusto dhalashadii nabigeena suubban n/n/korkiisa ha ahaatee, waxaa laga yaabaa inay yiraahdaan waa bidci oo dhiigiisaba la banaysto taasna waa aqoon la'aanta luuqadda carabiga naga haysata laga yaabee in qaarkood joornaal carabi ah kitaab saxa u haystaan!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

oba hiloowlow;697262 wrote:
Zack, Nur, Nabad Dadaaye iyo caydarus Brothers Ma dhageysateen Dr Sheikh Saciid?? Amaad fikirkiini ka laabateen?

Oba, I have a decent knowledge on the Mowliid thing that I actually don't need to listen to anyone to change my stance on it. Islam is a way of life and that way was clearly shown to us by the prophet(peace be upon him). He has taught us any thing that would encounter us in our lives, he even showed us how to enter to the restrooms. He has, however, never told us to "celebrate" for his birthday the way the sufis do it these days. He used to fast Mondays, he never hosted parties that would sing his name out loud. Abu Bakar didn't do it, Omar didn't do it, and neither did Cuthman nor Cali did it. The whole Mowliid thing has been started about 400 years after the rasuul's death. The main thing is if you are doing any thing that is cibaado ( anything that you are trying to get closer to ALLAH SW), you definitely need to follow how the rasuul scw, his khulafaa'u raashidiin, saxaabah, taabiciyiin, or the salaf did it. One can't make up their own way of celebrating rasuul's scw birthday (or how to perform any kind of cibaadah) unless they are saying one of these three things: 1, The prophet scw forgot to tell us how to do it. 2, The prophet hid this from us. 3, we love the prophet more than Abu bakar did. And remember, one can be declared a Kaafir if he or she claims one of those beliefs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mowliid= Xasuus,,,, Marka adigu waxaad xaaraan uu aragtaa in nebiga SCW la xasuusto ? Malaha adigu waxaad uu maleyneysaa in meesha lagu jalboonayo laakin sidaasi maha ee Muxaadaro ku saabsan Nebigeena SCW ayaa la dhageystaa oo ina xasuusinaya Rasuulka Alle. Nabi amaankana ma xaaran ba uu aragtaa bal dhageyso bal, Muxammad ya rasulallahi sallah, calaika waa salla mala mowla Muxammad, Amaanta Rasuulka kii diide ka doode,Asaa Jahwareer ku jooge Ya Muxammad, asaa Jahanammo jecladay ee jiif uu doontee Marka Amaanta hadii aad diiday hadda kedib Ma rasuulka la cayaa istaghfirullah.

 

Maanto dhan maadama aad ku celcelineysid Iney bidco tahay Mowliidku waayo Khulafa'u rashidiin iyo Rasuulka iyo saxaabada ayaan sameyn jirin, okey marka waxa ku weydiinaaya Minaarida Masjidka ma bidco baa? Ileen Rasuulka Geeridiisa ,wakhti badan kdib ayaa Minaarida ugu horreysay la dhisay..

 

Marka Mowliidku Bidco mahan ileen Mowlid=Xasuus... Hal maalin kaliyana maha in la xasuusto Rasuulka Alle ee waa in maalinkasta la xasuusta..

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Marka Amaanta hadii aad diiday hadda kedib Ma rasuulka la cayaa istaghfirullah.

Oba , sxb dood mowduuc laga doodo waa gooni, hadalkoo la isku dadbo waa karaaho hadeysan xaaraam qadcan aheyn, cid diidey ma jirto Rasuulkoo la ammaano, cid ka soo horjeedo taa ma jirto adna waad ogtahey sxb, waxa la diidanyaheyna waad ogtahey oo diintu ogoleyn, Ilaahna jideyn, Rasuulkeenana jideyn, taana waa mowliid, mowliid ma ahan xasuus, mowliid = xasuus, saas hadaad u fasiratey waa wax lala yaabo, mowliid micnaheedu waa dabaal dag loo dabaal dago dhalasho maalimeed oo uu qof dhashey, xasuus micnaheedu ma ahan mowliid, taas waa mid, hadii aad ogtahey in Mowliidku uusan ka sugneyn Rasuulkeena maxaa keenay mineraat mowduucan oo ahaa ka doodista in Mowliidku bannaanyahay iyo in kale, arrinta minerateka ha noqdo mowduuc kale, mowliidka nabiga ma banneeyey maya ama haa, dooduba ha yaraato,

 

 

Nabigeena kama sugno, afarta Khulafa kama sugno, iyo Taabiciyiintuba, umana baahna inaad sheikh ka akhrisato in Mowliidku banaanyahay iyo in kale, adiguba isticmaal maskaxda iyo garashada Ilaah ku siiyey oo dib ugu noqo Ahaadiithta iyo Quraanka, meesha wax lagu murmo maba yaalo, cid diidan in Nabigeena la xasuusto ma jirto, cid ka soo horjeedo ma jirto, waxa la diidanyahay oo bidcatul kubraa ah waa aan u dabaal-dagno dhalashada Nabigeena, saxaabadii miyaa laga fadli badanyahay oo Nabigeena aad u jeclaa, iyagaa kaaga horreen lahaa iney ku tartamaan u dabaal-daga dhalashada Nabigeena, Nabigaa na fari lahaa oo dhihi lahaa maalintaas aan dhashey waa inaad dabaal-dagtaan, wa maalin taariikhi ah maalintuu Rasuulkeena dhashey oo sharaf muda saas ay tahay Rasuulkeena ma uusan na farin inaan u dabaal-dagno, Allaah oo Quraankiisa ku soo daiyey Nabi Maxamed ma na farin inaan u dabal-dagno dhalashada Nabigeena.

 

 

Ha la doodo waa gooni, wax maskixiyyan ah halaga doodo ayadna waa gooni, hala iska doodo oo hebel baa saan yiri iyo saas waa fitno, marka sxb Oba, waxaan talo ahaan ku siinayaa, adiga waxaad sameesaa u suxul-duubo sidii aad ku kororsan laheyd cilmiga diinteena ood ugu xuub-siiban laheyd inaad qumaati u dhax gasho kutubta Axaadiithta ah, ood ka soo dharagto barashadooda, adoo si Lillaahi ah u kororsanayo cilmiga diinteena, Inshaa Allaah intaas oo boqolaal kun oo Axaadiith ah ku arki meysid hal hadiith oo na faraya inaan u dabaal-dagno dhalashada Nabigeena, xataa xadiith daaciif ah maqli ama arki meysid oo oranaya mowliidka hala ilaaliyo, Quraankana ku arki meysid, waxba hadalka yaanan kugu badin, ee waxaan ku dhahayaa mar kale sxb, aan kaashano caqliga uu Ilaah na siiyey si aan u kala saarno sheyga saxda ah, iyo kan khaladka ah.

 

Walaalkaaga Muslimka ah haduu khaldanyahay u sheeg khaladka, haku raacin falka khaladka ah ee uu smaeenayo, Soomaali badankood baa u dabaal-dagto Mowliidka micnaheedu ma ahan in Mowliidku bannaanyahay, Sheikh hebel baa yiri mowliidku waa bannaanyahay ood iska raacdo adoon qumaati u dhugsan xaqiiqda jirta waa lagu halaagsamaa!

 

 

 

 

Ilaah kheyrka hana waafijiyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

ilaah waxaa uu kitaabka quraankiisa ku yiri:-( ﴿ فَبىَّرِ ءا اٍَُْ٘ ثِ عََٗصَّزُ صََّٗسُ اَٗتَّجَعُ ا٘ اى زَُّْ٘ اىَّري

أُ صِّْهَ عٍََ أُ ىٗئِلَ اىْ فَُْيِحُُ٘ ﴾ [سوزة الأعساف، 157[ kuwa nabiga rumeeyey ee hadana weyneeyey ee haddana ugar-gaarey ee raacay nuurka uu la yimi kuwaa iyaga ah ayaa ah kuwo liibaaney) al-acraaf- 157...

 

hadaba kuwa nabiga rumeeyey waxaa hadana lasii raacshey hadana weyneeyey oo intaas loogama sii harine waxaa lagu sii daray hadana u gar-gaaray oo loola jeedo kuwa nooleeya sunnada nabiga ee wacan..waana kuwa nuurka raacay waayo nuurka qofkastaa ilaah mahaleelsiiyo waayo in badan baad arkeysaa laabtoodu uu ilaah madoobeeyey oo ku leh mowliid maxaa ladhahaa yaa baneeyey?!! iyo wax lamid ah kuwaa iyaga ah laabtoodu ilaah waa uu *****ley mana ahan kuwa liibaaney ee kuwa liibaaney ee uu qur,aanku inoo tilmaamey waa kuwa nuurka dhabta uraacey kadib markey nooleeyeen oo ey cusbooneysiiyeen diintiisa saana ay ugu gar gaareen xuskaas ay sameeyeen oo nabiga weyneeyey waa kuwaa kuwa liibaaney maalinta khiyaamaha ka cabaya xowdka nabiga .

 

 

Xuska nabiga waa kullan ay muslimiinta isugu imaanayaan oo markaas loogu sheekeynaayo taariikhdiisa iyo sida uu diinta ugu soo khidmeeyey..iyo siiradiisa..laysuguna adkeynaayo jeceylkiisa waana qaddarin iyo sharfid iyo waliba mahad naq ilaah loogu mahadnaqaayo nimcadaas ilaah inagu maneystey kadibna cunto ayaa halkaas lagu cunaa taasoo dar alla loo bixinaayo iyo jceylkiisa sida ku cad quraanka kariimka ah:-﴿ طٌَُْٗعِ اىطَّعَب عَيَى حُجِّ سٍِْنِ بًٍْ تٌََِٗ بًٍَ

أََٗسِ سًٍا ﴾ [سوزة الإًساى، 8[ raashinkaasoo lagu quudinaayo masaakiinta ..agoonta iyo laheystayaasha dagaalka(kuwa gaalada aha).

waana kulan farxad leh oo ay muslimiintu ku kulman ..waana wax kheyr leh waxaa meeshaa laga sheegayo kulankaasoo kaleetana daliil umaba baahna ..laakiin kolley kuwa diida xuska nabiga ilaah laabtooda waaba uu madoobeeyey hayeeshee hadiiba ay laabtoodu ku qaboobeyso daliil khur,aanka ah .waa tan hoos ku qoran:

 

 

قل بفضل اله وبرحمته قبذالك قليفرحوا هو خير مما يجمعون( وقوله تعالي :- ) وأفعلوا الخير لعلكم تفلحون

oo ah micnaha ( nabi allow kuwaas ku dheh idinka eebbe iyo naxariistiisa taasi daraadeed ha ku farxeen kaasoo ah waxa ugu kheyrka badan oo laysugu yimaado) sidoo kale qowlka eebbe weynaaye (kheyr fala aad liibaanteene)

hadaba kuwa diidan kullankaasi kherka iyo farxadda ahi waa kuwo ilaahey laabtooda madoobeeyey......

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mawlid hadaad dhalashoada nabiga xustiid wax danbi ah kaga iman meyso Nabyinuna Muxammad ma xusi jira culumadu wa isku khilaafsanyihin sabab Nabi Maxammad csw ,, waa soomi jiray Maalinta isniinta Adeerki Nabi Maxammad csw na isninta cadaabta lo khafifin jiray. Marka dhalashada nabiga wa shay muhim ah.. Mida sadexaad.culumada qaar sida .(Suyuti, ibn Hajar, ibn Kathir, waxay yidahheen wax danbi ka iman meysi hada nabiga dhalashadisa la xuso qaarne waxa leeyihin wa bidca , o wa danbii hase yeeshe ,,,nabi amaan wa xalaal100% nabiga wala amaani kara ahlu baitka wala amaani kara culumada kuwaad aad jeceshahay waad amaani karta , diintu see waxay diiida uun in la cabuud wadaad dhintay iy in risiq la weydisto tasi wa shirik. ialaay qurankisa wuxu ku leeyahay wama lakum min dunilahi min waliyihin wala nasiir , ilaahay uun ba wax ilaaliya wali wax ma ilaalin karo..

Share this post


Link to post
Share on other sites

serious question, is driving to mosque to pray bidca, clearly the sahaba did not use cars? Or using one of those computer salaat clocks, am certain they didn't have those. Ok maybe not serious but seriously Sufis have different understanding of innovation, why all the fuss you are either of that mindset or not. There some Sufi's who even teach that it does not matter what your religion is something about "different paths to the Some destination". Which brings me to an ayad that has left me with some confusion, perhaps you guys can clear it up:

 

# 2:62 (Asad) VERILY, those who have attained to faith [in this divine writ], as well as those who follow the Jewish faith, and the christians, and the Sabians [49] -all who believe in God and the Last Day and do righteous deeds-shall have their reward with their Sustainer; and no fear need they have, and neither shall they grieve.

 

Now, it has been brought to my attention that this refers to pre-islamic believers but how do we know this? The verse seems to speak in the present tense at least the translation of it, is there something missing?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^Where did you get the transilation of the ayah?

 

The man in the clip is signing these words "Rasuulka Alloow adaan raxmad kaa rabnaa" iyo wax la mid ah. If that ain't shirk, I don't know what is. I am always puzzled by these people claiming to love the prophet scw more than anyone else yet can't even get the prophet's proper authenic salli right.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this