Sign in to follow this  
Somalina

Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo la xiray

Recommended Posts

Somalina   

Sarkaal ka tirsan booliska ayaa ku eedeeyay Boqor Raabi inuu ku dhaqaaqay tallaabo ka dhan ah maamulka Somaliland.

 

Khamiis, 20 Janaayo 2011

 

Bileyska Somaliland ayaa xaqiijiyay in ay xireen mid ka mid ah hogaamiye dhaqameedka Somaliland, ka dib markii ay ku eedeeyeen inuu ku dhaqaaqay tallaabo ka dhan ah maamulka.

 

Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi waxaa lagu eedeeyay inuu aflagaaddo u geystay maamulka isla markaana ku baaqay shir ay isugu yimaadaan oday dhaqameedyada Somaliland.

 

Xarigga hogaamiye dhaqameedkaasi waxaa cambaareyn u jeediyay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud (Buur Madow) oo ku hadlayay magaca odayaasha dhaqanka ee Somaliland.

 

Wuxuu sheegay in xarigaasi uu yahay mid ku qalafsan nidaamka dimoqraadiyadeed ee Somaliland iyo xorriyadda hadalka iyo sharafta oday dhaqameedka.

 

BBC

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

LOL@Boqor, boqor ilaahay baa ah ee boqorka soo daaya. Boqorow, dee adna maamulka ha af lagaadeyn ileen waddan dimuqraadi (for lack of a Somali word) ma joogtide aggah!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^rayaale never arrested clan chief you must be Joking Rayaale arrested boqor buur mado he arrested the most respected Sultan Sultan cismaan sultan cali madar. As for boqor raabi i never liked this guy waxan shaqadisa ahayn bu ka sheekeyn jiray

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland waaba lagu xidhay ,, Laakiin Somalia waa lagu dili lahaaba :D

 

There is a big difference between Freedom of speech and Freedom to live ,,, hehehe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Jacaylbaro;689235 wrote:
Somaliland waaba lagu xidhay ,, Laakiin Somalia waa lagu dili lahaaba
:D

 

There is a big difference between Freedom of speech and Freedom to live ,,, hehehe

Xildhibaanada TFG qaarkood, odeyaasha, iyo aqoonyahanada wey aflagaadeeyaan maamulka sare ee dawlada haddana xabsi looma taxaabo. Marka get your facts straight walaal.

 

Xoriyada dadka ha ka qaadina. Maalina calanka baluuga u diida iney shacabka kor u taagaan, maalina boqorada xabsi geeya for voicing their opinion. You have no leg to stand on.

Marka, soo daaya odeyga, cidina muu dilinee. Kuwii Ruushkaba waad sii dayseenee...lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudaharaad Galabta Ka Dhacay Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Hargaysa Oo Lagaga Soo Hor-jeedo Xadhiga Boqor Raabi

 

Hargeisa (HWN):-Qaar ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan degmada Maxamuud Haybe ayaa galabta iskugu soo baxay Bannaan-baxay kaga soo horjeedaan Xadhiga Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah Cuqaasha magaalada Hargaysa oo maalintii saddexaad ku xidhan Xabsiga dhex ee Hargaysa, kadib markii lagu eedeeyey inuu hadalo aflagaado ah uu kula kacay Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

 

Mudaharaadkan oo ka bilowday agagaarka Kaalinta 8aad ee Xaafada Calaamadaha ee Degmada Maxamuud Haybe, iyadoo ay dibad baxayaashii kala xidheen Waddada dheer ee tagta Madaarka caasimada Hargaysa. Dadkan mudahaaraadka dhigaayey ayaa u badnaa Dhallinyaro, waxaanay ku dhawaaqayeen hadalo iyo hal ku dhigyo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin Xadhiga ay Xukuumaddu kula kacday Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi, waxaanay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyeen inay Xoriyadiisa u soo celiso Boqor Raabi oo ah Madax-dhaqmeedka magaalada Hargaysa.

 

Ciidammada booliska ayaa iyaguna ka hortagay Mudaharaadkaa, iyadoo aan wax rabshado waa wayni dhex marin Ciidanka booliska iyo Dhalinyaradii Mudaharaadkaa dhigaayey, marka laga reebo Dhawr xabadood oo Ciidanku kor u rideen, kuwaasoo ay ku kala dareerinayeen Dibad baxayaasha, iyadoo ay dhinaca kalena debinta Mudaharaadkan ka qayb-qaadanayeen Madax-dhaqmeedyo ka soo jeeda deegaanka Koonfurta magaalada Hargaysa.

 

Maaha markii ugu horeysay ee qaar ka mid ah Dadweynaha reer Hargaysa cabashadooda Mudaharaad ku muujiyaan, hase yeehsee dhawr jeer hore ayaa sidan oo kale Dadweyne dan-yar u badani ay Cabashadooda Mudaharaad salmi ah ku soo bandhigeen, kuwaasoo ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo-na ugu jawaabtay Garaacis iyo Xadhig, isla markaana ay u diyaar garayso Ciidammado ka hor taga Mudaharaadka ay shacbigu dareenkooda ku muujinayaan.

 

Madaxweynaha somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa wakhtiyadii uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu ku doodi jiray in Dadweynuhu ay xaq u leeyihiin inay dareenkooda ku muujiyaan Mudaharaad salmi ah, kaasoo uu u damaanad qaaday Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland, hase yeeshee waxa ay arrintaasi u Muuqataa in Madaxweyne Siilaanyo aannu oofin, isla markaana aanay noqon mid hir-gasha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ dad badan ma iman eh mise dhanka iyo dunbuluq dadka ba mala ku badnayn

 

any way Somalina ,, Boqor raabi lama xirin wala xidhay there is a difference awoow ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this