Sign in to follow this  
Somalina

Somalia is starving

Recommended Posts

Somalina   

150,000 in northern Kenya risk starving as food crisis bites

 

pas+im.jpg

Women wait for their turn to fetch water at Welmerer Borehole in Jarajilla division, Fafi district. In the past, severe drought has forced herders in northern Kenya to cross the border into Somalia in search of pasture and water.

 

SundayNation.gif

By HASSAN HUKA

 

Sunday, January 09, 2011

 

 

More than 150,000 people in northern Kenya are at risk of starvation.

Children under five years, pregnant women and the elderly bear the brunt of food insecurity as devastating drought depletes resources in the region.

 

In Moyale town, two children below five years were admitted to the district hospital over severe malnutrition, according to the Kenya Red Cross Society report on the drought in the Upper Eastern.

 

In Marsabit North District, unconfirmed reports said that two elderly herders had died of starvation. Relief agencies have already started distributing food in the area to avert a crisis.

 

A Red Cross report indicates that majority of residents in northern Kenya face starvation following massive crop failure in the last three planting seasons.

 

There have also been reports of animal deaths in the region due to drought. “Residents in Isiolo, Marsabit, Samburu and Moyale are on food relief assistance, which is not enough. Locals have deployed coping mechanisms of skipping one meal a day.

 

In Marti, Samburu North District, pastoral households do not prepare lunch except porridge for children,” says the report.

 

In Moyale, Marsabit County, the price of a kilo of maize shot from Sh25 to Sh40 while beans prices rose from Sh50 to Sh70 a kilo.

 

Water shortage

 

The Red Cross report says that locals use unsafe drinking water from shallow wells in Ethiopia. The water is supplied by vendors at Sh60 per 20 litre jerrycan. Most residents cannot afford it.

 

“The situation is so bad such that water trucking for human consumption has commenced in most parts of the region.

 

In Moyale, the most affected areas that are already under water trucking are Amballo, Garba, Iladu, Watiti, Dirdima, Funan Qumbi, and Baden Rero, and Badana Garadida in Isiolo.

 

In Marsabit branch that comprises five districts, Burgabo borehole is currently overstretched,” said Upper Eastern disaster management officer Bitacha Sora.

 

On his part, Actionaid project coordinator in Isiolo County Mr Muhamed Ahmed said:

 

“We distribute cereals, porridge, cooking oil and salt to locals according to the Food and Agricultural Organisation standards but distribution will be extended to other areas if the Kenya food security steering group assesses the situation and determines if it is possible to do so.”

 

Source: Daily Sunday

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxa uu ku saabsan yahay waxa sababa abaaraha soo noqnoqda iyo sida looga gaashaaman karo ka hor intaanay abaartu meel xun gaarin oo meel dad iyo xoolaba ay ku baaba'aan.

 

Barnaamijkan waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Haaruun Macruuf. Waxaana marti ugu ah xubno ka tirsan shaqaalaha hay'adaha gargaarka ee ka hawlgala dalka Soomaaliya, waxayna kala yihiin; Dr. Xuseen Xaaji Macow, madaxa hay'adda kaalmeynta farsamada Soomaaliya oo ku sugan magaalada Ottowa ee dalka Canada, Ibraahim Cabdi Shire, Xiriiriyaha hay'adda Horn Relief ee Puntland iyo Somaliland, oo ku sugan magaalada Boosaaso, iyo Cabdirisaaq Maxamed Nuur (Shabeel) oo ah khabiir dhinaca cuntada iyo nafaqeynta ee hay'adda FSNU ee hoostagta hay'adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO.

 

Dhegaysi wacan:

http://www.voanews.com/somali/news/Faaqidaadda-Sababaha-Abaaraha.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Hormuud oo Maanta Kaalmooyin gaarsiiyay dad barakacayaal ah.

 

1902-full-so.jpg

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa noqotay shirkadii ugu horeysay ee ka jawaabta baaqa ku aadan abaaraha iyadoona shirkadu maanta deeqo kala duwan ay gaarsiisay qoysas ku dhibaateysan gudaha Magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka gudiga Abaaraha ee Shirkadda Isgaarsinta Hormuud Muuse Axmed Nuur oo u waramayay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay kaalmooyin ay maanta bilowday Shirkadda Hormuud oo ay kaga jawaabeyso baaqa ku aadan sidii wax loogu qaban lahaa dadka qaxay iyo kuwa abaaruhu ay saameeyeen.

 

Waxaa uu sheegay Afhayeenku in Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ugu talagashay 7-kun oo qoys oo ku dhibateysan gobolka Banaadir in ay Shirkadu kaalmooyin gaarsiiso, isagoo tibaaxay in maanta ay kalmooyin gaarsiiyeen 7 boqol oo qoys oo kusugnaa degmada Kaaraan ee waqooyiga Magaalada Muqdisho.

 

Qoys kasta oo maanta helay deeqa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa la siiyay 25 kiilo oo bariis ah gasac Saliid ah iyo sedax boqol oo Shilin Soomaali ah, waxaana sidoo kale dadka dhaawaca ah ee ku jira isbitaalada Martiini loo qeybiyay lacago Cadaan ah.

 

Afhayeenka gudiga Abaaraha ee Shirkadda Hormuud waxaa kale oo intaasi uu ku daray in gobolada kale ee Soomaaliya ay ka duwanyihiin qaabka Magaalada Muqdisho kaalmooyinka ay uga qeybinayaan.

 

“Goboladu waa ay ka duwanyihiin gobolada waxaa u badan haraad, marka waxaan biyo dhaamin ka sameyney qaarna hadda la qorsheynayaa degmooyinka Ceel-waaq, Baardheer. Diinsoor, Dhoobley, Bu’aale, Buurhakaba, Xudur, Jowhar, Buulaburde, Baladweyne, Masagawaa, Cadale iyo Saakow waxaana ku dadaaleynaa sidii aan u gaarsiin laheyn dadka ooman biyo ay cabaan” ayuu yiri Muuse Axmed Nuur

 

Waxaa uu ugu dambeyn sheegay Afhayeenka gudiga abaaraha ee Shirkadda Hormuud in hadii ay ku arkaan degmooyinkaasi dad u baahan kaalmooyin kale oo dhinaca cuntada ah ay siin doonaan, waxaana shirkadaha kale ee ka jira dalka uu ugu baaqay in ay kaalmo gaarsiiyaan dadka ay abaaruhu saameeyeen.

 

Howshaani ay bilowday Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa Magaalada Muqdisho ka soconeysa mudo todobaad ah, waxaana Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay noqonay shirkadii ugu horeysay ee ka jawaabta baaqa ku aadan in la caawiyo dadka ay saameeyeen abaaraha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee dowladda Soomaaliya oo dalbaday in la gargaaro shacabka Soomaaliyeed

 

Talaado, 11 Janaayo, 2011 (HOL) − Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee DKMG ah, ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan), ayaa ugu baaqay beesha caalamka in la gargaaro shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 

"Dadka ku nool Soomaaliya, dhibaato badan ayaa ku dhacday, gaar ahaan kuwa ku nool gobollada koonfureed ee ay ka taliso Xarrakatul Shabaab, waayo waxay u diideen in hay'adaha gargaarku deeqo gaarsiiyaan gobolladaas," ayuu yiri Tarzan.

 

Guddoomiyaha gobolka, wuxuu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo cid walba oo wax haysata inay gargaaraan dadka dhibaateysan, gaar ahaan kuwa ay abaaruhu ku dhufteen.

 

"Magaalada Muqdisho, waxay ku socotaa jidkii Baydhabo xilligii 1992-kii, taasoo ahayd magaaladii geerida, waxaan ugu baaqaynaa caalamka inay gargaar deg-deg ah lasoo gaaraan shacabka ku dhibaateysan magaalada Muqdisho," ayuu Tarzan yiri.

 

Duqa magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay in dadku ay kasoo qaxyaan goobaha ay ka taliso Xarrakatul Shabaab, sida Ceelasha biyaha, ayna soo galayaan magaalada Muqdisho, taasoo uu sheegay inay sii kordhisay xaaladda dadka ku dhibaateysan gobolka Banaadir.

 

Hadalka, guddoomyaha iyo duqa gobolka Banaadir ee DKMG ah, ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan qaylo-dhaanno gargaar loogu dalbayo, dadka ay saameynta xooggan ku yeesheen abaaraha ku dhuftay gobollada Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo billaabay inay Xoolo u qaybiyaan dadka ku nool gobolka Shabeellada dhexe

 

Talaado, 11 Janaayo, 2011 (HOL) − Guddiga Zakawaadka ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, ayaa bilaabay shalay oo Isniin ahayd qaybinta xoolo nool oo Zako ahaan ay u soo ururiyeen gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo loo qaybiyay qoysas dhibaateysan oo ku nool degmada Warsheekh.

 

"Waxaan, maanta si ramsi ah u billlownay qaybinta xoolo Zako ahaan aan horay ugu soo ururinnay, waxaana u qaybinnay 106-qoys, iyadoo qoys walba uu helay shan neef oo xoolo ah," ayuu yiri Sheekh Suldaan Maxamed Aala-Maxmaed oo ah madaxa guddiga Zakawaadka Xarrakatul Shabaab iyo guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha.

 

Sheekh Aala-Maxamed, wuxuu sheegay in xoolaha ay u qaybiyeen qoysaska ku nool degmada Warsheekh, ay gaarayeen 530-neef oo isugu jiray Geel, Lo' iyo Ari. Kuwaaoo ay horay uga soo ururiyeen xoolaleyda ku nool gobollada ay maamulaan.

 

Maanta oo Talaado ah, ayuu Sheekhu sheegay inay sidoo kale xoolo nool u qaybin doonaan dadka ku nool degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe, isagoo sheegay inay horay u diiwaan-geliyeen dadka ay Zakooyinka u qaybinayaan.

 

"Degmada Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeellada dhexe, ayuu sheegay inay ka diiwaangeliyeen 100-qoys oo ay doonayaan inay siiyaan xoolo nool, sidoo kale degmooyinka Balcad iyo Aadan-Yabaal, waxaa diiwaangelinay min 80-qoys oo aan xoolo siinayno, degmooyinka kalena sidaas oo kale ayaan u diiwaangelinay," ayuu yiri Sheekh Aala-Maxamed.

 

Gobolka Shabeellada dhexe, ayaa noqonaya gobolkii ugu horreeyay oo Xarrakatul Shabaab ay sannadkan ka bilaabaan Zako qaybinta, iyadoo mas'uuliyiintu ay xuseen in dhammaan gobollada ay ka taliyaan ay ka qaybin doonaan Zakada.

 

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, ayaa ka ururiya ganacsatada ku nool gobollada ay ka taliyaan xoolo iyo lacag Zako ah , kuwaasoo ay siiyaan dadka dhibaateysan ee ku nool gobolladaas, waxaana tallaabadan ay qayb ka noqonaysaa mid dadka loogu gargaarayo.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

e66ace0d-ed74-44f2-80e5-03d5faaa4bc1.jpg

Pastoralist children and elders pass time in the Diif area near Wajir, in northern Kenya,

after mobile schools serving the community were closed in the face of worsening drought. ALERTNET/Abjata Khalif

 

alertnet.png

 

Wednesday, January 12, 2011

 

WAJIR, Kenya (AlertNet) – A prolonged drought ravaging the northern Kenyan towns of Garissa and Wajir has interrupted a unique education system that was enabling the children of nomadic herders to learn while on the move with their livestock.

Until June last year, while the region had enough pasture and water, pastoralist children from northern Kenya’s Somali community were enrolled in mobile schools that followed their families from one grazing area to another.

 

Two teachers, with a bag of books and a small blackboard, were loaded onto camels and would move with the nomadic herding families through the region’s arid, dusty plains. The mobile school accommodated the traditions and customs of the pastoralists while ensuring children did not grow up illiterate.

 

Since June, however, extended periods of drought in Kenya’s northern grazing areas, brought on by the effects of climate change, have forced many pastoralist children to miss school.

 

In September, mobile schools operating in areas with shallow wells and dams had to close due to a lack of water and pasture and by November, all mobile schools were closed down as the drought intensified, drying up boreholes and forcing pastoralists to move across the border to Somalia in search of pasture.

 

“We put on a brave face after some of our livestock left for Somalia and others perished here right in front of us,” said Hassan Guhad, a community elder for a pastoralist group in Meri, a remote settlement in Wajir.

 

“The school continued through July and August but we finally decided to close it down as community members fled to urban areas while others moved with their livestock to Somalia. This severe drought has put a stop to the school and the teachers have left the area too,” Guhad added.

 

The region’s communities are accustomed to the regular droughts that occur in the region between June and August, before the rains come from September to December. They traditionally prepare for the drought during the rainy season but the latest dry spell extended through the 2010 rainy season and has yet to break. The drought and extreme heat experienced in the day has dried out vegetation and dried up water wells.

 

EDUCATION IS KEY

 

The mobile school system began in 2008 after Frontier Indigenous Network, a community based organisation in Wajir, convinced community leaders that secular education was vital for their children and a key to prosperity and ambition.

 

In northern Kenya’s Somali community - where each nomadic group comprises seven households with one leader who directs the group’s affairs - it is traditional for children to herd goats and donkey.

 

Leaders had always been reluctant to send their children to school in the region’s main towns, meaning young people grew up illiterate with few prospects and young girls were traditionally married off to elders in exchange for a dowry of 10 camels and several goats and sheep. While this practice still happens, education is beginning to change the community’s attitudes to women.

 

Thanks to mobile schools, many pastoralist children have completed primary education and gone on to secondary school in the towns of northern Kenya.

 

In the mobile schools, local teachers, who understand English and the local Somali language, use various traditional teaching aids in the remote grazing areas to help the children grasp their lessons.

 

“We use wild fruits when teaching them mathematics so that they can understand mathematical terms like minus, plus and numbers,” said Ali Abdi, a mobile school teacher in the remote town of Sarif, in Wajir district.

 

If no wild fruits are available, the children will count cattle and camels to understand mathematics.

 

“During my first teaching session, I spoke in the local Somali language but the children took time to understand me. But when I used wild fruits they understood the lesson a lot quicker, so since then I’ve used wild fruits in my lessons,” Abdi added.

 

RESPECTING LOCAL CUSTOMS

 

To fit in with the rhythm of the nomadic communities, mobile schools start teaching in the early hours of the morning. The children then tend to their goats and donkeys and classes resume in the evening.

 

“The two learning sessions were meant to respect the community tradition of children participating in herding goats and sheep,” said Asha Mulki, coordinator of the mobile school programme at the Frontier Indigenous Network.

 

“Also, we have understood that the space between the two sessions gives the children time to reflect and discuss the lessons while out in the grazing areas,” she added.

 

The disruption of the mobile school means pastoralist children have not had lessons since November 2010. Mulki said she hoped the mobile schools would be back up and running again this year, weather permitting, although rains are not expected until March.

 

“Community members will come back to grazing areas and resume their pastoral lives if we get good pasture and rainfall. But if the situation continues like this we don’t know when the school will resume. It all depends on the weather and rain,” Mulki said.

 

Mulki blames the disruption of the innovative education system on climatic change. Children will now be behind the school schedule in terms of sitting examinations and graduating to the next class, while others may never return as their families may have lost everything to drought, he said.

 

Abjata Khalif is a freelance journalist, based in Wajir, Kenya, with an interest in climate change issues.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maamulka gobolka Banaadir ee DKMG ah oo lacag u qaybiyay dadka ku dhibaateysan magaalada Muqdisho

 

Khamiis, 13 Janaayo, 2011 (HOL) − Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda Soomaaliya, ayaa maanta deeq lacageed gaarsiiyay qaar ka mid ah qoysaska ay dhibaatadu ku haysato degmooyinka ay dowladdu ka maamusho Magaalada Muqdisho.

 

"Qoysaska, aan deeqda lacageed gaasiinnay, waxay gaarayaan 163-qoys, oo ku dhibaateysnaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Muqdisho, waxaana qoys walba siinnay 700,000 shillin Soomaali ah," ayuu yiri guddoomiye ku xigeen arrimaha ammaanka ee maamulka gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan.

 

Guddoomiye ku xigeenku, wuxuu sheegay in deeqdan ay tahay mid uu maamulku ku deeqay, ayna hordhac u tahay deeqo uu maamulku ugu talogalay inuu ku saacido dadka ku dhibaateysan degmooyinka ay Muqdisho kaga sugan yihiin.

 

"Hay'adaha gargaarka, waxaan ugu baaqaynaa inay caawiyaan dadka dhibaatadu ku hayso gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho," ayuu yiri Warsame oo baaq u dirayay hay'adaha gargaarka ee caalamiga ah.

 

Dowladda Soomaaliya, ayaa gacanta ku haysa lix degmo oo ka mid ah 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, waana markii ugu horreysay oo deeq noocan oo kale ah ay u qaybiyaan dadka ku dhibaateysan degmooyinka ay maamulaan. waxaana deeqdan ay imaanaysaa iyadoo DKMG ah ay sheegtay inay dhawaan deeqo raashin ah ka heshay dalalka carabta qaarkood.

 

Maamulka gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, oo ka talisa inta badan magaalada Muqdisho, ayaa dhawaan magacaabay guddi loogu talogalay inay gargaar u fidiyaan dadka ku dhibaateysan caasimadda.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Hay’adda Zamzam Foundation oo biyo dhaamin ka wada Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Bay

Ka dib markii abaaro ba’an iyo biyo la’aan lasoo gudboonaadeen bulshada Somaliyeed ee isugu jirta beeralay iyo xoolo dhaqato ayaa qaar ka mid ah ganacsatada ,ururada bulshada ,shirkadaha sida garka ah loo leeyahay iyo hay’addaha wadaniga ah waxay bilaabeen in ay gacan ka geyustaan sidii loo samata bixin lahaa dadka iyo duunyada abaaruhu saameynta ku yeeshay.

 

Iyada oo taa laga duulayo ayaa hay’adda wadaniga ah ee Zamzam foundation waxay bilowday dec ee sanadkii tagay 2010ka in ay maalin kasta 3 boyadod oo biyo la cabo oo nadiif ah ay gaarsiiso gobolada iyo dhulka miyiga ah sida tuulooyinka fogfog in ay waraabiso xoolo iyo qoysas isugu jira beeraley iyo xoolo dhaqato aan awoodin in ay helaan biyo iyo baad.

 

Hay’adda Zamzam foundation ayaa biyo dhaamin ka bilowday meelaha ugu daran ee ay biyo la’aantu ka jirto side deegaanada iyo Tuulooyinka hoos taga Gobolada bay iyo Sh/hoose.

 

Hey’adda Zamzam foundation waxay maalin kasta u qeybisaa dadka abaaruhu saameynta ku yeeshay ee dagan deegaanada iyo tuulooyinka kala ah:

 

1. Garas macay

2. Baqtiile

3. Leego

4. Saaha yarey

5. Yaaq doomaar

6. Dugule

7. Kala guur

8. Cidi shabel

9. Cali Buule

10. Abiikarow

11. Saaha weyn

12. Xaliimo siyaad

13. Jiiro yaasiin

14. Qardho

 

Oo dhamaantood ka wada tirsan gobolada bay iyo SH/hoose oo dadkii iyo duunyadii halka aku dhaqanaa ay la il daran yihiin biyo la’aan iyo baad la’aan.

 

Ha’adda zamzam foundation waxay ugu baaqeysaa in hay’addaha kala gacansatada iyo shaqsiyaadka alle wax siiyey ay ka qeyb qaataan wax u qabshada dadka ay abaaruhu ku dhufteen

 

Dalka Somaliya ayaa sanadihii ugu danbeeyey ayaa waxaa ku dhuftay abaaro saameeyey dad iyo duunyo waxaana u sii dheer colaado is dil iyo barakac Xasilooni dari ka jirta deeganada qaarkood kuwaas oo sii laba jibaray dhibaatooyinka ay sababeen abaaruhu.

1.jpg

2.jpg

3.jpg

5.jpg

4.jpg

6.jpg

11.JPG

12.JPG

-------------

 

http://www.zamzamsom.org/home.php

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

abar.jpg

 

Muuqaalo ka tarjumaya abaaraha Muqdisho

 

 

Abaaro ba`an oo galaaftay nolosha dadka iyo duunyo badan ayaa waxaa ay ka taagan yihiin gudaha dalka Soomaaliya, waxaana abaarahan si weyn looga dareemaya gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed ee dalka.

 

Shacab badan oo kasoo qaxay gobolada dhexe iyo deegaanada ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab ee gar-gaarka laga mamnuucay ayaa waxaa ay soo buux dhaafiyeen degmooyinka Madiina iyo Dharkenley.

 

abar1.jpg

 

Barakacayaashan ayaa iyaga iyo xoolohooda waxaa laga dareemayaa gaajo, iyadoona xoolaha ay wataan yihiin uwo aad u caatooban.

 

Qaar ka mid ah barakacayaashan ayaa shabakadda Calanka u sheegay in ay wadada uga soo dhinteen xoolo iyo caruur ay wateen.

 

Roob la`aan ayay sheegeen in ay tahay dhibaatada ugu weyn ee abaarahan.

abar2.jpg

 

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 50% shacabka Soomaaliyeed qarka u saaran yihiin abaaro, iyagoona ka digay in gar-gaar deg.deg ah la gaarsiiyo.

 

Kooxda Al-Shabaab oo inta badan deegaanada ay abaaruhu ka jiraan ee koonfurta gacanta ku haya, waxaana ay diideen in gar-gaar la gaarsiiyo shacabka ku dhaqan deegaanadaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Warbixin iyo muuqaalo si dhab ah uga hadlaysa xaalada abaareed ee taagan gobolka Hiiraan (SAWIRRO)

 

abaar%20(4).JPG

 

Axad, 16, Jauary 2011, (HOL) Maalmihii ugu danbeeyay waxaa jiray warbixino iyo qoraalo inta badan warbaahintu ay sameysay xaalado nolol xumo oo ka dhalatay abaar ku dhuftay deegaanno badan oo ka mid ah dhulka Soomaalida, ayaa haddana goballka Hiiraan waxaa uu ka mid yahay deegaannada ugu sii darran goballada bartamaha Soomaaliya oo ay abaartu siweyn u saameysay.

 

Hadaba si aynu u ogaano baaxada abaarta iyo xaqiiqda nolasha ka jirta deegaannada cabashada ugu badan ka timid ayeey HOL kormeer ku tagtay dhulka Miiga ah oo qoysaskii ku noolaa intooda badan dhaafeen xoolihii ay dhaqanayeen.

 

Cel-celis ahaan dhul gaaraya ilaa 170-km oo ay HOL ku safartay, dhulku waxaa uu ahaa mid qalalan, geedehu malaha caleen la goosto, waana dhif iyo naadir in aad aragto tiro xoolo ah oo socda hareera wadada, waxaase mar marka qaar dhici karta in aad aragto xoolo isugu jira Geel, Lo, iyo Ari soco waayay oo iska taagan hareeraha wadada.

 

abaar.JPG

 

Waxaa intaa sii dheer dhimashada xoolaha oo ah mid xadkii dhaaftay, kuwaasoo aad ku arkeyso meel kasta oo aad marto, gaar ahaan waxaa ugu sii darray Lo'da iyo Ariga, oo qaarkood la ii sheegay in dadkii lahaa ay kala baxeen haraga si ay u sii iibiyaan.

 

Inta badan Tuulooyinkii ay HOL booqatay waxaa ay ahaayeen kuwo cidlo ah oo aan cidina jooga, laakiin meelaha qaar ayaad ku arkeysaa dad isugu jira rag iyo haween marka ay maqlaan Shanqarta gadiidka ku soo yaacaya wadada bal si ay ogaadaan in gadiidkaasi yahay mid deeq u sida iyo in kale.

 

Biyaha waa dhibaatada ugu weyn ee heysta dadka ku dhaqan dhulka Abaartu ku dhufatay, waxaana taa laga garan karaa muuqaalka Ceelka deegaannka Moqokori oo ay ku xoonsan yihiin dad xoolo dhaqato ah oo kala yimid meelo kala duwan.

 

abaar%20(2).JPG

 

'Saacad kasta waxaan xerada ka saarnaa Neef dhintay, maxaad u maleyneysaa haddii saacad kasta Neef dhintay xerada laga saaro waxa soo hari kara ayeey tiri,'' Hooyo xoola dhaqato ah oo aan kula kulmay deegaann lagu magacaabo Suubo oo ka tirsan goballka Hiiraan. Warbixin iyo muuqaalo ku saabsan xaalada Abaarta ka jirta goballka Hiiraan.

 

Maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa hadda meelaha qaar ka bilaabay Biyo dhaamin iyo bixinta raashin la siinayo dadka kuwooda ugu sii liita, waxaana ay dadka reer Miiga ah kuu sheegayaan in biyaha kaliya oo ay hadda isticmaalaan yihiin kuwa ay keenaan Booyadaha ay ku deeqaan maamulka xarrakada Al-shabaab ee goballka.

 

Runtii ma'aha wax sahlan nolasha ka jirta dhulka Miiga ee gobolka Hiiraan, waxaana hubaal ah in haddii 2 bilood ee soo socta xaalku sidan sii ahaato, laga yaabo in la arko dad u dhimanaya xaalada nolol xumo ee taagan, waayo nolasha dadkaasi waxaa ay ahayd mid ku xiren xoolaha oo ah kuwo gabi ahaanba hadda meesha ka baxay.

 

abaar%20(1).JPG

abaar%20(3).JPG

abaar%20(5).JPG

abaar%20(6).JPG

abaar%20(7).JPG

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

UN relief wing allocates $84 million for 15 neglected emergencies worldwide

 

Tehran, Jan 16, IRNA - United Nations humanitarian chief Valerie Amos has allocated some $84 million to assist people affected by hunger, malnutrition, disease, displacement and conflict in 15 neglected emergencies around the world.

 

 

According to a press release issued at UN Headquarters in New York last weekend Humanitarian actors in Somalia received the largest single allocation of some $15 million, followed by some $11 million for those working Ethiopia. Agencies working in Chad will receive $8 million, while humanitarian partners in Kenya will receive $6 million to start up programs for 2011.

 

Programs in the Central African Republic (CAR), Democratic People’s Republic of Korea (DPRK), Sri Lanka, and Zimbabwe have each been allocated some $5 million, while programs to assist people in Burundi, Madagascar, and the occupied Palestinian territory will receive $4 million apiece, a press release issued by the UN Information Center (UNIC) here on Sunday said.

 

Humanitarian agencies in Colombia, Djibouti, Iran and Myanmar will each receive $3 million to bolster their emergency programs, as part of this first round of allocations for 2011 from the Central Emergency Response Fund (CERF).

 

Launched in March 2006, CERF is managed by the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA), which is headed by Ms. Amos, and aims to speed up relief operations for humanitarian emergencies and make funds available quickly after a disaster, when people are most at risk.

 

It is funded by voluntary contributions from member states, non-governmental organizations (NGOs), local governments and individual donors.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Once again Hormuud oo dadkeeda u istaagtey

 

Hormuud oo biyo dhaamin ka bilaawday deegaano ka tirsan Wanlawayn

 

Wanlawayn: (Sh. M. Network) Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa biyo qeybin u samaysay dad abaaro ku waxyeeleeyay degaano ka tirsan Wanlawayn.

 

Tuulooyinka ay shalay Shirkadda Hormuud biyo dhaaminta ka samaysay ayaa waxaa ka mid ah Tuulo la yiraahdo sagaaroole halkaasi oo ay degan yihiin dad beeralay ah oo la ildarnaa abaaraha ku dhiftay qeybo gobolka Sh/hoose.

 

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degaanka Sagaaroole ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in biyo ay soo garsiiyeen Shirkadda Hormuud, iyagoo intaasi ku daray in halkaasi ay biyo la’an darteed ay ugu barakaceen qoysas la il darnaa abaaraha ka taagan Tuulooyinkaasi.

 

Sidoo kale waxaa la sheegay in dadka markii ay maqleen in Shirkadda Hormuud halkasi ay ka bilaawday biyo qeybin, ay dad badan oo horey ugu barakacay deeganada ay dib ugu soo laabteen kuwaasi oo markii hore u barakacay Tuulooyin kale oo aan sidaasi ugu fogayn halka ay abaartu ku dhiftay.

 

Ma’ahan deegaanka sagaaroole oo ka mid ah degmada Wanlawayn oo kaliya halka ay biyaha gaarsiiisay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee waxaa jira maagalooyin kale oo shirkadaasi biyo qaybin ka samaysay, halkaasi oo ay abaar kula dhinteen dad iyo duunyo.

 

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa ah shirkadda kaliya ee iminka u istaagay sidii ay wax ugu qaban laheyd dadka dhibaataysan, iyadoo shirkadda ay gar gaarkeedu ku fidisay qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka oo ka imaanaysa cabashooyin kala duwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somali govt calls for more food for draught-affected people

 

Africa_News.gif

 

 

Monday, January 17, 2011

 

APA-Mogadishu (Somalia) The Transitional federal government (TFG) of Somalia has called for an emergency aid assistance from the international community for the needy Somali people especially those living in draught affected regions, APA learns here on Sunday evening from the TFG deputy minister of Agriculture Hassan Yaqub Ges Adde.

The Somali deputy minister of Agriculture, Hassan Yaqub Ges Adde, told reporters in Mogadishu on Sunday evening that his minister is sending a particular request to the UN food agency-WFP and the world Food and Agriculture body-FAO to quickly assist hundreds of thousands of people who are on the verge of death because of lack of food.

 

“People are dying and I am afraid that humanitarian disaster will happen in the draught affected regions in Somalia if life-saving food assistance doesn’t come on time,” Ges Adde said.

 

Meanwhile, the minister accused the Al-Qaeda-linked Al Shabab militants of restricting the international aid organizations from reaching the needy people in regions under their control.

 

“I call on the militants to lift the embargo they imposed on the needy civilians,” the minister said, adding that the militants are a major problem to the people in Somalia.

 

Last week, the militants confiscated dozens of water wells from ordinary people in the southern Somali region of Lower Shabelle.

 

Al Shabab militants, who claim they have links to Osama Bin Laden’s Al-Qaeda network, have been fighting the Somali government for the past several years in a bid to topple it and replace with an Islamic state.

 

But, analysts say that Al Shabab wants an Islamic regime similar to the one that existed in Afghanistan before the fall of Taliban in late 2001.

 

 

Source: Africa News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Hay’adda EDCO oo ka dayrisay xaaladda dadkii kasoo baxay tuulooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan

gargaar2.jpg

 

Arbaco, 19 Janaayo, 2011 (HOL) – Hay’adda EDCO, oo ka mid ah hay’adaha gargaarka ee ka howlgala Muqdisho, ayaa ka dayrisay xaaladda barakacayaal abaaraha awgood uga soo cararay tuulooyin ka tirsan degmooyinka Buula-burde, Jalalaqsi iyo Buurweyn oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

 

Dalka Soomaaliya, waxaa ka howlgala hay’ado fara badan oo maxli ah, kuwaasoo ka howlgala goobaha ay ku sugan yihiin barakacyaasha iyo dadka ay abaaruhu waxyeellada u geysteen. Waxaana ka mid ah hay’adahaas EDCO , oo loosoo gaabiyo (Education developments for children organization), iyadoo mas’uuliyiintooda ay howlo kormeer ah ku tageen qaar ka mid xerooyinka Muqdisho ku yaalla ee ay ku nool yihiin daadka soo barakacay.

 

Mas’uuliyiintan, ayaa howshoodu ahayd inay soo ogaadaan xaaladda dadka soo barakacay ee xerooyinka magaalada Muqdisho. Iyagoo halkaa kusoo arkay dad fara badan oo noloshoodu liidato, isla markaana aan haysan hoy, raashin iyo daryeel caafimaad.

 

gargaar4.jpg

Sidoo kale, mas’uuliyiintan ayaa intii ay ku gudo-jireen kormeerkooda, waxay sheegeen inay sii kordhayso tirada dadka soo gaaraya xerooyinka dadka soo barakacay ay ka dagayaan Muqdisho, kaddib markii degaannaadii ay ku noolaayeen ay ka dilaacday abaar aad u daran, oo ay ku waayeen xoolihii ay haysteen, waxaana dadkaas ay kasoo barakaceen tuulooyin ay ka mid yihiin: Caymooy, Jiiqleey,Sanki, Caddeey, Jameeco, Aqabooy iyo Kelli-gubadle oo ka tirsan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

 

Waxaa degmooyinka ay dadkan kasoo barakaceen ka mid ah: degmada Jalalaqsi, gaar ahaan tuulooyinka: Fiidow, Buulo-wabar iyo Jameeco, iyadoo sidoo kale ay uu deegaannada dadkan ay ka yimaadeen ay ka mid yihiin: Buur-weyn, Qabaar-yoole, Jameecada, Garas-weyne, Bil-cilleey, Siibaay iyo Jimbiley, iyadoo dadkan ay haatan ku nool yihiin xerooyin ku yaala deegaannada loo barakacay ee Ceelasha-biyaha iyo xerooyin ku yaal magaalada Muqdisho.

gargaar5.jpg

 

Mas’uuliyiint hay’adda EDCO, waxay sheegeen in caruurta ku jirta xeryaha dadkan soo baracakay ay aad u liidataan, ayna maalin kasta u dhimanayaan nafaqo-darro iyo shuban . Waxayna dadkan ka codsanayaan hay’adaha samofalka inay lasoo gaaraan gargaar deg-deg ah, maadaama ay xaaladoodu aad u liidato, sidoo kalena hay’addu waxay ka codsadeen maamullada dalka ka jira inay hay’adaha samofalka u fududeeyaan gargaarka maadaama dalka ay soo food saartay xaalad abaareed oo aad u daran, iyagoo sheegay in abaarta dalka ka jirta ay ka duwan tahay middii dhacday sannadkii 1992-kii, taasoo dad in ka badan 500,000-qof dishay.

gargaar.jpg

 

Dalka Soomaaliya, ayaa waxaa saameyn xooggan ku yeeshay abaaro sababay inay xoolaha hintaan, sidoo kalena dadku ay waayeen wax ay cunaan, taasoo keentay in dadka intooda badan ay gaajo awgeed uga soo cararaan deegaannadooda, si ay u helaan si u helaan raashin ay nafta ku ceshadaan, maadaama deegaannadooda ay ku dhufteen baaro baabi’iyay xoolahoodii, iyadoo abaarahan loo aaneynayo roobabkii xilliga dayrta oo baaqday iyo beerihii sannadkan oo aan si wanaagsan u bixin, waxayna abaartu si guud u saameysay Soomaaliya oo dhan.

 

Hay’adda EDCO, waa hay’ad samofal oo ka howlgasha magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka, waxayna horey howlo samofal uga higelisay degaannadaas ay dadkan kasoo barakaceen, iyagoo gaarsiiyay macaawinooyin kala duwan oo ay ugu talogaleen inay dadka ku nool ay ku taakuleyso, waxaana ujeeddooyinka loo aasaasay ka mid ah, inay gacan siiso dadka ku dhibaateysan , iyagoo hay’adaha caalamka u diray baaqay ay uga dalbanayaan inay caawimo lasoo gaaraan barakacayaasha uga cararaya gobolladoodii abaaraha awgood.

 

Wixii faahfaahin ah, kala xiriir EDCO, cinwaannadeeda kala ah: E-maillo: edco142@hotmail.com, edco40@yahoo.com, Teleefoonno: 00252615508656 iyo 00252615590288 ama ACC 3910.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this