Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kowda Luulyo--Happy Independence Day

Recommended Posts

Adaa mudan, abaayadiis.

_____________________

 

Shiinaha 2012:

 

Soomaalida Shiinaha oo xustay Munaasabadda 1-da Luulyo

 

Xaflad qurxoon oo lagu maamuusayay xuska 1-da luulyo ayna kula lamaansaneyd xaflad sagootin ah oo looo sameeyay arday Somaliyeed oo ka qalin jabisay Jamacada Beihua University ayaa ka dhacday Magaalada Jilin ee dalka Shiinaha.

 

Xafladaan oo ay soo qaban qaabiyeen Gudoonka ardayda Somaliyeed ee Jamacadaan dhigata, kuwaa oo uu Gudoomiye uu sanadkaan u yahay Mudane C/Raxmaan Maxamed Xasan.

 

Xaflada waxaa ka soo qayb-galay arday badan oo Soomali ah oo ka kala yimid Gobolada qaar ee dalkaan, halkaas oo ardaydu ay isu dhaafsadeen wixii taariikh ah ay dalka isu dhaameen, kuna dheehneyd Suugaanta Wadaniga iyo dhamaan waxkasta oo ninkastaa uu ula soo diyaar garoobay inuu kaga qayb galo xuska maalinka xoriyada wadankiisa.

 

Waxaan meesha kamarneyn in qofwalba uu uhambalyeynayay 3 arday oo shalay ka qalin jabisay Jamacadaan, waxaana ardaydii nasiibka u yeelatay inay Jaamacadaan ka qalin jabiso ay kala noqdeen Dr Daahir, Drs Safa iyo Drs Sahra.

 

Ugu dambeen dhamaanba ardaydaan Soomaaliyeed ayaa waxay duco ay u jeediyeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyagoona ugu duceeyay in sanadkaan sanadkiisa uu Alle ku gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.

 

tiib11.jpg

 

tiib12.jpg

 

tiib14.jpg

 

tiib151.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iswiserlaan 2012:

 

Xaflad lagu Xusayey Maalinta 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Olten ee dalka Switzerland

 

Waxaa habeenkii Axadda ahayd ee 1-da Luulyo si weyn looga dabaal dagay magaalada Olten oo ku taala gobolka Solothurn ee dalkan Switzerland munaasabada 1-da Luulyo oo ah maalin ay si weyn u qadiriyaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan.

 

Munaasabadan oo ka dhacday magaalada Olten ee gobolka Solothurn ayaa waxaa ka soo qayb galay Boqolaal Jaaliyadda Soomaaliyeed ah ee ku nool dalkan Switzerland, waxaana Halkaasi ay isugu Jeediyeen Shacabka Soomaaliyeedna ugu Hambalyeeyeen Munaasada ku aadan 1-da Luulyo oo ah Malinta Xornimada Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyo Israacii Goboladii Waqooyi iyo Koonfur.

 

2hpn3ww.jpg

 

wsjw4m.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Helsinki, Finland 2012:

 

Ururka Dhalinyarada ee KANAVA oo Helsing ku qabtay Munaasabada 1-da Luulyo

 

Xaflad aad aad u balaaran oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan Soomaalida ku dhaqan magaalada Helsinki ee dalka finalnd laguna xusayey sanadguuradii 52aad ee maalintii xorrnimadda Soomaaliyeed ee 1 luulyo ayaa lagu qabtey Dalkaaasi

 

Xafladan oo aheyd mid si heer sare loo soo agaasimey ayaa waxaa soo qaban qaabiyey ururka dhalinyarada soomaaliyeed ee KANAVA Waxaana ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha ururka kanava C/qaadir Nuur Hadafow oo hambalyo balaran u diray umadda soomaaliyeed meel wabo ay dunida ka joogaan gaar ahaan umada ku dhaqan dalka filand waxaana u u rajeeyay in sanadkan kiisa kale uu illaah kugaarsiiyo umaada Soomaaliyed ku gaarsiiyo nabad iyo baraare

 

Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlay waxgaradka ku sugan dalka finland kuwaas oo ku dheeraaday ahmiyada ay maalintan u leedahay umadda soomaaliyeed iyo dhibaatadii laga soo maray xornimada aynu maanta kunaalooneyno.

 

Sidoo kale waxaa xafaladaii maanta bilado lagu gudoonsiiyay ilaa iyo 3 kooxood oo iyagu kamid ahaa 10 kooxoood oo aha dhalinyaro yaryar ah oo ciyaaro kubadda cagta ah uga socday dalka filand ciyaarahaas oo loogu talagalay sanadguurada xuska maalinta xornimada soomaaliyeed ee 1da luulyo.

 

Xuska maalintan kuweyn umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa kasoo qeybgalay Orodyahano soomaaliyeed oo iyagu kaqeybgalay orodada qaarada yurub oo kakla yimid wadamada Holand iyo Bilgiumka waxaana ay ku dhiirageliyeen dhalintada yar yar ee Soomaaliyeed ee ku mashquulsan kubadda cagta in ay kaqeybqaataan ciyaaraha fudud.

 

helsing-final_1.jpg

 

helsing-final_2.jpg

 

helsing-final_4.jpg

 

helsing-final_3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oslo, Norway 2012:

 

Oslo oo si weyn looga xusay Kowda Luulyo

 

Xaflad weyn oo lagu xusayay maalinta 1-da Luulyo ee xoriyadda Soomaalida koonfureed iyo israacii Wuqooyiga iyo Koonfurta ay ku midooween sanadkii 1960 ayaa waxey ka dhacday fagaarahasofienbergparken magaalada Oslo ee dalka Norway.

Xafladdan oo ay kasoo qeybgaleen dadweyne aad u tira badan oo badankooda xernaa astaanta iyo midabada calanka Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemayay shucuur wadaninimo.

 

Waxaa halkaasi ka mid ahaa dadkii ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya C/samad Maxamuud Xassan , taliya waaxda socdaalka C/laahi Gaafow oo ku nuux nuuxsaday in la taageero habsami usocodka nabadda Soomaaliya , waxaana sidoo kale halkaasi dhiiri galin iyo taariikhdii halganka ka iftiimiya halgamaa C/qaadir Cali Boolaay oo ah ragga fara ku tiriska ah ee ka nool dhalinyaradii ku jirtay SYL.

 

DSC_0142.jpg

 

DSC_0008.jpg

 

282271_10150923936137832_676032333_n.jpg

 

320415_10150924037682832_1526184628_n.jp

 

539797_10150923943787832_360647845_n.jpg

 

306558_10150923966272832_1490466412_n.jp

 

306558_10150923966287832_570946194_n.jpg

 

575344_10150923916927832_915337007_n.jpg

 

428383_10150923986002832_1763703340_n.jp

Muuqaal:

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gothenburg, Iswiidhan 2012:

 

1-da luulyo oo si weyn looga xusay magaalada Gothenburg

 

Xaflada si heer sare loo soo qabanqaabiyay oo ku saabsan dabaaldeegga xuska sanadguurada 52 ee madaxbanaanida gobollada koonfureed iyo midowga Somaaliya ayaa lagu qabtay hoolka wayn Volviahallen ee magaalada Gothenburg ee dalka Sweden maalinta sabtida 30-ka june 2012.

 

Xafladda waxaa lagu furay ayaado quràan ah. Kadibna heesta astaanta calanka soomaaliya ayaa la saaray oo dadka oo dhan u wada istaageen.

 

Waxaa Baraambur iyo gabayo wadani ah qaaday Sacdiyo Soomali, Abwaan Hurfe, Caasha Cuud, Hussein Adde, Safiya Foodcadde , Farhiya Tifow iyo Saadiq Seyga.

 

Marti sharafta qudbada ka jeedisay goobta waxaa ka mid aha Mudane Jaamac Ali Jamac oo ah Musharrax u tartamaayo Madaxwynenimo ee dalka Soomaaliya. Mudane Jaamac wuxuu warbixin dheer ka bixiyay xilligii gobanima doonka Soomaliyeed iyo marxaladihii kala duwanaa ee wadanka soo maray.

 

Waxaa isana goobta ka hadlay Macallin Ismail Ali Abdulle oo ku guubaayiyay Soomalida qurbaha deggan in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka, gaar ahaan in la taakuleeyo ciidamadda dawladda Somaaliya.

 

Waxaa dhinaca haweeynka u hadlay Shamso Dahir oo ka hadashay midnimada iyo wadajirka Soomalida.

 

Xafladaasi oo si wadajir ah ay u soo abaabuleen Jaaliyadaha ka tirsan magaalada Gothenburg.

 

Xiriiriyaha barnaamijka waxaa si wanaagsan u daadihinaysay Wariye Anfac Caddow oo ka tirsan bahda Somaliwayn tv. Bahda warbaahinta waxaa ka mid ahaa Hussein Abdi Alasow oo ah soo saaraha Somaliwayn tv. Hussein Alasow waa madaale had iyo jeer u taagan hawlaha hurumarinta bulshada Somaaliyeed dhinaca saxaafadda..

 

Ugu dambayn waxaa mahad gaar ah loo celiyay Ibrahim Qalinle, Abdullahi Jawhar, Ahmed Arabey iyo Adam Oor oo dhammaantood sii Soomaalinimo ah soo qaban qaabiyay xafladda sanad guurada 52ad oo qiimaha leh.

 

IMG_1746.JPG

 

IMG_1641.JPG

 

IMG_1656.JPG

 

IMG_1685.JPG

 

IMG_1719.JPG

 

IMG_1754.JPG

 

IMG_1740.JPG

 

IMG_1730.JPG

 

IMG_1701.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Columbus, Mareykanka 2012:

 

Sida 1-da Luulyo looga xusay Ohio

 

Boqolaal qof oo Soomaali ah oo ku nool waddanka Mareykanka ayaa xalay ka qeybgalay xaflad lagu maamuusayay 52 guuradii ka soo wareegatay xilliga xornnimada gobollada koonfureed iyo israacii waqooyi iyo koonfur.

 

Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka qeybgalay dadwayne Soomaaliyeed oo ku labisan calanka isla markaana ku dhawaaqayay 1-Luulyo ha noolaato, Soomaaliya ha midowdo iyo erayo kale.

Waxaa goobta xafladda ka hadlay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka hadlayay qaabkii lagu helay xorriyada iyo halgankii loo soo maray.

 

IMG_8883.jpg

 

IMG_8910.jpg

 

IMG_89171.jpg

 

IMG_8916.jpg

 

IMG_8915.jpg

Muuqaal:

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Minneapolis, Mareykanka 2012:

 

Xafladii Kowda Luulyo iyo Minneapolis

 

Dibad bax lagu xusayo 1 da Julay oo ah 52 sano kahor markii ay gobolada Koofureed ee Soomalia ay iska tureen heeryadii gumeysiga isla mar ahaantaana ay lamidoobeen gobolada woqooyi ayaa galabta lagu qabtey magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka oo ah meesha ugu soomalida badan wadankaan.

 

Dibadbaxaan ayaa waxa uu kadhacay bartamaha magaalada Minneapolis, iyadoo loo xiray dibad baxaani wadooyin dhawr ah oo dhex mara is magaalada,waxaa ka soo qeybgalay dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee gobolka Minnesota ee ay Soomaalidu ku dhaqan tahay, waxaa sidoo kale iyaguna munaasibadan kala soo qeybgalay dad kale oo ka socday bulshooyinka kale ee ku nool wadankaan.

 

Dadka isku soo baxay, oo intooda badan muuqaalka ay ka sinaayeen ay ahayd midabka buuluga ah ee calanka Soomaaliya,waxaana dadkii halkaasi isugyimid la hadlay aqoonyahano, waxgarad, iyo siyaasiin isugu jira Soomaali iyo waliba kuwo ka tirsan dowladda wadankaan Mareykanka, kuwaasi oo dhammaantood ka sheekeeyey qiimaha ay bulsho waliba u leedahay maalintooda qornimada, islamarkaasina loo baahan yahay in la weyneeyo maalintaan oo kale.

 

Pro. Axmed Maxamed Qaadi, oo isagu ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo maadada taarikhda ka dhigi jiray kuliyadii lafoole, oo ka mid ahaa dadkii madashaan ka hadlay, ayaa sheegay in qornimada Soomaaliya loo soo maray marxalad adag, islamarkaana aan si fudud lagu helin.”Dadkii xornimadaan aan manta harsaneyno keeney waxay ahaayeen dad adinkoo kale ah ee dhiig isku yeela dhalinyaroy noqda sidii 13kii dhaliyaro ee caanka kanoqday Somalida dhexdeeda ee S Y L.”

 

Waxaa sidoo kale halkaasi kahadley Fardawso Jaamac kuhadleysay magaca haweenka Soomaaliyeed, waxayna sheegtay in mar waliba haweenku utaaganyihiin iney garab sitaagaan cid waliba oo wax uqabaneyso wadankeena hooyo, iyadoo intaasi raacisey “Ninkii daneynaayo inuu kashaqeeyo nabad kusoo dabaalida wadankeena hooyo waan lashaqeyneynaa waana gaarabtaganahey laakiin ninkii raba inuu dumiyo gurigii shalay ladayactiray ragow maxaaad katiraahdeen?” Hadalkaas oo soo jiitey dhageystayaasha ayaa mar qura sacab iyo sawan kutaageeray.

 

Fanaaniin ay kamid ahaayeen Saynab Labodhagax, Khadro Cumar Dhuule, Fartuun Cumar iyo Hodan Cabdiraxmaan ayaa ka qaaday heeso wadani ah oo dadkii daawanayey ay la dhaceen, sidoo kale waxaa lagu soo bandhigey majaajilo, gabayo iyo waliba buraanbur guud ahaanba katurjumaya maalmaha taakhiga u’ah Soomaali meel ay joogtaba iyadoo gabayadii halkaasi laga qaadey qaarkood ay dadkii ilmo ka keeneen.

 

DSC00600.jpg

 

DSC00603.jpg

 

DSC00607.jpg

 

DSC00598.jpg

 

541044_3419985820598_775483856_n.jpg

 

483377_3419940699470_1151029747_n.jpg

 

564161_3419941899500_1421037551_n.jpg

Muuqaal:

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Willmar, Mareykanka 2012:

 

Somalida degan Willmar oo si weyn ugu dabaaldegay maalinta 1-da Luulyo

 

Munaasabada kowda luuliyo ayaa maanta lagu xusey magaalada Willmar ee gobolka Minnesota ee cariga dalka mareykanka ,dabaaldagaan ayaa waxaa isku soo duba-ridey Jaaliyada dumarka Somalida (Somali Women) oo gacan ka heleyso African Development Center ,waxana ka soo qeyb galey odayaal, dhalinyaro iyo dumarka ku dhaqan magaalada Willmar ee gobolka Minnesota.

 

IMG_0255-1024x768.jpg

 

IMG_0266-1024x768.jpg

 

SAM_1947-1024x576.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Edmonton, Kanada 2012:

 

Soomaalida Edmonton oo Wadajir ugu Dabaaldagtey 1da Luulyo

 

Shalay ayaa si habsami ah ay Soomaalida Edmonton wadajir ugu ciidey bariga magaalada. Dabaaldagan 1da Luuliyo ayaa waxaa si wadajir ah usoo qabanqaabiyey uruada Soomaalida ee magaalada oo igu sanadihii hore gooni gooni udhiganjirey xafladaha caamka ah ee bulshada ka dhaxeeyo. Dabaaldagan oo ay kasoo qaybgaleen dad lagu qiyaasay 2000 oo qof ayaa ahaa mid laga cabsi qabey in uu baaqda kadib markii ay roobab lixaadlihi da-een galingii hore. Balse roobabkaasi ma-aysan noqon kuwo dib udhigo himilada shacabkii u oomanaa in ay meel kuwada dabaaldagaan.

 

334ulnl.jpg

 

293vrb7.jpg

 

72b135.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khartuun, Suudaan 2012 (laba xafladood):

 

1-da Luulyo oo si weeyn looga xusay Magaalada Khartuun

 

Munaasabad lagu xusay 1 Da Luuliyo iyo Sanad Guurada 52 aad ee Xornimada iyo Midnimada Shacabka Soomaaliyeed, ayaa waxay ka dhacday Hoolka Shirarka Caalamiga ah ee Ribaad Al-wadani ee Magaalada Khartoum Caasimada dalka Sudan.

 

Munaasbada oo si heer sara ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaana ay ka soo qeeyb galeen madax iyo Xubno ka tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Sudan, Madaxda Midawga Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan ee Sanad kaan la doortay iyo Madaxdii Sanadkii hore ee uu xilkoodu dhamaaday, Marti sharaf reer Sudaan ah iyo waliba Qeeybaha kala duwan ee Ardayda Soomaaliyeed hablo iyo Wilalba ayaa waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo ay u wada riyaaqeen guud ahaan ka soo qeeyb galayaashii Munaasabada yimid.

 

5e54c__tiib20.jpg

 

d8b7f__tiib22.jpg

 

72.jpg

 

23.jpg

 

x102.jpg

 

ee66a__tiib32.jpg

 

43.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mambaasa, Kenya 2012:

 

1-da luulyo oo maanta si weyn looga xusay magalada Mambaasa

 

Ciyaar kubbadda cagta ah oo lagu maamuusayay 52 guurada ka soo wareegtay xorriyaddii gobollada koonfureed ee Soomaaliya iyo israacii koonfur iyo waqooyi ee 1-dii Luulyo sanadkii 1960-kii ayaa maanta lagu qabtay garoonka weyn ee makadara ee magaladani Mambaasa.

 

Ciyaartaan oo ay hormuud ka ahaayeen gudiga jaaliyada Soomaaliyed ee ku dhaqan magaladani mombasa ayaa waxay dhex martay laba koox oo kala ahaa S.Y.L iyo Horseed kana dhisan magaalada Mambaasa.

 

k2y2c1.png

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jabuuti 2012:

 

Xaflad Lagu Xusayay Xuska Maalinta 1-da luulyo Oo Dalka Jabuuti Ka Dhacday

 

Xaflad aad U Baalaaran oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin ka kala socota somalia, Djibouti Iyo Puntland Ayaa Waxaa Xalay Lagu Qabtay Safaarada Soomaalida ee Jabuuti.

 

zurwgp.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.