Sign in to follow this  
nuune

SOOMAALIDA IYO QURUXDA

Recommended Posts

nuune   

SOOMAALIDA IYO QURUXDA

Soomaalidu waxay tiraahdaa: (hadday naagi siddeed iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, asay gabar tahay, guurkeeda lama dhaafi karo). Sifooyinka ay tilmaamaanna waa sidatan:-

- Afar ay u dheer tahay: labada gacmood, timaha iyo qoorta.

- Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda.

- Afar ay dhumuc u leedahay: labada kub iyo labada cududdood.

- Afar ay u caddahay: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab.

- Afar ay u madowdahay: labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.

- Afar ay deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda).

- Labay u shuban tahay: labada dhaban.

- Hal ay u buuxdo: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato.

- Hal ay u qoran tahay: waa sanka.

Lix iyo labaatankaas sifo waxaa soo raaco labada maqalkoodu ay dheguhu ku raaxaystaan, waana qosolkeeda iyo codkeeda macaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Naag intaa isku darsatay walli nuunoow addigu ma aragtay?

 

Naag cududaha u weyn? icon_razz.gif Halkaas wuu qatifay ninka qoray...ma igu raacday. Suxul-baruur cududo waaweeyn intee la geenaa :D

 

Maansha naagtu ku lagaday :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

baashi sxb waa runtaa naagtu waa iney cududaha u weyntahay, ama naag jeenyo weyn, siktaa aan dhahaa ani, sikta ii lux lux, xaaax

 

sxb baashi een horta dhihi maayo naag intaasi isku darsatey la heli maayo waayo waxaan ka baqi in rasaas laigu soo tuuro hadda, laakin waa dhif dhif,

 

een su'aashaadi aheyd ma aragtey naag intaasi isku darsatey, waan arkey laakin markaas todobo jir aan ahaa :D

 

 

haddaan maqlo xataa naag intaas isku dartsatey ayaa jirto oo xattaa la qabo, naagtaas waan soo ridan sxb, ninka qabo naagtaas waan kasoo ridan.

 

naag qurux badan nin baa qaba looma daayo smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faheema.   

LooL, :DBaashi Somali iyo Qurux has come along way , Ragu barigii hore naagta dhuuban umay soo dhawaanjirin, waxaa la odhan jiray tani cudur baa haya, hence “cududaha waa weyn†, the bigger the better…. :eek: :D (still the case in some parts of Africa)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Cawo,

xaafadeyada dhuubo dhex yar baa dhaantada loogu tumi jiray oo waxaa la yiri dhexda suun bey ku adkeyn jireen si aysan u fidin.

 

Nuune,

Sxb wax falan baad tahay :D Awal waxaan doonayay inta aan is barano in aan aqalkeyga kugu martigaliyo oo sidii xaal-gobeed kuu sooro. Mar hadaad ragga naagahooda damac kaaga jiro oo marba haday qurux badan tahay ay hawshaadu tahay "ka rido" hadde warku waa cad yahay oo candhuufta baan dib u liqay :D

 

Waa sida e awoowe i dhageyso. War ninyahaw nuune la yiraahdo laguu waran. Awoowe quruxda tan muuqata iyo tan dahsoon waxaa ku leh tan dahsoon. Annigu waxaan ahay nin muddo badan soo joogay oo waayahu ay wax bareen. Macnayaal badan baan wax ka aqaan. Kuma lihi wax walba waan aqaan :D laakiin wax yar oo aan hubiyey baan kuu sheegayaa.

 

Awoowe bilcaamaha, haweenka, xaawaleyda, dumarka, amaba hablaha hadba kaad u taqaan waa sida ragga. Wax yaala badan baa lagu qiimeeyaa dabcan quruxdu waa ka mid laakiin kartida, aqoonta, rag-yaqaanimida, qoyskeeda, gaarinimada, kalsoonida, anshaxa, akhlaaqda, iyo iimaankeedu baa ka sii qiimo badan quruxda muuqata.

 

Sideedana marka baashaalka iyo xiisaha hore ay dhamaadaan waxa reerka isku haya waa qeymaha iyo dadnimada labada qof ee quruxdu muuqataa waa laga xiisa dhigaa oo waxaa suura ah in mid ka qurux badan oo horjoogsiga ka sidata inaad is barataan.

 

Allow ma u sheegay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jalaato   

war Baashi,

 

Nin yahow waa u cod ektahay nin waxbadan soo joogay oo rugcadaa ah, aniguna waan kugu raacsanayhay dhamaan arimaha aad ka hadashay. Beauty aren’t every thing

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

baashi sxb aad baad ugu mahadsantahay kaalinta weyn eed ka qaadatey inaad nagu darsato waayo aragnimadaada, waa runtaa sxb, intaasba aad sheegtey waan kugu raacsanahay, hasa yeeshee quruxda muuqata weeye waxa aan qaadaa dhigeeney , tan dahsoon ama aan muuqanin lamaba koobi karo haddii aan guda galno.

 

een sxb baashi waanu heshiineeynaa hana ka yaabin inaan kaa soo ritto gabadhaada :D een tan kale marti qaadka ha inoo socdo.

 

 

dhanka dumarka laba naagood baa bari is weydiiyey waxey nin ku dooran la haayeen,

 

 

Naa rag kee baad ugu jeceshahay? markaas bay tiri : “Waxaan ugu jeclahay ger caddaale, guunyo badane, gaajo gooye, kuu garaabe, ku garab taagne, gef ka dheere, garoor ma daadshe, gaawe carafle, gaari farasle, gaarka haaye, deris gargaare ee adigunaâ€

markaas bay ugu jawaabtay: “Anna Gar madoobe, geed walwaale, garruun weyne, gujo kulule, gunta ku geeye, kuna gufeeye, gidaarra jeexe, gurxan badane, gebagebeeye, gacan sarreeye, gam’i waaye

 

 

so dumarkuba iyagu laftirkoodu ma fiiriyaan quruxda bas, dhinac kastey fiiriyaan xattaa actionka sidaad aragtaba smile.gif

 

 

Waa Xildhibaan Maskax Dhuuqe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

looooooooooooooooooooooool @ Nuune

 

ger caddaale,

guunyo badane,

gaajo gooye, kuu garaabe,

ku garab taagne,

gef ka dheere,

garoor ma daadshe,

gaawe carafle,

gaari farasle,

gaarka haaye,

deris gargaare

 

Gar madoobe,

geed walwaale,

garruun weyne,

gujo kulule,

gunta ku geeye,

kuna gufeeye,

gidaarra jeexe,

gurxan badane,

gebagebeeye,

gacan sarreeye,

gam’i waaye

 

 

Alla ninyahow xikmad badanidaa intaa waxaan ka keentay sxb. Ilaahoow yaan miisaan nala saarin :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

LOL@ Baashi, sxb qaybta u dambaysay inaba caadi ma ahan dee. Una malaynmaayo inay dad badani fahmayaaan laakiin xikmada hore ee gabadha quruxdeeda ayay u dhigantaa xaga raga.

 

Mida suxula baruurtana waa runoo way jidhay barigii hore waayo dumarkii iyo ragii hore way ka duwanaayeen kuwa hada jira oo way ka waaweynaayeen. Waayo cad iyo Caano uun bay cabi/cuni jidheen.

 

Marka suxul baruutana yaan loo tarjumin inaay aad u buudhantahay waayo qaybta dhexda iyo gacmo dheeriduna majidheen. Marka waxa un laga wada inaysan lafa kaliya meeshu ooleyn dee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Mobb, lool, takhassus baad ku tahay dhanka Suxul baruuryaasha sxb, dadka actually nimanka waqtigan jooga Suxul baruuryaal unbey daba ordaan, waxa loogu sheegey baan caadi aheyn oon loo fadhin karin.

 

 

baashi, sxb gabdhihii hore sidaas bey ragga u sifeyn jireeyn, kuwan haata jooga haddaad tiraahdo maxaad nin ku jeclaan laheyd, waxey kugu bilaabayaan "waa inuu yahay sexy" alla muxuu dhaqan dumey, laga dhaqaaqey dhabbihii

 

 

Waa Xildhibaan Maskax Dhuuqe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

LOL@Xildhibaan Maskaxeey..

 

Sxb ma xusuusataa raga marka hilib lasoo hordhigo cadka uu nin walba u jecelyahay in uu afka kudhufto..??...

 

Mida aad leedahay habluhu waxay hada kahelaan sexxy..sxb wey jidhay tani markii horeba ee xoogaa uun bay kabedeleenoo sharaftay uga ciyaadheen..lol. Marka ragu meesha wuu kujabay Alle uunbaa u maqan..lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Nuune, meesha armaad ku duqoowdaa, intaad sugeeysid mid 28 kaas wax yaabo leh. :D

 

Mideeda kale, bal waxan fasir maandhoow:

 

  • ger caddaale

    gaawe carafle

    gaari farasle

    geed walwaale

    gunta ku geeye

    kuna gufeeye

Ayeeyday baa waxay oran jirtay: "Rag calooshi la cayaar iyo ciil kama baxaw daran, dumarna cirkeed bogato iyo casar seexataw daran"

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Sxb ma xusuusataa raga marka hilib lasoo hordhigo cadka uu nin walba u jecelyahay in uu afka kudhufto..??...

lool@mobb, sxb haddaan su'aashaada xikmad ahaan tix raaco ula jeedada, waa cadka ragga walaaleeya ayaan kuugu jawwaabey cadkaas, waad garaneysaa baan u maleynayaa meeshaan ka hadlayo :D

 

 

een sidey tahayna haddaan kuugu sheego su'aasha waa sararta, garabka ama daqayda, qofba meel u cad lool smile.gif

 

 

Waa Xildhibaan Maskax Dhuuqe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkax Dhuuqow,

 

Laba nin naag lagulama tar-tamo sideedaba:

 

1-La jooge

2-Loo Jaaje

 

Waxaad tilmaamtay oo dhan waa sahal helidoodu haddaad labadaa midkood tahay! Haddii kale, wiilow, yaan suxul-baruuraha lagaa dhammaysan!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this