Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland army Closing into Buhoodle rebels confused.

Recommended Posts

Ciidamada Qaranka Somaliland ee jiida hore ee Gambadha ee Sool fadhigoodu ahaa ayaa la sheegay inay shalay u ruqaansadeen tuulada Tuka-raq ee xuduuda Somaliland iyo Puntland, halkaas oo la sheegay in saldhig ay ka samaysteen.

 

Ilo xogogaal ah oo aanu ka helay deegaanka gobolka Sool ayaa noo xaqiijiyey, in ciidamada qaranka Somaliland oo ku gaashaaman hubka culus ay isku balaadhiyeen xuduudaha bariga Somaliland iyo deegaanada xuduuda ku siman.

 

Dhinaca kale ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helay xalay degmada Buuhoodle ayaa Haatuf u xaqiijiyey in ciidamo ka socda Maamul goboleedka Puntland oo uu hogaaminayo Col. Dayr Iska Toos, oo ka mid ahaa maxaabiistii dagaal ee lagu soo qabtay dagaalkii ciidamada qaranka iyo maleeshiyada Puntland ee dabayaaqadii 2008-kii ku dhex maray tuulada Bali-hadhac ee la cafiyey, markii dambe ay soo gaadheen shalay galab degmada Buuhoodle, taasoo tibaaxuhu sheegeen inay ka soo kicitimeen ciidamadaasi magaalada Garoowe ee Puntland, iyadoo dhinaca kalena la sheegay, in ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugnaa deegaanka Maygaagle ee nawaaxiga Buuhoodle ay heegan culus galeen, ka dib markii ay ka war heleen ciidamada Puntland ka yimid, si feejigana isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqyada ciidanka Puntland ay deegaankaasi ka wado.

 

Wararka ka imanaya deegaanada bariga Sanaag ayaa sidoo kale wargeyska Haatuf u sheegay, in ciidamo ka socda Puntland ay soo dageen tuulada ceeleeyo oo qiyaastii dhinaca bari uga jirta magaalada Laasqoray 130-Km, iyagoo wararkuna intaa ku daraya, in xalay ay ciidamada Puntland iyo Kooxda Atam ee ka dagaalanta buuralayda Galgala ee bariga Sanaag ay hubka hoobiyaha isku adeegsadeen dagaal Madaafiica oo xalay dhex maray.

 

Hase yeeshee ciidamada qaranka Somaliland ayaa dhinacooda la sheegay in si weyn ay isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqyada Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuux Tani oo dhaqdhaqaaqyo ka wada gobolada SSC iyo xubno shirqolaya Buuhoodle oo la kulmay

Taliyaha Ciidanka qaranka eeh Somaliland oo maalmihii u danbeeyey ku hawshaynaa tababar loo furay ciidan la beel ah Siilaanyo kuwaas oo laga soo uruuriyey tuulooyinka ay degto Beesha bariga burco iyo quriluqud ayaa labadii maalmood ee u danbeeyey waxa uu dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday gobaladda SSC

 

Nuux Taani Ismaaciil oo waday sahami ah sidii ay ku qabsan lahaayeen Buuhoodle ayaa waxa uu tagay deegaanadii dhawaanahan lagu dagaalamay isaga oo tuuladda Maygaagle kula kulmay Ragg ka tirsan mamuulka Somaliland ahna beelaha ssc halkaas ku sugan waxase fajiciso ku noqotay shacabka Buuhoodle ka dib markii ay Tuuladda Maygaagle Nuux Taani ay ugu yimaadeen xubno ka soo kicitimay Buuhoodle waxana xubnahaasi hogaaminayey Cabdimaalik Bashiir Baydan iyo Ninka Qaadka Buuhoodle haysta oo lagu magacaabo Dayib

 

Dayib ayaa la sheegay in uu nuux ku amaanay sida wanaagsan ee ciidan ku sugan Maygaagle iyo Kalshaale uu sii maalgaliyey mudadii ay halkaas ku sugnaayeen sidoo kale Cabdimaalik Bashiir Baydan ayaa uu aad u dhaliilay waxana uu ku amray in uu ka qayb qaato qabashadda Buuhoodle hadii kale laga joojinayo Mushahaaradda uu siiyo

 

dadku dhaw dhaw xubnahan ayaa noo xaqiijiyey in ay ka soo balan qaadeen sidii ay uga caawin lahaayeen Nuux Taani qabsashadda Buuhoodle gaar ahaan Dayib oo sheegtay in magaaladu ay isaga u xidhan tahay

 

Nuux Taani ayaa habeenimadii xalayto ahaa ku soo hoyday Widhwidh oo ay u joogaan ciidanka Somaliland waxana uu halkaas ku sugnaa ilaa duhurnimadii maanta isaga oo galabtana u soo caraabay Oog waxana la filayaa in barito uu soo gaadho Laascaanood waxana la sheegay in socdaalkiisan uu yahay sidii uu isku diyaarin lahaa weerar buuhoodle ah isla markaasna uu u dhisi lahaa niyadda ciidanka Somaliland oo dhawr jeer ka waabtay weerar buuhoodle ah aaminsana hadii uu damac ka galo weerar ay ku qaadaan Buuhoodle in lagu jabinayo

 

hase-yeeshee waxaa jira shirqoolo iyo waliba boodh isku qarin balaadhan oo ay wadaan Ciidamada ka amar qaata Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno calooshood u shaqaystayaal ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Madaxweyne Siillaanyo Wali Ma Dhufayskii SNM-buu Ku Jiraa, Muxuu Ciidamada Noogu Soo Daad Guraynayaa, Cornayl Dayr Iska Toos-na Waa Nin Dhul Bahante Ah”

 

“Nuux Taani-Na Colaad Buu Wadaa, Hadii Ay Ka Bixiwaayana Wixii Rag Yeeli Jiray Ayaanu Ku Dhaqaaqi Doonaa, Hadii 60-Kii La Eegayana Anigu Gaatama Ayaan Leeyahay” Garaad Ibraahim Baaruud Guutaale

 

Hargeysa, January 5, 2011(Haatuf) - Garaad Ibraahim Baaruud Guutaale oo ka mid ah garaadada *********** ee Buuhoodle, isla markaana ka mid ah hogaanka sare ee nabad diidka Buhoodle ayaa walaac ka muujiyay kormeerka Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland Gen Nuux Ismaaciil Taani uu ku marayo ciidamada qaranka Somaliland ee saldhigyadoodu yihiin jiidaha hore ee xuduuda iyo deegaanada gobolada Sool iyo Buuhoodle, isagoo intaa ku daray in ciidamada qaranka Somaliland ay ka baxaan deegaanadaasi, kuna hana jabay in Maleeshiyadooda nabad diidka ahi ay dagaal kala hor tagi doonaan ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanada Maygaagle, Kal-shaale iyo Widh-widh oo uu tilmaamay in ujeedada loo keenay ay tahay sidii ganacanta loogu dhigi lahaa Buuhoodle.

 

http://www.haatuf.net/2009files/1581999.html

 

read here more about garaad gutaale

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

The Zack;683074 wrote:
Jacaylbaro, CAYN is what the
C
stands for in
SSC
. Sool, Sanaag, and Cayn. Buhoodle is one of the towns located in Gobolka Cayn.

Zak, JB knows more than anyone else about Cayn ee waa case iska waal..

Share this post


Link to post
Share on other sites

hantiidi qurbajooga ssc oo gacanta u gashay Mahad cambaashe

 

Published on january 5,2011 by taleex media

Faadumo cali aw Maxammad oo ka mid a Hooyooyinka ku dhaqan magaalada buhoodle xarunta Gobolka cayn ayaa wax bixiyey hab dhaqanka kooxdi ku qudhaanabn jirtay magaca shacabka Sool sanaag iyo cayn,

 

Faadumo waxay ay dabolka ka qaaday in hantiidi qurbajooga soo direen lagu tagriffaly qaarna loo waariday magaalada laascaanood oo ay gacanta u gashay cadwaga deegaanka ssc haysta

 

xigasho xargaga.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Badhsaabka Cusub ee Buuhoodle oo Si Diiran Loogu Soo dhaweeyo Magaalo Madaxda Gobolkaas

January 6th, 2011

Buuhoodle (Somaliland.Org) Badhasaabka cusub ee xukuumadu dhowaan u magacawday gobolka Buuhoodle Md Axmed Maxamed Faarax, ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Buuhoodle. Ka dib markii uu halkaas gaadhay gelinkii dambe ee Salaasadii doraad.

 

badhasaabku markii uu gaadhay magaalada Buuhoodle waxa uu kulamo gooni gooni ah la yeeshay ururada bulshada sida ururada dhalinyarada oo ay iska xog waraysteen adeegyada bulsho ee gobolkaasi.

 

Badhasaabka cusubi waxa uu sheegay inuu xiligan sido mushaharkii ay ku shaqeynayeen cuqaasha gobolkaasi,waxaanu madaxdhaqameedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sugida iyo adkaynta nabadgelyada. Sidoo kale, waxa magaalada Buuhoodle tagay afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska ee gobolka Togdheer kuwaasi oo ku labisnaa dirayskoodii isla markaana watay gaadiidkoodii.

 

Waxa saraakiishaasi ciidanka Booliska halkaasi ku soo dhaweeyay ciidamada gobolka Buuhoodle ka joogay Somaliland. Waxa la sheegay in saraakiishaasi ay u socdeen hawlo la xidhiidha dhinaca ammaanka. Waa markii u horraysay ee taariikhda saraakiil ka socda

 

Ciidamada ammaanka ee Somaliland ay tagaan magalaada Buuhoodle dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Fidmo ka weyn inaad magaalooyin aydan shaqo ka lahayn inaad ku duushaan in the name of aqoonsi raadis bal sheeg Xaaji mujaahidow...

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Xaaji Xunjuf;685958 wrote:
Badhsaabka Cusub ee Buuhoodle oo Si Diiran Loogu Soo dhaweeyo Magaalo Madaxda Gobolkaas

January 6th, 2011

Buuhoodle (Somaliland.Org) Badhasaabka cusub ee xukuumadu dhowaan u magacawday gobolka Buuhoodle Md Axmed Maxamed Faarax, ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Buuhoodle. Ka dib markii uu halkaas gaadhay gelinkii dambe ee Salaasadii doraad.

 

badhasaabku markii uu gaadhay magaalada Buuhoodle waxa uu kulamo gooni gooni ah la yeeshay ururada bulshada sida ururada dhalinyarada oo ay iska xog waraysteen adeegyada bulsho ee gobolkaasi.

 

Badhasaabka cusubi waxa uu sheegay inuu xiligan sido mushaharkii ay ku shaqeynayeen cuqaasha gobolkaasi,waxaanu madaxdhaqameedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sugida iyo adkaynta nabadgelyada. Sidoo kale, waxa magaalada Buuhoodle tagay afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska ee gobolka Togdheer kuwaasi oo ku labisnaa dirayskoodii isla markaana watay gaadiidkoodii.

 

Waxa saraakiishaasi ciidanka Booliska halkaasi ku soo dhaweeyay ciidamada gobolka Buuhoodle ka joogay Somaliland. Waxa la sheegay in saraakiishaasi ay u socdeen hawlo la xidhiidha dhinaca ammaanka. Waa markii u horraysay ee taariikhda saraakiil ka socda

 

Ciidamada ammaanka ee Somaliland ay tagaan magalaada Buuhoodle dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay.

Sawiro soo geli soo dhaweyntaa aad sheegtay waa hadii ay run tahay..

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;685970 wrote:
Fidmo ka weyn inaad magaalooyin aydan shaqo ka lahayn inaad ku duushaan in the name of aqoonsi raadis bal sheeg Xaaji mujaahidow...

anagu meelna kuma duuleyno saaxib , Dhulka uun bey amaanka sugayaan ciidanka qaranku, shaqadoodu na waxa weye inay shacabka ilaaliyan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this