Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kowda Luulyo--Happy Independence Day

Recommended Posts

dear reer Somalia,

 

congratulatory best wishes for your 53rd anniversary of independence. mabrook. let's hope the situation of your country improves inshallah. on behalf of the Somaliand people, we are sending you our deepest felt hambalyo and brotherly love. congratulations.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maqane   

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;673930 wrote:
Salaan...

 

Kowda Luulyo is a day we should--would--never forget. No matter how or what. Or where we are.

 

Happy to you all, my fellow nomads.

 

Soomaali hanoolaato. Soomaali ha guuleysato. Soomaali ha midoowdo.

 

 

Macsalaama!!!

This is indeed an unforgettable day!

 

Happy independence day MMA :)

 

Happy indepedence day Somalia


Related Thread

--> http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/72176-July-1st-Happy-Somali-Independence-Day

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oslo, Noorwey - 2012

 

Sidee looga dabaal degay 1-da Luulyo Magaalada Oslo ee dalka Norway

 

59y0ea.jpg

 

2ia2xbr.jpg

 

15z5lye.jpg

 

f02etf.jpg

 

Xaflada maalinta qaranimada Soomaaliyeed ee kowda luulyo ayaa lagu qabtay fagaare weyn oo ku yaalo magaalada oslo ee dalka Norway.

 

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Madaxda ururka haweenka Soomaaliyeed ee Dalka Norway ayaa waxaa ka soo qeybgalay boqolaal dadweyne soomaaliyeed oo isugu jiray dad waa weyn iyo caruur, wasiiro iyo madax kale oo ka tirsan Dowlada Norway waxaana ka qeybgalayaasha xaflada ay soo wada xerteen dhar lagu hardhay astaanta calankeena. xidigta shanta gees leh.

 

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka Norway Mr, Heikki Holmes oo sedex cesho ka hor muqdisho ka soo laabtay, waxaana uu umada Soomaaliyeed ugu hambaleeyey maalinta weyn ee kowda Luulyo, waxa uu sheegay in uu salaan macaan uu ka soo qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya , rwasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka,, waxa uu sidoo kale sheegay in uu soo arkay dal iyo dowlad horumar baaxad leh Sameynaysa, waxaan sidoo kale soo arkay meel ay dib u soo noqoneyso xuriyadii cadaaladii iyo nabadii, waana talaaba wanaagsan buu yiri qorshaha Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya, isaga oo sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey xiriirka bilowday ee Soomaaliya iyo Norway.

 

Munaasabada Kowda Luulyo oo sanad walba lagu qabto fagaare weyn ayaa waxaa soo abaabulay ururka haweenka oo ay hogaamiso Marwo Ayaan, waxaana khudbad ay halkaasi ka jeedisay kaga hadashay qiimaha maalinta weyn.

 

Marwo Ayaan ayaa khudbadeeda sanadlaha ah hambalyo ugu dirtay guud ahaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan Soomaalida ku nool Wadanka Norway waxa ayna sheegtay in ay muhiim tahay midnimada iyo wadajirka , iyada oo ku celcelisay in maanta oo laga baxay nidaamkii KMG ahaa ay jiraan dad ka shaqeynayo kala dhantaalida midnimada, isla markaana u ololeynaya qabyaalad iyo luxitaanka calan goboleed.

 

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay qudbado qiimo leh suugaan isugu jiray gabayo iyo heeso wadani ah, waxaana ka tumaayey fanaaniin uu ka mid ahaa xuseen niiruyoow, iyada oo dhinaca kalana halkaasi lagu soo bandhigay ruwaad aad u xiiso badneyd oo ka tarjumeysay dhibaatooyinka qoysaska ay kala kulmaan hay’adaha qaabilsan daryeelka caruurta.

Raadiyo Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khartuun, Suudaan - 2013

 

Sida looga dabaal degay 1-da Luulyo dalka Suudaan

 

20.jpg

 

16.jpg

 

15.jpg

 

Munaasabada 1-da Luulyo ayaa gabi ahaanba laga xusay gudaha iyo dibada dalka Soomaaliya.

Waxaana ka mid ah meelaha sida weyn looga xusay dalka Suudaan gaar ahaan Magaalada Khartuum iyadoo shacab badan oo Soomaaliyeed ay muujiyeen shacuurtooda maalintaan.

Sawiro kale

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beledweyne - 2013

 

Baledweyne oo Xalay Laga xusay 1da Luulyo

 

munasabada-1da-luulyo-oo-baledweyne-laga

 

munasabada-1da-luulyo-oo-baledweyne-laga

 

munasabada-1da-luulyo-oo-baledweyne-laga

 

munasabada-1da-luulyo-oo-baledweyne-laga

 

munasabada-1da-luulyo-oo-baledweyne-laga

 

munasabada xuska lada 1da luulyo ayaa xalay siweyn loga xusay magalada baledweyne ee gobolka hiraan ayaa waxana kasoqeyb galay kumanaan dad ah oo kakala yimid xafadaha magalada iyo masuliyiinta ugu sareysay maamulka gobolka hiiraan saraakiisha ciidamada AMISOM

 

Munasabada oo kubilabatay Sugaan katurjumeyso nabada iyo madaxbanaanida faa idada ay ledahay iyo dhibatada losomaray madaxbananida aan manta ku naaloneyno

 

 

 

Qeybahii kaladuwanaa ee bulshada kasoqeyb galay munsabada ayaa waxaa ay bilaabeen in ay qudbado kaladuwan ay kajediyaan munasabada

 

ugu horey munasabada waxaa kahadalay yusuf axmed hagar yusuf dabageed waxana ow ku dheraday hadalka madaxbanaanida waxana ow sodookale ow shegay in al shabab ay yihiin kuwa cadiow ku ah madax banaanida umada somaliyed

 

Taliyahah ciidamada xooga dalka somaliya ee gobolka hiiraan tawane axmed maxamed oo goobta kahadlay aya shegay in manta ay tahay mid aan la ilaabi karin waxana siloo helo madaxbanaanida ladaadiyay dhiig ban oo ay kamid yihiin halgamayaashii uso dagalamay madaxbanaanida somaliya

 

Gudomiyaha gobolka hiiraan cabdi farax laqanyo ayaa hamlayo udiray dhamaan umada somaliyed melkasto oo ay jogaan waxana ow intaa kudaray Mrlaqanyo in mamulkiisa ow dhawaan al shabab ow kasaaridoono guud ahan gobolka hiiraan

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xamar - 2013

 

 

1-323.jpg

 

1-521.jpg

 

1105.jpg

 

kowdalulyomuq41.jpg

 

1-150.jpg

 

1-614.jpg

 

Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday xarunta gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis, waxaana munaasabadaasi ka qeybgalay masuuliyiinta ugu sareysay dalka,Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan, maamulka Gobolka Banaadir, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Culimaa’udiin, Fanaanin iyo Dadweyne kale oo fara badan.

Dhamaan madaxdii iyo marti saraftii ka qeybgashay Munaasabada ayaa waxaa ka muuqatay qiiro wadaniyadeed, waxaana goobta laga soo jeediyay hadalo lagu weyneynayo midowgii iyo israacii gobolada Koonfur iyo Waqooyi.

 

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo khudabd xasaasi ah ka jeediyay munaasabada ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay sida qiimaha leh ee Munaasabaddan loosoo qaban qaabiyey waxaana uu shacbiga Soomaaliyeed guud ahaanba u diray Hambalyo ku aadan koowda Luulyo.

 

“Waxaan rabaa inaan qof kasta oo Soomaali ah oo aduunka ku nool inaan weeydiiyo hal su’aal oo qof walba uu shaqo guri u qaadanayo, dhammaanteen waxaan sheegnaa qiimaha iyo qadarinta aan u heyno dowladnimada iyo calanka la mideynayo, hadaba su’aasheeydu waxey tahay qof walba oo Soomaaliyeedoow maxaad ogoshahay inaad bixiso si aan u helno dowladnio buuxo ileyn aduunka dushiisa cisi iyo karaamo ugu noolaano waa Dowladnimo, marka maxey tahay ma doollaraa?ma dharaa? ma gabayaa? berri ayaan su’aashaas ka jawaabi doonnaa haduu Alle idmo markale waxaan idiin leeyahay Hambalyo,Hambalyo,Hambalyo Soomaaliya Hanoolaato”ayuu ku yiri Khudbaddiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Mudo Sideed daqiiqo ah markii ay ka harsaneyd 12ka saqda dhexe xiliga geeska afrika ayaa madaxdii iyo shacabkii ka qeybgalay Munaasabaddan qiimaha leh ka qeybgalay ayaa ugasoo baxay banaanka hoolka ay munaasabaddu ka dhaceysay ayaga oo isugu yimid barxada weyn ee xarunta gaadiidka Booliiska Soomaaliyeed halkaasi oo kooxda baambeydu ilaa ay ka gaarto waqtiga 12ka ku garaacayeen astaanta qaranka iyo suugaan wadani ah ayadoo ugu dambeynna goobtaasi lagu saaray calanka quruxda badan ee Jamhuuriyaddeenna.

Sidoo kale R/wasaarha xukumada Soomaaliya oo munaasabada ka hadlay ayaa umada Soomaaliyeed ugu hambalyeey maalintan qiimaha badan ee ku weyn Umada Soomaaliyeed.

 

“Runtii gobonimada iyo midnimada Soomaaliya maanta maalin ay ka wanaagsantahay ma jirto, waxaan rabaa inaan umadda xusuusiyo gobonimada iyo xoriyadda umadda Soomaaliyeed waxey ku timid midnimo ay Soomaali muujiso, sidaas darteed waxaan shacbiga Soomaaliyeed xasuusinayaa ineysan dowladda kaliya ku haleyn difaaca midnimadan ee ay wada difaacaan”ayuu yiri Saacid.

Dhinaca kale 1-da Luulyo ayaa ahaa maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waana maalin qiima gaara uleh umada Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.