Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Afka Soomaaliga ma la tartami karaa afafka kale?

Recommended Posts

Weydiimo

 

Afka Soomaaligu ma la tartami karaa afafa kale?

 

Sidee afkeenna looga dhawri karaa erayda doolka ah?

 

Dhibaato intee la'eg ayay si xun wax u qorayaashu ku hayyaan afkeenna?

 

Ka tegidda shibbane labalaabma intee in le'eg ayuu doorin karaa micnaha eray?

 

Wax malaga qaban karaa shibbanayaasha lammaan?

 

Side loo hormarinkaraa afkeenna?

 

Jawaabaha

 

Weydiimahaas kore iyo kuwoo kale oo badan ayay qormadani gundhig u tahay, si baaxad weynna u falaanqayn doontaa. Bulsho kasta hor u marka afkeedu wuxuu ku xiran yahay hadba sida ay dhawtaan afkooda.

 

Mahad ballaaran waxaa leh guulleheenna sharafka badan oo noo sahlay inaan yeelano af gooni ah oo aan bulshada kale ee caalamka kaga duwanaanno. Ammaanna waxaa leh guddigii hirgaliyey far u yeeliddiisa.

 

Afkeennu wuxuu soo maray marxalado kala duwan, waa uu lahaa dad badan oo dhawra si toos ah iyo si dadbanba ayaa jirtay, taasoo ka duwaneyd tan manta uu ku jiro oo u eg inuusan ehel lahayn kadib markii cid kasta ku tumatay oo siday doonto ka yeeshay, afafkii kale ee doolka ahaa ee jabkan la doonayeyna cidla ay ka heleen.

 

Afka Soomaaligu waa af guda weyn oo laga heli karo wixii af looga baahnaa oo dhan, waana hodan aan marnaba lagu sheegi karin baaqinnimo. Dhan loo rogoba waa looga dhergaan.

 

Bulsha weynta Soomaaliyeed afka isku si uguma hadlaan, qaybiba dhinac bay badisaa, waxaase la isku raacsan yahay in reer miyigu afka u badshaan. Taa macnaheedu maahan reer magaalku afka ma yaqaan ee dabcan in ay danohooda yar yar ku qabsadan waa ka yaqaannaan, hasa yeeshee inta afka ka eexata badiba waa reer magaalka.

 

In muddo ahba waxaa isa soo tarayey dadka afka siday doonaan ugu hadlaya oo marba dhinacay doonaan u adeegsanayey. Dalleensiga erayada qalaad adeegsigooda ee noqotay mid qof kastaa ku dhaqaaqay waxay horsed u tahay dabar go ku dhacaya afka. Waxaa wax laga qarracmo ah in erayo aan sinji iyo sawrac toona u galin afkeenna lala hoos rooro, loona ekeysiiyo afkeenna, taasoo ah meel kadhac iyo maamuusid la aan loola muraaday afka.

Qofkasta waxaa habboon in uu afkiisa ilaashado kana ilaaliyo erayada doolka ah oo uga soo tallaabaya soohdimo fog, kana feejignaado wax kastoo afkiisa bah dili kara.

 

Qofka Soomaaliga ahi markuu hadlayo oo uusan u fiirsan hadalkiisa waxaa afkiisa ka soo butaacaya erayo af Carbeed ah ama Ingiriis, Talyaani ama af kale ah oo soo doolay.

 

Haddii aan baaritaan ku samaynay erayada ku dhex milmay afkeena nus qarnigii la soo dhaafay, waxaa soo baxday in yihiin tiro aan la soo koobi karin haddii aan laga fiirsan oo si dhab ah la isaga dhawrinna dhibaato weyni ay afkeena ku habsan doonto mustaqbalka.

 

U fiirso qoraalkan siduu u qoran yahay.

 

Macallin
ayaa ardaydiisii
su'aalay
inay soo qoraan
jumlado faa'ido
leh oo
shacabkeena
wax tar u leh. Markaas ayay ardaydii soo qoreen waxayna u bilaabeen sidaan:

 

Annagoo ah ardayda
iskuulkaan
waxaan
salaamaynaa
dhammaan
umaddeena
ku nool
adduunka
oo dhan. Waxaanu halkaan ka codsanaynaa
dawladeena
inay joojiso
khilaafka
dhexdeeda ah, oo ay meel isugu timaado.
Caqligeenu
wuxuu na siiyey inaan ka
fekerno
ammaan
darrada dalkeenna. Waxaa nala haboon in ciddii ka shaqaysa dhawridda
ammaan
ka
hadiyad
la siiyo.

Waxaanu aragnay in arrintaasi tahay mid na
khusay
sa Oo aan
masuul
iyad iska saarideedu cidna
khaas
u ahayn. Soomaaliya xilli bay waxay ahayd meel
safaarado
ku leh
caalam
ka oo dhan.
Dawladdeenu
waa inay ahaataa mid
isticmaasha caqliga
.

 

Shaqsi
kasta oo ka mid ah
masuuliyiinta
sarsare ee
xukuumadeena
waxaa haboon inay ilaaliyaan
xuquuq
da
waddan
keenna.

 

Dhammaan erayada cas [*anaa madoow ka dhigay qiyaasayna* (qiyaas aaba carabi ah
:D
)] waa erayo dool ah oo ka yimid meelo fog fog, lamana soo koobi karo inta eray ee baadida ah ee ku dhex milmay afkeena sida:

 

Kelmad, koob, tarmuus, qado, subax, salaan, loox, iskuul, kursi, albaab, dariiq
, iwm.

 

Waxaa iyana jira dad Soomaali ah oo aan marnaba si hubsiino leh u qorin afka iyagoo aan dareen ka qabin inay ay wax qaloocsheen. Bal eega sida shibbanyaasha labalaamma dadku u saxariirsheen.

Haddii qofku ka tago shibbane kaliya waxaa isrogi kara u jeedadii erayga oo dhan. U fiirso halkan.

 

"Mareegta BBCda ayaa mar qortay cinwaan u qornaa sidan: ETA oo xabad joojin ku dhawaaqday."

 

Waxay ula jeeddey waan gartay oo shibbane
B
ah ayay ka tagtay, markaasaa macnihii eraygu noqday xabadka oo la mid ah laabta. Halka xabbaddu tahay tan wax disha oo ahayd tey ula jeedday.

 

Dan la'aantu si weyn ayay u duleedisay afkeenna, ka fekerid la'aanta erayada qoristooda gaar ahaan shibbanayasha labalaamma waxay horseedayaan baa ba ku dhaca afka, iydoo markaas ay imaanayso inay isku qaldamaan erayo badan oo kala duwan macne ahaan iyo dhawaaq ahaanba sida.

 

Arrintan dambe ee ah ku tumashada afka dhaliisheeda waxaa leh dadka siday rabaan wax u qora isuna haysata inay Soomaali qorayaan.

 

Middi iyo midi

Mooddo iyo moodo

Horreysa iyo horeysa

Abbaar iyo abaar

Berri iyo beri

Barre iyo bare

Addoon iyo adoon

Ruugga iyo ruuga

Horreyn iyo horeyn

Carrab iyo carab

Gacalloow iyo gacaloow

 

Waxyaabaha kale ee ay haboon tahay in laga hadlaa waa shaqallada fudud iyo kuwa culus oo haddii aan la isku af garan dhibkiisu dad badan nacsiin doono afka.

 

Ilama wanaagsana inaan dhaliilno guddigii noo qoray afka ee innaga ayay ahayd inaan u istaagno dhammaystirkiisa.

 

Inay wax badan qabyo ka yihiin waa wax jira. Mar baan dhegaystay Xirsi Magan ka mid ah dadka u ololeeya in farteenna laga dhigo tan cismaaniyada (far Soomaali) isagoo leh farteenna wax baa ka maqan wuxuu ula jeeday erayadu siday carrabka ugu kala duwan yihiin fartana ha loogu kala duwo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Bal warqadan yar een qorey bal ila fiiriya Soomaaliyeey,

 

 

Ku: Masuuliyiinta sarsare ee caasimada wadanka Soomaaliya ku sugan

Ka: Guddiga amniga iyo ilaalada xuquuqul insaanka banii aadmiga

 

khilaafka ka taagan shacabka wuu sii saaidayaa , hadaba madaxdii qaranka maadaama aa tihiin waxaad ku mashquul santahihiin kursi raadis iyo xukkun doon, ummadiina waxey ku jirtaa mushkilad cakiran oo qalliban jah-wareer jihana ma heesato iyo jawi loogu soo hagaago, madaxdiina waa inaad tanaasulaad u sameysaan ummada la dhibey ee dulmiga heesato. shacabku wuxuu dalbanayaa in aad dowlad aas- aastaan, dhistaan iskuulaad, matxafyo, jaamacado iyo isbitaalo loo furo si loo helo macallimiin iyo dhakhaatiir, shacabka marka uu intaas helo wuu nasanayaa wixii loogu deeqay ayuuna ku mashquulayaa kadibna waqtiga ka faaiideesanayaa , marka intaas la helo waxaa yaraanayo ama naaqusaya khilaafka iyo danbiga xisaabta aan laheen kaas oo ah mid xad dhaaf ah.

 

 

erayada af carabiga bas ayaan madoobeeyey, eraya kaloo luqadaha kale hadaan madoobeen lahaa waxaan qorey dhan wada madoow ayuu noqon lahaa saa darteedd ma aanan madoobeenin si bal aan u dhahno luqad baan heesanaa, beentaas unbaan isku maaweelinaa luqad meesha ma taalee smile.gif

 

 

erayada aan madoobeeyey waa kuwan dhammaantood:

 

Masuuliyiinta

Caasimada

Amniga

Xuquuqul

Insaanka

Khilaafka

Shacabka

Saaidaya

Dowladda

Mashquulsantahey

Kursi

Xukkun

Ummadiina

Mushkilad

Jahwareer

Jiho

Jawwi

Tanaasulaad

Ummada

Dulmiga

Dalbanayaa

Iskuulaad

Jaamacado

Isbitaalo

Macallimiin

Dhakhaatiir

Nasanayaa

Deeqay

mashquulayaa

Danbiga

Xad

 

Qaar baan waliba ka tagey si aan listiga u yareeyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

oday baa maalin nagu xujeeyay inan raadino 1 eray oo asalkiisa aan carabi ahayn oo ku bilaabata 'kh'

 

xataa hal xabo waa la waayay .... waxa la isku raacay xarafkaas inuusan ka mid ahayn luuqada somaliga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Naxar Nugaaleed:

Indian words:

Sabuun

Kursi

Sanduuq

Badhasab

Gaari

rooti

Kursi is arabic while Badhasab looks like Persian etc.

 

At any rate, there is not any "Indian" langage since so many dialects are spoken in India.

 

However, if you are refering to Hindi, similar to Urdu at basic/informal level, it has been propagated from the Islamization period, borrowing heavily from both Persian as well as Turkish, albeit less than Urdu does it (this latter, has in turn much less Sanskrit , the langage of Hindu "scriptures").

 

Back to the topic, and as a patriot, I don't think we should worry about "Af Somali" since langages adapt (eg, French and English extensive loans from Arabic, wether directly or indirectly Via Persian, Swahili, Malay etc) and crucially, the closely related Arabic is already indispensable for any deep understanding of the Deen.

 

Furthermore, Somalis are "naturally multilingual", which is extremely valuable for many different reasons (Islamic Learning & Da'wa priorities, Academic & Research purposes, Economics & Diplomacy etc)...

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^^^^

and as a patriot, I don't think we should worry about "Af Somali"

Af englishna waad soo qoreysaa, hadalkaasna waad ku hadashey smile.gif

 

 

qeebtan dood wadaad kaliya Af Somaali in lagu qoro bas ayaa loogu tala galay, marka aan yareeno isticmaalka afafka qalaad fadlan!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ku: Madaxda sarsare ee Magaalo Madaxda wadanka Soomaaliya ku sugan

Ka: Guddiga Nabadgelyada iyo ilaalada xuquuqul insaanka banii aadmiga

 

iska hor imaadka ka taagan bulshadu wuu sii badanayaa , hadaba madaxdii qaranka hadii aa tihiin waxaad ku jahowareer santahihiin jago raadis iyo madaxtinimo doon, dadkiina waxey ku jirtaa dhibaato cakiran oo oo xun jah-wareer dhinacna ma heesato iyo dhinac loogu soo hagaago, madaxdiinu waa inaad debecsanaan u sameysaan dadka la dhibey ee dhibaatadu heesato. bulshadu wuxay dalbanaysaa in aad dowlad dhistaan, dhistaan dugsiyo, xarumaha kaydka dhaqanka, jaamacado iyo xarumo caafimaad loo furo si loo helo bareyaal iyo hawlwadeeno caafimaad, dadku marka uu intaas helo wuu nasanayaa wixii loogu deeqay ayuuna ku jeesanayaa kadibna xilliga ka midho dhalinayaa , marka intaas la helo waxaa yaraanayo ama dhinmaya is qabqabsiga, iska hor imaadka iyo danbiga aan tirada laheen kaas oo ah mid karkaarka waydaartay .

 

 

bad dadaal baan is idhiye ,, ,waxaan ka tegey dhamastir adiguna ,,,,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuune, waa lagu salaamay, abkeey. Roogtee?

 

Haddaa u noqdo intee yarayd aad qortay, badanaa Afsoomaali ereyo u dhigmo waaka buuxaan, waliba kuwa kaga sii haboon ku jiro Afsoomaaliga. Laakiin intaan u guda galin ereyga 'deeq' Carabi goormuu noqday? Afsoomaali dhab in uu ahaa ogahay kaas, oo uusan Carabi ahayn. Koley haddaan qaldanahay i sax.

 

Intaa qortay inaan ku noqdo rabay, oo aan ku badalo ereyo Soomaaali u dhigmo ka buuxo afkeena, waana ka maaranaa afafka shisheeye in laga soo deensado. Jacbaro ayaaba iiga hormaray. Badankood kuwa Soomaali u dhigmo ayaa lagu wada badali karaa.

-------------

 

oday baa maalin nagu xujeeyay inan raadino 1 eray oo asalkiisa aan carabi ahayn oo ku bilaabata 'kh'

 

xataa hal xabo waa la waayay .... waxa la isku raacay xarafkaas inuusan ka mid ahayn luuqada somaliga ah.

Xarafka [xaraf naftirkiisa ayaaba Carabi ah] "kh" Afsoomaali ma u aha wax ku jiro, oo aasaaskiisaba Afsoomaali kuma jiro, oo Carabi laga keensaday. Wuxuu ka bilowdo dhan waa wada Carabi marka, xataa kuwa uu dhexda ugu jiro. Marka erey walba "kh" ka bilowdo ma'aha Afsoomaali, sidaas daradeeda ma heleysid inaa afkeena ku heshid.

 

Dad ayaa ku wareeray oo gaaray xataa inay "kh" ka dhigaan ereyo Afsoomaali u ah aasaas inay xarafka "kh" ugu badalaan kan "q" oo Afsoomaali ku jiro. Waxaa tusaale u ah ereyga ama magaca Barqad. Soomaali u hingaadinaayo "barkhad" arkeysaa.

-----------

 

Indian words:

Sabuun

Kursi

Sanduuq

Badhasab

Gaari

rooti

Ka ahayn "gaari" iyo "rooti," inta kale Carabi waaye, qaarkood Carabi naftirkiisa kasoo deensaday afka Reer Iiraan ku hadlaan maanta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Some words sound like they originate from Arabic, but they are cross shared by other Semitic related languages. For example the words "Selam or Salam " is used in some Xabashi anguages and I believe it is used in Aramaic and Hebrew. So it would be difficult to say that particular word is from Arabic..since thelanguage isn't that old....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Semitic Langages share many similarities and evolved from local Semitic dialects:

"Shalom, ani Daniel" could be equivalent to "Salam calaykum, anaa Daa'uud" or Hi, I am David/Daa'uud; likewise Wadi means valley in both langages etc.

 

However, Hindi-Urdu is a very recent newcomer, as a local dialect of New Delhi, developed by Arab, Turkish and Persian muslims, and which progressively became one of India's leading langage.

 

Hence, much of their vocabularies comes from Arabic, Turkish and Persian (many Arabs words were adopted by both these langages too).

 

Hadi kale, iska ilaaliya kalmadaha aad moodaysiin Urdu ama Hindi, maadaama labaduba ay ku dhismeen Carabi, Farsi ama se Turkish.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Sooomaligii dhabta ahaa waa sii lumayaa, Erayo badan waxa ay ka yimaadeen Hindiya/Paakistaan, sida

 

Gaadhi

Laan Gadhe'

Gaadhi wale'

Nayruus/sh

 

iyo kuwa kale oo badan.

 

Waxaan xusuusta ina carabta weliba wadamada Khaliijka ay dhib badani ka haysato luuqadii carabiga ahayd oo sii lumaysa,( tii ay lahjad u lahayeen iska daaye) oo English, Hindi , iyo Urduu maydhan baa ka buuxsamey, markaa dhibkan inaga inaguma eka' ee waa la inala qabaa. :D

 

Arinka kale dhibka keenay waa Hindida jaariyada ah ee guryaha uga shaqeeya oo caruurta u koriya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Prinz   

Mdaxweyne Siad Barre walahi abaal weyn buu Soomaalida u galay haduu afka far inoogu sameeyay, kacaankiisii ayaana Soomaaliga dhidibada loo taagay, oo la qarameeyay, ka hor Soomaali la sheego maba jirin, Talyaani baas iyo Ingiriis jacbur baa lagu hadaaqi jiray, waa howl weyn oo lagu xasuusan karo, luqad sidaan dhan hodan u ah, oo gabayo, dhaanto, heeso, geeraar, iyo sheekooyin soo jireen ah intaba le 'eg, ku dhowaad 25 milyan qofna ay ku hadlaan oo 1972ka la qoray ka waran!!

 

maqaalkan ka hadlaya qoraalka af soomaaliga bal milicsada http://www.doollo.com/mainpage/Axmed/dawlo.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taas kuu mahadsanyahay, waana waxyaabihii ugu muhiimsanaa dowladaas Kacaanka qabatay. Wali waa xasuustaa iskooladii Soomaaliya, meelihii maado walba afkeena hooyo loogu dhigi jiray, ha ahaato xisaab ama taariiq ama wax kale. Iskool hoose iska dhaafee ilaa iyo jaamacadda Gaheyr ayaa afkeena lagu dhigi jiray. Isku filnaan weyn oo aan isku filanahay ku gaarnay meeshaas.

 

Hal dowlad Afrikaan taas awooday ma jirin, kuligood afaf kale Reer Yurub iskooladooda ugu dhigi jireen ardeydooda. Kaliya dowladaha Carbeed ee Afrika ku yaalo, sida Masar camal, afkooda iskoolada ku dhigan jiray.

 

Buug nin Sawaaxili qoray waayo hadda kahor aqriye taas uu Soomaalida ku amaanaayo inay tahay kaliya dowlada Afrikada madoow kaliya ardeydooda ku bartaan afkooda hooyo iskoolada ka biloow fasalka koowaad ilaa min jaamacad. Buuggaas la qoray waaguu dalkeena dal ahaayee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this