Sign in to follow this  
Somalina

Somalia is starving

Recommended Posts

Somalina   

Muqdisho: (Sh. M. Network) Mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa maanta isku raacay in xildhibaan kasta laga jaro boqol doolar oo wax looga qabanayo dhibaatada heysata dadka abaaruhu ay saameeyeen

 

Kulan ay maanta ku yeesheen xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya xarunta golaha Shacabka islamarkaana uu shir gudoominayay ku simaha gudoomiyaha Barlamanka ahna gudoomiye ku xigeenka koowaad C/Wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa waxaa looga dooday ajandayaal u badan abaaraha iyo dadka Soomaaliyeed ee ay saameynt ku yeesheen.

 

Waxaa ajandaha horkeenay Barlamanka gudiga gargaarka bini’aadanimada iyo daryeelka naafada ee Barlamanka Soomaaliya, iyadoo ajandahaasina maanta xildhibaanada Barlamanka ay intooda badan isku raaceen in dadka rayid ah ee abaaruhu saameynta ku yeesheen si deg deg ah wax loogu qabto, waxaana markii dambe xildhibaanada Barlamanku ay isku raaceen in mushaaraadkooda laga jaro boqol doolar si wax loogu qabto dadka dhibaateysan

 

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Barlamanka Cabdi Wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa ku dhawaaqay kadib cod gacan taag ah oo xildhibaanada Barlamanka ku ansixiyaan ajandahaasi in qodobkaasi uu yahay mid ansax ah.

 

Waxaa sidoo kale kulankaasi intii uu socday qudbad ka jeediyay gudoomiyaha gudiga gargaarka bini’aadanimada ee Barlamanka Ibraahim Xabeeb Nuur kaasi oo sheegay in ay jiraan waxqabad la’aan dadka rayidka ah, waxaana uu sheegay in 5 qof ay baahi darteed ugu geeriyootay xalay Siligii Ameerikaanka, isagoo intaasi raaciyay in uusan wadi karin howlaha gudiga uuna ugu baaqay gudoonka Barlamanka in cid kale loo dhiibo howshaani.

 

Kulanka maanta xildhibaanadu ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho aya waxaa soo xaadiray xildhibaano gaarayay 285 xildhibaan, waxaana kulanka uu ku soo idlaaday si nabdoon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Qaramada Midoobay oo $5-milyan ugu deeqday Barakacayaasha iyo dadka ay saameyeen Abaaraha

 

 

Hay’ada Qaramada Midoobay ayaa ugu deeqday dadka barakacayaasha iyo kuwa ay saameyeen abaaraha ee ku sugan degaanada Puntland lacag gaaraysa $5-milyan doolarka maraykanka si wax looga qabto xaaladaha ay ku suganyihin.

 

Xirriryaha Bin’aadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mark Bowden oo soo gaarey shalay magaalada Bosaaso ayaa ku dhawaaqay in lacagtaas loogu talagalay dadka soo barakacay ee kunool Puntland iyo kuwa kale ee ay abaaruhu saameyeen.

 

Wuxuu sheegay in lacagtaas ay ugu talagaleen in wax looga qabto xaaladdaha ay ku suganyihin dadkaas,isagoo yiri in Bosaaso ay martigelisay barakacayaal badan.

 

Mark Bowden ayaa shalay galab booqasho ku maray xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Bosaaso,waxaana lagu wadaa maanta inuu booqasho ku tego degmooyinka Waaciye iyo Qardho ee gobolka Karkaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Abaarta oo si adag u saamsayay Gobolka Togdheer iyo gaabiska ganacsatada ee gurmadka abaaraha

 

Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) – Abaarta ka jirta Gobolka Togdheer ayaa marba marka ka danbaysa sii xumaanaysa, iyadoo gaadhay meel daran, gaar ahaan Deegaamada Hawdka, Bariga iyo Woqooyiga Gobolka Togdheer.

 

Deegaamadani ay abaarta xun u saamsayay, ayay Xooluhu u dhinteen abaartan, iyadoo dad badanina oo hore reer guuraa u ahaa ay haatan ku soo xeroodaan tuulooyinka iyo magaalooyinka waaweyn.

 

Xukuumada Somaliland iyo Ganacsatada ayaan sidii la rabay isaga xilsaarin kaalmaaynta dadka abaaraysan marka laga reebo xukuumada Somaliland oo bilawgii abaraha gaadhsiiasay Deegaamada Abaaruhu ku dhufteen kaalmooyin biyo dhaamis ah oo kooban.

 

Dhanka Ganacsatada Somaliland, gaar ahaan kuwa gobolka Togdheer, ayaa ka gaabiyey doorkii ay ku lahaan lahaayeen kaalmaynta dadka abaaraysan, marka laga reebo tiro kooban oo ganacsato ah kuwaasi oo gaadhsiiyay Deegaamada abaartu ka jirto qadaro kooban oo kaalmo a oo ay ka mid yihiin biyo dhaamis iyo weliba qadar yar oo raashin ahi.

 

"Waxa ayaan-darro ah in ilaa intii ay bilaabmeen gurmadka Abaaruhu, aanay Ganacsatada gobolka Togdheer wax kaalmo ah ku ridin sanduuqa loo furay kaalmaynta dadka ku tabaalaysan abaaraha,"sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Gobolka Togdheer oo ka mid ah guddida la-tacaalidda abaaraha ee gobolka.

 

Abaarta ka jirta Deegaamada Gobolka Togdheer qaarkood ayaa ah mid aanay u adkaysankarin mudooyinka soo socda hadaan raxmaadka ilaahay ka da’in ama kaalmooyin la soo gaadhsiin dadkaasi waxaan haatani deegamada abaartu ka jirtaa qaarkood u muqdaan kuwo ayba iskaga hayaameen dadkii iyo weliba duurjoogtiba

 

Ugu Danbayntiina kaalmaynta dadka abaaraysan ee Gobolka Togdheer ayaa ah xujo hortaala Xukuumada Somaliland iyo inta wax haysata ee ganacsato iyo qurbajoogba leh.

 

Niciima Cabdi Axmed, Hiiraan Online

Shakiira03@hotmail.com

Burco, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

You should call yourself Munafiqah, pretending to care about them and in the other thread dancing about because the Ethiopians entered Somalia again...^o).

 

Really?

Share this post


Link to post
Share on other sites

There was also drought in Syria but you didn't see people starving did you? Instability is whats causing people to die of hunger. Are the Ethiopians going to improve the situation?

 

And no, I won't be banned. You just go on being a habashi supporter.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

lol...people are starving in Ethiopia, Kenya, Sudan, Yemen, etc. I can go on and on and list many more.

 

Once you start using 1 avatar, then and only then I will take you seriously until then keep exposing yourself.

 

Great news, it started to rain in the South central. Nice!

---------

 

Roobka xilliga Guga oo ka curtay deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Galguduud ee bartamaha Soomaaliya

 

abti, Abriil 02, 2011 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya deegaanno ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in 48-kii saac ee lasoo dhaafay ay ka da'ayeen roobabka xilliga guga oo ka curtay meelo badan oo Soomaaliya ka tirsan.

 

Roobabkan ayaa ka da'ay deegaanno ay ka mid tahay degmada Hobyo ee gobolka Mudug, iyadoo la sheegayo in roobabku ay yihiin kuwo xooggan, iyadoo dadka ku nool deegaannada ay ka da'een ay aad ugu farxeen, maadaama ay abaaro xooggan soo mareen.

 

Deegaannada gobollada Mudug iyo Galguduud ka tirsan ee xilliga guga uu ka curtay ayaa waxay ahaayeen meelo dhibaatooyin badan ay ku reebeen abaarihii darnaa ee ku dhuftay guud ahaa Soomaaliya, taasoo ka dhalatay laba xilli roob oo la waayay.

 

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in roobab xooggan oo ka billowday shalay gallinkii dambe deegaanka Dow-gaab, ay biriq la socotay roobka ku dishay haweenay ka mid ahayd dadka deegaanka.

 

Roobkan ayaa kusoo aadaya waqti deegaannada qaarkood ay yihiin kuwo xoolihii ku noolaa 70% ay abaaraha awgood u dhinteen iyadoo intii hartayna biyaha looga soo dhaamiyo goobo aad u fog-fog, iyadoo todobaadyadii iyo bilihii lasoo dhaafayba ay dadka ku nool deegaannadaas wadeen ducooyin iyo salaado roob-doon ah.

 

Cilmi Kulan Geeddi

ckg114@hotmail.com

Gaalkacyo, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maamulka gobolka Bari oo ka warbixyay gurmad la gaarsiiyay dadka ay abaaruhu ku haystaan gobolkasa

 

alaado, Abriil 05, 2011 (HOL) – Gudoomiyaha gobolka Bari oo ka hadlayay shir uu ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan abaaraha ka jira meelo ka mid ah gobolka oo aad u sii kordhaya.

 

"Abaaraha waxa ay curyaamin ku keeneen noloshii dadkii baadiyaha joogay iyo kuwa gudaha intaba "ayuu yiri gudoomiyaha oo warbaahinta la hadlay.

 

Waxaa kaloo C/xaafid Cali Yuusuf uu ka digay masiibada arintan ka imaan karta ,isagoo bulshada ugu baaqay in ay badiyaan alle ka cabsiga si looga gudbo dhibaatada hada jirta. "Dadka waxaa laga doonayaa in ay ka toobad keenaan khalaadaadkii horay uga dhacay ,maadaama umadda abaar lagu saliday"ayuu yir gudoomiyaha isaga oo ku sugan Bosaaso.

 

Gudoomiyaha ayaa ka sheegay in degmooyinka Baagaal,Qandala,Iskushuban iyo Ufayn la gaarsiiyay raashin aad u badan si loo taageero dadka abaaraha ku cayroobay. "Raashinka waa mid dhowr qaybood isugu jira oo aan ku caawinayno dadka dhibaataysan "ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf.

 

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheeegay in si wanaagsan loo maamulay lacag dhawaan loo aruuray dadka abaaraysan ,taasi oo qaybo badan isugu jirtay si dadka loogu caawiyo. Maamulka gobolka Bari ayaa ku baaqay sidii gacan looga gaysan lahaa caawinta dadka dhibaataysan ,waxaana uu canbaareeyay ganacsato uu sheegay in aysan ka qayb galin gurmadka abaaraha Puntland.

 

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Bosaaso,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Roobab ka curtay Deegaannada Galbeed ee gobolka J/hoose

 

Khamiis, April 07, 2011(HOL): Xilli abaarta iyo biyo la’aanta ka jirta gobolka J/hoose ay tahay mid aad u daran islamarkaasina ay u le’deen dad iyo xoolaba ayaa waxa ay Roobab lixaad leh oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada waxa ay ku curteen qaar katirsan deegaanada ku yaal galbeed gobolka J/hoose.

 

Deegaanada ay roobabka ka da’een ayaa waxa kamid ah deegaanka Kaamjaroon, Beerxaani, Baqdaad, Duriyo iyo deegaana kale oo hoosyimaada oo dhamaantoodba ka tirsan gobolka J/hoose islaamarkaasina ah deegaano ay ku noolyihiin dad xoolo dhaqato ah.

 

Roobabka ayaa ahaa kuwo aad u culus islamarkaasina buuxiyay dhamaanba harooyinkii ay ka cabi jireen xoolaha oo iyagu ahaa kuwo guray, sida ay noo xaqiijiyeen dadka ku dhaqan deegaanada ay roobabka ka curteen ee gobolka J/hoose, waxaana roobabkani si weyn u soo dhaweeyay xoolaleyda ku dhaqan gobolka J/hoose oo ay saameyn balaaran ku reebtay abaarta ka jirta dalka Soomaaliya.

 

“Dhibaatada heysata xoolaleyda waa ka weyntahay wax afka laga sheego, biyo ay xoolaha cabaan iska daaye waxa la waayay wixii ay dadka cabi lahaayeen, Ilaah ayaa mahad iska leh oo ina waraabiyay xilli ay xaaladu aad u adagtahay,” ayuu yiri Aadan Salaad oo ah nin xoolaley ah islamarkaana HOL u waramayay.

 

Iyadoo ay roobab ka curteen qaar katirsan deegaanada galbeed ee gobolka J/hoose, ayaa hadana deegaano badan oo katirsan Jubooyinka waxa ka jira abaar iyo biyo la’aan aad u daran, haseyeeshee dadka xoolaleyda ayaa iyagu ah dad had iyo jeerba aan ka noogin baryada Allaah oo ay ku weeydiisanayaan Raxmadiisa.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

hnur@hiiraan.com

Kismaayo, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Roobab ka curtay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo dadkii reer Miyiga ahaa oo ay rajo soo gashay

Isniin, Abriil 18, 2011 (HOL) – Inkastoo ay adagtahay in markiiba ay ka soo kabtaan dad xoola dhaqatada ah diifta iyo diihaalka ay ku reebtay abaartii kululeyd ee soo martay, ayaa haddana dhinaca kala waxaad moodaa in hadda rajadu tahay mid hagaagsan.

 

Wararka saacadihii ugu danbeeyay laga helayo deegaannada ay ku nool yihiin dad xoola dhaqatada ah ee ka fog biyaha wabiga shabelle ayaa sheegaya in meelaha qaar ay ka da'een roobab lagu qabowsaday, islamarkaana biyo dhigay togag in muddo ah qalalnaa, inkastoo haddana roobabkaasu aheyn kuwo u xoog badan sidii loo baahnaa.

 

Dadka xoola dhaqatada ah oo marka laga soo tago baadka dhibaato ba'an ku qaban helista biyo ku filan, ayaa siweyn u hadal haya bilowgga raxmada Eebe, waxaana ay rajo badan ka qabaa in ribicda roobku si wanaagsan ugu dhacdo dhulka jilaalku ku raagay, taasoo ah dariiqa kaliya oo ay uga bixi karaan iyaga iyo xoolahooda biyo la'aanta ku raagtay.

 

Laakiin haddana dhinaca kale marka aad eegto roobabka hadda ka curtay qeybo badan oo ka mid ah degaannada dhaca bartamaha Soomaaliya, ma'aha kuwo markiiba dadku uga maarmi karaa kaalmadii dhinaca Bani'aadamnimada, maadaama intooda badan ay dhaafeen xoolihii ay dhaqanayeen, kuwo yar ee hadda u harayna yihiin kuwo aan laheyn Cad la cuno iyo Caano toona, waxaana ay u baahan yihiin waqti dheer oo soo kabasho ah.

 

Meelaha goballka Hiiraan roob-ka laga soo sheegay ayaa waxaa ka mid ah deegaanno badan oo hoostaga degmada Maxaas iyo Moqokori, gaar ahaan Tuulooyinka ay ku nool yihiin xoola dhaqatada, waana halka ugu darran marka la eego abaarta goballka ka jirta.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyne, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

omalia’s Islamists try to halt aid

 

Traditional society may provide hope for Somalis caught in conflict

 

 

Monday, April 18, 2011

 

 

 

While the world has many ‘forgotten conflicts’ Somalia is beginning to look like an eternal conflict. After the rule of the warlords, Al Shabaab, formerly the military arm of the Islamic Courts Union, has gained control over much of Somalia and have declared war on the UN and humanitarian workers.

 

After briefing the European Commission, Philippe Royan, Technical Assistant for DG ECHO Somalia, spoke to New Europe about the difficulties of delivering aid to a nation that has become synonymous with anarchy.

 

“We are working in a country where 80% of the food security needs are in the regions under the control of Al Shebaab, that is the south and centre. For them, food comes from God and not the World Food Programme, which is why they have been closing down these food programmes”.

 

The humanitarian expert, says that ECHO and the UN agencies are, “tolerated at best” by the Islamic fighters, who are fighting the transitional Somali government. “They asked our partners to register with them, for a fee of $10,000. They said there could be no female staff, no programmes for women and 10% of staff wages should go to al Shabaab, and the same with any contract fees”.

 

They have also expelled 18 partner organisations of ECHO and the World Food Programme, including those who worked in development, “because they say development comes only from God,” and for any organisation with American links.

 

Royan says that there is also many dangers to working in the field, last week two aid workers were kidnapped. They were eventually released after traditional elders intervened.

 

“They have a very strict, Salafist, interpretation of Islam, but there is some tolerance because they have to balance their ideology with the demands of the local population and while they are busy fighting at the moment, they don’t have time to look at the administration of the large territory they control at the moment,” said Royan. He added, “at the same time they were facing the clan elders, who were saying, that were good and taking care of people.” The situation gets more complex when many of the militia fighters, have benefited from the emergency relief in the past.

 

The militia, are in a struggle with the traditional clan leaders. Local commanders are brought in from outside areas, to try to break the influence of the elders. sometimes, these commanders can be more tolerant to aid operations, but it depends on the person and what pressure he is under from his superiors.

 

For Shebaab to succeed, they have to break the traditional systems, including the local councils that look after the life of the community. This is what kept us alive in the previous crisis. If you got an agreement with the local communities and were accepted by them, you could implement things. Now it’s quite different, because these people are no longer strong enough to release a hostage, let a truck through a checkpoint. They say that they agree with us, but don’t have the authority.”

 

Given the nature of those in control of large parts of Somalia, how does ECHO deal with them?

 

“We keep it at a technical level. Talking to them is OK as long as you do not have any other discussions that could give them any form of recognition. They are on the list of terrorist entities, but you have to balance that with your mandate to save and preserve lives. I don’t talk to Shabeeb, nobody in Nairobi does, but our local partners do, but they first talk to the elders and make an agreement with them first.”

“It is a risk to approach Shabaab, and our people are really courageous.”

 

There is a grim warning about the future, “We have registered the first generation of young people who have not known a single day of peace in their lives.” This is a problem for those who wish to bring peace to the region as they say it is harder to persuade people to put down their arms if they have no experience, or concept of the benefits of peace.

 

Although the Somali conflicts may seem like a war without end, ECHO staff point out that they have extensive experience in working in conflict areas, and remain optimistic despite the many dangers facing them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

May Allah reward you InshaAllah for your deeds!

 

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo 2500-qoys raashin gar gaar ugu qeybisay Gobolada Bay iyo Bakool

hormuud-qeybinta%20gobalada%20(3).JPG

 

Arbaco, Ogoosto 10, 2011 (HOL) – Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa gargaarkii ugu horreeyay gaarsiisay dadka abaaruhu ku habsadeen ee ku nool gobollada Bay iyo Bakool, waxaana deeqdan oo ahayd raashin isugu jiray bur, bariis, sonkor iyo saliid raashinka lagu karsado ka faa'iideystay 2500 oo qoys.

 

Mas'uuliyiinta shirkadda Hormuud ayaa sheegay in deeqdan ay ahayd mid ay kaga jawaabayeen qaylo-dhaanta abaaraha iyo baahida deg-deg ah ee xilligan ka jirta gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

 

Qoys walba oo ka mid ah kuwa deeqdan loo qaybiyay ayaa waxaa la siiyay: 25-kg, oo bariis ah, 25-km oo bur ah, 5-kg oo sonkor ah iyo 3-liiter oo saliid ah, iyadoo ay aad ugu farxeen dadkii loo qaybiyay kuwaasoo isugu jira haween, caruur iyo waayeelo aad u jilicsan, kuwaasoo abaaruhu ay saameynta uu xooggan ku yeesheen.

 

Qoysaska ay shirkaddu deeqdan u qaybisay ayaa waxay kala aahayeen 1300-qoys oo ku nool Baydhabo, 200-qoys oo ku nool deegaanka Caliyow-Muumin, 200-qoys oo ku nool Waajid, 200-qoys oo ku nool deegaanka Ceel-boon, 150-qoys oo ku nool deegaanka Rabdhuurre, 200-qoys oo ku nool Tiyeeglow iyo 300-qoys oo ku nool tuulooyin hoosyimaada degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

hormuud-qeybinta%20gobalada%20(12).JPG

hormuud-qeybinta%20gobalada%20(6).JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

JazakAllah Khayr!

 

Dahabshiil Money Transfer Donates $100,000 to Somali Drought

 

HARGEISA (SomalilandPress)– Dahabshiil Money transfer one of the top money transfer service in East Africa has directly donated $100,000 to the Somali drought relief according to the President of the company Mr. Mohamed Said Duale. Speaking to the press at his office Mr. Duale said that this immediate $100,000 dollars donation is just the beginning and that more funds is to follow from both the company and its employees.

 

Mr. Duale went on to say it is the responsibility of all Somalis and none Somalis to immediately help with the worst drought that the Somali people have seen in recent times. In addition to this $100,000 that the company has made it available immediately to relief rescue the company is also going to be given 1% discount for all transaction during the holy month of Ramadan.

 

Dahabshiil money transfer is known for its charity work in all the countries that it operates from; Dahabshiil’s is also known to donate 5% of its annual profit to development, education and health care projects that support local communities.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Saldanada Cummaan oo gargaar soo gaarsiiyay barakacyaasha abaaraha

SALAALA.jpg

 

 

Talaado, Ogoosto 09, 2011 (HOL) – Jaaliyada Soomaaliyeed SALAALA ee ku nool Dalka saldanada Cummaan ayaa soo gaarsiiyay deeq isugu jirta lacag iyo raashiin walaalahooda ay waxyeeleeyeen abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

 

Deeqdaan ayaa waxaa loosoo wakiishay Sheekh C/Weli Muuse inuu gaarsiiyo dadka dhibaateeysan looguna iibiyo raashiin. Ku talo-galka deeqdan ayaa wuxuu ahaa in la gaarsiiyo in ka badan 1,000-qoys taasoo loo qorsheeyay qoys walba in la siiyo deeq isugu jirta raashiin iyo lacag kaash ah.

 

Kaalmada loo qoondeeyay qoys waliba ayaa wuxuu ahaa: 12.5-kg oo bariisa ah (Toban iyo laba kiilo iyo badh bariis ah). 12.5-kg oo bur ah. (Toban iyo laba kiilo iyo bar bur ah). 2.5-liitar oo saliid ah (Laba liitar iyo bar saliid ah). 3-kg oo timir ah (Seddex kiilo oo Timir ah) iyo 300,000 shilin Soomaali ah (Seddex boqol oo kun So. Sh. ah).

 

Intaasi waxaa dheereed inay jireen dad si gaar ah loo siiyay kaalmo caafimaad sida ka muuqata sawirrada iyo qaar ka mid ah agoonta Soomaaliyeed.

 

Dadkani oo isugu jiray dad ay saameeysay abaaraha dalka ka jira iyo qooysas Tabaaleeysan iyo Curyaamiin oo Naafa ka ah oogada jirka qaar ka mid ah.

 

Dhanka kale, deeqdan oo ay qaadatay qaybinteeda wajiyo badan ayaa dadkii ka faa’iideystay waxay ugu horreyn u mahad-celiyeen ALLAAH kaddibna walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhaqan saldanada Cumaan, gaar ahaan jaaliyada SALAALA oo soo dhiibay deeqdan iyagoo ALLE uga baryay inuu ugu abaal-mariyo ajir fara badan kuna badbaadiyo maanta maalin ay kaga baahi badan yihiin.

 

Ugu dambeyn. waxaa ka warbixiyay deeqdan Macallin Jeylaani oo ku hadlayay magaca wakiilka loosoo wakiishay qaybinta deeqdan Sheekh C/weli Muuse taasoo xusay inay gaareeysay lacaghii ay soo direen jaaliyadda SALAALA $40,000 (Afartan kun oo Doolar) , sidoo kale wuxuu baaq ujeediyay dhammaan qurbo-joogta Soomaaliyeed iyo hay'adaha kheyriga ah iyo weliba dhammaan shakhsiyaadka muxsiniinta inay ka qeyb-qaataan samata-bixinta walaalahooda Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu ku dhufteen.

 

:(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this