Jalaato

Nomads
  • Content Count

    70
  • Joined

  • Last visited

  1. Ceerigaabo} Magaalada Ceerigaabo Ee Gobolka Sanaag ayaa Jimcihii Dhawayd lagaga dhawaaqay arin Mucjiso ah oo Dadbadan dareenkooda soo jiidatay. Arintan oo Jimcihii dhawayd laga dahwaaqay Masaajidada Ceerigaabo ayay Culimadu kaga warameen arin dadbadan ilmo ka keentay. Waxay Culimadu Sheegeen In tuulo lagu magacaabo Kulmiye oo qiyaastii 60KM u jirta ceerigaabo, ay ku Noolyihiin Afar Wiil o walaalo ah isla markaana Sifadan leh. Dhamaantood wax Laf ah maleh oo waa wada Jiidh is haysta, wax hadal ahna maleh oo aan ka ahayn Haahhhhh, Subxaana lah, waxay Da,doodu u dhexaysaa 8-40 Sano. Akhristow waxaa ka sii daran Qofka keliya ee hayay wuxuu ahaa hooyadood iyadiina dhawaan ayay dhimatay, waxay Culimadu ku yabooheen, in Meesha ay joogaan laga soo raro lana keeno Gudaha Ceerigaabo, kadib Aqal loo dhiso loona qabto Dad u adeega. Arintan ayaa ah Arin qofka Daalacdaa uu ilaahay ugu xamdi naqo Caafimaadka uu siiyay ila markaana ilaahay uga baryo in uu ka dulqaado dhibaatada haysata dakaa islaamka ah. C/qaadi Jilbis xoosh2003@hotmail.com
  2. Dadweynaha Muqdisho oo ka cabanaya dhibaatooyin ay kala kulmaan Wadayaaasha gawaarida BL-ka ah iyo wiilasha ka shaqeeya ee loo yaqaano(Kirish-booy-yada) Muqdisho Tan iyo intii ay bur burtay dowladii dhexe ee Soomaaliya muddo 15 sanadood ka hor waxaa meesha ka baxay sharcigii iyo kala danbeyntii taasoo dhibaatadii ka dhalatay qof walba oo Soomaali ah ay taabatay, gurigiisana ugu tagtay, marka laga soo tago dhibaatooyinka dilka, dhaca, dagaalada iyo barakaca ku dhacay shacabka ayaa waxaa jira oo kale dhibaatooyin jaantaa-rogan ah oo ay maalin walba kala kulmaan adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin kuwaasoo ka dhashay fowdada iyo kala danbeyn la’aanta daba dheeraatay ee ku habsatay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo dadka intooda badana ay hada laba qabsaeen xaaladaha adag ee dalka ka jira, halka kuwo kalana ay u cuntami la’dahay oo ay qaati ka joogaan tiiyoo aysan jirin meel kale oo ay uga wareegaan. Gawaarida dadaweynaha ee ka dhex shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa waxay ay ka mid yihiin adeegyada ugu badan ee ay dadku u baahan yihiin maalin walba, hase ahaatee dadku ay kala kulmaan dhibaatooyin badan marka ay raacayaan gawaaridaasi waxaana ka mid ah dhibaatooyinkaas marka aad indhaha la raacdo goobaha Boosteejooyinka ah ee laga raaco gaadiidka waxay indhahaagu qabanayaan dhowr wiil oo Kirish-booy ah oo qof kaliya oo doonaya in uu gaari raaco iskula dhegan , iyadoo mid waliba uu doonayo in qofkaasii uu raaco gaariga uu isagu ka shaqeeyo, mararka qaarkoodna waxaad arkaysaa haddii aad alaab gacanta ku sidato in alaabtaaada iyo adiga laba gaari la idiin kala kaxeynayo iyadoo midka alaabtaaada sidaa uu doonayo in uu kugu cadaadiyo si aad gaarigiisa u raacdo maadaama uu alaabtaada sido, halka ka kalena uu dhinaca kale kuu jiidanayo, isagoo aan wax dan ahba ka laheyn alaabta kaa maqan oo ay u daran tahay isaga oo kaliya 1000-ka Sh.Soomaaliga ah ee uu kaa qaadayo marka aad gaariga raacdo, taasoo keenta in qofka rakaabka ahi ay ka lumaan alaabo badan oo qal-qalna uu ku dhaco. Kuma koobna oo kaliya intaas dhibaatooyinka ay gaadiidleydu ku hayaan bulshada waxaana jira oo kale in dadka da’da ah ama waayeelka marka ay gawaarida raacayaan in in si aan xurmad lahayn ay ula dhaqmaan iyaga oo aan sugeyn inta uu ka fariisayo oo marka uu lugta saaraba uu wiilka Kirishboyga ahi leeyahay (SIIDAAYOO) iyadoo Darawalkuna horey ka dhaqaajinayo gaariga taasoo keenta in dad badan oo da’ ah ay dhibaatooyin ba’an ka soo gaaraan sida iyagoo mararka qaarkood gaariga ka dhaca oo dhaawacyo halis ahna ay soo gaaraan. Xilliyada roobabaka ayaa waxaa dhaca in waddooyinka ay biyo fariistaan dadkuna ay doorbidaan inuu hadii uu xittaa meel dhow u socdaalayo uu BL-ka raaco si’uu uga badbaado dhiiqada iyo biyaha wadooyinka dhex waran, taasina ay keento in boostooyinku ay soo buux dhaafiyaan dad iyagu meel dhow iyo meel dheerba doonaya, iyadoo xaaladaasina ay ka faa’iideystaan gaadiidleydu kuna laba iyosaddex jibaaraan qiimihii caadiga ahaa ee lagu raaci jiray BL-ka, taasoo dadka danyarta ahina aysan awoodi karin inay iska bixiyaan lacagtaas adaga aysan ku soo talo gelin. Dhibaatooyinka kale ee ay gaadiid laydu ku hayaan dadka ayaa waxaa ka mid ah iyadoo marka ay gawaarida kaxeynayaan si xawli ah ku wada, iyagoo aan u tureynin dadka gaariga saaran oo laga yaabo in ay kujiraan dad da’ah, Haween uurleh ama dad xanuunsan oo Isbitaal u socda, iyo haween iyo caruur ay dhici karto hadii uu gaarigu shil galo in dhibaatooyin kasoo gaaraan tiiyoo waliba ay jirto burburka ba’an ee ku dhacay iyo godadka waaweyn ee ka dhex sameysmay waddooyinka dhexdooda in darawalada gaadiidka oo u badan kuwo dagaaladii sokeeye wax ku bartay oo aan waxba ka aqoon shuruucda iyo waajibaadka darawalnimada ay ku sii daayaan godad kaasii iyagoo xittaa aan si taxadar leh u soconeynin waxaana marar badan dhacda oo kale in gaadiidlaydu ay ku kacaan falal ay ka mid yihiin, rakaabka gaariga saaran oo ay ku daadiyaan meel aan ahayn halkii uu gaarigu ku ekaa, iyagoo aan dheg la qabto lahayn ka dib marka ay lacagaha ka urursadaan, iyagoo u deg degaya in ay soo qaadaan dad kale oo ay ku soo arkeen meelo ay soo dhaafeen, waxaana dadkii horey u saarnaa ay maciin bidaan iyaga oo lacag bixiyey in ay hadana inta u dhiman cagtooda maalaan. Dhibaatooyinkaas iyo kuwo kale oo ka fara badan oo gaadiidleydu ay ku hayaan shacabka, ayaa dadka ku nool Muqdisho ay u taag waayeen in ay wax ka qabtaan, iyadoo dadka qaarna ay ku macneeyeen Isbaarooyinka yaalla qaar ka tirsan waddooyinka Muqdisho ee maleeshiyooyinka hubeysan ay lacagaha baada ah kaga qaataan gaadiid leyda in ay tahay mid uu ALLE uga jaasinayo oo jawaab u ah dhibaatooyinka ay inta badan gaadiidleydu u geystaan shacabka dhibaateysan ee aan heysan meeley uga dacwoodaan. Ugu danbeyntii gaadiidleyda qeybta ka noqday dhibaatada lagu hayo shacabka danyarta ah ee dhibaateysan ha ******** in maalin ay ahaataba lala xisaabtami doono sida loola xisaabtamayo kuwa kale ee iyaguna dhibaatada geysanaya, oo ayna soo afjarmi doonto sharci darada ay ka faai’deysanayaan. W/Q: Nasrudiin Caydiid Salaad(Diini) E-Mail: diinicadde@hotmail.com Ku noqo beejka Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho cabdishakuur@dayniile.com
  3. Najma82, My young brother also wants to major pharmacy, and I don’t really know if he took the PCAT or not. All I know is that he recently enrolled, but I would call him up to night and then will let you know. Good luck
  4. Here is my list.. 1. General Duke 2. Jumatatu 3. Libaax sanka ka taabte
  5. Harvard-Mafia, Boowe Hablaha oo hablaha, oo qaar noo reeb...
  6. War deg deg ah Wafdigii madaxweynah oo soogaaray magalada Nairobi gordhaweyd ayadoona ay buux dhafiyeen xubanaha soo dhaweynaya madaxweynah garoonka uu ka soo dagaya Nairobi Wafdigii uu hogaaminayey madaxweynah Soomaliya Cabulaahi Yuusuf Axmed ayaa goordhaweyd ka soo dagay garoonka Joma Kenyta ee magalada Nairobi ayadoona halkaasi ay ku soo dhaweyeen xildhibaan iyo wasiiro aad u tira badan oo aan horey loogu arki jirin marka uu soo dagaya madaxweynaha. Dadka soo dhaweyey Madaxweynah caawa ayaa u badan xubnahii xildhibaanada horey uga soo horjeeday dhinaca siyaasada madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayadoona la ogeyn wax badalay mooqifkooda lakiinsa waxaa la aminsan yahay xubanah xildhibaanada in ay yihiin mar walba kuwa dhuun raac oo aysan ka aheyn mabda siyasadeed waxa ay uga soo horjedaan . Isla caawa ayaa laga yabaa in ay kulan yeeshaan madaxweynah iyo xubnahii sida aadka ah uga soo horjeeday si ay wax isula dhigaan ayadoona la sii wadi doona kulanka ilaa iyo habeen danbe si meel dhaxo leysugu keena madaxweynah iyo xubnaha sida aadka ah ugu kacsan la kiinsa waxaa la aminsan yahay hadii uu la yimaado madaxweynah qarash in ay wax walba u fududaan doonaan madaama la ogyahay xildhibaanada in ay yihiin kuwa laaluush qatayaal ah oo aan laheyn hadaf siyasadeed mug dheer Ku noqo beejka webmaster@dayniile.com
  7. Burtinle-Online Arbaco, April 06 2005 Hogaamiye-kooxeedka magaalada Muqdisho Muuse Suudi Yalaxow ayaa difaacay kooxaha burcada ah ee isbaarooyinka ku haysta gudaha magaalada Muqdisho iyo debadeedaba. Muuse Suudi oo wareysi siiyay idaacada Horn Afrik ayaa sheegay in kooxaha isbaarooyinka ku haysta Muqdisho ay xaq u leeyihiin in ay isbaaro dhigtaan, isagoo intaa ku daray in maadaama canshuurtii dowlada aan dadweynaha laga qaadin ay markaa maliishiyooyinku xaq u leeyihiin in ay isbaarooyin dadka u dhigtaan. Muuse Suudi oo wasiirka ganacsiga ka ah dowlada debed jooga ah ee Cabdullaahi iyo Geeddi ayey maleeshiyooyinkiisu isbaarooyin labaatan gaaraya u yaalaan gudaha magaalada Muqdisho. Muuse ayaa dhanka kale ku celiyay in caasimada Soomaaliya ay Muqdisho tahay, Cabdullaahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geeddina looga baahan yahay in ay Muqdisho yimaadaan. Hogaamiye-kooxeedka ayaa muujiyay sida uusan raaliga uga aheyn safarka dheer ee ay Cabdullaahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geeddi ugu maqan yihiin dibada, wuxuuna sheegay in ay wadamada ay booqanayaan ay ka heleen nolol wanaagsan sidaasna ay ugu soo laaban la'yihiin Nairobi. Muuse Suudi ayaa sheegay in marka ay yimaadaan Cabdullaahi Yusuf iyo Geeddi uu markaa u ambabixi doono magaalada Muqdisho. Muuse Suudi oo hogaamiye u ah garab kamid ah labada garab ee Dowlada Hogaamiye-Kooxeedyada ayaa maalmihii lasoo dhaafayba weeraro ba'an oo xaga saxaafada ah ku hayey garabka kasoo horjeeda ay hogaamiyaan Cabdullaahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geeddi. Burtinle-Online editor@burtinle.com
  8. Very positive step, we need allot of this in every aspect of Somalia. BN thanks for posting this.
  9. Nairobi - Kenya Mishiin casri ah oo ah kuwa loo adeegsado daabacaadda looguna talo galay in lagu daabaco lacagaha ayaa la xaqiijiyey in maanta diyaarad lala saaray wafdi ka socday Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya. Mishiinkaas oo ay Nayroobi ka iibsadeen ganacsato Soomaaliyeed ayaa saakay durba la geeyey Muqdisho iyadoo la sheegayo in lacagaha lagu daabaci doono ay ka mid yihiin tan Soomaaliga, Birta Itoobiya, shilinka Kenya iyo doollarka Ameerikaanka, waxaa kale oo la socdo daawooyinkii iyo qalabkii uu ku shaqeyn lahaa mishiinkaas, iyadoo nin u dhashay dalka kenya-na horey loogu sii diray Muqdisho si uu ugu shaqeeyo. Warku wuxuu intaas ku darayaa in aaney saraakiisha dowladda ee u socday Muqdisho aaney ka warqabin arrintaas, iyadoo marka uu howlgalo mishiinkaas ay dalka ku baahi doonto dhibaato weyn oo la xiriirta dhinacyada sicir bararka iyo kuwa kale. Ganacsatada wadda howshaas raridda mishiinka ayaa waxaa ka mid ah kuwo caan ku ah dhoofinta dadka bilaa sharciga ah ee IS XAMBAARKA ee dalalka dunida leysaga tillaabiyo si bilaa dokumenti ah. F.G:- Bahda Midnimo waxey dadweynaha ogeysiineysaa in ay foojignaadaan si aysan ugu dhici qadashada lacagta faalsada , waxaa kaloo hayadaha xawaalada looga digaa in aysan dadweynaha ugu sarifin lacagah lagu sameyn doono mashiinka oo aysan noqon hay'ado lacagaha lagu dhaqo ama lagu qaybiyo. Waxaan ka helnay ilo xog ogaal ah oo ku sugan Nairobi, Kenya www.midnimo.com
  10. "aniguna nabadna ma rabo, khayrna ma rabo, ee hoog in uu dadka hoogaan rabaa". Subxaan halaa, hoog aa. He should be one of our leaders,but I never Thought that he's going to lead us to the promise land any way.
  11. REPUBLIC OF SOMALIA PRESS RELEASE We, members of the TFP, do hereby clarify our opinion on the following issues, concerning the unfortunate incident that occurred on March 17th 2005 and the following press release of the Speaker of the TFP on the same night. First, we take this opportunity to apologize to the Somalia people on the unfortunate incident as stated above which occurred as follows; - On the order paper was a government motion presented by the Prime Minister, the subject matter being approval by Parliament for the deployment of African Union (AU) and Arab league (AL) forces to Somalia. - The Speaker welcomed the Prime Minister to elevate on the subject matter on the government motion. The Prime Minister summarized his presentation and asked the members of Parliament to debate and vote on the motion. - The Speaker presented another motion to the secretariat and asked them to read, the Speaker surprised many members of the Parliament by presenting the second motion be debated upon. - Upon reaching that Speaker the second motion was different from that presented by the government. Therefore, 15 MPs requested that the second motion be delayed and postponed to another session as stipulated in the rules of the procedure in Article 39 (2). The Speaker ignored that request. - The debate was concluded at 5:00pm upon which the Speaker decided that voting would be by secret ballot. He called those who requested the 2nd motion and asked them to prepare the ballot paper on the new motion. Usually this is the work of the secretariat. He came back with a ballot paper reflecting the two motions. At this stage some MPS refused to accept the motion but the Speaker insisted on the voting for the second motion. The Prime Minister decided to postpone the vote on the government s motion and walked away. Thereafter the unfortunate incident of fistfight began until the Kenyan police arrived on the scene. - To the surprise of many including the MPs the Speaker published his decision (pueportlity to the decision of the Parliament at 8.00pm in which he stated the no of yes votes, no votes, and the no of silent votes. On the same night, in an interview he made with the BBC Somalia service, the Speaker clarified that no vote count was made but he estimated the votes on the basis of MPs presentation during the debate. Therefore - In exercise of our obligations by which we took the oath of office, obliged to state the facts as it happened in the presence of MPs, media and representatives of the International Community, do hereby declare that the Speakers decision (as above) was illegal and unwarranted. THE SPEAKERS MISCONDUCT - The primary responsibility of the Speaker is to uphold the true decision of the Parliament. In the past 6 months the Speaker of TFP deliberately made the following mistakes: a) Dividing the Parliament into two groups and siding with one group. b) On two occasions incited violence in Parliament instead of cooling down tempers. These events are recorded in video. c) Article 24(4) of the rules of procedure of the Parliament dictates that anytime violence occurs inside the house, the Speaker has to stop the session for the day. This he did not do thereby causing negative perception of the parliament. These actions also caused injury and damage to property. d) Endorsing decisions made by other government(s) without the knowledge of the Somali Parliament. e) Failing for 8 months to establish various working committees in Parliament, which would have served and strengthened Parliament and causing Parliament to work without a secretariat. f) And finally, deliberately releasing false result purporting to have been a parliament decision by vote. DECLARE - That the Speaker makes written apology and at the same time conduct his responsibility in accordance with his office. - The Speaker and his two deputes are hereby called upon to immediately establish Parliament national working committee and the secretariat of the Parliament. - The Speaker should take the leading role of narrowing the difference between members of the house and help remove the shadow of doubt cast on the reconciliation process and the government - We call upon those involved in clan and regional hostilities to immediately cease fighting and support the government initiatives. SUPPORT We fully support the decisions of the IGAD Council of the Ministers held in Nairobi on March 18, 2005 concerning the deployment of foreign troops in Somali. Affirm our support to the decision of the Cabinet (Somali Government) in which Baidoa and Jowhar temporarily is the seat of the government until the situation in Mogadishu stabilizes. Condemn the aggressive nature of the invasion of Baidoa and send message of condolence to the family of the affected people. Finally, we register our appreciation to IGAD and the International Community in their tireless effort in the of Somali National Reconciliation process and request them to remain engaged. Banadir.com
  12. Women are very smart and by selecting older men over youngster are allot to do with what has been motioned above, but there is one more, which is very vital to women. They are not going to admit this. 1. Older men know what they are doing and they usually know the buttons to bush and how and when to operate. Don’t forget they are more experience.
  13. MADAX-WEYNAHA DGPL IYO MADAXA UNDP SOOMAALIYA OO BOOQANAYA XAAFUUN, BEYLA, EYL IYO GARACAD Wafdi uu hoggaaminayo madax-weynaha DGPL Md. Gen. Maxamud Muse Xirsi oo uu ka mid yahay madaxa Hay’adda Isku-duba Ridka Kaalmada Somaliya ee UNDP Maxwell Geylar ayaa booqasho ku tegaya Maalmaha soo socda Goobaha kala ah: Xafuun, Bayla, Eyl, iyo Garacad, oo ahaa Goobihii uu saameeyey bad-Gariirkii ka dhacay Badweynta Hindiya 26 December 2004. Waxaana u qorsheysan in ay Indhahooda ku soo arkaan baaxadda dhibaatooyinka soo gaaray dad-weynaha deegaamadaas iyo sidii wax loogu qaban lahaa. Horseed.net