Sign in to follow this  
Paragon

Show sabbaa tahay

Recommended Posts

Paragon   

Axmed Ismaaciil Diiriye ninkii la odhan jiray ee Qaasim[1] ku magacdheeraa ayaa 1974kii gabay mariyey. Gabaygaasi wuxuu ahaa mid qabyaaladeed, Soomaali badanna wax ka sheegaya. Sidaad arki doonto Qaasim gabayga wuxuu ka billaabay Eyle iyo Siwaaqroonta xumi ha i suryeeyeene. Eyle waa tol Soomaaliyeed oo koonfurta dalka ku badan oo ku abtirsada beesha Jareer Weyne, Siwaaqroona waa niman ********** ah oo bariga Soomaaliya dega. Dhoodaan oo xilligaa Hargaysa joogay ayuu gabaygaasi gaadhay. Kolkii uu dhagaystay ayuu wuxuu u tagay Cali Cilmi Afyare. Wuxuu ku yidhi “war ninku Siwaaqroon ayuu garaacay, faalooyinka kalena iyagaa ayunbay ku imanayaane u jawaab.” Cali haye waan u jawaabi ayuu yidhi. Muddo ayuu Dhoodaan is celiyey oo uu sugay jawaabta Cali Cilmi Afyare. Isagoon wali wax hadal ah ka maqal Cali ayuu Dhoodaan wuxuu arkay gabaygii Qaasim oo laysla fandhaaliyey oo si daran ugu faafay Xamar iyo Hargaysa. Gabadhu gabadhii ayey ku casuuntay, darawalku darawalkii ayuu ku casuumay, sarkaalku sarkaalkii ayuu ku casuumay, dibjirkuna dibjirkii ayuu ku casuumay. Sidoo kale Dhoodaan wuxuu arkay dadkii oo gabaygaa xiisad ka qaaday. Kolkaa waxay badday inuu jawaabo. Gabaygii Qaasim oo dhan iyo kii Dhoodaan oo in badani maqan tahay ayaan hoose kusoo qaadanaynaa si dulucdu kuugu ambabaxdo.

Halkan guji si aad u akhriso gabayada

 

Source: Doollo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Abwaan Qaasim Gabay noocan in uu tiriyay maba ogeyn.

mar iyo labo in aan ku noqdo waaye si aan u fahmo.

 

thanks paragon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

If you haven't heard this one Cawaale rer-gabay ma tihid. This is the famous one of Qaasim. My line has always been anagiyo saleebaandii waa nasidataaye. It is insulting, but that doesn't diminish its beauty from arts aspect. But I recommed you to his other big hit: Waxaan aheyn macaan iyo qadhaadh meel kuwad yaale.

 

I didn' know about the Dhoodan reply. Let me read tonight.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Cawaale, Qaasim raggeedii buu ahaa.

 

G.N, ninkaa Qaasim ahi waa raggeedii Walle, kama xishoon jirin in uu qirto kolkii la sito.

 

Macaan iyo qadhaadh is classic. My favourite part is markuu leeyahay:

 

 

Nin majiiro keliyuun qabsaday hay maleeynina e

Matalooyin tallantaaliyaan Maandhow leeyahaye

Marbaan ahay muddeec camal sanoon maagista aqoone

Marna macangag laayaan ahoo miiggan baan ahaye

Mar baan ahay Muftiga saahidnimo Mowlaca u gala e

Marna makhaawi waasho khamriga miista baan ahaye

marbaan ahay murtiyo baanisaba madadaxda reeraha e

Ooy weliba muuna iyo dulqaad igu mjeertaane

Marna reer magaal loofaroon muuqan baan ahaye

Mar baan ahay xaaraan maqdaca marin jadiinkiiye

Marna tuug mu'diya baan ahoon maal Rasuul bixine :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Classic stuff weeye alaabta Qaasim, shukran Paragon

 

 

AT&T, gabaygii aad hada ka hor ku soo dhajisey halkan ee uu Dhoodaan qaadey muxuu ahaa, asoo video buu ahaa baan filayaa, somethin like Galoolxoor? ma xasuusto magaca, bal soo raadi wuu badnaaye

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Gheelle, :D aknowledged, af suuqeyga aa iska isticmaalo maa i deysid :D

 

 

EDIT: Paragon, ii daa Gheelle, waanu is fahamnaaye smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

War nuune saaxiib aa nahay ninyahow.

 

Xiin, Siwaaqroon xarafka iska gala badanaa. Raage horay u yiri;

 

Sambabaduba waa hilib hadday sarar ku yaaliine'e

Subxaanyaba waa halaq hadday surin maraysee'e

Siwaaqroonba waa niman hadday socoto xaafuune'e

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this