Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland army Closing into Buhoodle rebels confused.

Recommended Posts

Ciidamada Qaranka Oo Dhirbaaxo Kulul Ku Dhuftay Nabad-diidka Buhoodle Kana Qabsaday Saldhigii Hagoogane Iyo Kooxda SSC Oo Ku Hanjabtay Inay Weerar Soo Qaadi Doonaan

 

“Waxa Dhinaca Buhoodle Ka Dhintay 7 Qof 4 Qofna Waa Laga Dhaawacay, 18 Maxbuusna Waa laga Qabsaday”Afhayeenka Maleeshiyada Nabad-dkiidka Buhoodle C/risaaq Bakayle

 

Hargeys, January 31, 2011 (Haatuf) - Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku kala dhex jiray beelihii colaadu ku dhex martay deegaanka Kal-Shaale ayaa la sheegay inay weerar ku soo qaadeen Maleeshiyada Nabad-diidka Buuhoodle, kadib markii ay dablay Maleeshiyada ka tirsani ay gaadhi Tikniko Ciidanka Qaranku leeyahay ay la beegsadeen Baasuuke, balse aanay Saraakiishii la socotay ee Ciidamada Qaranka Ka tirsanaa Wax Khasaare Ahi Soo Gaadhin.

 

Dagaalkan dhex maray ciidamada qaranka Somaliland iyo Maleeshiyada Buuhoodle oo la sheegay inuu ahaa dagaal balaadhan oo si weyn looga dareemay Jiidaasi ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaas oo la sheegay inuu socday muddo dhawr saacadood ah oo la isku gabaldhacsaday.

 

Ugu yaraan inta la ogyahay dagaalkaasi ayaa la sheegay inay ku dhinteen 9 qof kuna dhaawacmeen 7 qof oo laba Askari ciidanka qaranku ay ku geeriyoodeen hal Askarina kaga dhaawacmay, halka Maleeshiyada Nabaddiidka Buhoodle ay kaga dhinteen 7 qof kagana dhaawacmeen 5 qof, halka ciidamada Qaranku ay Maxbuus ahaan ku qabteen 18 qof oo isla xalay la keenay degmada Qori-lugud.

 

Afhayeenka Maleeshiyada SSC C/risaaq X Bakayle oo aanu khadka Telefoonka xalay kula xidhiidhnay isagoo ku sugan degmada Buuhoodle ayaa isagu sheegay inay si rasmi ah u soo gali doonaan dagaalka isla markaana ay weerar ku soo qaadi doonaan ciidamada Qaranka Somaliland ee qabsaday Hagoogane, isagoo intaa ku daray in dhinaca Buhoodle ay ka dhinteen dad gaadhaya todoba qof Afar Qofna dhaawac ahaan loo keenay magaalada Buhoodle xalay fiidkii.

 

Sidoo kale Ciidamada Qaranka Somaliland oo hadda Gacanta ku haya Saldhigii Maleeshiayda Nabaddiidka Buhoodle ee Hagoogane ayaa iyagu heegan culus ku jira, isla markaana difaac adag ka galay weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca Buhoodle.

 

Afhayeenka Maleeshiyada Buhoodle C/risaaq Bakayle oo ka hadlaya Dagaalkaasina waxa uu yidhi “Ciidamada qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay Kal-shaale iyo Maygaagle ayaa laba kor joogto oo ka kala tirsan labada beelood ee Qori-lugud iyo Buuhoodle oo is rasaaseeyay kala dhex galay, kadibna ciidanka qaranka ayaa ciidamadii beesha Buuhodle ee fadhiyay Hagoogane weerar ku soo qaaday, dhimasho badana u geystay, ilaa hadda intaanu ognahayna waxa dhinacan ka dhintay todoba qof afar qof oo dhaawac ahna magaalada ayaa la keenay, balse subaxa (maanta) ayaanu dagaalka si rasmi ah usoo galaynaa waxaanan weerar ku soo qaadaynaa ciidanka Qaranka ee qabsaday Hagoogane”.

 

Ilo wareedyada aanu xalay ka helnay jiida Buuhoodle iyo Hagoogane ayaa noo sheegay in dagaalkii cuslaa ee halkaasi ku dhex maray ciidanka Qaranka iyo maleeshiyadii soo weerartay oo isku gabal dhacsaday, ayaa la sheegay in jawi colaadeed oo abaabulan laga dareemayo deegaanadaasi, gaar ahaan magaalada Buuhoodle ayaa si weyn looga dareemay in gurmad dagaal oo ku wajahan jiida Hagoogane.

 

Waxa kale oo wararku intaa ku darayaan in dhaawacyo iyo Maydad ka mid ah Maleeshiyada Buuhoodle ay kaga carareen goobta dagaalku ka dhacay, isla markaana ay xalay jiidaasi ka daabulayeen dhaawacyadii iyo Maydadkii ay ka yaaceen.

 

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani oo aanu xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo dagaalkaasi dhacay, sidoo kale mar aanu isku daynay in aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhno Wasiirka Gaashaan dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaanay noo suurto galin in aanu ku helno khadka Telefoonka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

khasaarihi dagaaladi hagoogane eeh shalay oo kordhay iyo buuhoodle oo laga qaxayo

 

Burco sareernews wararki ugu danbeyeey eeh ka imanaya degaanka buhoodle ayaa sheegaya in khaasarihi laba dagaal oo kale danbeeyey oo dagaankaas ka dhacayey kordheen. Khaasaaraha dhinaca deegaanka buhoodle soo gaadhay ayaa lagu sheegeyaa 11 dhimasho ah iyo sagaal dhaawaac ah iyado 28 maxbuuus oo kale loo dhaadhiciyey jeelka magaalada burco eeh gobolka togdheeer dhinaca kale waxa la sheegeyaa in ciidamada qaranka uus oo gaadhay 2 askari oo dhimasho ah iyo mid hdhawaaca ah oo dhamaantood ka so jeeda deegaanka Buhoodle

 

Dhinaca kale dagaalki galinki hore dhacay ahaa mid u dhexeey labada beelood eeh degaanka buhoodle wada dega , ayaan geysan wax khasaara ah ciidamada qaranka ayaana imika la wareegey amaanka dhulka u dhexeyaa buhoodle iyo hagoogane iyado ciidamadii jabhada ay ka carareen aagoodii.

Magaalada Buhooodle waxa la sheegey inu ka soconayaa qax balaadhaan iyado dadka u ta talabayaan dhinaca xuduudaha itoobiya ciidamada qaranka ayaa la filaya inay mardhow gudaha u galaan magaalada buhoodle iyago fadhiisimo ka dhigan doona xeryo ciidan oo deegaankaas ku yaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaalada Kalshaale oo Cakiran iyo Madaafiic laysku garaacay.

Friday, 04 February 2011

Burco(Togdhnews)-Xaalada degaanka Kalshaale ayaa Cakiran,ka dib markii maanta maleeshiyo beeleedka ka soo jeeda degaanka Buhoodle,

 

ay madaafiic ku soo garaaceen goobaha ay degan yihiin ciidamada qaranka Somaliland ee jiidaasi.

 

Sida ay u sheegeen saraakiil ka tirdsan Ciidanka Qaranka oo ku sugan jiidaasi,Shabakada TogdheerNews, Ma jiraan waxa khasaare ah oo ay garaacistan madaafiicdu gaysteen Balse Madaafiicda iyo Kaarayaasha Ciidanka qaranka somaliland ayaa gelinkii dambe ee maanta u dhaqaaqay jiidaasi,kuwaaso la sheegay i nay galabta gaadheen,lana filayo inay ku biiraan cutubyadii hore ee Qaranka ee halkaasi ku suganaa.

 

 

Xiisada ka taagan degaanka Kalshaale ayaa u muuqata mid ay ka soo hurayso colaad xumi, madaama dhinacyada is horfadhiyaa uu midkastaaba ku jiro diyaar garow adag.

 

Wixii Warar ee ka soo kordha degaankaasi kala soco Togdheer News.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Somaliland oo ku sii qulqulaya degaanka Kalshaale kuna wejahan Buhoodle

Burco Feb 05-11-Magaalada Burco ayaa shalay ilaa doraad laga dareemayay dhaqdhaqaaq ciidan oo aad u balaaran oo ku sii jeeda degaanka Kalshaale oo shalayna dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo jabhada SSC.

 

Ciidanka Somaliland oo qaarkood laga soo ururiyay xeryaha gobolo kala gedisan ayaa loo daadgureynayay labadii maalmood ee ina dhaafay dhanka degmada Buhoodle oo Kalshaalena ka tirsan tahay.

 

Waxa soo baxaya warar sheegaya in odeydhaqameedka degaanka Buhoodle iyo xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo uu dhex maray wadahadal la iskula qaatay in ciidamada Somaliland ay hawgal amaanka lagu sugayo degaankaa ka fuliyaan.

 

Sidoo kale waxa iyaguna degaanada Bariga Somaliland ee Togdheer iyo Sool in dhawaalaba ku sugnaa madaxda dawlada Somaliland uga jira degaanadaa oo iyagu dhankooda ka wadey olole loogu gogol xaarayo hawgalada ciidamada.

 

Hawgalka u qorsheysan ciidanka Somaliland ayaa ah mid ay ku gaarayaan degaanka Buhoodle oo ah goob iminka xarun u ah jabhada SSC.

 

Hawlgaladan oo colaad xumi ka dhalan karto hadaan dadka degaanku dhan uga soo wada jeesan ayaad moodaa in xukuumada Somaliland ay wada tashiyo badan kala yeelatay dadka degaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Cabsida Maleeshiyada SNM ee kusugan Deegaanka Maraaga ayaa timid kadib ,maray ka warheleen diyaargarow ciidaan oo ka jira deegaanaka Tukaraq.

Ugu yaraan ilaa 8 gaadhi oo kuwa dagaalka ah oo ay saaran yihiin maleeshiyaad diif iyo daal xoog lihi kamuuqdo oo laga soo raray dhanka Kalshaale ayaa maalinimadii Shalay soo dhexmaray Magaalada Laascaanood, kuwaasi oo isii luuday dhanka Maraaga, waxana muuqata in maleeshiyadka SNM ay dareemayaan daal iyo niyad xumo kadib marakii ay ku adkaatay ina ciidamadoodu u qaybsamaan jihooyinka badan ee khatarta colaadeed kaga soo wajahntahay.

 

 Maleeshiyada SNM ayaa ayaa xiligan cabsi xoog leh ka qaba, dhanka deegaanka tukaraq oo ay dareemeen ina dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog lihi kaga soo wajahanyahay.

 

 Mid kamid maleeshiyada Huunada ee ku sugan aaga Maraaga ayaa u sheegay nin ay saaxiibo yihiin in habeenimadii xalay Dhoodi iyo Nugaalba ay uga jeedeen Kaah iyo iftiin cabsi weyn ku abuuray

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Dee wax walba ma soo qoraysaa odayashaa la qaatay Siilaanyo inay malayshadiinu ka howl gasho Gobolka Cayn. Sow kan odaygii ugu weynaa ee aad mar walba dhihi jirteen waa nala shaqyanyaa idin diidan..

 

Buhoodle,(lasanod Online)- Caaqil Maxamuud Xaaji Cumar Camey oo kamid ah cuqaasha deegaanka Buuhoodle oo caawa shirkan jaraa'id uu qabtay kaga hadlay arimo badan,

 

isagoo sheegay in beelaha soo duulay la iska celiyo.

Camay1.jpg

dhegayso.gifHalkan Ka Dhegayso Waraysigii Caaqilka

http://www.lasanod.com/details.php?num=5264

Share this post


Link to post
Share on other sites

a khadar iska daa ina xaji cumar camay waanu iska heshineyna wu yara cadhooday uun arinta kalshaale tana wala iskala heshiinaya ha sugi wayin. we respect the xaaji, Suldaan sicid manaad dhegyesan 5 weeg ka hor ba siilaanyo noogu danbeyse inanu wada hadalnay;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

XX, your source is report news with no legs. That is the point here. Kalshale is will be home for your clan militia.. End of story.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Taleexi;691774 wrote:
Sadly dreams remain only to be dreams.

somaliland was camped outside lasanod for more than five years until the time was right... while pirate boys used to taunt us to fight.... we know how they ended up.

 

timing is everything my friend...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Buuhoodle: “Waxaan waligeed dhicin…ayaa dhacay” Afhayeenka Cuqaasha Gobolka Buuhoodle

SUNDAY, 06 FEBRUARY 2011

Buuhoodle, (Togdhnewsl)- Odayaal iyo Madax-dhaqameed ka soo jeeda degaanka Buuhoodle, ayaa ugu baaqay bulshada iyo Maddax

-dhaqameedyada Somaliland uga arrimin lahaayeen xal-nabadeed laga gaadho xaalado ay sheegeen inay ka taagan yihiin oo ay tilmaameen inaanay ku qanacsanayn xalkii uu go’aamiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo).

 

 

Chief Caaqil Cabdillaahi Yuusuf Kooreeye iyo Caaqil Maxamed Nuux oo sheegay inuu yahay afhayeenka Cuqaasha Degaanka Gobolka Buuhoodle, ayaa si wada-jir ah khadka talefoonka ugula soo xidhiidhay Wargeyska Ogaal, kuwaasoo shaaca ka qaaday in baaq u dirayaan guud ahaan bulshada Somaliland, gaar ahaana Madax-dhaqameedka Beelaha Somaliland, kuwaasoo ay ka dalbanayaan inay si dhexdhexaadnimo leh u soo dhex-galaan wax ay ku tilmaameen khilaad qabiilooyin ay degaan wadaagaan.

 

 

“Bishan 1-deedii dagaalkii ka dhacay Hagoogane, rag shacab ahaa, ayaa meesha lagu soo doontay, waxaana cagta mariyay ciidankii Somaliland.” Sidaa waxa yidhi Caaqil Maxamed Nuux. Isaga oo ka hadlayay sidii wax u dhaceen waxa uu yidhi, “Waxaan waligeed dhicin oo aan waqooyiba (Somaliland) ka dhicin ayaa dhacay.” Waxaanu sheegay in ciidan ka soo jeeday beeshooda oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland ay dhinac kale u leexdeen, taasoo uu caaqilkaasi ku tilmaamay inay horseeday dhacdooyinkii ugu dambeeyay.

 

 

“Sidan maamul-xumo iyo cadaalada-xumo ayaa keentay iyo go’aan la’aan, waxaananu maamulka Somaliland ku eedaynaynaa dhibaatada dhacday. Hub aan weligeed laysu adeegsan ayaa laysu adeegsaday, waxa dhacday meesha la yidhaahdo Kalshaale, maalintii Mandaraqa lagu dhuftay ayuu Madaxweynaha gaadhsiiyay wax-garadkaygu inuu wax ka qabto. Waxa kale oo dhacday in xataa madaafiic ay labadii ciidan isu adeegsadeen.” Ayuu Caaqilka Afhayeenka isku magacaabay intaa ku daray. Isaga oo ka hadlayay go’aankii Kalshaale loogu wareejiyay ciidamada qaranka, waxa uu yidhi, “Waxa ka daran meeshii ay labada reer ku heshiin waayeen ee Kalshaale, ayaa wuxuu yidhi (Madaxweynaha Somaliland) waxa laga dhigayaa fadhiisin ciidan.” Ugu dambayntiina waxay Caaqilladan iyo Odayaal kaleba baaq u soo jeedinayaan Beelaha Somaliland. “Waxaanu beelaha Somaliland u sheegaynaa inay ka tashadaan oo shirar-beeleedyo la qabto, waxaananu la yaabanahay sababta ay waxgaradkii beelaha kale,” ayuu raaciyay isaga oo u jeeday in marka laga saaro beeshooda ay beesha ay is-hayaan ay beelaha kale ee ka baxsani arrintaa dawadeeda u raadiyaan….”U qaban waayay, taana weli ma hayno, xataa hadii ay waxgaradka beeluhu isu taagaan wax-ka-qabashada ama madax-dhaqameed ha ahaadaan ama Mutacalimin ama Golayaal, way wanagsanaan lahayd.”

Ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg deg ah Dagaal ka Socda Degaanka Kalshaale iyo Masuuliyiin Xukumada ka Tirsan oo ka hadlay.

Monday, 07 February 2011

War Deg deg ah Dagaal ka Socda Degaanka Kalshaale

Burco-(Togdheernews.com)Dagaal Culus ayaa waxa uu ka socda Degaanka Kalshaale, Dagaalkan ayaa waxa uu Dhaxeeya Ciidamada Qaranka Soomaaliland iyo Meleeshiya Beeleedka SSC.

 

 

 

Dagaalkan ayaaa waxa la isku Adeegsaday Hubka Noocyadiisa kale Duwan, ilaa hadana Waa uu Socda Dagaalku lamna Sheegin Wax Dhaawac iyo Dhimasho ah.

 

 

Dagaalkan ayaa ka Culus dagaaladi hore ee ka dhici jiray degaankaasi,isla markaana u muuqday mid labada dhinacba ay u soo diyaargaroobeen, kaaso la filaayo in khaasare culusi ka dhasho. Sidoo kale waxa Dagaalkaasi ka Hadlay Wasiirka Gaashaandhiga Sooomaaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.

 

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in ciidamada Jiida hore ee Somaliland ay iska Dhiciyeen maleeshiyada Beeleedka SSC oo saaka weerar gaadmo ah ku soo qaaday.

 

 

Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami, waxa uu tilmaamay in mar walba ay ciidamada Somaliland heegan buuxa ugu jiraan sidii ay iskaga waabin lahaayeen cadawgooda, waxaanu ugu baaqay in ay heegan buuxa galaan ,isla markaana ka feejignaadaan wax kasta oo ku yimaada.

 

 

 

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu goor dhaweyd ka hadlayay xarunta Baarlamaanka Somaliland, ka dib markii uu ka soo qayb galay hadal uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u jeedinayay labada gole ee wakiilada iyo Guurtida.

 

 

“Saaka lixdii aroornimo ayay falaagada SSC weerar ku soo qaaday ciidamada Somaliland, waxaanan idiin sheegi karaa in ay iska waabiyeen isla markaana dhirbaaxo kulul ku dhufteen” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaanu intaasi ku daray isla markaana uu baaq u diray dhamaanba ciidamada Somaliland ee sugan jiida Hore “Waxa aan u soo jeedinayaa ciidamada Somaliland ee ku sugan jiida hore in ay ka feejignaadaan wax kasta oo dibada kaga iman, kara waxaanan aad ugu kalsoonahay in ay cadawgooda iska dhicin karaan” ayuu yidhi.

 

 

 

 

Wasiirka ayaa tilmaamay in aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay ciidamada Somaliland, balse ay jabiyeen isla markaana khasaare laxaad leh gaadhsiiyeen ciidamadii weerarka ku soo qaaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

danka Somaliland Oo Khasaare Laxaadle Gaadhsiiyay Maleeshiyada Nabad diidka ah Ee Buuhoodle

February 20th, 2011

 

Buuhoodle (Somaliland.Org)- Ciidamada qaranka Somaliland ee jiidaa deegaanka Buuhoodle ayaa jabiyay kooxda nabad diidka ah ee qalalaasaha ka wada deegaanadaasi oo saaka soo weeraray laba fadhiisan oo ay degan yihiin Ciidammadda qaranku, sidaasi waxa sheegay Afhayeen u hadlay ciidanka oo la yidhaahdo Xasan Cabdi Yuusuf.

 

Xasan Cabdi Yuusuf, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaarada Warfaafinta wuxuu ku eedeeyay kooxdaasi nabad diidka ahi inay soo weerareen ciidanka qaranka waxaanu yidhi “Abaaro 5:30 subaxnimo ayay kooxda nabad diidka ahi soo weerareen ciidanka qaranka laba fadhiisin oo ay degan yihiin waxaan idiin sheegayaa in lagu jabiyay maleeshiyaddii dagaalka soo qaaday waxaanu ka qabanay laba Baabuur oo tikniko waa la iskala tagay Hagoogle iyo maygaagle waxay Ciidanka qaranku hadda marayaan duleedka magaalada Buuhoodle.”

 

“Waxa kale oo aanu qabanay 20 maxbuus oo uu ku jiro laba wiil oo uu dhalay ninka la yidhaahdo dhalbac ee dhawaan la goostay sadex baabuur oo tikniko ah oo uu markii hore ka soo soo goostay Puntland,”ayuu yidhi Afhayeenka u hadlayay ciidanka qaranku waxaanu ku dooday inaanay jirin dhimasho ah oo soo gaadhay ciidanka qaranka.

 

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee wasaarada Warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland Md. Faysal Cali Sheekh, oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa ammaan u soo jeediyay ciidanka qaranka oo uu ku bogaadiyay geesinimada iyo tallaabooyinka ay ka qaadeen kooxda nabad diidka ah ee soo weerartay.

 

Md. Faysal Cali Sheekh wuxuu intaasi ku daray in ciidamada qaranku aanay wax dhibaato ah u geysanayn dadweynaha ku dhaqan jiidaha ay dagaaladdu ku dhex marayaan ciidamada qaranka iyo kooxaha nabad diidka ah.

 

Dhinaca kale, Agaasimaha guud waxa uu sheegay inay dhawr askari ka dhaawacmeen ciidanka qaranka, hase yeeshee aanu jirin cid dagaalkaasi ku dhinteen.

 

Goob joogeyaal ku sugan magaalada Buuhoodle, ayaa sheegay in la geeyay magaaladaasi dhawr qof oo dhaawac ah, qaar kalena la soo wado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this