Sign in to follow this  
Somalina

Somalia is starving

Recommended Posts

Somalina   

mashruuca taburacaadka abaaraha gabdhaha ssc ee birmingham oo dadka danyarta ee reer Buuhodle biyo ugu deeqay

 

Mashruuca taburacaadka abaaraha gabdhaha ssc ee birmingham ayaa waxaa uu deeq lacageed

soogaarsiiyay dadka reer buuhoodle ee abaaruhu haystaan haysana waxay biyo ku soo iibsadaan

xilayadan oo kale maadaama ay biyahaasi laga raadiyo meelo magaalada ka baxsan,

hada deeqdaa ayaa waxaa loogu soo iibiyay biyo haasoo dhamaanba looqaybiyay xaafada magaalada buuhoodle waxaana barnaamijkaasi fuliyay web .boocame.com xafiiskiisa buuhoodle, iyadoo aad laysagu taxaluujiyay dhamaanba dadkaasi danyartaa sidii ay uwada gaarilahaayeen biyahaasi waxaa sidoo kale mahad balaadhan soo jeediyay dhamaanba dadkii biyahaasi ay gaaren una mahad celiyay gabdhahaas birmingham,

sikataba ha.aatee waxaa aad looga dareemayaa dhamaanba magaalada buuhoodle xaalada biyo la.aaned iyo sara ukaca balaadhan ee biyaha ku yimi.

DSCF0663-300x225.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Haweenka Soomaaliyeed oo kulan ay kaga hadlayeen gargaarka abaaraha ku yeeshay Muqdisho

 

 

Talaado, 25 Janaayo, 2011 (HOL) – Ururka haweenka ganacsatada Soomaaliyeed iyo haweenka bulshada rayidka ah, ayaa kulan ay kaga hadleen sidii lagu gargaari lahaa dadka ay abaaruhu ku habsadeen, ayaa shalay ku yeesha Muqdisho.

 

"Kulankeennu, wuxuu ahaa mid aan uga hadalnay sidii lagu gargaari lahaa dadka ay ku dhufteen abaaraha, kuwaasoo xoolihii ay ka baaba'een iyagana qarka u saaran inay dhintaan," ayay tiri guddoomiyaha ururka haweenka ganacsatada ah ee Soomaaliyeed Caasho Shaacuur Ugaas oo saxaafadda uga warbixisay kulankooda.

 

Haweenkii kulanka yeeshay, ayaa waxay isku raaceen in haweenka Soomaaliyeed ay ururiyaan lacago lagu kaalmeeyo dadka ku xoolo beelay abaaraha, kuwaasoo qaarkood ka barakacay deegaannadii ay ku noolaayeen, kaddib markii ay ka baqeen in abaartu ay iyaga disho.

 

"Dhammaan haweenka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqaynaa inay dhaqaale iska ururiyaan, si loogu gargaaro dadka ay abaaruhu xoolo tireen, kuwaasoo qaarkood aan helin waxay cunaan iyo waxay cabaan muddo toddobaad ku dhow," ayay tiri Caasho Shaacuur.

 

Sidoo kale, Caasho Shaacuur waxay sheegtay in sababta ay kulanka u qabteen ay tahay kaddib markii ay arkeen dad badan oo ay abaaruhu waxyeello u geysteen, kuwaasoo kusoo barakacay qaybo ka mid ah gobolka Banaadir.

 

Abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya, ayaa sababay in dadka ay ka dhamaadaan xoolihii ay dhaqanayeen, sidoo kalena ay beerihii xumaadaan, iyadoo qaar ka mid ah qoysaskii ay abaaruhu cayrteeyeen lagu gargaaray deegaannadooda oo aysan weli ka tagin.

 

Haweenka kulanka yeeshay, ayaa waxay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaab inay dagaallada joojiyaan, una ogolaadaan hay'adaha gargaarka in dadka abaaruhu saameynta xooggan ku yeesheen la gargaaro.

 

"Waxaan, ka codsanaynaa dhinacyada ku dagaalamaya inay joojiyaan xabbada, si dadka abaaruhu ku habsadeen loo gaarsiiyo gargaarkii loo helo, lana furo dhammaan jidadka ku xirnay dagaallada," ayay tiri Caasho Shaacuur.

 

Kulanka haweenka ay ku yeesheen Muqdisho, ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay kaga haldeen sidii lagu kaalmeyn lahaa dadka kasoo barakacay iyo kuwa weli ku harsan deegaannadii ay abaaruhu ku dhufteen.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Oxfam: Somali Drought Could Be as Serious as 1992

 

VOA new

Thursday, January 27, 2011

 

Below average rainfall in Somalia has pushed nearly 500,000 people to the brink of starvation. International aid-group Oxfam is warning that more will be affected unless immediate action is taken.

Somalia is in desperate need of aid, says British-based Oxfam International. Reports indicate decreased rainfall in the arid region, and the situation is critical in areas such as Gedo and Juba.

 

The aid group reports that 25 percent of people in the Gedo region and nearly 30 percent in the Juba region are malnourished due to crop failure and the death of livestock. The group also worries the death of livestock will promote raiding and violence as the crisis deepens.

 

According to Oxfam Humanitarian Programs representative Peter Kamalingin, the international community does not realize how serious the situation is becoming.

 

"The crisis is big, it is probably something that is similar to or worse than what we saw in 1992," added Kamalingin. "The rains for October to December period were low and there is the likelihood that the next rains, if they come, will be towards the end of March or April. So you have, actually, a period of six months low rain, and for Somalia that is serious."

 

Oxfam reports that some areas in central and southern Somalia have received less than 15 percent of their typical rainfall in recent months.

 

An estimated two million people are living off food aid in Somalia and as the drought continues that number is likely to rise. Speaking at the United Nations earlier this month, Somali Prime Minister Mohamed Abdullahi Mohamed warned that 2.5 million people were on the verge of starvation unless given immediate support

 

There have been relatively few reported deaths as a result of the situation. But Oxfam's Kamalingin says the crisis is far from over.

 

"The worst of it is yet to come, and that is where the fear is," added Kamalingin. "We know that so far there have been deaths of livestock. We know that in some parts there have already been reports of limited deaths, not yet as bad. But if you consider that this is still January and the next rains are only expected in March, I think the next two months are going to be serious."

 

For those in the south, their only reprieve maybe the war-torn capital, Mogadishu. The U.N. High Commissioner for Refugees recently estimated as many as 12,000 people had recently arrived on the outskirts of the Somali capital in search of food and water.

 

Source: VOA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Deeq lacageed oo la gaarsiiyay qaar ka mid ah qoysaskii ku xoolo beelay abaarta ka jirta gobolka Hiiraan

 

deeq.jpg

 

Jimco, 28, January, 2011 (HOL) Maalmihii ugu danbeeyay dadka ku dhaqan qeybo badan oo ka mid ah goballka Hiiraan waxaa ay ka cabanayeen Abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku dhaqan goballka gaar ahaan dhulka miiga fog ah oo ay ku nool yihiin dadka xoola dhaqatada ah.

 

Sidaa daraadeed waxaa deeq lacageed oo dhan ilaa $ 2032 doolar oo ay soo direen Gabdha Jaaliyada Demarka ee ka soo jeeda goballka Hiiraan la gaarsiiyay qoysas ku xoolo beelay Abaarta ka jirta goballka.

 

Degmada Maxaas iyo Tuulada Moqokori ayaa ka mid deegaannada inta badan deeqdu ay gaartay, waxaana xusid mudan in dhamaan qoysaska lacagta helay oo ahaayeen kuwo baad iyo biyo la'aan uga soo barakacay Tuulooyinkii ay markii hore ku noolaayeen iyaga oo soo maciin biday Degmada Maxaas iyo Tuulada Moqokor oo ay dul saar ku yihiin qoysas iyguba la daalaa dhacaya xaaladaha noleed ee ka jira goballka.

deeq4.jpg

Sidoo kale waxaa deeqadan qeyb ka mid ah la gaarsiiyay dad xoolo dhaqato ahaa ku nool Tuulooyin hoostaga degmada Buula-burte, iyada oo guud ahaan dadka deeqda la gaarsiiyayna ay dhamaayeen ku dhawaad 100 qoys oo dhamaatood ahaan dadkii saameyntu ay ku reebtay abaarta ka jirta goballka.

 

Qoysaska helay deeqda laceeg ayaa uga mahad celiyay Gabdhaha Jaaliyada Denmarka kaalmada ay soo gaarsiiyeen, iyaga oo ka codsaday in sii wadaan kaalmada ay u fidinayaan dadka ku dhibaateysan goballka.

deeq3.jpg

deeq2.jpg

deeq1.jpg

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ururka SOHPA oo biyo dhaamin u sameysay qoysas ku nool tuulooyin ka tirsan degmada Xarardheere

 

biyo-dhaamin%20(1).jpg

biyo-dhaamin%20(7).jpg

Sabti, 29 Janaayo, 2011 (HOL) – Ururka wadaniga ah ee SOHPA (Somali humanitarian and peace advocacy association), ayaa biyo dhaamin u sameysay qoysas ku nool tuulooyin hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo ka mid ah deegaannada ay ku dhufteen abaaraha ka taagan Soomaaliya.

 

"Waxaan, biyo dhaamin ka sameynay deegaannada Daba-galo, Macallin Xuseen, Warshubo, Dey iyo kuwo kale, waxaana ka faa'iideystay 750-qoys oo halkaas ku nool, kuwaasoo ahaa xoolo dhaqato iyo beeraley," ayuu yiri agaasimaha SOHPA Axmed Maxamed Xuseen oo HOL uga warramay biyo dhaaminta ay sameeyeen.

 

Agaasimuhu, wuxuu sheegay in 20-booyadood ay biyo ku gaarsiiyeen deegaannada ka tirsan degmada Xarardheere, isagoo xusay in howshan ay gacan ka siisay hay'ad lagu magacaabo AMA oo caalami ah.

 

 

biyo-dhaamin%20(8).jpg

biyo-dhaamin%20(2).jpg

"Dhaqaalaha, aan biyo-dhaamintan ku sameynay oo ahaa 6,000-dollar, waxaana qaar ka mid ah iska ururiyay xubnaha SOHPA, inta kalena waxaa bixiyay ganacsato Soomaaliyeed," ayuu mar kale yiri Axmed.

 

Qoysaska, ka faa'iideytay biyo dhaamintan qaarkood oo iyaguna saxaafadda la hadlay, ayaa u mahadceliyay ururka SOPHA, iyagoo sheegay in biyaha lasoo gaarsiiyay xilli ay baahi weyn u qabeen.

 

Sidoo kale, deegaannada ay biyo dhaaminta ka sameysay ururka SOHPA, ayaa waxaa ka socday gargaar ay raashin ku qaybinaysay hay'adda ICRC, iyadoo shirkadda Hormuud ay dhankeeda kawadday biyo dhaaminta.

 

Agaasimaha SOHPA, ayaa ugu dambeyn sheegay inay sii wadi doonaan howsha ay biyo dhaaminta ugu sameeyeen dadka ku nool tuulooyinka ka tirsan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, ayna biyo dhaaminta gaarsiin doonaan deegaanno kale oo gobolkaas ka tirsan.

 

Guud ahaan, dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhuftay abaaro saameyn xooggan ku yeeshay dadka iyo duunyada ku nool deegaannada ka fog magaalooyinka, iyadoo dadka badan oo barakacayaal ay maalin walba gaarayaan magaalooyinka, kaddib markii ay xoolahoodii iyo beerahoodii ay abaarta taagani la tagtay.

biyo-dhaamin.jpg

biyo-dhaamin%20(4).jpg

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo biyo dhaamin kawadda ku yaalla degmada hareeraha degmada Guriceel

 

Sabti, 29 Janaayo, 2011 (HOL) – Iyadoo deyrtii dhaweyd aysan ka di'in guud ahaan gobolada Soomaaliya, ayaa wuxuu gobolka Galguduud ka mid yahay gobollada ugu daran ee ay abaarta taagani ku dhuftay, waxaana hadda ka bilowday bishii ugu horreyay jilaal kuleyl badan.

 

Xoolo badan, ayaa meelaha oomanaha bilaabay inay u dhintaan haraad iyo baad la'aan, waxaana shirkadda isgaasiinta Hormuud, laanteeda degmada Guriceel ay billowday inay deeq biyo dhaamis ah gaarsiiso dhul ballaaran oo oomane ah, kuna yaalla hareeraha degmadaas.

 

Booyado, ayaa biyaha lagu gaarsiinaya deegaannada fog-fog ee oomanaha ah, waxaana shirkadda Hormuud, ay biyo ku shubtay baraago ku yaala dhulalka oomanaha ah ee dhaca tuulooyinka hoos-yimaada degmada Guri-ceel

 

Dadka reer miyiga ah, ayay shirkadda hormuud bilowday inay xoolahoodii iyo iyaga waraabiso, waxaana ka mid ah tuulooyinka biyaha la gaarsiiyay: Haraale, Xodale iyo aagga dhagax-yaalle. Sidoo kala si la mid ah waxay shirkadu biyo-dhaamis u sameysay dadka reer guuraaga ah ee ku nool tuulooyinka: *****-suge iyo Cal Xasan.

 

Sidoo kale, tuulooyinka haraadku ka jiray ee shirkadda Hormuud ay biyaha gaarsiisay waxaaa ka mid ah: Maroodle, Diiriye Xasan iyo Bacaha, waxaana daka ku nool deegaannadaas ay si aad ah u soo dhaweeyeen dadkii biyahaas la gaarsiiyay, waxayna sheegeen in jiilaalku uu yahay mid lagu jiro xiliyadii ugu horreeyay, iyagoo codsaday in biyo dhaamista la kordhiyo.

 

Waxaa kaloo, shirkadda Hormuud ay biyo dhaamis u sameysay dadka ku nool tuulooyinka: Wala-moogo, Daba-yoodley, Baagga iyo dhul aad u ballaaran oo ay ka jirtay biyo la’aan, kuwaasoo ku dhow degmada Guriceel.

 

Mas'uuliyiinta shirkadda Hormud, oo saxaafadda uga warbixiyay biyo dhaamiska y sameeyeen, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan inta xilliga jiilaalka lagu jiro, iyagoo xusay in tallaabadan ay biyaha ku dhaaminayaan ay ka mid tahay tallaabooyin ay shirkaddu ku go'aansatay inay ku kaalmeyso dadka ay abaaruhu saameynta ku yeesheen.

 

Dadkii biyo dhaamiska loo sameeyay, ayaa waxay kaga mahadceliyeen shirkadda Hormuud taageerada ay fidisay, ayna biyaha soo gaarsiisay xilli ay u baahnaayeen. Iyagoo shirkadda ku tilmaamay mid ka damqanaysa shacabkeeda mar kasta oo dhibaato lasoo gudboonaata.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Jaaliyada Ximan iyo Xeeb ee Jubba Sudan oo deeq lacageed soo gaarsiiyey Gudiga Gurmadka Abaaraha.

 

Cadaado:-Jaaliyada Ximan iyo Xeeb ee kunoolka Jubba Sudan ayaa Maanta Deeq lacageed Soo gaarsiiyey Gudiga Gurmadka abaaraha ee Ximan iyo Xeeb.

Sh.Max,ed Qani Maxamud oo ah Xubin ka mid ah Gudiga Gurmadka Abaaraha ayaa Idaacada Codka Gobolada Dhexe u sheegay in Jaaliyada Kasoo jeeda Deegaanada Hoosyimaada Maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb Soo gaarsiiyeen Lacag Dhan $1,500 oo loogu talagalay in wax loogu qabto dadka ay saameeysay abaaraha ka jira qeybo ka mid ah deegaano hoosyimaada Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Guduumiyaha Gudiga Gurmadka abaaraha ahna Guduumiyaha Barlamanka Maamulka Ximan iyo Xeeb C/llahi Faarax Sandheere ayaa Mahad Cilin balaaran u jeediyey ilaahey ka sokow Jaaliyada Ximan iyo Xeeb ee ku dhaqan jubba Sudan Sida ay walaalohooda Dhibaateysan u garab istaageen.

C/lahi farax Sandhere ayaa Sheegay in talaabada ay qaadeen Jaaliyada Ximan iyo Xeeb ee Jubba Sudan ay tahay arin Muhiim ah oo laga sugayey isagoona intaa ku daray in deeqdan dhowaan lagaarsiin doono Dadka ku dhibaateeysan Deegaanadu ay abaartu ka jirto ee Hoosyimaada Maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb.

Dhimaca Kale Guduumiyaha Jaaliyada Ximan iyo Xeeb ka soo jeeda ee ku dhaqan Jubba Sudan Axmed Gelle Jimcaale ayaa Sheegay in deeqdan ay tahaya mid ay iska ururiyeen islamarkan ay ugu tala galeen Dadka dhibaateeysan iyagoo u marinaya Gudiga Gurmadaka Abaaraha ee Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Dhowaanahan ayaa waxa jiray Gurmad loo sameynayo Dadka ay abaartu halakeysay islamarkaana ay xoolihii ay dhaqanayeen ka dhameysay iyadoona qaar Kamida qurba joogta Ximan iyo Xeeb ay dhowaanahan soo dirayeen deeq ay ugu tala galeen dadka dhibaateysan.

Waxaa jaaliyadaha Ximan iyo xeeb meel kasta oo ay joogaan looga baahanyahay in ay khayrka ku tar tamaan waxaana xaqiiq ah in aan dadkeenu u baahnayn hayado shisheeye haddii aan si fiican uga qayb qaadano taageerada dadka abaartu ku habsatay.

Aaway ganacsatadii reer Ximan iyo xeeb? wali ma aragno ganacsade bixiyay dhaqaale ama sadaqo lagu taageerayo walaalihiisa dhulka yaala. Ganacsatadu ma waxay rajaynayaan in waxa Ilaahay siiyay gudka la galaan mase waxaa jirta meel ama dad uga haboon sadaqada qaraabadooda agoonta ah ama walaalahooda dhibaataysan ee abaartu ku habsatay.Waxaan rajaynaynaa in qurbe joogtu sii kordhiyaan dhaqaalaha ay dirayaan isla markaasna ganacsatadu wax muuqda ka sadaqaystaan maalka Allaah siiyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Gudiga abaaraha oo Soosaaray Liiska Qurba joogta Soo gaarsiiyey Deeqda loogu tala galay Dadka Abaareysan.

 

Guduumiyaha gudiga gurmadka deg dega ah isla markaasna ah guduumiyaha Barlamanka Maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb C/lahi Farax Sandheere ayaa Warqabadka Idaacada Codka Gobolada Dhexe ee Magaalada Cadaado Soo gaarsiiyey warqad ay ku qoranyihii Qurbajoota Ximan iyo Xeeb ee soo Gaarsiisay Lacago deeq ah oo ay ugu tala galeen in wax loogu Qabto daka ay saameynta ku yeelatay abaaraha ka jira deegaano Hoos yimaadka Maamulka Ximan iyo Xeeb.

1-C/lahi Sh.Axmed oo ka socda jaaliyadaha Toronto 2000$

2-Ardayda Malisiya iyana waxay soo dhiben 200$

3-C/lahi Salaad Guuleed oo ka socda Jaliyaha Ingriska 500$

4-Cilmi Sahal Cali oo Ka wakiil ah Jaliyadaha Newsland 400$

5-Gabdhaha Ingrska (London) 5000$

6-Cosman Max,ed Axmed oo ka socda Jaliyadha Swedan 1000$

7-Qaliif Cali Shire oo ka wakiil ah Jaliyadaha Minisota 600$

8-Caseyr Shidane jaaliyadaha (Minisota) 900$

9-Max,ed Nuur Xaashi (South Africa) 200$

10-Qaliif Ciise Jaaliyadaha (London) 10,000$

11-Cali Shidane Jaaliyadaha Kanada 500$

12-Sh.Daahir Iidle Farax waxa uu soo dhiibay 1225$

13-Jaaliyadaha Jubba Sudan 1500$

Gudiga abaaraha ee Muqdisho waxa ay soo Ururiyeen oo ay soo dhiibeen Lacag Dhan 20,000$

 

Gudugu Waxay sheegeen in Cid kasta oo Lacagtaas wax ka soo dhiibtana loo soo gudbin doono xisaab cilin aad u faah faahsan.

Mahadsanidiin.

NB: Waxaan aqrisyaasha xasuusinaynaa in shaqsiyaadka magacyadooda kor lagu xusay wakiil ka yihiin jaaliyadaha magaalooyinka iyo dalalka ay ku sugan yihiin ama dadka sadaqaas la baxay balse aanay micnuhu ahayn in ay iyagu shaqsiyan

lacagta u dhiibeen.

 

Xafiiska Wararka

Radio Codka Gobolada dhexe

Cadaado

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ayaa codsaday in dadka ay abaaruhu ku heystaan dalka loo uruuriyo dhaqaale xilliga ay shaqaalaha dowladdu ay mushaarka qaadanayaan.

 

Shaqaalaha Dowladda oo maalmihii la soo dhaafay qaadanayay mushaaraadkooda bisha Janaayo ayaa maanta Radio Muqdisho u sheegay in ay bilaabayaan olole dhaqaale loogu uruurinayo dadka abartu ay saameysay, waxayna sheegeen in ay codsanayaan in qof kasta oo mushaar qadanaya uu iska jaro lacag lagu samata bixinayo dadka Soomaaliyeed ay abaaruhu saameeyeen.

 

"Haddaan nahay shaqaalaha dowladda waa in aan kaalinteena qaadanaa, bil kasta waxaan iska jareynaa Lacag dadka walaalaheena ah aan ku taakuleyneyno" ayay tiri Haweeneey ka tirsan wasaradda Haweenka.

 

 

Shaqaalaha ayaa maamulka wasaaradaha ka codsaday in ay aqbalaan baaqooda isla markaana ay qeybka ka mid ah mushaaradka shaqaalaha ay u qoondeeyaan gurmadka dadka Abaaruhu saameeyeen.

 

 

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya xilli Dowladda KMG ay bishaan bixisay mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda, Ciidamada Qlabka sida iyo waliba Hay'adaha kale ee Dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

WAXAAD MAANTA DHIIBATO, MAALINTA AAKHIRO AYAY WAX WEYN KUU TARAYAAN EE WALAALKA SOOMAALIYEED EE ISLAAMKA AHOOW U NAXARIISO DADKAADA BAAHIDA IYO OONKA HEYSTA UNA GALI JEEBKAAGA GACANTAADA WAXII ALLE KAA SOO QAADAYNA SI DEGDEG AH U GAARSII GUDDIGA ABAARAHA SOOMAALIYA SI AAD U BADBAADISO NOLOSHA QAAR KAMID AH DADKAAGA DHIBAATEYSAN.

Guddoomiyaha Gudiga Abaaraha Soomaaliya Sheekh Axmed Xasan Cadooow.

Email: gudigaabaaraha@yahoo.com

TEL: 00252615444263

TEL: 002526155933434

TEL: 002526155751010

 

----------------

Gudiga Abaaraha Soomaaliya (GAS) oo gacan aan buurneyn ka helo hey`ado maxali oo gudaha dalka ah ayaaneyn ku fileyn dhaqaalaha yar ee gacantooda soo gala, waxayna baaq u dirayaan dhamaan qurba-joogta in ay soo gar-gaaraan walaalohood gacanta loo fidinayo ee musiibada abaareed dul degtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Hay’adda samafalke ee Kafaalo

Waxaa guud ahaan Soomaaliya soo foodsaray abaar baaxad wayn oo daran. Abaartaan oo saamaysay dadka iyo xoolahaba. Abaarahaan ayaa dhashay kaddib markii la waayay roobkii da’i jiray xiliga Deyrta.

 

Dadka u dhuun duleela cilmiga abaaraha iyo waaxo kamida Qaramada Midoobay waxay saadaalinayaan in abaaruhu saamayn ku yeelan karaan ilaa 2.4 malyan oo qof. Qaar kamida warbaahinta aduunka waxay soo gudbiyeen dad badan inay usoo qaxeen magaalooyinka waa wayn iyo in xoolo badana la’deen.

 

Haddaba Hay’adda samafalke ee Kafaalo waxay khayrfalayaasha Soomaaliyeed ku wargalinaysaa in ay u istaagtay waxkaqabadka baahidaas oo ugu yaraan 300 ilaa 600 qoys aan kala gaarno biyo dhaamis iyo raashinka qaybihiisa muhiimka. Sidaa awgeed waxaan ku boorinaynaa khayrfalayaasha Soomaliyeed in ay walaalohooda dhibaataysan caawiyaan, waana tii xaddiska Nebigu (scw) ahaa :

”Qofkii ka fayda qof kale oo Muslmn ah dhib ka mid ah dhibaayooyinka aduunka, Alle ayaa ka faydaya mushkilad ka mid ah mushkilaadka Qiyaamaha” .

 

Sidee uga qayb qaadan kartaa?

Waxaa lagu taageeri karaa qoyska ka kooban lix ruux fuusto biyo ah, 25kg bur, 25kg bariisa, 2.5 timir ah, 3.5 saliid ah iyo 2.5kg caano coast ah, waxayna isku noqon kartaa 700 kr ama $100 ama waxaad awoodo ayaad bixin kartaa.

 

Kontooyinka Kafaalo:

Norway- Postbanken: 0539 4647804

Sweden- Swedbank: 8327-9,904 132 956-7

Denmark- Danske Bank: 1551- 3719190960

 

Tlf: 004721646815 ama 004721646816

Tlf: 0046(0)850383272 - Sweden

Tlf: 004546990984 -Denmark

Tel: 0044(0)2080991471 - UK

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somalia faces malnutrition crisis

 

Guardian.co.uk

February 3, 2011

 

Xan Rice in Galkacyo

Severe drought in Somalia has left nearly one in three children acutely malnourished in some areas – double the normal emergency threshold – and caused a sharp rise in food prices.

 

An estimated 2.4 million people – about a third of Somalia's population – require humanitarian aid after the failure of recent rains, according to the UN. This figure is up from 2 million six months ago.

 

Though fighting continues in many areas of the country, drought has overtaken insecurity as the main reason for people being displaced.

 

In the most striking sign of the emerging crisis, the exodus from conflict-racked Mogadishu in recent years has reversed, with thousands of people leaving the countryside for the capital in search of food and water over the past two months. With widespread livestock deaths reported, other families are selling their remaining possessions to raise money to travel to refugee camps in Kenya and Ethiopia.

 

"It's a very worrying situation, and there may still be worse to come," Mark Bowden, the UN humanitarian co-ordinator for Somalia, has said during a visit to the country. "The high malnutrition rates among children mean that there will be deaths due to the drought."

 

While the emergency is at an early stage, the UN and aid groups are raising the alarm because of the lack of access to many of the worst-affected areas. The al-Shabaab Islamist group, which controls much of south and central Somalia, has an ideology of self-sufficiency and rejects outside aid. As a result, the World Food Programme has suspended distributions in many areas since last January, including the central Hiraan region, where 70% of the population are "in crisis", according the UN.

 

With cereal crops failing because of the drought, and little food aid available outside Mogadishu, prices have shot up. In the Juba region maize prices increased by about 80% in November and December, according to the UN's Food Security and Nutrition Analysis Unit (FSNAU), which published its latest report detailing the "severe water shortage" in Somalia last week.

 

Juba has the greatest proportion of acutely malnourished children – at 30% probably the highest rate anywhere in the world. This is due mainly to a lack of clean water, leading to diarrhoea, and reduced access to milk, as families move their livestock ever further away in search of pasture. Across southern Somalia, one in four children is acutely malnourished.

 

Grainne Moloney, the FSNAU's chief technical adviser, expressed "great concern" about the situation in Afgoye, outside Mogadishu, where about 360,000 displaced people are living under al-Shabaab control. The number of acutely malnourished children there has risen from 15% in July last year to 21%.

 

The drought has forced some families to move hundreds of miles in search of assistance. Halimo Ugas, a 30-year-old from Idale, an al-Shabaab-controlled area in southern Somalia, arrived in Garowe, in the northern state of Puntland, 10 days ago with her husband and five children. They live with some 180 families on a patch of rubbish-strewn scrubland dotted with tiny igloo-shaped structures made of sticks and covered with flattened cardboard boxes, hessian sacks and scraps of material.

 

"We used to own 30 cows. All died except one, but we could not even cook it because there was no water to prepare it," Ugas said. "We had no choice but to move."

 

Another woman, Asha Mohamed, said she had arrived three days ago on foot from a village about 45 miles (70km) away. She had lost five camels and numerous goats to the drought, she said.

 

Further south in Galkayo, a town split between two rival clans, the president of Galmudug state, Mohamed Ahmed Alin, appealed for urgent international help. He said cattle losses were growing, while the UN said the price of the staple sorghum had doubled there between November and December.

 

The scale of the problem has caught many in the aid community off guard. Until 2010, there had been seven consecutive seasons of rain failure in Somalia. But last year the rains were good, resulting in the best harvest for 15 years.

 

The fact that the country has slipped so quickly back into a food crisis shows how vulnerable its people are – a result of two decades without an effective government. It has also raised questions about how the grain gathered last year has disappeared quickly, with suspicion falling on farmers and traders who may be seeking to profit from the food shortages.

 

"It's surprising that the malnutrition rates are so high so soon after a good harvest," said Bowden. "We think there must be food hoarding taking place in some areas."

 

Food prices in Mogadishu, where the weak Somali government exercises some control, are lower than elsewhere due to the availability of food aid and the proximity to the port.Britain's international development secretary, Andrew Mitchell, has announced the UK will provide £10.5m of emergency assistance to Somalia through the UN. Aid would more than triple from £26m in 2010/11 to £80m in 2013/14, he said.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Nadiifo Nuur Cusmaan...Thanks a million for informing us about the plight of our poor people back home...jazaka-allah kheyr Insha Allah.

 

 

Keep the fire of hope burning and never get tired of the cause because always remember that you're the voice of thousands of poor people who are voiceless so I COMMEND YOU for the great work that you're doing.

 

 

 

 

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Thank you BOB.

----------

 

Ururka BENALPA oo adeeg caafimaad u fidiyay xoolo-dhaqato u soo barakacay Muqdsiho

daweyn%20(2).JPG

Talaado, 08 Feberaayo, 2011 (HOL) – Ururka dhaqaatiirta xoolaha Banaadir (BENALPA) ayaa soo gabagabeeyay howlgal baaritaan, daaweyn iyo dawo qaybin isugu jirtay oo ay u sameeyeen xoolaha u soo barakacay magaalada Muqdisho ee ka yimid gobolada dalka ee abaaruhu ku dhufteen kaasoo billowday bishii Janaayo 2011.

 

Kooxaha dhaqaatiirta xoolaha ee BENALPA ayaa adeeg caafimaad u fidiyay xoolo gaaraya 1,220-neef oo isugu jira lo', ari, geel iyo dameero la ildarnaa cudurro kala duwan oo isugu jira; gosha, caalka, candhada, gooryaanka iyo cudurro kale.

 

Howlgalka caafimaad wuxuu ka dambeeyay sahan uu sameeyay ururka BENALPA oo ka dhacay gobollada Banaadir iyo labada shabeelle, kaasoo loogu kuur-galayay xaaladda abaarta iyo saameynta ay ku yeelatay dadka iyo xoolaha. Sahankaaso o lagu soo ogaaday xaaladda dhabta ah ee xoolaha abaareysani ku sugan yihiin.

daweyn%20(4).JPG

Guddoomiyaha ururka dhaqaatiirta xoolaha Banaadir (BENALPA) Drs. Nurta Sheekh Maxamuud ayaa gabagabadii howlgalka caafimaad oo lagu soo gunaanaday degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ka sheegtay inuu ururkooda u fidiyay adeeg caafimaad xoolo dhaqatada Soomaaliyeed oo qaar ka mid ah xoolihii ay nolol ahaan ku tiirsanaayeen ka dhammaadeen, intii yarayd ee u hartayna ay isugu darsameen baad la’aan iyo cudduro.

 

Waxay intaas ku dartay inaysan jirin hay’ad ka kaalmeysay arrintan balse ay ku tabaruceen ururkooda BENALPA oo dhexdooda iska soo ururiyay lacago ay kusoo iibiyeen daawooyinka xoolaha, sidoo kalena ay dhaqaatiirta ururka fuliyeen daraasadda iyo daweynta xoolaha.

 

Drs. Nurta waxay ugu baaqday hay’adaha samafalka, wasaaradda xannaanada xoolaha iyo Soomaalida TFG-da iyo Soomaalida dibadda ku nool inay taageero u fidiyaan dadka soo barakacay ee iyaga iyo xoolahoodu ay abaartu saameysay.

 

Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Xoolaha Banaadir Drs. Nurta waxay sidoo kale sheegtay inay tahay arrin cusub oo weli aan dhicin barakac ay magaalada Muqdisho u soo barakacaan xoolo, halkii ay dadka u soo barakici jireen magaalada, xoolaha abaarsaday ayay sheegtay inay ugu daran tahay lo’ada oo aad ugu nugul abaarta.

daweyn.JPG

 

"Dadka aan halkan ku aragnay iyo xoolahooda waa dad aad u liita oo dhinac waliba u baahan in laga taageero, waxaan ugu baaqaynaa dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool, hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo wax qaban karta inay dadkan dhibaateysan taageero u fidiso," ayay cod dheer ku tiri Drs. Nurta Sheekh oo ka dayrisay xaaladda dadka abaartu saameysay oo ay sheegtay iyaga iyo inta xoolahooda ka hartay baabi’i doonaan haddaan deg-deg wax looga qaban. Allena raxmadiisa ugu deeqin ummadda abaarsatay.

 

BENALPA waa urur ay leeyihiin xirfadleyda dhaqaatiirta Xoolaha ee Banaadir oo la aasaasay sannadkii 2002-dii; waxayna xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho wuxuuna u taagan yahay horumarinta wax soosaarka iyo caafimaadka xoolaha Soomaalida.

daweyn%20(5).JPG

daweyn%20(3).JPG

daweyn%20(6).JPG

daweyn%20(8).JPG

daweyn%20(9).JPG

daweyn%20(7).JPG

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiran Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Roobab ay ku diirsadeen Dadka iyo Duunyada oo ka curtay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose

 

Khamiis, 17 Feberaayo, 2011 (HOL) – Roobab lixaad leh oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa ka curtay qaar katirsan deegaanada galbeed ee gobolka J/hoose, kuwaas oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ay abaaruhu saameeyeen eek u dhaqan deegaanadaasi, waxaana lagu soo waramayaa in roobabkaasi ay biyo dhigeen qaar katirsan harooyinka ay xoolaha ka cabaan ee gobolka Jubbad hoose.

 

Deegaanada ay roobabka ka da’een ayaa waxa ka mid ah Deegaanka kaamjaroon, Beerxaani, Baqdaad, Duriyo, Buuloxaaji, Hoosingow iyo Degmada Afmadow oo dhamaantood katirsan gobolka J/hoose, waxaaana ay deegaanadaasi kamid ahaayeen deegaanada ay sida ba’an u saameeyeen abaaraha ka jira dalka Soomaaliya, iyadoona dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanadaasi ay ka cabanayeen kuleylo ba’an iyo Biyo la’aan.

 

C/laahi Xasan Odowaa oo kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Hoosingow ee gobolka J/hoose oo aan qadka teleefonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in roobabka ay bilowdeen shalay gelinkii danbe ilaa iyo saakana ay ka da’ayeen, waxaana uu sheegay in roobabkani ay heleenxilli ay xaaladooda aad u adkeyd oo ay heysatay xaalad biyo la’aaneed.

 

“Xilligan lagu jiro waa xilligii jiilaalka oo aan uga barannay xilli kuleylo balse nimcada Ilaah mar walba waa la fishaa, ilaah ayaana ugu shukrineynaa oo na waraabiyay waqti ay xaaladeena aad u adkeyd,” ayuu yiri C/laahi Xasan oo u waramayay HOL.

 

Roobabkan ka curtay qaar katirsan deegaanada ku yaal galbeedka gobolka Jubbad hoos e ayaa kusoo beegmaya xilli ay abaaro ba’ani ka jireen gobollada Jubooyinka kuwaas oo ay ku le’deen dad iyo duunyo, waxaana mudooyinka danbe ka socday deegaanada galbeed ee gobolka Jubbada hoose dadaalo biyo dhaamin ah oo ay iska kaashanayeen maamulka degmada Kismaayo iyo qaar ka tirsan shirkadaha ganacsiga ee magaalada kuwaas oo loogu gurmanayay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan gobolka J/hoose, waxaan roobabkani si diiran u soo dhaweeyay dadka ku dhaqan deegaanada gobolka Jubbada hoose oo ay daashadeen oonka iyo daaqsin la’aanta ka jirtay gobollada Jubooyinka.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

hnur@hiiraan.com

Kismaayo, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this