Sign in to follow this  
Somalina

Somalia is starving

Recommended Posts

Jibreel   

Somalis and their counterparts else where are suffering - and their plight is a profit to the henchmen in power. Hopefully, some curse will someday befall upon all the henchmen for only then can salvation come to our people. The least we can do is to pray for them; and pray we must.

 

Jibreel.

Share this post


Link to post
Share on other sites
hamza   

peasant;684112 wrote:
Farxad%204.jpg

 

people are starving and here they are zipping coconut juice! where is the xaq?

walal nimanka dinta u halgamaya faraha ka qad. abaar iyo aaran Ilahayah ba kenay asagana qado.

 

in biyo la cabo dinta mesha ay diideyso ken? ma dhaylo iyo basta alfutnati maad ujeda biyo le mesha yale

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

WFP oo raashin farabadan ugu deeqday Somalida Yemen.

 

Cadan: (Sh. M. Network) Hay’adda Cuntada u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa raashin qiimo ahaan gaaraya 53 milyan oo doolarka Maraykanka waxaa ay ugu deeqday qaxoootiga Soomaaliyed ee ku nool dalka Yemen.

 

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee WFP ayaa shaaca ka qaaday in raashin mucaawano ah oo qiimo ahaan gaaraya ilaa 53 milyan oo doolarka Mareykanka ay ugu tala galeen qaxootiga Somaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Yemen.

 

Agaasimaha xafiiska raashinka ee hey’adda qaxootiga aduunka UNHCR ee dalka Yemen Cabdi Qani Nuuriin ayaa hadalkaasi ka sheegay kulan gaar ah oo uu la qaatay guddomiya gobolka Laxaj ee dalkaasi, isagoo carabka ku dhuftay in WFP ay ugu tala gashay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Yemen islamarkaana ka cararay dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya 66 kun iyo 300 tan oo gaalmo bani’aadannimo ah.

 

Waxa uu hoosta ka xariiqay agaasimaha UNHCR Cabdi Qani Nuuriin in kaalamadaasi la gaarsiin doono Somalida ku nool ilaa 21 gobol oo ku yaala gudaha dalkaas Yemen.

 

WFP ayaa sheegtay in ay kaalmo bani’aadannimo ay siiyo ilaa iyo 30 kun oo qaxooti Soomaali ah kuwaasoo ku nool deeganada Aden, Abyan, Laxij iyo Shabwah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ku dhawaad 5 qof oo abaaro iyo Macluul ugu geeriyooday Galgaduud

 

Cadaado: (Sh. M. Network) Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ku dhawaad 5 qof abaaro iyo macluul darteed ay ugu geeriyoodeen qaar ka mid ah deegaanada uu ka taliyo Maamulka Ximan iyo Xeeb, iyadoo dhinaca kalana abaartaasi dad kale ay la ildaranyihiin.

 

Sida uu ku waramayo Cumar Max’ed Diiriye oo ka mid ah masuuliyiinta Maamulka Ximan iyo Xeeb deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud gaar ahaan kuwa hoostaga Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa ka taagan abaar xoogan oo saameeyay nolosha dadka iyo duunyada.

 

Waxaa uu sheegay in abaartaasi iyo macluul halkaasi ka jirta oo isbiirsaday ay u geeriyoodeen ilaa 5 qof oo isugu jira haween iyo Caruur kuwaasi oo intooda badan ka soo jeeday qoysas xoolo dhaqato ah oo dunyadoodii ku waayay abaaraha xiligaan ka jira bartamaha dalka Soomaaliya.

 

Deeganada laga soo sheegayo abaarahaani ayaa wali waxaa ku dhibaateysan qoysas farabadan oo la ildaran xanuuno kala duwan oo loo sababeynayo in ay ka dhasheen baahida ka dhalatay abaartaasi.

 

Qoysas farabadan oo ka soo cararay abaaraha ka jira deegaanada mayiga gobolka Galgaduud ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ay ku dhawaaneyeen magaalooyinka waweyn ee gobolka Galgaduud si ay nolol wanaagsan u raadsadaan.

 

Waxaa jiray baaqyo ka soo yeeray maamulada ka jira dalka Soomaaliya oo hay’adaha samafalka looga dalbanayay inay ku caawiyaan qoysaska abaaruhu ay saameeyeen ee ku dhibaateysan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya walow aysan jirin ilaa iyo hadda cid baaqyadaasi ka jawaabtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Abaaraha ka jira Deegaannada Puntland

Madaxa Hay'adda Arrimaha Bani'aadaminimada iyo Maareynta Musiibooyinka Dabiiciga ah, Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed (Ceyroow) ayaa sheegay in roobabkii Dayrtu ayna ka di'in meelo badan oo Maamul-goboleedka Puntland ka mid ah, iyadoo meelihii koobnaa ee ay roobabku ka da'eenna ay dadka iyo duunyadii ay abaartu saameysay ku xoomeen taasoo goobihii roobka yari ka da'ay culays dheeri ah saartay.

Madaxa Hay'adda ayaa sheegay in xiligii Dayrtu uu hadda dhamaaday.

Wareysiga oo dhameystiran, hoosta ka dhageyso.

http://www.voanews.com/somali/news/Abaaro-Baan-oo-ka-jira-Puntland-112861264.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Sidee looga hortegi karaa waxyaabaha abaaraha Soomaaliya keeni kara:

 

1. Biyaha oo si wanaagsan loo maamulo.

Biyo la’aantu(yaridu) waa waxyaabaha saldhiga u noqon karaa in ay abaari timaado,si biyaha loo ilaaliyo ama looga faa’ideeysto si habboon ayaa ah kuwo aan lagu soo koobi Karin qormo,balse waa moowduuc aad u balaaran,hase ahaatee waxaa loo baahan yahay in la sameeyo;

 

a) biyihii roobka ee da’ay waa in la kaydsado ama la joojiyo oo meel lagu shubto( rainwater harvesting),si loo isticaalo xiliyada abaarta sidoo kale waa in la ururiyo macluumaad ku saabsan biyaha la isticmaalayo iyo dadka meesha ku nool qiyaastooda, tiro inteey le’eg yihiin ,si loo ogaado dadku biyaha ay haystaan iyo inta ku filan xiligaas.

 

b) Hagaajinta biyo xireeno yaryar(biyo qabatino),si loo hubiyo in aad biyo hesho waa adigoo sameeya biyo qabatino,si ay kuugu joogaan biyuhu oo aad ka faa’ideeysato.

 

c) biyo dhacyo cusub oo sameeysma ayaa imaan kara marka cimiladu isbedesho, sidoo kalana xaalufinta dhirta waxay sababtaa nabadguur dhulkii ku yimaada ,taasoo dhibaato u geeysata togagii iyo laagihii ay biyuhu mari jireen iyo dhul beereedkiiba,si aad taas uga hortagto waa inaad had iyo jeer la socotaa,wixii isbedel ah oo soo kordhay oo dhulkii ku dhacay,si meeshii u baahan waxqabad aad u sameeysid.

 

2) Daaq yaraanta (dhulka oo aad daraasadeeysid daaqiisa guud ahaa)

 

Somaalidu waa dad reer guuraa ah 75% kii ,balse hada waaba ka yar yihiin oo magaaladeey soo galeen abaaro dartood iyo xoolihii oo dhamaadey,dhaqaalaha miyiga iyo magaaladuba waxuu ku xiran yahay xoolaha nool,hadii ay ku dhacdo abaarna,waxaa hubaal ah oo shaki ku jirin in ay magaalooyinkana abaari ka dhacayso,sidaa daraadeed waxaa khasab ah in dhulka laga ilaaliyo wixii nabadguurkeeni kara iyo waxii daaqa yareeyn karaba,lana helo siyaasad loogu noqdo miyigii oo lagu hayo xoolihii.Si taas loo sameeyana waa in la helaa dad aqoon u leh daaqa,maamulkiisa,iyo barashada cilmiga daaqa guud ahaantiisba

 

(Botany and range management).

 

3) Nabadguurka ku dhaca dhul daaqsimeedkii oo lala socdo.

 

Dalka somaliyeed waxaa aad u xoog badan oo si xaawli ah ku socda nabadguur aad u daran,waxaana dabar go’ ku jira noolaha iyo ma noolahaba.nabadguurka waxaa lagu sheega in ay hormuud ka yihiin arimaha ay ka mid yihiin;jaridda dhirta,dhirta dhuxusha laga dhigto oo aad loo gooyo,guurguurka reer miyiga iyi xoolahoodaba,dhaqaalo la’aan jirta awgeed oo aysan ku degi Karin meel cayiman, biyaha roobka sida daadka u socda oo aan laga faa’ideeysan oo keena nabadguur ciideeed(soil erosion),si looga hortago in ciidii nafaqada lahayd dhulkii ka dhamaatana waa in la helo habab lagu joojin karo,waxayna keeneeysaa arintaasi in wax soo saarka beeraha yaraadaan.

 

Muxuu xalku noqon karaa:

Maadaama ay soomaaliya horey u soo martey abaaro,sida ku cad qoraalada oo ay ka mid yihiin,Abaartii Koombaaley,Agoosto,Dabadheer iyo qaar kaleba,kuwaasoo galaaftey dad iyo duunyaba,si looga faa’ideeysto aqoonta iyo waayaha wixii ku soo marey,waxaan isleeyahay waxaa looga hortegi karaa;

 

In la sameeyo khubaro cilmi u leh abaaraha iyo xaalufka dhulkaba si ay u soo diyaariyaan daraasadyo sheegaya habkii iyo xeeladii wax looga qaban karo.

In la sameeyo oo la helo sharci adag oo lagu dhaqo ilaalinta deegaanka,laguna qaado qofkii ama kooxdii ku xadgudubta.

In la hello waxyaabo bedela dhuxusha sida qoraxda,dabeeysha iyo kiriosinka iwm.

In la helo iskoolo(dugsiyo) lagu barto waxyaabaha la xiriira barashada noolaha iyo deegaanka uu ilaahay ku abuurey ama xiriirka ka dhexeeya noole iyo mid kale iyo deegaanka ku wareegsan(Study of ecology).

In la ilaaliyo waxyaabaha keenaya nabadguurka ciida(soil erosion,lana sameeyo ama la abuuro dhirta waaweeyn(forestry plantation) iyo beeritaanka dhirta abaarta u adkeeysata,isla mar ahaantaasna la abuuro dhir si degdeg ah ku bixi karta,si looga faa’ideeysto in la hakiyo dhirta dhuxusha laga shito,tiirarka kuwa laga dhigto,kuwa xabkaha laga goosto,isla markaasna dhirtaas la abuurey waxay daryeel u tahay ciida,roobabkana waa kordhin karaan.

In la kala qorsheeyo dhulka beereedka iyo kan xoolo dhaqatada daaqsinka u ah(lakala saaro),sidoo kalana lakala saaro dhulka daaqsinta ah iyo dhulka laga cabbo ee xooluhu u soo biyo doontaan,si loo ilaaliyo nabadguurka ay reer miyiga iyo xoolahubu ku keeni karaan dhulka daaqsinta ah,markey xooluhu cabayaan,taasoo aan ula jeedo in lakala fogeeyaa ama in dheer leeysku jirsiiyo ceelasha( water point) iyo dhul daaqsimeedka.

 

Ilaahoow Abaaraha,colaadaha iyo dhibkaba,soomaali ka saar.

 

Ahmed Y. Madoobe

Ahmedmahamoud31@yahoo.com

 

Aqriso qoraalka oo dhan at http://horseedmedia.net/2011/01/04/abaaraha-soomaaliya-ee-soo-noqnoqdey/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

I can't watch the clip now, but I understand in abaar ba'ani Soomaaliya goobo ka mid ah ka dhacday. Ilaah haka qaado dalkeenna abaarta iyo colaadaha, inta aan liidanna ha u siyaadiyo horumarkooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Hay'adda ICRC oo sheegtay inay kordheen dadka Soomaaliyeed ee u baahan gargaarka bani'aadamnimo

 

somalia-news-nr-1.jpg

 

 

Arbaco, 05 Janaayo, 2011 (HOL) − Hay'adda ICRC, ayaa warbixin ay maanta oo Arbaco ah soo saartay ku sheegtay, in dagaallada ka sii socda Soomaaliya ay xaaladda kasii dareen, ayna ku qasbeen in ka badan hal milyan oo qof inay u baahdaan gargaar bani'aadamnimo oo caalami ah.

 

Warbixinta, ayaa lagu sheegay in hay'adda ICRC oo kaashanaysa hay'adda bisha cas ee Soomaaliyeed, ay soo gabgabeeyeen gargaar ay u qaybiyeen 540,000-qof oo ka mid ah barakcayaasha ku nool jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, kuwaas oo la siiyay raashin iyo maacuunta guryaha.

 

"Dagaallada ka socda Soomaaliya, muddada labaatanka sano ah, xaaladda ayay ka dareen, waxayna sii adkeeyeen nolosha dadka," ayuu yiri madaxa guddiga ICRC ee Soomaaliya Pascal Mauchle.

 

"Tobanaan kun oo shacab ah, ayaa dagaallada awgood uga barkacay Muqdisho bilihii ugu dambeeyay. Wax-soo-saarkii beeraha hoos ayay u dhaceen, qiimaha lagu iibsado raashinka sare ayuu u kacay, dadkuna ma heli karaan lacago ay ku gataan waxay u baahan yihiin, xitaa haddii ay suuqyada ku arkaan. Sidoo kale xaaladda dhaqaalaha waa mid liitada, dadkuna waxay la tacaalayaan sidii quutul-yoonkooda ku heli lahaayeen, tanina ma ahan mid ku eg deegaannada ay dagaalladu ka jiraan, ee waa dalka oo dhan, oo ay ku jiraan qaybaha waqooyi," ayuu Mauchle hadalkiisa ku daray.

somalia-news-nr-2.jpg

 

ICRC, ayaa warbixinteeda ku sheegtay in todobaadyadii lasoo dhaafay, in iyadoo kaashanaysa bisha cas ee Soomaaliyeed ay siiyeen barakacayaasha tiradoodu gaarayso 240,000 oo qof raashin isugu bariis, saliid iyo digir ay isticmaali karaan laba bilood, baco ay ku dataan guryaha macmalka ah ee ay daggan yihiin, sanaadiiq ay digaagado ku jiraan.

 

Sidoo kale, hay'addu waxay sheegtay in 300,000-qof, oo isugu jira barakacayaal, agoon iyo haween guri-joogto ah, ay siiyeen gargaar kala duwan, kuwaasoo ku kala nool: gobollada Shabeellada hoose, Gedo, Bakool iyo Bay oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya, Hiiraan iyo Mudug oo bartamaha ku yaalla iyo Puntland.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Barakacayaal ka soo cararay Shabaab oo ku soo laabtay Muqdisho.

Muqdisho: (Sh. M. Network) Qoysas barakacayaal ah oo horay ugu cararay dagaalada ka jira Magaalada Muqdisho islamarkaana gaaray deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada kadib markii ay dhibaatooyin kala kulmeen Xarakada Al Shabaab.

 

Afartii sano ee la soo dhaafay ayaa dadka reer Muqdisho waxaa ay marti u noqdeen barakac lixaad leh oo ay sameynayeen qoysaska reer Muqdisho oo ku kala sugan xaafadaha iyo degmooyinka gobolka Banaadir kuwaasi oo badankooda u barakacay dhabaha xariiriya Muqdisho iyo Afgooye.

 

Iyadoo taasi ay jirto ayaa hadana waxaa jira qoysas aad u farabadan oo saacadihii la soo dhaafay ka soo noqday deegaanada loo barakacay xili wali magaalada ay ka socdaan dagaalo la mid ah kuwii 4 sano ka hor ay uga barakaceen magaalada.

 

Qoysaskaani ayaa soo laabashooda waxaa ay ku macneeyeen inay u adkeysan waayeen dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku hayeen AL Shabaab iyo iyagoon mudo 2 sano ah aan wax gargaar ah ka helin hay’adaha samafalka kagadaal markii xarakada Al Shabaab ay ka mamnuuceen hay’adihii samafalka ee caawin jiray dadka danta yar.

 

Qoysaskaasi dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay deegaansadeen xaruntii hore ee Ruushka ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka muuqday diif iyo dhibaato xoogan iyadoona qoysaskaasi ay wateen caruur da’doodo ay aad u yartahay.

 

Qaar ka mid ah qoysaska Barakacayaasha ee saacadihii la soo dhafay ka soo cararay deegaanada duleedka Muqdisho oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in dhibaato xoogan ay heysato, iyagoo hay’adaha gar gaarka iyo dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ka dalbaday in ay dib u dajin u sameeyeen

 

Maalmihii u dambeeyay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray qoysas qaarkood xoolo dhaqato iyo kuwa Barakacayaal ah oo ka soo cararay deegaanada ay Maamulaan Xarakada Al Shabaab waxaana dadkaasi dantu ay biday inay dib ugu soo laabtaan magaaladii ay markii hore dagaalada uga carareen, kagadaal markii ay Al Shabaab ka hor istaageen hay’adihii gargaarka u fidin jiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

UN Envoy Calls On Government to Help Droughts Affected People

 

Mogadishu — Augustine Mahiga, the United Nations' special envoy for Somalia on Tuesday called the officials of the transitional federal government of Somalia to act quickly to help those who severely affected by the droughts hit many regions in the nations.

 

After a surprise trip to Mogadishu on Tuesday, the UN representative to Somalia, noted that it is important for the government to enhance and assure the overall security atmosphere of war-ridden horn of Africa nation, adding if the security gets better and better the international community will have the ability to come to the nation and assist the needy Somali internally displaced people.

 

Ambassador Mahiga told the media that he and the prime minister of Somalia discussed how the government can do more about the droughts struck the south-central Somalia as TFG are not able to reach all those places where Al shabaab, which declared its allegiance to Al Qaeda network.

 

he statement of UN comes as severe droughts hit parts of Somalia and many people fled from the mainly ethnic Somali region in eastern Ethiopia on Friday reached at parts in Galgudud region in central Somalia.

 

Witnesses in the region told Shabele that hundreds of families displaced from the regions in eastern Ethiopia because of water shortages.

 

Reports from Somalia's semi-autonomous state of Puntland say that hundreds of rural people had been affected by water shortages.

 

People say that a lot of their domestic animals died of thirst and that had impelled them to flee from their villages looking for water and food.

 

Most of southern and central Somalia, where Al shabaab controls, are experiencing severe droughts.

 

Shakir Ahmed, a local elder, said that about 500 domestic animals died from lack wet hay to graze and water to drink, adding local people in southern Somalia are, right now, facing both shortage of water and food.

 

"The drought affected places are the makeshift sites of thousands of people who displaced from ongoing violence in Mogadishu," Ahmed told a local radio station.

 

Some of Somali parliamentarians called for aid agencies to act quickly to assist droughts affected areas in Somalia.

 

However, Somalia's Al shabaab has already banned more that 20 international relief agencies from operating in regions they control.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasiirku ku xigeenka arrimaha Gudaha: "Si caddaalad ah ayaan u qeybineynaa Deeqda na soo gaartay"

 

gudaha1.jpg

 

Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay Kaalmo ka soo gaartay Dowladda Imaaraadka Carabta oo loogu talo galay dadka Abaarahu saameeyeen dhawaan la qeybin doono.

 

Mudane Ibraahim **** Yarow ku Xigeenka wasiirka wasaaradda arriamah gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadad Federaalka KMG-ka ee Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id u qabtay qaar kamid ah saxaafadda ayaa sheegay in ay wasaaradda arrimaah Gudaha iyo amniga qaranka guddoontay Deeq macaawino ah oo ka kooban qaar kamid ah nuucyada raashinka islamarkaasna ay Dowladda imaaradaka Carabta ugu talo gashay inay ku cawiso shacbiga Somalaiyeed, waxa una tilmaamay in deeqdaasi ay tahay mid aad u yar oo aan daboli Karin baahida Shacbiga Soomaaliyeed,isago carabka ku dhuftay inay wasaaraddu ku gaarsiin doonto shacbiga qaab cadaalad ah lana marsiin doono nidaam sharcoi ah.

 

Deqdaasi ayaa ka koobneyd 149 Ton oo ay waday doon yar kuwaasoo kala ahaa 25 Tonn oo Sonkor ah, 29 Ton oo bariis ah , 10 ton oo caano ah, 62.5 Ton oo Bur ah, 20 Ton oo baasto ah iyo 2.5 Ton oo Timir ah, waxa uuna hosta ka xariiqay inay lagama maarmaan tahay inay shacbiga Soomaaliyeed ay si sinnaan ah ku gaarto deeqdaasi.

 

Wasiir ku xigeenka ayaa ahoosta ka xariiqay inay sugayaan Dowlado kale oo ballan qaaday inay gurmad degdeg ah u fidinayaan Shacbiga Soomalaiyeed ee ku dhibaateysan abaaraha ka jira gobollo faro badan oo ka tirsan dalkani Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Bulshada caalamka, jaamacadda Carabta iyo Dowladaha islaamka in ay deeq lasoo gaaraan dadka Soomalaiyeed ee dhibaateysan.

 

Waa deeqdii ugu horreysay ee ay Dowladdu ka guddoonto dalalka Carabta taas oo loogu talo galay Shacbiga Soomalaiyeeed ee abaaruhu saameeyeen tan iyo markii ay Xukuumadda Soomaaliya guddi ay hormuud ka tahay wasaaradda arrimaah Gudaha iyo Amniga qaranka u saartay inay gurmad la gaaraan dadka Soomalaiyeed ee ku dhibaateysan dalka.

 

dsc09195.jpg

dsc09197.jpg

dsc09238.jpg

dsc09239.jpg

dsc09250.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Malaayiin qof oo ay abaaro saamaysaysay Sooomaaliya

Guddiga maaraynta iyo gurmadka xaaladda abarta ee ka taagan Puntland ayaa soo bandhigay qiimayn ku saabsan baaxadda iyo heerka waxyeellada abaarta ka jirta Puntland taas oo ay iska kaasshadeen guddi isugu jira maamulka iyo hay'adaha caalamiga.Qiimayntu waxay tilmaamaysaa in dad ka badan hal milyan ay abaartu saamaysay. Wariyaha BBCda Axmed M.Cali ayaa arrimahaas ka waraystay wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga oo isagu guddoomiye ka ah guddiga gurmadka abaaraha.

 

http://www.bbc.co.uk/somali/war/2011/01/110106_abaaro.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

May Allah help for those who are in need in thier own turf and neglegted by their own sons. I may be a pissimist, istaqfura'llah, a realist I meant to say; it appears our people will be suffering for sometime to come..... If we want to see a genuine change in Somalia, let us be honesty to ourselves and review how we treat to one another..... All statics or numbers for that matter indicate that Somalis are not yet ready for a change thus, suffering will continue, numbers don't lie. Hope I'm the only crazy guy who is singing into a vacuum.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

:), aamiin to your du'a. You are certainly entitled to your opinion.

--------------

 

Abaaraha ka jira Jubbooyinka iyo Shabeelooyinka

Dhageyso

http://www.voanews.com/somali/news/Abaaraha-ka-jira-Jubbooyinka-iyo-Shabeelooyinka-113070369.html

 

----------------

 

Abaaraha ka jira Gobollada Bay iyo Bakool iyo SL

http://www.voanews.com/somali/news/Abaaraha-ka-jira-Bay-Bakool-iyo-Somaliland-113070084.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this