Sign in to follow this  
Somalina

Somalia is starving

Recommended Posts

Somalina   

Hormuud oo deeq siisay Barakacayaasha Dharkeenlay iyo Wadajir.

 

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa Maanta Maalintii labaad oo is xigta waxaa ay deeqo gaarsiiyeen qoysas barakacayaal ah oo ku dhibaateysan degmooyinka Dharkeenlay iyo Wadajir ee gobolka Banaadir.

 

Deeqadaani ayay shirkadda Hormuud u qeybisay qoysas abaari darted uga soo cararay qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya, kuwaasi oo maciin biday inay deegaansadaan xeryo barakacayaal ah oo kuyaala degmooyinka Dharkeenlay iyo Wadajir ee gobolka Banaadir.

 

Deeqa ayaa waxaa ay isugu jirtay Bariis Saliid iyo Lacag shilin Soomaali ah oo ay ugu talagalay Hormuud inay goosaar ka dhigtaan dadka deeqda la siiyay, waxaana qoyskiiba ay qaadanayeen 25 Kg oo bariis ah, Gasac Saliid ah iyo sedax Boqol oo Shlin Soomaali ah

 

Deeqda ayaa waxaa ka faa’iideystay maanta kun qoys oo u badan xoolo dhaqato xoolahoodii ay ku le’deen abaaraha ka jira dalka Soomaaliya, iyo kuwa kale oo barakacayaal ah oo ka cararay degmooyinka kale ee dagaaladu ay ka socdaan ee Magaalada Muqdisho.

 

Xerooyinka Barakacayaasha ah ee Hormuud ay deeqdaasi gaarsiisay ayaa waxaa ka mid ah Kaamam Barakacayaal ah oo kuyaala Airaporka, Jasiira, Ceel-hur, Siliga Maraykanka, Kaxda, Ex Contarol Afgooye iyo meelo kale, waxaana deeqdaasi laga bixinayay labo goobood oo ku kala yaala degmooyinka Dharkeenlay iyo Wadajir.

 

Haweenay da’ ah oo ka mid aheeyd Qoysaskii ka faa’iideystay deeqa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa Shabelle u sheegtay iyadoo faraxsan in ay heshay sedaxle Saliid ah, 25 Kiilo oo bariis ah iyo sedax boqo oo Shilin Soomaaliya, waxaana ay u mahad celisay Shirkadda Hormuud Telecom

2147-full-so.jpg

 

Ugu dameyntii Max’ed Ibraahim Axmed oo ka mid ah dadka barakacayasha ah ee nasiibka u yeeshay deeqda shirkadda Hormuud ayaa isna ugu baaqay shirkadaha kale iyo hay’adaha samafalka in ay ku deysadaan shirkadda Hormuud islamarkaana ay gargaaraan dadka shacabka ah ee dhibaateysan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Urgent" access to drought communities needed

 

Thursday, January 20, 2011

 

 

Photo: Kate Holt/IRIN

Drought has forced many families into towns and urban centres in search of assistance

NAIROBI (IRIN) - With drought worsening across Somalia, officials in the south and central parts of the country - largely controlled by Islamist opposition groups - have appealed for access to communities that have reported deaths of people and livestock.

 

"This is not about politics; it is about saving lives. Those in control should not only allow access but take part in reaching those that need help," Ibrahim Habeb Nur, a member of parliament, told IRIN on 18 January.

 

He said the drought could get worse in the coming months, with the affected populations needing urgent help after losing their livelihoods.

 

"We have reports of people dying because of lack of water and food," Nur said. "Every region from Ras Kambone [in the south] to Ras Aser [in the north] is affected.

 

"We are looking at two to three months with no possibility of rains,” Nur said. "This is as bad as I can remember. We are facing a catastrophe and all us Somalis and aid agencies should pull together to save lives before it is too late."

 

He said the drought had forced many families into towns and urban centres in search of help.

 

Collective effort

The UN Resident and Humanitarian Coordinator for Somalia, Mark Bowden, said on 7 January that access to Somalia’s most vulnerable populations remained critical and urged all parties to the country's conflict to grant access.

 

“The increasing threat of hunger and disease caused by the drought calls for a collective effort by all parties in Somalia to increase and facilitate access for a broader range of humanitarian actions," he said. "I call upon all those who are in a position to improve access to lend their support at this critical time."

 

A January monthly information bulletin, produced by Somalia's Water and Land Information Management with the Food Security Nutrition and Analysis Unit and Famine and Early Warning Networks, stated that "the very poor Deyr rains in November and December [2010] have aggravated pasture conditions in all key pastoral and agro-pastoral areas of the country, with water catchments and dams dried up earlier than expected".

 

Abdullahi Abdirahman Ahmed, head of the Humanitarian Affairs and Disaster Management Agency (HADMA) of the self-declared autonomous region of Puntland, northeastern Somalia, told IRIN the drought had affected the entire region and was one of the worst in the past 10 years.

 

"In some villages close to the coast, livestock have started dying; the remaining livestock is too weak that the people cannot sell it or eat it."

 

He warned that conditions in the next four months would be dire. "We don't expect any rains before May and people are already too weak and if help does not arrive soon, people will definitely die."

 

Ahmed said the people in the area depended on water from barkads (water catchments) for 80 percent of their needs but they had all dried up.

 

Dead livestock

In the self-declared state of Galmudug, in central Somalia, the situation is equally bad. Ahmed Osman Ilmi, an elder, who visited some of the drought-affected villages, told IRIN by telephone from south Galkayo that most of the area was experiencing a severe drought.

 

"I have seen dead livestock, including camels," Ilmi said. "The situation is really bad."

 

He said the eastern parts (coastal areas) were more affected. "They did not have much rain in the last two rainy seasons."

 

He said the local authorities and individual Somalis had begun trucking water, "but it is not nearly enough", adding that one water tanker, with 200 drums (each 200l), costs between US$200 and $250.

 

"I saw no one dying from the effects of the drought but if the situation continues I have no doubt they will follow their livestock [and die]," Ilmi said. "Help is urgently needed."

 

An estimated two million Somalis need humanitarian assistance, according to the UN. At least 1.4 million Somalis have been displaced by fighting between government forces and Islamic insurgents, who control much of south and central Somalia, including parts of Mogadishu. Another 600,000 are refugees in neighbouring countries.

 

Source: IRIN

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Hiiraan State “Cunto qalalan hawada hey’adaha ha ugu soo daadiyeen dadka”

Jimco, January 21, 2011 (HOL): Madaxweynaha dowlad goboleedka Hiiraan State ee Soomaaliya Maxamuud Cabdi Gaab ayaa ugu baaqay hey’adaha samafalka Caalamiga ah inay u gargaaraan dadka ku dhibaateysan guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaanna Tuulooyinka iyo degmooyinka gobolada Hiiraan , kuwaasoo hadda iskugu soo uruuray hareeraha webiga Shabeelle oo dhexmara Magaalooyinka Baladweyne,Jalalaqsi ,Buuloburde iyo Tuulooyinka ku xeeran.

 

War saxaafadeed maanta ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Hiiraan State ayaa loogu baaqay hey’adaha samafalka inay u dhaqaaqaan badbaadinta dadka Hiiraan ku nool oo u dhimanaya gaajo iyo harraad , taasoo uu ku sheegay inay tahay masiibo bani’aadanimo oo loo baahan yahay in loo howlgalo sidii loo samata-bixin lahaa dadka iyo duunyada .

 

Madaxweynaha ayaa ku amray Wasiirrada dowlad goboleedka Hiiraan State ee dibadda ku maqan inay ka dhaadhiciyaan adduun-weynaha in shacabka Hiiraan uu ku sugan yahay xaalad khatar ah oo geeri qarka u saaran , isagoo ka codsaday hey’adaha gargaarka inay hawada dadkaas uga soo daadiyaan cunto qalalan (cunto haddii ay qabsadaan ay karsan karaan) ,iyadoo la adeegsanayo diyaarado.

 

Madaxweynaha Hiiraan State ayaa ku sheegay warsaxaafadeedkiisa in tallaabada cunta qalalan hawada looga soo daadinayo dadka ay tahay tallaabada kaliya ee suurtagal-ka ah ee lagu badbaadin karo dadka dhibaateysan , maadaama kooxda Alshabaab ay iska hortaageen waddooyinka inay ka soo gudbaan gawaari kolonyo ah oo loo qorsheeyay inay biyo la gaaraan dadka ku ooman deegaanada kala duwan ee gobolada Hiiraan ee kala ah Dhagaxjibis, Deebley iyo Koonfurta Hiiraan.

 

Tallaabadan ayey soo dhoweeyeen dadka ku nool gobollada Hiiraan uu ka kooban yahay , kuwaasoo u dhibtoon biyo iyo cunno , waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay xaalado geeri ah oo abaartu sababtay laga soo sheegayay Tuulooyinka ku dhow Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

 

Sacdiya Muuse “ Magool”

sacdiyo161@hotmail.com

Muqdisho-Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Biyo dhaamis laga billaabay deegaannada ay abaaruhu ku dhufteen ee ka tirsan gobolka Hiiraan

biyo.jpg

Khamiis, 20, Januray, 2011 (HOL) Marka aad u sii fiirsato gar gaarka ay u baahan yihiin dad abaarhu saameeyeen waxaa ugu horeeya biyaha, kadib markii dadka reer miiga ay ka marteen dhimaan baraagihii ay biyaha ku keydsan jireen, biliyadii, iyo waliba dhulkii biyo qabatinka ahaa xiliyada roob-ka.

 

Hadaba iyada oo taa laga duulayo ayaa ilaa 30 tuulo oo ka mid ah deegaannada ay sida weyn abaartu ugu dhuftay ayaa waxaa biyo dhaamin ka bilaabay qeyb mid ah Jaaliyadda Hiiraan ee dalka Ingariiska, kuwaasoo dhamaatood loo kala dirray booyado biyaha ka qaadaya hadba ceel ugu dhaw oo ay is leeyihiin biyo waad ka heli kartaa, waxaa ay booyadahaasi biyaha ku shubayaan baraagaha maran ee markii horeba reer miigu biyaha ku keysan jiray.

 

HOL oo booqatay qeybo ka mid ah deegaannada biyo dhaamiska laga wado ayaa waxaa u muuqda sawir aad u naxdin badan oo muuqaal guud ka bixinaya haraadka darran ee saameynta ku yeeshay dadka iyo duunyada ku nool miiga fog, waxaana ay in dhahaagu qabanaayaan xoolo isugu jira Geel, Lo aan tiro badneyn, iyo waliba Ari taagan hareeraha baraagaha biyaha lagu shubayo, waxaadna arkeysaa in ka badan 30 neef oo wada cabaya wax ka yar ilaa 20 liitar oo biyo ah, halka ay jiraan kuwo aan nasiib u leh in ay kuba soo garaan biyaha kuwaaso lagu qiyaasi karo in ka badan 90%,, waana qeyb ka mid ah muuqaalka biyo la'aanta ka jirta deegaanada goballka.

biyo1.jpg

Tuulooyinka ay booqatay HOL iyaga oo biyo dhaamiska laga wado ayaa waxaa ka mid ah, Galxamur, Cali-cageyn, Raqso, Teedaan, In-baal, Jiijo, Suubo, Habeeno, Dib-ugal, Qarfo, Moolacad, Geedsamo, Qandho, Mureyste Juujuule, iyo tuulooyin kale oo intaa ka badan oo laga wado biyo dhaaminta, waxaana howsha loo soo wakiishay qeyb ka mid culima'udiinka iyo waxgaradka ku nool deegaannada abaartu ka jirto.

 

Inkastoo ay jiraan dadaalo ay wadaan Jaaliyaddaha dibada iyo muumulka intaba ayaa haddana muuqata in haddii uu Ilaah ramadiisa ku shubin deegaannada ay abaartu ka jirto xaaladu ka sii darri doonto maalmaha iyo bilaha ina soo aadan.

biyo6.jpg

biyo2.jpg

biyo3.jpg

biyo4.jpg

biyo5.jpg

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyne, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Gudiga Taakuleynta Abaaraha (GTA) ee xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho, loona aas-aasay u gar-gaarka dadka abaaruhu ku dhifteen kuna tabaaleysan gobolada Dhexe iyo kuwa Koonfureed ee Soomaaliya ayaa waxaa ay baaq taageero gacan siin dhaqaale ah u dirayaan qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dunida dacaladeeda.

 

Maalin walba waxaa gaajo iyo haraad ugu dhinta gobolada Dhexe iyo kuwa Koonfutreed ee Soomaaliya caruur, waayeel iyo xoolo kuwaasoo ay abaaro ba`an ku dhifteen islamarkaana aan haysan wax gar-gaar ah, xoogaagii mucaawinana laga joojiyay.

 

Hadaba Gudiga Taakuleynta Abaaraha (GTA) oo gacan aan buurneyn ka helo hey`ado maxali oo gudaha dalka ah ayaaneyn ku fileyn dhaqaalaha yar ee gacantooda soo gala, waxayna baaq u dirayaan dhamaan qurba-joogta in ay soo gar-gaaraan walaalohood gacanta loo fidinayo ee musiibada abaareed dul degtay.

KU *** GAR-GAAR KAAGA ACCOUNT NUMBER:

 

05216028513

 

Kala xiriir Gudiga Taakuleynta Agoonta cinwaankan hoose:

gudigataakuleynta@hotmail.com

 

Wa bilaahi Towfiiq

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Galmudug oo u gurmatay dad ay abaaro saameeyeen

 

Maamulka Galmudug ayaa gurmad raashin qeybin iyo biyo dhaamin ah u sameeyay dad ay abaaro saameeyeen oo ku nool deegaannada miyiga ee ku xeeran gobolka Mudug.

Guddiga gurmadka abaaraha ee maamulka Galmudug oo isugu jira wasiirro, culimaa’uddiin, ganacsato, haween iyo waxgarad ayaa markii ugu horeysay kaalmo gaarsiiyay dadka ay dhibaateeyeen abaaraha.

Guddigani oo uu dhawaan magacaabay, madaxweynaha maamulka Galmudug, Maxamed Axmed Caalin ayaa dhaqaale ka soo ururiyay jaaliyadda dibadda iyo ganacsatada deegaankaasi, si ay gurmad u gaarsiiyaan dadka ay haleeleen abaaraha iyo biyo la’aantu.

Abaaraha ka jira inta badan gobollada Soomaaliya ayaa maraya meeshii ugu xumeyd, waxaana abaarahaasi u geeriyooday dad badan, oo isugu jira haween, carruur iyo waayeel, iyadoo ay ugu daran tahay deegaannada miyiga oo ay dadku ka dhinteen xoolihii ay dhaqanayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shirkadda Hormuud Laanta Qoryooley oo biyo dhaamin sameysay

 

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud laanteeda degmada Qoryoolay ee gobolka Sh/hoose ayaa howlahaani biyo dhaaminta ah waxaa ay 5-tii bishaan ka bilowday deegaanada Mudulaaleey, Buur-god, Yaaq-mataan, Deg-ari iyo Farsooley kuwaasi oo dhamaantood hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose.

 

Tabarucaadaani Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud laanteeda Qoryeelay ay u sameysay dadka ay abaaruhu saameeyeen ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay qoysaska ka faa’iideystay biyo dhaamintaasi.

 

Ilaa 3-kun iyo 3-boqol oo qoys ayaa ka faa’iideystay biyo dhaaminta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom laanteeda Qoryooley, waxaana masuuliyiinta Laantaasi ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howlaha ay ku caawinayaan qoysaska ay saameynta ku yeesheen abaaraha ka hira dalka Soomaaliya ee kusugan Tuulooyinka hootaga degmadaasi.

 

Xaaji Xasan Goobe oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee degmada Qoryoolay oo Shabelle la hadlay ayaa soo dhaweeyay biyo dhaamintaani isagoo si weyn ugu mahad celiyay shirkadda isgaarsiinta Hormuud, isagoo ugu baaqay in ay sii wadaan howlaha ay dadka ku caawinayaan.

 

Laamaha kala duwan ee Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa maalmihii la soo dhaafay gobolada dalka Soomaaliya waxaa ay ka wadeen howlo taakuleyn ah oo ay gargaar ugu fidinayaan dadka ay saameynta ku yeesheen abaaraha ka jira dalka Soomaaliya, iyadoo arintaasina ay soo dhaweeyeen bulshada qeybaheeda kala duwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Jeneraal Cabdi Qaybdiid oo sheegay in abaaruhu gaareen xilligii gargaarka lagu daadin lahaa diyaarado

 

Sabti, 22 Janaayo, 2011 (HOL) – Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale oo horay u soo noqday wasiirka macdanta iyo biyaha Soomaaliya, ayaa sheegay isagoo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, in abaarta ka jirta Soomaaliya ay gaareen xilligii gargaarka lagu daadin lahaa diyaarado.

 

"Abaarta xilligan ka jirta Soomaaliya, waa mid gaarsiisan in gargaarka lagu daadiyo diyaarado," ayuu yiri jen. Cabdi Qaybdiid oo hay'adaha gargaarka ugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha gurmad ula gaaraan dadka ay abaaruhu ku habsadeen.

 

Jen. Qaybdiid, oo ka mid ah guddi loo saaray inay qiimeyn ku sameeyaan abaaraha ka jira deegaannada baratmaha Soomaaliya ku yaalla ayaa sheegay in abaaruhu ay yihiin kuwo daran, wuxuuna walaac ka muujiyay xaaladda dadka ku harsan goobaha ay abaaruhu sida ba'an ugu dhufteen ee ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

 

"Beesha caalamku, waa inay xil weyn iska saarto sidii ay u garaari lahaayeen dadka weli ku sugan gobollada ay abaaruhu ku dhufteen iyo kuwii ka barakacay intaba. Haddii muddo todobaad ah aan gargaar lagu gaarsiin dadkaas waxay khatar ugu jiraan geeri," ayuu yiri jen. Cabdi Qaybidiid.

 

Sidoo kale, jen. Cabdi Qaybdiid, wuxuu sheegay inuusan garanyn cidda la siinayo gargaarkii la keeno toddobaadkaas kaddib, isagoo sheegay in abaaraha taagan ay u muuqdaan kuwii ugu darnaa ee ka dhaca Soomaaliya muddo laabatan sano ka badan.

 

"Dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool iyo dowladda KMG ah, waxaa iyagana kula talinayaan inay gargaar la gaaraan dadka walaalahooda ah ee ku dhibaateysan gobollada ay abaaruhu ku habsadeen, kuwaasoo u baahan kaalmo deg-deg ah," ayuu yiri jen. Qaybdiid.

 

Abaaraha ka taagan Soomaaliya, ayaa aad looga dayrinayaan, iyadoo lagu barbar dhigay abaartii ka dhacday gobollada dalka Soomaaliya sannadkii 1992-kii, taasoo dishay in ka badan 5,000-qof oo intooda badan ku noolaa koonfurta Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wilaayada Islaamiga ah ee Gobolka Shabeellada hoose oo soo gabgabeysay qaybinta Zakada Xoolaha nool (SAWIRRO)

Sabti, 22 Janaayo, 2011 (HOL) – Wilaayada islaamiga ah ee gobolka Shabeellada hoose, ayaa si rasmi ah u soo gabgabeysay qaybintii Zakada xoolaha nool oo toddobaadkii lasoo dhaafay laga bilaabay degmooyinka gobolkaas uu ka kooban yahay, halkaasoo lagu qabiyay kumannaan xoolo ah.

 

Xoolaha, uu maamulku qaybiyay oo isugu jiray Lo’ iyo Ari, ayaa waxaa Zako ahaan looga soo qaaday xoolo-dhaqatada ku nool wilaayada islaamiga ah ee Shabeellada hoose, waxaana howshaan u xil-saarnaa xafiis loogu magac daray (Maktabka diiwaanka Zakada ee wilaayada Shabeellada hoose).

 

 

zako7.jpg

Xoolahan ayaa waaxa loo qaybiyay dad masaakiin ah, wuxuuna qof walba oo ka mid ah uu helay shan neef oo ari ah ama laba neef oo Lo’ ah, halka degmooyinka qaar oo ay masaakiintu aad u badnaayeen, xoolaha laga soo uruuriyayna ay yaraayeen lana siinayay qofkiiba saddex neef oo ari ah ama hal neef oo lo’ ah.

 

Guud ahaan, dadkii masaakiinta ah ee Zakada loo qaybiyay ayaa si weyn ugu farxay xoolaha ay heleen, iyagoo u mahadceliyay Allaah (SW), kaddibna dadkii soo dhiibay Zakada iyo kuwii soo gaarsiiyay.

 

Sannadkan, ayaa noqonaya kii saddexaad oo ay wilaayada islaamiga ah Shabeellada hoose sidaan oo kale u qaybinayso Zakada xoolaha nool, taasoo laga qaadayo dadka ay ku waajibtay lana siinayo dadka ay u waajibtay, arintaasoo isbadal wanaagsan iyo isku dheeli-tirnaansho dhanka nolosha ah ka dhalisay wilaayada Shabeellada hoose.

Ka aqriso qoraalka oo dhan halkan.

zako9.jpg

zako4.jpg

zako6.jpg

zako2.jpg

zako5.jpg

zako3.jpg

zako.jpg

zako1.jpg

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

--------

HiiranOnline shaqo fiican ayey ka haysaa covering abaaraha wadanka ka jira iyo nolosha dadka sida ay tahay. Great job!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somali drought worsening, driving herders with livestock into capital, UN says

21 January 2011

 

UNNewsService.jpg

 

The drought is worsening in many parts of strife-torn Somalia, with herders reported to be moving into Mogadishu, the capital, with their livestock for the first time ever due to lack of pasture and water, the United Nations reported today.

 

In the south-western Gedo region, where the situation is reportedly critical, water, food and medical aid are said to be the priority needs for the drought-affected population, the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said.

 

The Horn of Africa nation, which has not had a functioning central government since 1991 and has been torn apart by decades of conflict and factional strife, is already facing a dire humanitarian crisis in which 3.2 million people, more than 40 per cent of the population, is in need of aid.

 

According to field and media reports, many people are arriving on the outskirts of Mogadishu every day, mainly from Middle and Lower Shabelle regions. The exact number of those displaced by the drought is not yet available but recent UN High Commissioner for Refugees (UNHCR) reports put the number at 12,000 at least. Some families have started selling their assets to get money for transport to refugee camps in neighbouring Kenya and Ethiopia.

 

An inter-agency assessment is to be conducted in the southwest part of Mogadishu to assess humanitarian needs, including the number of people affected and priority areas of response.

 

In response to the increased needs for both the host community and people displaced by drought as well as continued conflicts in the central regions, the UN World Food Programme (WFP) has scaled up its aid, adding 105,400 additional displaced and nearly 20,000 new beneficiaries from host communities for the January food distribution.

 

WFP is currently targeting some 2.5 million people for food aid across Somalia, although 625,000 of those are in areas where operations are currently suspended due to pressure from Al-Shabaab Islamist militants in the south. In 2009, WFP reached 3.3 million people in Somalia with food supplies.

 

Source: UN News Centre

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Robab ka da'ay qeybo ka mid ah Gobollada Hiiraan, Shabellaha dhexe iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya

 

Axad, 23, January, 2011 (HOL) Wararka laga hellayo degmada Jalalaqsi iyo degaannka Moqokori ee goballka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii aynu soo dhaafnay halkaa ka da'een roobab siweyn loogu farxan kuwaasoo ku dhawaad hal saac ku dul hoorayay qeybo ka mid ah dhulka abaartu saameysay ee ka tirsan gobolka.

 

Dadka xoola dhaqatada u badan iyo guud ahaa reer Miiga ayaa siweyn ugu farxay roobab-ka ka da'ay qeybo ka mid ah goballka, waxaana sidoo kale jira deegaanno kale oo uusan roob-ku ka da'in laakiin ay dul hoganeysay daruur Madow oo xanbaarsan saan-saan roobaad.

 

Sidoo kale degmada Aadan Yaabaal oo ka tirsan goballka Shabellaha dhexe ayaa ka mid ah meelaha roob-ku ka da'ay walow uusan aheyn roob dhulka Biyo dhigay oo dhibicdiisu weyneyd.

 

Goballka Galgaduud ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha saacadihii aynu soo dhaafnay sanka lala raacayay uduga dabeysha roob-ka, waxaana xusid mudan in qaar ka mid ah deegaannada goballka ay ka da'een roobab bilow ah dadkuna siweyn u soo dhaweeyay.

 

Maalmihii ugu danbeeyay qeybo badan oo ka mid ah goballada dalka Soomaaliya waxaa ka jiray abaar saameyn muuqata ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana xusid mudan in biyuhu yihiin baahida ugu darran ee la soo daristay dadka iyo duunyada, iyada oo ay hubaal tahay haddii ay roobab-ku sidan ku sii socdaan in ay meesha ka saari doonaan baahidii loo qabay biyaha.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Baledweyn, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

UN calls on world to step up support for Somalia

 

 

Monday, January 24, 2011

 

 

NAIROBI-- The UN on Monday called on the international community to step up its support to Somalia as the war-torn nation approaches the anniversary of two decades without a functioning national government amid struggles to consolidate peace, stability and progress for it's people.

UN Resident and Humanitarian Coordinator for Somalia, Mark Bowden said despite decades of conflict, many of Somalia's development indicators have improved since 1991 as the UN and local partners have increased support for the provision of essential social services to vulnerable communities. "Somalia is one of the world's most intractable crises. For twenty years conflict over power, resources and land has destroyed lives, created hundreds of thousands of orphans and devastated communities," Bowden said.

 

Large swathes of Somalia remain in the grip of conflict resulting in a dire humanitarian situation for over two million people. Last month the UN warned that a predicated drought is likely to push many more people into crisis. "Progress is possible even in these difficult circumstances. Across the country, increasing numbers of children are enrolling in schools, health clinics are opening, and the economy led by the agricultural, banking and telecom sectors is growing rapidly."

 

UN supported immunization campaigns have kept Somalia polio- free since 2007 and the incidence of Malaria has been reduced by 57 percent between 2005 and 2009.

 

In the last three years the UN with local partners has also scaled-up nutrition services by over 300 percent for the treatment of acute malnutrition among the most affected infants. "While indicators of Somali welfare remain low, they have shown a marked improvement since 1991 despite continuing conflict. Life expectancy has grown, access to health facilities has almost doubled, infant mortality has dropped and extreme poverty has plummeted," Bowden said.

 

He said despite significant signs of progress much more needs to be done as the Somali people need UN support more than ever. "The international community must step up its support to the people of Somalia if we are to protect the gains we have made and prevent many more people from slipping into crisis and Somalia from becoming one of the world's few chronic catastrophes," he said.

 

This week the United Nations will also launch a five year development plan for Somalia called "the United Nations Assistance Strategy for Somalia (UNSAS)."

 

The UNSAS will set out the humanitarian, recovery and development objectives of the UN in Somalia for the next five years.

 

The UNSAS aims to increase availability of essential social services, provide livelihood opportunities and build Government institutions that are able to provide security and justice for all Somali people. "As we reflect on the tragic consequences of two decades of conflict, let us reaffirm our commitment to building a lasting peace which matches the resilience of millions of Somali people who continue to work towards a better future."

 

Source: Xinhua

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Roobab yar oo ka da’ay degmada Jilib

 

 

Waxaa jira rajo soo muuqanaysa in ay roobab lagu nafiso ka curtaan gobalada Soomaaliya, iyadoo hada ay jiraan abaar daran oo saameyn baahsan tahay.

Sida ay ku warameen dadka ku dhaqan degmada Jilib ee gobalka Jubbada Hoose, waxaa degmadaas iyo nawaaxigeed ka da’ay roobab yar.

Dadka waxaa aad ugu farxeen roobabkan oo ahaa waxyar oo kooban oo aan ku filneen inay dabolan baahida jirta.

Waxaa xilligan ka jira degmada Jilib iyo meelo kale oo badan oo ka mid ah gobalada dalka abaaro daran, waxaana si weyn looga sugayaa deegaanadaas inay roobab ka da’aan.

Waxaa dadku aad Alle uga baryayaan roobab si looga baxo abaaraha daran ee ku dhuftay gobalada badanood ee dalka, iyadoo xilligan ay tahay waqti aad loogu baahi qabo roobab inay ka da’aan meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this