Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

ANWAR   

Caruur kasoo goosatay Shabaab oo lagu soo bandhigay Waaberi

4867-full-so.jpg

Muqdisho: (Sh. M. Network) Taliska ciidamada booliska ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay Caruur aad u da’yar oo la sheegay inay kasoo goosteen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Caruurtaan 9-ka ah ayaa waxaa ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab waxaana maanta lagu soo bandhigay Saldhiga degmada Waaberi ee goblka Banaadir halkaasi oo ay kula hadleen Warbaahinta qeybaheeda kala duwan.

 

Caruurtaan yar yarka ah ayaa waxaa ay sheegeen in dugis quraan ay ka baranayeen degmada Waaberi ee gobolka Banaadir xili ay tilmaameen in dhinaca Al Shabaab uu u ka xeeyay nin ay sheegeen in uu deganaa degmadaasi haatana uu ka tirsan yahay Saraakiisha Ciidamada Xarakada Shabaab.

 

Afhayeenka Ciidamada booliska ee dowladda KMG Soomaaliya Kornel C/laahi Xasan Bariise oo shir jaraa’id ku qabtay goobtii Caruurtaasi lagu soo badhigay ayaa waxaa uu sheegay in Al Shabaab aysan wadin wax diin ah, isagoo tilmaamay in Caruur da’doodu ay ka yartay 15-sano ay qorsheeyeen inay dagaalka kaga horkeenaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

 

Barise ayaa waxaa uu sheegay in arintaasi ay tahay mid ayaan daro ah ayna ka dambeeyeen sida uu hadalka u dhigay rag uu sheegay inay dambiyo kala duwan kasoo galeen dalalkii ay u dhasheen.

 

Qaar ka mid ah Caruurtaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in markii laga ka xeeynayay degmada Waaberi ay ciidamada Shabaab geeyeen fariisimo dagaal oo ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

Caruurtaani yar yarka ah oo ay maanta soo bandhigeen Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaan xiligaasi wadan wax hub ah iyo sidoo kale dariiska ciidamada Xarakada Al Shabaab hase ahaatee Caruurtaasi ayaa wajiyadooda waxa ka muuqanayay raad murugo ku beeraya qofkii arkaa.

4867-full-1-so.jpg

4867-full-2-so.jpg

4867-full-3-so.jpg

4867-full-4-so.jpg

4867-full-5-so.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

General Duke;705437 wrote:
While I am not a fan of the current TFG, I must applaud the coverage of Liqaye and my Somalina. Well done people and keep it up..

Thank you Jerry (from the Tom & Jerry show). :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta Dowladda KMG ah iyo Imaamyada masaajida Muqdisho oo yeeshay kulan Muhiim ah

 

C/llaahi Abyan Nuur Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta Dowladda KMG ah iyo xubno ka tirsan Wasaaradiisa ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay Khadiibyada iyo culumaa'udiinka masaajidda magaalada Muqdisho, kulankaasi oo labada dhinac ay uga wadahadleen arrimo fara badan, waxaana ugu muhiimsanaa waxyaabihii ay ka hadleen xoojinta amniga degaanada ay dowladdu maamusho.

 

Khudbad uu kulanka ka jeediyay Wasiirka Diinta iyo Owqaafta C/llaahi Abyan Nuur ayaa sheegay in goobaha masaajida ay yihiin halka ugu weyn ee bulshada laga waxyi geliyo, sidaasi daraadeedna waxa uu ku booriyay khadiibyada iyo culumada masaajidyada ku yaalla magaalada Muqdisho inay sida saxda ah dadka ugu sheegaan diinta Islaamka.

 

Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta Sheekh Cali Sh. Maxamuud (Sh. Cali Dheere) ayaa khadiibyada iyo culumaa'udiinka waxa uu halkaasi uga akhriyay go'aano ka soo baxay Wasaaradda oo ku saabsan xaaladda wadanka iyo sidii Dowladda iyo Culumaa'udiinka isaga kaashan lahaayeen sidii shacabka loogu baraarujin lahaa inay badiyaan ducada iyo baryada Alle SWT si uu uga dulqaado dhibaatada saameysay dalka iyo dadka oo ay isugu darsameen colaad iyo abaar aan hambeyn xoolaha iyo dalagga.

 

Waxa uu sheegay Agaasime Sheekh Cali Dheere in culumaa'udiinka iyo khadiibyada Masaajida magaalada Muqdisho dadka ku wargeliyaan inay saddex maalin soomaan, isla markaana maalinta Khamiista ah la tukado salaadda qunuudka Roob doonka ah, waxaana la faray dadka inaysan soo qaadan dhar xarago ah isla markaana aanay isticmaalin waxyaabaha la isku carfiyo.

 

Wasiirka Cadaaladda diinta iyo Owqaafta C/llaahi Abyan Nuur ayaa sheegay in masaajida codkooda uu gaaban yahay, isla markaana ay ka muuqato culumaa'udiinka inay ka gaabiyeen dadka inay wacyi geliyaan, wuxuuna ka dalbaday inay codkooda kor u qaadaan oo bulshada ugu fasiraan diinta Islaamka sida saxda ah, wuxuuna Wasiirku tilmaamay in masaajidu ay yihiin goobaha bulshada laga hago.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Dowlada KMG Soomaaliya oo ka warbixisay Deeq Raashin ah ay ka heshay hay’ada Bisha Cas wadanka Iiraan

 

Muqdisho (RBC Radio) Dowlada KMG Soomaaliya ayaa manta faah faahin ka bixisay deeqo ka soogaaray Hay’ada Bisha Cas ee wadanka Iraan.

 

Wasiir ku xigeenka waraada arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowlada KMG Soomaaliya Ibraahim ***** Yarow oo manta saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegayu in jiraan deego ka soo gaaray wadanka Iiraan.

 

Ibraahim Iyaaq Yarow ayaa waxa uu sheegay in deeqdaan loogu talagay in lagaarsiiyo dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu ay saameeyeen.

 

Wasiir ku xigeenka ayaa waxa uu si aad ah ugu mahad celiyay Hay’ada Bisha Cas ee wadanka Iiraan iyo dowlada wadanka Iiraan waxa uuna sheegay in ay si aad ah ugu baahnaayeen dadka Soomaaliyeed deeqdaan.

 

Waxa uu Sidoo kale uu sheegay wasiir ku xigeenka in deeqdaan maalmaha dhow ay ku wareejin doonaan gudiha gurmadka Abaaraha dowlada KMG Soomaaliya.

 

Waxa uuna sidoo kale uu tilmaaamay Ibraahim ***** Yarow in deeqdaan sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiin doono dadka Soomaaliyeed ee dhibaateesan.

 

Deeqdaan ay dowlada KMG Soomaaliya ay soo gaarsiiyeen hay’ada Bisha Cas ee wadanka Iiraan ayaa waxa ay tahay Raashin waxav ayna isugu jirtaa Bariis iyo waliba Sokor.

 

Ma ahan markii ugu horay oon dowlada KMG Soomaaliya Deeq Raashin ah ka hesho wadamada Caalamka, waxaana maalmii ugu danbeeyay dowlada ay waday dadaalo ay ugu gurmanayso dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu Saameeyeen.

 

1217.jpg

1313.jpg

1512.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Xaflad lagu xusayay maalinta Agoonta Soomaaliyeed oo ay ka qayb galeen xildhibaano iyo maamulka gobalka Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho

 

Muqdisho (RBC Radio) Xaflad lagu xusayay maalinta Agoonta Soomaaliya ayaa manta waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

 

Xafladaan ayaa waxa ay ka dhacday xarunta maamulka gobalka Banaadir waxaana xafladaan ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobalka banaadir iyo waliba Xildhibaano.

 

Sidoo kale xafladaan ayaa waxaa ka soo qayb galay dad aad u badan iyo waliba faniiin badan kuwaasi oo halkaasi ka qaaday heeso badan oo kala duwan.

 

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir xaflada ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in maalintaan ay tahay maalin wayn isla markaana horay loo xusi jiray xiligii ay jirtay dowladii dhexe.

 

Waxa uu sheegay in masuuliyiinta Soomaaliyeed ee haatan xilka ka haaya iyo kuwii horay u soo maray wadanka ay intooda badan ahaayeen dad agoon ah isla markaana lagu soo koriyay xeryaha agoonta ee wadanka, sidoo kalana wax ku soo bartay canshuurta dadka soomaaliyeed laga qaaday.

 

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxa uu Sheegay in wadanka Soomaaliya uu haatan xaq wayn ku leeyahay dadkii agoonta ahaa ee wax ku soo bartay canshuurta wadanka.

 

Sidoo kale halkaasi ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah dadkii ku soo koray xeryihii awoonta ee wadanka jirijiray xiligii nabada waxa ayna sheegeen in loo baahanyahay in haatan dhexda loo xirto sidoo loo bad baadin lahaa wadanka.

 

Sikastaba ha ahaatee waa markii ugu horay oo a xuso maalinta Agoonta Soomaaliyeed tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee wadanka Soomaaliya.

 

http://www.raxanreeb.com/?attachment_id=88666" frameborder="0" allowfullscreen>

 

d1.jpg

i2.jpg

c7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D:D

 

Somali MPs urge UN to hold conference for government, Al-Shabab

Mar 27, 2011 (BBC Monitoring via COMTEX) -- [Presenter] Members of parliament of Transitional Federal Government of Somalia have boycotted a conference in which the UN political office for Somalia invited the regional administrations of Puntland, Galmudug and Ahlu Sunnah Wal Jama'a. The meeting is planned to discuss the transition period of the government. MP Muhammad Qanyare Afrah told the media that the conference is due to be held next month [April] in Nairobi, Kenya, is aimed at dividing the Somali nation. He added that the sole purpose of that conference is to raise funds.

 

The MPs urged the international community to cancel the conference, which is not in the interest for the Somali people.

 

The MPs have called on the international community to hold a conference for the government and Al-Shabab Islamic Movement rather than involving the regional administrations.

 

The move comes at a time when the rift between speaker of the parliament Sharif Hassan Shaykh Aden and president Sharif Ahmad over the upcoming presidential election is widening

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Jacaylbaro;705876 wrote:
The MPs have called on the international community to hold a conference for the government and Al-Shabab Islamic Movement rather than involving the regional administrations.

He made a point ,, but who is gonna do this..... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

That tells you the current Somali politicians including those in your enclave

are mere actors in an open theater, of a never ending film drama.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

DKMG oo sheegtay inay samaysay askar si joogta ah howlgalo ugu sameeya

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay sameeyeen ciidamo howlghalo joogto ah ka sameeya degmooyinka gobolka Banaadir si ay ugu qeyb qaataan amaanka dalka Soomaaliya.

 

Ciidamadaani maanta ay sheegtay Wasaaaradda arimaha gudaha ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa loogu talagalay inay ka qeyb qaataan sugidda amaanka, waxaana loo qoondeeyay inay howlgalo isdaba joog ah ka sameeyaan degmooyinka magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka Ciidamada booliska ee dowladda KMG Soomaaliya C/laahi Xasan Bariise oo faah faahin ka bixinayay Wareegtadaani maanta ay soo saartay Wasaaradda arimaha gudaha ayaa waxaa uu sheegay in ciidamadaani ay si gaar ah ay howlgalada ugu samyn doonaan degmooyinka gobolka Banaadir islamarkaana ay leeyihiin goobo cayiman oo loogu hagaago ciidamdaasi.

 

Gaashaanle C/laahi Xasan Bariise ayaa sidoo kale waxaa ugu baaqay dadka ka shaqeeya gawaariada Ambalasta inay iska soo diiwaan galiyaan Xafiiska Wasaaradda arimaha gudaha, isagoo u mahadceliyay Milkiilayaasha Ambalaasyada daabula dadka dhaawacyada hase ahaatee loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii loo sugi lahaa amaanka magaalada Muqdisho.

 

Waa markii ugu horeeysay ay Wasaaradda arimaha gudaha ee dowladda KMG Soomaaliya ay sheegtay inay sameeyeen ciidamo roondooyin ka sameeya magaalada Muqdisho si ay u sugaan amaanka hase ahaate waxaan la’ogayn waxa ay kusoo kordhinayaan ciidamadaani xaalada amaan dari ee ka jirta gudaha magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Golaha Wasiirada oo meel mariyay Taliyaal lasoo magacaabay

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Golaha Wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya oo uu hogaaminayay Ra’uiisul wasaare Max’ed C/laahi Max’ed ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa ay ku meel mariyeen taliyaal uu horey u soo magacaabay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Taliyeyaashaani oo uu horey u soo magaacabay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa ay kala yihiin Taliyaha ciidamada Booliska Janaraal Shariif Sheekhunaa Maye iyo waliba Taliyaha ciidamada Milatariga Janaraal Sheekh C/qaadir Sheekh Cali Diini waxaana maanta kulan yeesheen golaha wasiirada ay ku meel mareen Taliyayaashaasi cusub.

 

Wasiirka arimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Taliyeyaashaani maanta ay meel mariyeen golaha wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya ay ka shaqaynayaan amaanka, wuxuuna intaasi ku daray in goor dhow la magacaabi doono Taliyaal kale oo uu ka mid yahay taliyaha nabad sugidda dowladda KMG Soomaaliya.

 

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxaweynaha dowladda KMG Soomaaliya uu soo magacaabay Taliyayaashaasi cusub, iyadoo goor dhow la filayo in sidoo kale Madaxweyne Shariif uu soo magacaabo Taliyeyaal kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wasaaradda Garsoorka, Awqaafta iyo arrimaha diinta oo markale amar soo saartay.

 

Wasaarada Garsoorka, Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa maanta markale ku guubaabisay shacabka Soomaaliyeed in marka la gaaro xiliyada saalada Jimcaha Albaabada loo laabo goobaha ganacsiga, iyadoo sidoo kalena dadweynaha soomaaliyeed u jeedisay in si wanaagsan ay uga qeyb qaataan tukashada salaadda Roobdoonka ah ee horay Wasaaraddu u iclaamisay

 

Sheekh Max’ed Qeyroow Aadan Agaasimaha guud ee Wasaradda Garsoorka, Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya oo radio muqdisho la hadlayey ayaa sheegay in ay markale ku celinyaan baaqii ku saabsanaa in aan la furin goobaha ganacsiga xilliga salaadda jimcaha, waxaana uu intaa ku daray in ganacsade kasta looga baahanyahay in uu goobihiisa ganacsi albaabada u laabo marka la gaaro 11-ka barqanimo

 

Sheekh Max’ed kheyrow Aadan ayaa dhanka kale ugu baaqay in ay shacabku ka qayb qaataan tukashada salaadda roob doonka ah ee Alle looga baryayo in uu Umadda ka dulqaado dhibaatada iyo abaaraha ka jira Soomaaliya.

 

Sabtidii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii Wasaaradda Garsoorka, Awqaafta iyo arrimaha diinta ay amar ku bixisay in aan la furi karin goobaha ganacsiga xilliyada salaadda jimcaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho(Allpuntland)-Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta magacaabay labo ka mid ah taliyayaasha ciidamada dowladda MG Soomaaliya oo dhowaan taliyayaashii hayey xilalkaasi laga qaaday.

 

Kulan maanta golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lag magacabay taliyayaasha ciidamada Boliiska iyo kan Meleteriga ee Dowladda KMG.

 

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa waxaa loo magacaabay C/qaadir Sheekh Cali Diini oo sargaal sare ka ahaa Dowladda Maxamed Siyaad Bare islamarkaana ay heyb wadaag yihiin Ra'iisul Wasaare Farmaajo.

 

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Boliiska Dowladda KMG ayaa isna maanta waxaa ay Golaha Wasiirada u magacaabeen

Gen. Shariif Sheekhuna Maye.

 

Golaha Wasiirada ayaa magacaabay Labo taliye oo kaliyah, waxaana harsan Taliyayaasha nabad Sugida iyo midka Asluubta oo iyana ka mid ahaa taliyayaasha xil kaqaadista dhowaan uu ku sameeyey Madaxweynaha Shariif hasa ahatee lama sheegin goorta la magacaabayo iyo sababta dib loogu dhigay.

 

Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Somalia: Burundi and Uganda defence force chiefs visit Mogadishu and commit additional troops to Amisom

Amisom_Chefs_came_Mogadishu_4.jpg

 

Somaliweyn –

 

Major General Godefroid Niyombare and General Aronda Nyakairima, Chiefs of Defence Forces for Burundi and Uganda visited the AMISOM force in Mogadishu this week.

 

During a four day visit, the Generals saw firsthand the progress being made by AMISOM forces in support of the TFG.

 

In a joint statement to field commanders, the Chiefs declared that both Burundi and Uganda had committed the additional 4,000 troops mandated by the UN in December and that they were already heading for pre-deployment training. Burundi has already deployed one battalion.

 

“There is no peace to keep here, so each and every day our forces support the TFG to expand their control of Mogadishu. We are making steady but consistent progress and we now have 60% territorial control as a result of the recently implemented offensive and we will continue to build on this.

 

“We have great confidence that other countries will join the mission but in the meantime it is our duty to support our Somali brothers. We must continue our work here and we will do so. The extremists cannot win. Their defeat cannot be immediate but it will ultimately come.

 

“Integration of TFG soldiers within our own units has been stepped up and is working very well. This will ultimately advance the day when Mogadishu is liberated and they can take over.

 

Each country has pledged a further 2,000 troops and anticipate an efficient deployment around the middle of the year.

 

The Defence Chiefs met with the President of Somalia and the Prime Minister of the Transitional Federal Government, cabinet ministers, and other government and grassroots local leaders.

 

“The President, the Government, the Cabinet and most of the MP’s are now here in Mogadishu and here consistently. We believe that they are working very well and understand the need for government to fill the space behind the security we are creating.

 

“The solution here is not military alone. It is political and humanitarian also. There have been dramatic changes and improvements in the way Mogadishu is governed. Normal life is starting to return. We see street lights, cleaning, even rebuilding. All signs of a stabilising situation.

 

“The Government must continue to focus on their number one stakeholder – the Somali people. They must keep faith with the progress being made. This is the beginning of the end of the anarchy and strife.”

 

The Defence Chiefs completed their working trip and left Mogadishu on Thursday 24th.

 

Amisom_Chefs_came_Mogadishu_1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Wasaaradda Arimaha gudaha iyo amniga qaranka oo soo saartay amar lagu xakameynaayo Hubka lagu dhex wato Magaalada Muqdisho

 

bariise.jpg

Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka oo amartay in laga hortago hubka sharcidarada ah ee lagu dhaxsito degmooyinka Gobolka banadir inta ay ka taliso dawladda lagana soo saaray amar aad iyo aad u adag Ah-Hayeenka Ciidanka Booliska oo arintaasi ka hadlay.

 

Afhayeenka ciidanka Booliska G/sare C/laahi Xasan Bariise oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska R/wasaaraha ayaa faahfaahiyay wareegto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka oo dhan ahayd ciidamada hubka ku dhex wata shacabka.

 

G/sare C/laahi Xasan Bariise ayaa xusay in wasaaradda arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka ay ammar ku bixisay in aan laga hortago cid kasta oo hub ku dhex wadata shacabka dhexdooda, Ciidan ha ahaato ama yaysan ahaanin, ciddii lagu arkaana laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

 

Afhayeenka booliska ayaa sidoo kale sheegay in wixii Hadda ka dambeeya la howl gelinayo labo gaari oo kuwa gurmadka deg dega ah si ay gacan uga geystaan gurmad u fidinta shacabka ay waxyeellada ka soo gaarto dagaallada dalka ka soconaya, ayadoo dadku ay ka wici karaan gaadiidkaasi taleefannada kala ah 555 iyo 999.

 

Shirkaasi jaraa’id oo u afhayenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/sare C/laahi Xasan bariise uu ku qabtay xafiika R/wasaaraha ayaa waxaa goob joog ka ahaa sii hayaha Taliyaha hay’adda nabbad sugidda ahna taliye ku xigeen Generaal Nuur Shirbow, Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Janaral C/laahi Gaafoow Max’ud iyo saraakiil kale oo ciidamada ka tirsan.

 

Wareegtadaan ayaa sidoo kale lagu amray Gaadiidka gurmadka degdegga ah ee madaxa bannaan in ay iska soo diiwaan geliyaan wasaaradda si loo ogaado howlaha ay u hayaan umadda Soomaaliyeed.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this