Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Gudoomiyaha Jaaliyadda Beesha Mudulood oo xalay lagu toogtay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya

Recommended Posts

Gudoomiyaha Jaaliyadda beesha Mudulood ayaa waxaa xalay lagu dillay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo ay dilkiisu ka dambeeyeen kooxo la-sheegay in’ay u dhasheen dalka Kenya.

 

Kooxo hubeysan oo u dhashay dalka Kenya ayaa waxay xalay toogteen Gudoomiyaha Jaaliyadda Beesha Mudulood Suldaan Aadan Hilowle ee dalka Kenya, xilli isaga iyo laba ruux oo kale ay dhex marayeen xaafadda Islii “East Leigh” ee magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

 

Kooxdaan ayaan la’ogeyn in uu dilkoodu ahaa mid qorsheysan iyo in uu ahaa mid ay ku dhacayaan oo kaliya gudoomiyaha, hase ahaatee dadka intoodu badan ayaa waxay sheegayaan in kooxdaasi ay dooneysay kaliya in’ay dhacaan marxuumka geeriyooday iyo labada ruux ee kale ee la-socotay.

 

Labada ruux ee gudoomiyaha la-socotay ayaa waxay lagu kala magacaabaa C/Nuur Sheekh Axmed iyo Shariifo Cadow, iyadoo uu dhaawac soo gaaray haweeneyda lagu magacaabo Shariifo Cadow.

 

Dilka kadib ayaa waxaa goobtaasi soo gaaray ciidamadda ammaanka/booliska ee magaaladda Nairobi, isla-markaana waxay halkaasi ay ka sameeyeen baaritaano kala duwan, iyagoo sheegay in’ay ku raad joogaan kooxdii ka dambeysay dilka Gudoomiyaha Jaaliyadda Beesha Mudulood Suldaan Aadan Hilowle.

 

Majirto wax war ah oo kasoo baxay xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya oo ku aadan dilka Gudoomiyaha Jaaliyadda Beesha Mudulood Suldaan Aadan Hilowle ee dalka Kenya, hase ahaatee dilka gudoomiyaha ayaa waxaa si weyn uga naxay Soomaalida ku dhaqan magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

AUN.

 

He was shot near Ushirika estate in Eastleigh, apparently the issue was a Court case involving centrally positioned land in Eastleigh Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

AUN Gudoomiyaha.

 

JB, Magacyada qaar are spelled in different ways so it is possible that this spelling is different than what the admin has censored.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this