Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Igad suggest UN recognized referendum for Somaliland Should not be excluded

Recommended Posts

IGAD-300x293.gif

 

Urur-goboleedka IGAD oo Shaaca ka Qaaday inuu Diyaar u Yahay Gacan-siinta Madaxbannaanida Somaliland

Tuesday, 18 January 2011

Ururka IGAD diyaar buu u yahay inuu gacan ka geysto haddii bulshada Soomaalidu isla gartaan in shacabka Somaliland afti loogu qaado madaxbannaanidooda dalnimo”

“Xoghayaha Guud ee IGAD

 

Jabuuti (TogdhNews)- Urur-goboleedka IGAD, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday inay gacan weyn ka geysan doonaan afti dadweyne lagu xaqiijinayo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sidaa waxa ku dhawaaqay Xoghayaha Guud ee IGAD Dr. Maxbuub Xasan oo ka hadlayey munaasibad ballaadhan oo habeennimadii Isniinta dalka Jabuuti loogu sameeyey xuska sannad-guuradii 25aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay urur-goboleedka IGAD oo ay ku bahoobeen dalalka mandaqadda bariga Afrika.

 

Mr. Maxbuub waxa uu sheegay in ururka IGAD kaalin weyn ka qaatay aftidii shacabka Koonfurta Suudaan dhowaan ugu codeeyeen inay ka madaxbannaanadaan dalweynaha Suudaan, arrintaas oo uu ku tilmaamay guul taariikhi ah oo fure u noqon karta in shucuub badan oo Afrikaan ah ku helaan xuquuqdooda aasaasiga ah.

 

“Urur-goboleedka wuxuu kaalin weyn ka qaatay aftidii dadweynaha Koonfurta Suudaan ugu codeeyeen xaqa aayo-katashigooda, sidoo kalena ururka IGAD diyaar buu u yahay inuu gacan ka geysto haddii bulshada Soomaalidu isla gartaan in shacabka Somaliland afti loogu qaado xaqa madaxbannaanidooda dalnimo ee ay hore ugu dhawaaqeen, taasna aad baannu u soo dhoweynaynaa,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Urur-goboleedka IGAD.

 

Waxa kaloo Dr. Maxbuub Xasan carrabka ku dhuftay in IGAD wado qorshe lagu caawinayo degaannada Soomaalida ee abaaraha baahsan ka jiraan, isagoo xusay inay hay’adaha Qaramada Midoobay u weydiin doonaan dadkaas kaalmo bani’aadamnimo oo lagaga badbaadiyo khataraha abaaraha ku dhuftay meelo kala duwan oo ka tirsan Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Kulankaas oo ay ka qaybgaleen Ra’iisal-wasaaraha Jabuuti, dhammaan safiirrada dalkaas u fadhiya dunida, madaxda waddama Urur-goboleedka IGAD iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxa kaloo xoghayaha guud uu kaga warramay waxqabadkii ururkiisa muddada 25ka sannadood ah ee uu jiray.

 

Xoghayaha Guud ee IGAD Mr. Maxbuub Xasan iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey, ayaa socdaal dhawr maalmood qaatay ku yimi Somaliland dabayaaqadii sannadkii la soo dhaafay ee 2010, kaasoo uu wax badan kaga ogaaday xaaladda dhabta ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waa markii ugu horreysay ee Urur-goboleedka IGAD si cad ugu dhawaaqay inuu taageero tallaabo kasta oo shacabka Somaliland ku xaqiijinayaan madaxbannaanidooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Djibouti is turning.

 

Kenya is turning

 

Igad is turning.

 

AU is turning.

 

Arab countries are turning.

 

And eventually Somalia will turn one day or else it will have to face the consequence

of alienating itself completely.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Did you not read this part?

 

"Urur-goboleedka wuxuu kaalin weyn ka qaatay aftidii dadweynaha Koonfurta Suudaan ugu codeeyeen xaqa aayo-katashigooda, sidoo kalena ururka IGAD diyaar buu u yahay inuu gacan ka geysto haddii bulshada Soomaalidu isla gartaan in shacabka Somaliland afti loogu qaado xaqa madaxbannaanidooda dalnimo ee ay hore ugu dhawaaqeen, taasna aad baannu u soo dhoweynaynaa,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Urur-goboleedka IGAD” Go’ida SL waxay u taalaa Somali oo dhan from Raas casayr to Raas Kambooni, so it is not up to your clan only to decide. When the time comes aftida waxaa laga qaadayaa 3daada magaaladood oo kaliya, markaas hadad rabtaan ama go’a ama **** biciid gala, no one cares.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bilan hada lugu heshiyo waxa weye haday labadi dall eeh isku biiray lixdanki ay ogaladan in afti laga qaado dalki Go'aya the same way Eritrea afti looga qaaday , khariirada Jamhuuriyada Somaliland ba aftiga laga qaadaya

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Xaaji you know and and i Know even kii Fu'aad Aadan Cade said Sool, Sanaag and Awdal ma rabaan inay go'aan, mida kale taariikhda cusub jooji wax laba wadan ahaa ma jirin, Somalia waligeed waxay ahayd mid.....laakiin hadii aan hadalkaaga kuu raaco oo khariidada beenta ee tolkaa samaysatay la raaco, do you agree inay sheekadu u taalo Somali oo dhan ee aysan ku koobnayn SNM?? waa inay Somalidu ogalataa in afti la qaado marka hore.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qodax Qorax;688513 wrote:
Djibouti is turning.

 

Kenya is turning

 

Igad is turning.

 

AU is turning.

 

Arab countries are turning.

 

And eventually Somalia will turn one day or else it will have to face the consequence

of alienating itself completely.

Indeed no one can ever stop the will of the people

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

bilan;688517 wrote:
Xaaji you know and and i Know even kii Fu'aad Aadan Cade said Sool, Sanaag and Awdal ma rabaan inay go'aan, mida kale taariikhda cusub jooji wax laba wadan ahaa ma jirin, Somalia waligeed waxay ahayd mid.....laakiin hadii aan hadalkaaga kuu raaco oo khariidada beenta ee tolkaa samaysatay la raaco, do you agree inay sheekadu u taalo Somali oo dhan ee aysan ku koobnayn SNM?? waa inay Somalidu ogalataa in afti la qaado marka hore.

Somali iyada ba teeda gacanta ku hayn marka maxa keenaya inay wax ka sheegeen Qadiyadayada mida labaad weynu eegi jamhuuriyada Somaliland siday afti u dhacdo weynu arki hada bay timado yaan waxba la speculate gereyn uun baan leeyahay anigu , Anigu khariirada maan samayn wa xuduud calaami ah oo la aqoonsanyahay oo ay dhigtay boqortooyadi ingriiska eeh beri ka talin jirtay jamhuuriyada Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Bilan, Xaji waa nin madax adag oo if you have him touch a concerete wall, he will argue "it's not a wall, it's a republic of somaliland". Runta wuu arkaa but let him entertain himself..

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Allow Alle, walee Runtaa Xaajiga inuu yahay nin meel laga haysto, Xaaji horta ma akhrisay waxaad soo dhejisay, it is black and white, SL ma go'i karto iyadoon fasax ka haysan Somalia, which part do you not understand. Somalia teeda ha la'aato meel is not the argument, as long as Somalia aysan ku furin hade adigu isma fasakhi kartid. the IGAD position is good for Somalia and bad news for SL

Share this post


Link to post
Share on other sites

IGAD oo Shaaca ka Qaaday inuu Diyaar u Yahay Gacan-siinta Madaxbannaanida Somaliland

 

Bilan ama somalidu ha jecladaan ama ha ooyaan ama ha is layaan , ama africaan ha u yeeshan ama xabashi ha u yeedhaa. Somaliland tagtay oo ta ku quuso

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

hade tagidu maxay faa'iido leedahay hadaan marna lagu aqoonsanayn, 20 sano baad ku hayseen waa tagnay, mida kale warka wada akhri Igad oo gacan siinaysa ictiraafka SL laakiin shuruudu maxay tahay, mise intaas markaad akhriday uun baad la soo booday, shuruddu waxay tahay haday waa hadii bulshada Somalida isla gartaan in afti loo qaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

bilan;688544 wrote:
hade tagidu maxay faa'iido leedahay hadaan marna lagu aqoonsanayn, 20 sano baad ku hayseen waa tagnay, beenta shacabka loo sheegayeyna wuxuu ahaa ictiraafkii baa albaabka soo garaacya, laakiin maanta waxaa ogaateen albaabkii ictiraafka ka soo gali lahaa inay Somalia fadhido. Xaajiyow maanta waa maalin guul u ah Somaliweyn.

Somaliweyn ma ta ololeysa mise ta Kenya hoos joogta Mize tu malaz xukumo , wali dad ba indhaha isku haya;), Mise ta sh dalxiis ciidanka u tababaraysa ;) Somaliland dalkeeda iyada xukunta cirka dhulka beriga bada shacabka dhulka kheyraadka Taasa la yidha Independence.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Awoowe you need our permission slip to secede from the union.

 

Keep on dreaming though, you aint going nowhere!

You should've changed your name to HargeysaLand instead of DHUL SOOMALIYEED. Dhulka anagaa leh, or UNUKAA LEH! lol...

 

What was that song by Shimaali? it went something like "CIIL BADANAA...blah blah...CIIL BADANAA" ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Somaliland has the upper hand they can wait and keep enjoying their peace & development Inshallah recognition will come in the right time. There is no rush.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this