Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Afka Soomaaliga ma la tartami karaa afafka kale?

Recommended Posts

Kool_Kat   

Originally posted by * Prince *:

Mdaxweyne Siad Barre walahi abaal weyn buu Soomaalida u galay haduu afka far inoogu sameeyay

Afarjir iskool dhigtoo, AfSoomaali lagu baro

Awal, awal, awal lama aqoon jirin

Kuwii noo albaab furay

Noo furay albaabada

Aabeheen Siyaad iyo Ilaah baa mahada leh!!!

 

Ala maxaan heestaas heesay anoo shaati cad iyo goono buluug ah wato! :D

 

Allaha unaxariisto Jaale Maxamed Siyaad Barre...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by nuune:

Bal warqadan yar een qorey bal ila fiiriya Soomaaliyeey,

 

 

Ku:
Masuuliyiinta sarsare ee
caasimada
wadanka
Soomaaliya ku sugan

Ka: Guddiga
amniga
iyo ilaalada
xuquuqul insaanka banii aadmiga

 

khilaafka
ka taagan
shacabka
wuu sii
saaidayaa
, hadaba
madaxdii
qaranka maadaama
aa tihiin waxaad ku
mashquul
santahihiin
kursi
raadis iyo
xukkun
doon,
ummadiina
waxey ku jirtaa
mushkilad
cakiran oo
qalliban
jah-wareer
jihana
ma heesato iyo
jawi
loogu soo hagaago,
madaxdiina
waa inaad
tanaasulaad
u sameysaan
ummada
la dhibey ee
dulmiga
heesato.
shacabku
wuxuu
dalbanayaa
in aad
dowlad
aas-
aastaan
, dhistaan
iskuulaad, matxafyo, jaamacado
iyo
isbitaalo
loo furo si loo helo
macallimiin
iyo
dhakhaatiir
,
shacabka
marka uu intaas helo wuu
nasanayaa
wixii loogu
deeqay
ayuuna ku
mashquulayaa
kadibna
waqtiga
ka
faaiideesanayaa
, marka intaas la helo waxaa yaraanayo ama
naaqusaya khilaafka
iyo
danbiga
xisaabta
aan laheen kaas oo ah mid
xad
dhaaf ah.

 

BAL JB AYAABA HORTAY WARQADDA SOO QURXIYEY EE ANNA SIDAAN ISKUGU DAYO FIIRI...

 

 

Ku: Madaxda sare ee magaalo-madaxda dalka Soomaaliya ku sugan.

 

Ismariwaaga ka dhexjira dadweynuhu wuu sii kobcayaa haddaba haddii aad tihiin madaxdii dalka waxaad diiradda saarteen inaad jago raadisaan oo keliya. Umaddii waxay ku jirtaa xilli adag oo ay cakirnaan iyo jahawareer ba'ani hareereeyeen oo aan qaab wanaagsan oo loogu soo hagaago aan lahayn. Haddaba madaxdiinnu waa inaad u garawdaan aadna dadkiinna ka dul qaaddaan dhibka haysta.

 

Dadweynuhu wuxuu codsanayaa inaad hoggaan qaran amase dowlad hirgelisaan aadna u dhistaan adeegyada lagama maarmaanka ah ee ay ka mid yihiin dugsiyo iyo goobo caafimaad lana helaa aqoonyahanno iyo xeeldheerayaal ay ka mid yihiin bareyaal iyo dhakhaatiir.

 

Markii dadweynuhu helo adeegyadaas lana qaado tallaabooyinkaas waxa ay ka nasan doonaan kana waantoobi doonaan dilalka foosha xun iyo dhaca waxaana soo noqon doona nabadgelyadii waxaana yaraan doona is-afgaranwaagii hore u jirey.

 

Saaxiib waxay ila tahay dadka afkan aqoonta durugsan u lihi inay baaqa sidaan si ka wanaagsan u qori lahaayeen.

 

Haddii aan isku dayo inaan weeraha ku sharraxo Af-Soomaali qumman:

 

 

Masuuliyiinta = Madaxda

Caasimada = Magaalo-madaxda

Amniga = Nabadda

Xuquuqul

Insaanka

Khilaafka = is-afgaranwaa

Shacabka = Dadweynaha

Saaidaya = Kobcaya/badanaya/kordhaya

Dowladda

Mashquulsantahey = ku sii jeeda

Kursi = Jago

Xukkun = Maamul

Ummadiina = Dadkiinna

Mushkilad = Dhibaato

Jahwareer <--- oo tan ma carabi baa?

Jiho = Waddo/Dhinac

Jawwi = Qaab

Tanaasulaad =

Ummada = Dad

Dulmiga = Dhib

Dalbanayaa = Codsanaya

Iskuulaad = Dugsi

Jaamacado =Waxbarasho Sare

Isbitaalo = Goob Caafimaad

Macallimiin = Bare

Dhakhaatiir

Nasanayaa

Deeqay = Taakulayn

mashquulayaa

Danbiga = Xumaan

Xad = meel uu ku egyahay/ku dhammaado

Share this post


Link to post
Share on other sites
Prinz   

Miskiin^ Sxb taas beentaa maaha, insha alaah, ayadoo qaranimadeenii soo laabato oo afkeenii sare loo sii qaado baan rajeenaynaa.

 

Kool_Kat lol ani mugoo waagaas waan yaraa kuma soo gaarin, lakin warkeeda aan haayaa, gabdhaha in surwaal ay soo qaadan jireen & shaar, asxan labis fil caalam iga dheh loolz

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this