Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Warlord Siilaanyo suffers worst humiliation heaviest fighting since 20 years in Northern Somalia

Recommended Posts

Somalia: Fierce clashes erupt between Somaliland troops and local clans

 

7 Feb 7, 2011 - 4:42:51 AM

 

Fierce fighting erupted Monday morning in northern Somalia after troops from the separatist region of Somaliland attacked local clans in Buhodle area, Radio Garowe reports.

 

At least 10 people were killed and 25 others wounded during Monday’s clashes, which were continued as of print time (4pm local time Monday).

 

Sources said Somaliland troops attacked local clan militias from three areas, but were repulsed. Heavy weapons including artillery were used in the fighting, which was concentrated around Kalshale village, a hotspot of fighting in recent months.

 

Some reports said at least 13 Somaliland soldiers were captured alive and one vehicle burned by the local clan militias. Local sources said the fighters are *********** clan militias, who are part of ***** clan confederacy that rules Puntland.

 

Officials in Puntland government said Puntland is not involved in the fighting.

 

Somaliland's separatist government, dominated by ***** clan, claims Sool and Sanaag regions on the basis of colonial-era boundaries, but local clans say they want to be part of Puntland state to the west, with whom they share ***** clan ties.

 

Located in northwestern Somalia, Somaliland unilaterally declared independence from the rest of the country in 1991. Puntland, located in northeastern Somalia, is stable and wants to remain part of a federal Somalia.

 

GAROWE ONLIN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo culus oo ka dhacay deegaanka Buuhoodle

 

7 Feb 7, 2011 - 4:19:20 PM

 

Dagaal u dhexeeya Ciidamo ka tirsan maamulka la magacbaxay Somaliland iyo maleeshiyo ka kooban dadka deegaanka ayaa maanta [Feb 8] ka dhacay deegaanka Kalshaale oo ka tirsan Gobolka Ceyn, waxaana ka dhashey dagaalkaas khasaare isugu jirra dhimasho iyo dhaawac oo kala gaarey dhinacyada dirirtu u dhaxeyso.

 

Inta la og yahay ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintey dagaalka halka 25 qof oo dhaawac ah la gaarsiyey Isbitaalka Buuhoodle.

 

Dadka dhintey iyo kuwa dhaawaca ayaa isugu jira ciidanka Somaliland iyo maleeshiyada degaanka.

 

Gudomiyaha Gobolka Cayn Md. Xariir Max'ud Axmed ayaa Radio Garowe u sheegay in dhaawacyo la keenay magaalada Buuhoodle.

 

Dagaalka ayaa bilowdey subaxnimadii hore ee saakey, ilaa iyo iminka wararka aanu ka helayno Buuhoodle waxey sheegayaan in uu socdo oo uusan istaagin, iyadoona gurmad kala duwan labada dhinac ay soo gaarayaan.

 

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ilaa 13 ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa lagu qabtay dagaalkaas iyadoo laga gubay ilaa 1 gaari oo siday ciidanka Somaliland.

 

Hubka culculus sida madaafiicda ayaa lagu isticmaalay dagaalkaas iyadoo uu dagaalkani yahay kii ugu cuslaa ee dhexmara ciidanka Somaliland iyo maleeshiyada degaanka.

 

Dagaalka maanta ka duwanaa dagaal todobaadkii horre ka dhacey Kalshaale, sababtuna tahay dagaalkan oo la isku adeegsadey hubka cul culus waxana dadka Reer Buuhoodle ayaa Radio Garowe u xaqiijiyeen in daryanka madaafiicda laga maqlayey goobaha dagaalka ka fog fog sida Magaalada Buuhoodle.

 

Wixii warar ku saabsan dagaalkas Garoweonline kala socda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Degdeg ah: Dagaal culus oo kasocda Aaga Kalshaale.

 

7. februar 2011

 

APL

 

Kalshaale: (Allpuntland)-Wararka imika lagahelayo Deegaanka Kalshaale ayaa kusoo waramaya in halkaas uu saaka Qaboonadii ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamo katirsan kuwa Somaliland & qaarkamid ah dadka deegaankaas oo todobaadyadii lasoo dhaafay halkaas isku horfadhiyey islamarkaasna ay horey dagaalo culus oo dadka & duunyadaba saamayn rasmi ah ku yeeshay ay ku dhexmareen aaga Kalshaale.

 

Wararku waxay intaas kudarayaan in dagaalkan oo ah kii ugu cuslaa ee abid halkaas ka dhaca uu si xawli ah oo aan kala go’ lahayn usocday Sadexdii Saac ee ugu danbaysay,islamarkaasna ay dagaalka soo qaadeen ciidamo katirsan kuwa Somaliland iyagoo adeegsanaya hubka culculus,kan fudud & madaafiicda goobta oo saaka laga maqlayo deegaano ka fog halka uu dagaalku ku qarxay,waxaana sidoo kale iyana dagaalka si culus uga qeybqaadanaya dadka deegaanka.

 

Dagaalkani wuxuu yimid kadib markii gurmadyo kala duwan oo aad ubadan oo labada dhinac ahba ay si xawli ah u gaarayaan goobta dagaalka saacadihii lasoo dhaafay,waxaana midkamid ah dadka deegaanka oo ay APL xalay lahadashay uu sheegey in ay cabsi ba’an qabaan kadib markii shalay uu jeeda dagaalka booqday gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland oo kasoo jeeda beesha bariga Burco oo dagaalkan qeyb ka ah islamarkaans auu ciidamo badan geeyey goobta kuwaas oo u badnaa kuwa beeshiisa.

 

Wixii war ah oo dagaalkan kasoo kordha APL kalasoco.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faah faahin dagaal maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Ceyn Puntland.

 

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo la isku haleyn karo oo ku sugan deegaano ka mid ah deegaanadii uu maanta ka dhacay dagaalka dhexmaray labada dhinac waa Ciidamo beeleed ka soo jeeday deegaanadaas iyo ciidamada Maamulka la baxay Soomaaliland.

 

Dagaalka oo bilowday gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa uu soconayay mudo saacado ah, iyadoona la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan, .

 

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay markii dhinac ka mid aha labada dhinac uu dhaq dhaqaaq ka sameeyay afaafka hore ee deegaanada lagu dagaalamay sida deegaanka Kalshaale.

 

Inkastoo aan la xaqiijin Karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka Maanta dhacay ayaa hadana waxaa la isla dhexmarayaa in dagaalkaasi ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 10 qof oo labada dhinac ka soo kala jeeda halka dhaawacuna uu intaasi laba jeer ka badanyahay .

 

Sida la ogsoonyahay deegaanada ay dagaaladu ka dheceen ayaa waayadii ugu dambeysay waxaa ka taagnaa colaad u dhexeysa laba beelood oo halkaasi ku wada dhaqnaa kuwaas oo isku hayay dhulal halkaasi ku yaala, balse waxaa si gardaro ah halkaasi ku soo gaaray ciidamo ka tirsan Maamulka Soomaaliland kuwaas oo ay markii dambe isku dheceen dadka deegaanka dhanka Buuhoodle.

 

Dagaalkii maanta dhacay ayaa ahaa dagaal aad u culus, waxayna mar ay hadleen qaar ka mid ah masuuliyiinta Maamulka labaxay Soomaaliland ay sheegeen in iyaga dhankooda weerarka lagu soo qaaday ka dibna ay is difaaceen ciidankooda.

 

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in iminka uu joogsaday dagaalkii labada dhinac marka laga reebo rasaas goos goos ah oo la maqlayo, waxaana halkii ka soconaya dhaq dhaqaaqa ciidan iyo gurmad labada dhinac soogaaraya .waxaana wixii warar ah ee ku sookordha kala socondoontaan wararkayaga dambe.

 

SBC International Buuhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Deegaanka Kalshaale Ee Gobolka Ceyn

 

Buuhoodle (RBC Radio):- 6 ruux ayaa geeriyootey 10 kalena waxaa soo gaarey dhaawac kadib markii deegaanka Kalshaale ee duleedka Degmada Buuhoodle uu ka dhacay dagaal dhexmaray Maleeshiyaad deegaanka ah iyo Ciidamada Soomaaliland.

Dagaalka ayaa ahaa mid khasaare geystay oo dad ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeen, waxaana intaasi dheer in labada dhinac ee dagaalku dhexmaray ay kala qabsadeen gawaarida dagaalka iyo maxaabiis.

 

Dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa la kala geeyay degmooyinka Buuhoodle iyo Burco sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan degmooyinkaasi, waxaana ilaa iyo haatan aan la xaqiijin karin in dagaalku istaagay iyo in kale, maadaama aysan goobta lagu dagaalamayo laheyn isgaarsiin lagula xiriiro.

 

Ma aha markii ugu horeysay ee deegaanka Kalshaale uu ka dhaco dagaal u dhaxeeya labadaasi dhinac, waxaana dagaalka maanta qeybaha isaga soo horjeeday midba kan kale uu ku eedeynayaa in uu isagu duulaanka soo qaadey kan kalena uu isdaafacayey.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii Kalshaale ayaa soo kordhiyey qasaare Naf iyo maalba leh

 

Dagaalkan oo ahaa kii ugu qadhaadhaa ee 20 sano oo la soo dhaafay ka dhaca degaankan ayaa la sheegayaa inuu sii xoogaystey ka dib markii uu gurmad soo gaadhey maamulka la baxay Somaliland oo saaka aroornimadii laga awood roonaaday.

 

Afar gaadhi oo kuwa gaashaaman ah ayaa ciidamadda degaanka Buuhoodle gacanta ku dhigay waxa kale oo la sheegayaa in maxaabiis ay hayaan aan la sheegin inta ay yihiin.

 

Dhinaca kale waxaa cagta la mariyey dhamaan wixii raad ahaa ee halkaasi laga sameeyey bilihii la soo dhaafay, maraan la xidhiidhay nin ku sugan hagoogane oo ah halka u dhow ee isgaadhsiintu ka dhacdo waxaa loogu tegey dhul dhisme iyo magaalo laga sameeyey degaanka Kalshaale taasi oo si aad ah loo camiray balse dhamaan ay dad shacab ah oo cadhaysani cagta mariyeen.

 

Radio Laascaanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Well the former rebel leader needs to understand that the world is past the age of the cheap pretence & the stale tactics of divide, sabotage, and the media war he is using against the local resistance movement.

 

Alas, I wonder why the United Nations is silent of the crimes against humanity being repeatedly committed by a secessionist entity. Where is the accountability of the stream of funds they give to Hargeisa only to plant the seeds of hatred and further societal break-down within Somalia.

If there's clear evidence of an act to deploy militia to attack, displace and conquer a region, the world and particularly IGAD and the UN Special Representative for Somalia must CONDEMN such clear violation of human rights. It's also imperative to issue due warnings and arrest to self-styled Strongmen of a region who is engaged in crimes against humanity like in Rwanda. SL behaves like a secret society.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo digniin culus u dirtey maamulka Somaliland

8 Feb 8, 2011 - 1:58:46 PM

 

Magaalada Buuhoodle waxaa gaarey 08/02/2011 wafti ka tirsan xukuumada Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Kalumeysiga & Kheyraadka Badda Maxamed Faarax Aadan kadib markii deegaano ka tirsan gobolka Ceyn gaar ahaan deegaanka Karshaale dagaalo ku dhex mareen 07/02/2011 ciidamo taabacsan Xukuumada Somaliland & Ciidamo beeleedyo kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle.

 

Eng.Maxamed Faarah Aadan Wasiirka Kaluumeysiga Puntland oo Radio Garowe uga waramey ujeedada Buuhoodle ayaa sheegey in sababha u tageen degaanadaas ay isugu jirto dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin qiimeyn ay doonayaan in lagu soo sameeyo dadkii ku waxyeeloobey dagaladii labo maalin ka hor ka dhacey Kalshaale.

 

Ujeedada labaad ee safarka waftiga wasiirka ayuu ku sheegey in ay tahay u kuurgalida abaaraha ka jirra deegaanada ka tirsan gobolka Ceyn , kuwaasoo uu xusey in ay ka caawinayaan biyo dhaamin dadka xaaladoodu liidato.

 

Wasiirka oo su'aalo kala duwan laga weydiiyey dagaalkii dhawaan ka dhacey Kalshaale iyo mowqifka Puntland kaga aadan dagaalkaasi , waxa uu sheegey in marnaba Dowlada Puntland ugu dulqaadaneyn Somaliland weerar ay kusoo qaado xuduudaheeda oo uu ku eedeyey maamulka Siilaanyo in wayadaan dambe faragalin ku hayo.

 

Dagaalka Kalshaale ayaa ciidamada Somaliland ka qayb galeen kadib markii beel dagta buhoodle ka itaal roonaatey jifida hoose ee Siilaanyo.

 

Iska horimaadkaan ayaa lagaga diley ciidamada Somaliland oo tageeraya beelahaas 65 qof halka dadka Buhoodle kaga dhinteen 22 qof.

 

Dhageyso Wareysiga Wasiirka oo dhameystiran uuna la yeeshey Wariye Cabdiqani Irbad Radio Garowe.

 

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Puntland_oo_digniin_culus_u_dirtey_maamulka_Somaliland.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this