Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland army Closing into Buhoodle rebels confused.

Recommended Posts

Maleeshiyada Nabad-Diidka Oo Walaac Ay Ka Qabaan Ciidamada Qaranka Ee Kulaalaya Buuhoodle Oo Kaantaroolada Laga Soo Galo Magaaladaasi Isku Urursanaya

 

Hargeysa, December 22, 2010 (Haatuf) - Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhiisimada ka samaystay deegaanka Maygaagle oo qiyaastii 18-Km u jirta magaalada Buuhoodle ee ay fadhiyaan maleeshiyada nabadiidka ah ee isku magacawday SSC ayaa la sheegay, in ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiida Kal-shaale ee colaadu ku dhex martay beelaha Buuhoodle iyo Qori-lugud ay Maleeshiyada nabad-diidku ka werwer qabto, in ay ciidamadaasi u soo ruqaansadaan gudaha magaalada Buuhoodle ee ay ka taliyaan.

 

Ma jiro war ay shaaciyeen Maleeshiyada nabad-diidka Buuhoodle, hase yeeshee sida ay xalay Haatuf u xaqiijiyeen dad ku sugan Buhoodle ayaa waxay noo sheegeen, in maleeshiyada nabad-diidku ay magaalada jihooyinka laga soo galo isku urursadeen, iyagoo ka cabsi qaba in ciidamada qaranka ee ku sugan masaafo u jirta 18-Km ay ku soo ruqaansadaan gacan ku qabashada maamulka Buuhoodle, iyadoo ilo-wareedyada aanu ka helayno deegaanada hoos yimaada degmada Buuhoodle ay sheegayaan, in ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiidahaasi ay yihiin ciidamo hub culus ku gaashaaman, islamarkaana saldhigyo muhiim ah ka samaystay deegaanadaasi, hase yeeshee ilaa hadda ciidamada qaranka ee ku sugan jiidaasi ayaa wali ku guda jira sugida amaanka jiidihii colaadu ka dhacday iyo kala dhex galka beelihii colaadu dhawaan ku dhex martay Kalshaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Cayn oo ka Hadlay Ciidamada Maamulka Somaliland ee Maygaagle ku sugan iyo Xaalada Abaaraha ka jirta Mandaqada.

 

 

 

(Buuhoodle, December 25, 2010 Ceegaag Online)

Gudoomiye K/xigeenka Gobolka Cayn Maxamud Sh Cumar Dhageyso

 

 

 

Gudoomiyey Kuxigeenka Gobolka Cayn Maxamuud Sh Cumar Xasan ayaa shir Jaraad ku Qabtay Magaalada Buuhoodle Waxana uu shirkiisan Saxaafada u Qabtay kaga Hadlaya Xaalada Guud ee Haatan ka Jirta Gobolka Cayn iyo Waxyaabaha Xaaladahaasi ay Doonayaa inay ka Maamul ahaan Wax kaga Qabtaan Xiligan, Waxa uu kaga Hadlay Qodobo Dhowr ah.

 

Qodobadaasi oo kamid ahaayeen Ciidamada Maamulka Somaliland ee Haatan ku Sugan Deegaanka Maygaagle oo Gudoomiyey Kuxigeenka Gobolka Cayn uu sheegay in inta Badan gobolka Cayn Ciidamada Maamulka Somaliland ay ku sugan yihiin Waxana uu Faah faahin kaga Bixiyey Talaabada Maamulkiisa iyo Shacabka Gobolka Cayn looga Baahan yahay.

 

Qodobka Labaad ayuu laga Hadlay Xaalada Guud ee Amaanka Gobolka Cayn oo ku sheegay in Amaanku Wanaagsan yahay Xiligan Ciidamaduna ku jiraan Heegan Buuxda oo Wax kastaaba ay Dhici Karaan Waxana uu si Qoto dheer faah faahin kaga Bixiyey Nabadgaliyada Guud ahaanba Deegaanka, Waxana uu ka Codsatay Dhamaan Waxgaradka Buuhoodle in sugitaanka Amaanka Meel looga Wada Istaago.

 

Ugu Danbaytiina Waxa uu Gudoomiyey Kuxigeenka Gobolka Cayn Soo Qaatay Abaaraha iyo Biyo la,aanta Haatan laga soo sheegayo Deegaano badan oo katirsan Gobolka Cayn oo lagu soo Waramayo in Xaalada Biyo la,aaneed ka jiro, Waxana uu ka Codsaday Ha,yada ka Hawl gala Puntland inay Deegaanka Buuhoodle soo gaadhsiiyaan Kaalmo Biyo ah oo Deg deg ah iyo Raashin si Dadka loo gaadhsiiyo.

 

Cali Dhagjar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Buuhoodle Oo Maygaagle loo Fadhiistay Iyo SSC oo Talaabadeeda la Eegayo.

Maleeshiyaadka Jabhada Hargaysa ee SNM ayaa waxay beryahanba saldhigyo waa weyn ka qodonayeen deegaanka Maygaagle oo Buuhoodle u jira 20km. Maleeshiyaadkan ayaa waxay halkaas ka wadeen ayaamahanba Tacadiyo waa weyn oo ay shacabka deegaanka Baadiyaha kula dhaqmayeen, sida Boob xoolaha ah, Barakicin iyo ayagoo deegaanka dhirta waa weyn ee ku taala goynaya si ay dhuxul ahaan uga dhigtaan.

 

Maleeshiyaadkan oo markii hore ay ku jireen kooxo Horgolo ah ayaa la sheegay in dhamaan Horgaladii lagu celiyey meelihiiay ka yimaadeen, ka dib markii shaki laga muujiyey shaqadaey u hayeen Somaliididka

 

Horgalada la bedeley waxaa ka mid ah Horgal Mahad Canbaashe iyo Horgal Dalbac, oo la sheegay inay ka mid yihiin dhuuni qaatayaal aan Damiir ku jirin oo u shaqeeya jabhada SNM. Siilaanyo ayaa qorshihiisu yahay inuu ciidaniisa u diro Buuhoodle, halkaasoo u eg meeshii ay ka qodon yihiin xabaalihii lagu Aasi lahaa maleeshiyaadkan la soo qalday.

 

Ciidanka maamulka SSC, ayaa la sheegay in heegan la geliyey isla markaana ay hada diyaar u yihiin inay cashar u dhigan maleeshiyaadkan Doolaalada ku socota. Shacabka Buuhoodle oo sidii reer Laascaanood aan isku halayneyn in maamulka Puntland difaacaan maadaba aysan Gobolka Cayn ciidan iyo cududtoona kaga sugnayn ayaa u eg kuwo diyaar u ah inay Dhulkooda difaacdaan.

 

Ciidamada SSC, oo taageero fara badan ka helaya shacabkooda Gobolka Cayn, ayaa hada diyaar u ah dib u hanashada goobo badan oo ay Widhwidh ka mid tahay.

 

Maleeshiyaadka SNM ayaa ku soo hulaabtay inay dhex galayaan beelihii Kalshaale ku dagaalamay, waxaase arintan ay fashilantay ka dib markii uu magaalada London ka sheegay Dhiigyacabka horbooda maamulka Qabiilka gooni goosadka ah ee Siilaanyo inuu dhulka ssc qaarkiisana xabad ku qabsanayo qaarna Siyaasad.

 

Abdul Salaan Dhego-nalow.

 

Buuhoodle,

 

SSC.

 

 

 

source jidbaale

Share this post


Link to post
Share on other sites

I have said it before and I will say it again. Somaliland should exchange the Somaliland part of Buhoodle for the Ethiopian part of Wojaale.

 

Then the people of Buhoodle are united with their kin in Ethiopia and Wojaale people are united with Somaliland. And there wont be anymore Cayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this