Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland army Closing into Buhoodle rebels confused.

Recommended Posts

Dagaal aad culus oo ka socda Deegaanka Kalshaale Hagoogane Iyo Meegaagle

Lasanod Online Sunday, February 20, 2011

 

 

Buhoodle,(Lasanod Online)-Dagaal aad u culus ayaa waxuu ka socdaa nawaaxiga Baliga kalshaale, dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka culus ayaa wuxuu ku bilowday weeraro ay soo qaadeen Ciidamada somaliland

 

 

oo ku gaashaman tikniko culus iyadoo madaafiicda la is weydaarsanayay laga maqlayay gudaha magaalada buuhoodle

 

Ciidanka somaliland ayaa subaxnimadii hore waxay weerar ku soo qaadeen degaanada hagoogane iyo meegaagle weerarkaasi oo ahaa gaadmo ayaan ciidanka somaliland u suurta galin inay qabsadaan hagoogane iyo meegaagle

 

 

 

Ilaa iyo hadda waxaa la maqlayaa daryanka Madaaficda culus oo halkaasi ka dhaceysa, waxaana dhici karta in qasaare badan ka dhasho dagaalkan oo ah mid xoogan

 

Dagaalkan saaka ayaa imanaya xili maamulka somaliland uu sheegay inuu dib oga baxay deegaanka kalshaale taas oo noqotay mara habaabin uu ku doonayay inuu dhul kale qabsado

 

xidhiidh ay la sameysay shabakadda lasanod Online Col Cali Sabarey ayaa noo sheegay inay dib u celiyeen ciidamadii somaliland ee saaka soo duulay islamarkaana xiligan uu sheegay inay ku sugan yihiin Hagoogane

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii kalshaale oo Istaagay iyo Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac ee uu Sababay.

Sunday, 20 February 2011

 

 

Burco-(Togdheernews.com)-Dagaalkii ka Socday Deegaanka Kalshaale ayaa Hadda istaagay,kaasoo ahaa mid aad u Culus la iskuna Adeegsanaayey Hubka Noocyadiisa Kala

 

Duwan, Socdayna Muddo saacado Badan Ah.

 

 

Khasaaraha Soo gaadhay dhinaca Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliland ayaa lagu sheegay 2 dhimasho ah iyo 6 Dhaawac ah.

 

 

Sidoo kale waxa Ciidanka Qaranku sheegeen inay Maleeshiyadda ka qabteen Hal Baabuur oo Waarad ah oo ay u Saarnaayeen Rasaas iyo Raashin, isla markaana ay ka gubeen Hal Baabur oo Tikniko ah, kana Qabteen 5 Maxbuus.

 

 

 

Dhinaca Buhoodle ayaa Wararka ka imanaaya sheegayaan in la gaadhsiiyey 4 Dhaawac, ilaa hadda lama oga Khasaaraha Dhimashadda ee soo gaadhay Dhinacooda.

 

Wixii Warar ee ka soo kordha kala soco Togdheernews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu Danbeeyay ee Dagaalkii saaka ka dhacay Deegaanka Buuhoodle iyo Ciidanka Qaranka Xadka ka saaray Maleeshiya Beeleedka SSC.

 

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa cagta mariyay maleeshiyo beeleedka SSC oo saaka Weerer ku soo qaaday

 

Wararka naga Soo gaadhaya Deegaanka Hagoogane iyo Maygaagle ayaa la sheegaya in abaaro saaka 5:00 Am Subaxnimo Dagaal balaadhan ka bilaabmay halkaasi dagaalkaasi oo u dhexeeya Ciidanka Qaranka somaliland iyo maleeshiyo beeleedka nabad diidka ee SSC ee ka dagaalama deegaanka buuhoodle ayaa mar kale saaka dib uga qarxay halkaasio.

 

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa cagta mariyay maleeshiyo beeleedka SSC oo saaka Weerer ku soo qaaday Fadhiisimadda Ciidanka Qaranka Somaliland kuwaasi oo la sheegay in laga qabtay maxaabiis gaadhaysa 20 maxbuus, khasaare kalena la soo gaadhsiiyay, laba baabuurna laga qabsaday sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Faysal Cali sheikh oo u hadlay Somaliland.

 

Afhayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland Xasan Cabdi yuusuf iyo Agaasimaha warfaafinta Faysal Cali Sheekh oo maanta shirjaraa,id ku qabtay magaaladda Hargeisa ayaa sheegay in Maleeshiya Beeleedka SSC ee Xidhiidhka la leh Argagixisada ay Weerar ku soo qaadeen ciidanka Qaranka somaliland iyaga oo xusay in Ciidanku iska Difaaceen isla markaana khasaare soo gaadhsiiyeen maleeshiyadda nabad diidka ah ee rabshadaha dagaal ka wada deegaanadda buuhoodle, waxa kale oo ay intaasi ku dareen in Dagaalku illaa hadda Socdo Ciidanka Qarankuna ka saareen Xuduuda somaliland maleeshiyadda nabad diidka ah ee ku sugnaa deegaanadaasi.

 

Warar ka imanaya Deegaanka Buuhoodle ayaa sheegay in la keenay dhawaac gaadhaya illaa afar qof oo ka tirsan maleeshiyadda SSC ee saaka dagaalka soo qaaday iyada illaa hadda Dagaalku socdo ayaanay cadayn khasaaraha dhabta ah ee uu gaystay dagaalkaasi.

 

Dagaalkan oo la isku Adeegsanayo hub calculus sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya deegaanadaasi ayaan la garanayn halka ay ku danbayn doonaan iyada oo wararku sheegayaan in khasaaruhu intaa ka balaadhanyahay,

 

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Gabiley News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Sheegtay In Ciidanka Qaranku Uu Gacanta Ku Dhigay 20 Maxbuus Iyo Laba Gaadhi Dagaalkii Saaka Ka Dhacay Deegaanka Kalshaale.

 

 

Hargeysa (Ramaas) Feb. 20, 2011- taliska guud ee ciidanka qaranka Somaliland, ayaa sheegtay in ciidanka qaranku ay gacanta ku dhigeen 20 maxbuus oo ka tirsan jabhada falaagada ah, isla markaana ay daagaalkii ka dhacay jiida Kalshaale ku qabsadeen laba gaadhi oo ah kuwa dagaalka.

 

Afhayeen u hadlay ciidanka qaranka Somaliland oo lagu magacaabo Xasan Cabdi Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in dagaalkii saaka dhacay ay gacanta ku dhigeen maxaabiis tiradooda lagu qiyaasay ilaa labaatan maxbuus iyo laba gaadhi oo laga qabsaday kooxda nabad diidaka ah ee dagaalka hubaysan kula jirta Somaliland, waxaana uu afhayeenku sheegay in ciidanka ay qabsadeen dhammaanba goobihiii uu dagaalku ka dhacay, isla markaana ay qarka u saaran yihiin Magaalada Buhuudle.

 

Afhayeenku waxa uu ka gaabsaday in uu sheego tirada dhimashada iyo dhaawaca ee labada dhinac soo kala gaadhay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Silaanyo warlord ayuu noqday and he already started the disintegration of Somaliland. War ninku caqli xumo iyo caadifad qabiil buu isku darsaday. I though he was better than this.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Peace Action;696671 wrote:
Silaanyo warlord ayuu noqday and he already started the disintegration of Somaliland. War ninku caqli xumo iyo caadifad qabiil buu isku darsaday. I though he was better than this.

 

Warlord Siilaanyo is one of the worst Somali warlords, odeygu waa waa mid caqli yar oo xanuusanaya qabyaalad uun ayuu yaqaanaa, maleeshiyadii snm waa uu ka raray Widhwidh, oo waxa la aaday dhinaca Kalshaale si uu jufada uu ka dhashay u taageero, si ee dhul cusub u qabsadaan una laayaan dadka deeganka Kalshaale. Sheekada Siilaanyo waxa ee kusoo uruurtay reerka ayaan baraago uga qodayaan deegeenada shacabka SSC.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this