Sign in to follow this  
Nephissa

Sheeko Somali

Recommended Posts

Nephissa   

Anigaba waan ka yaabay sheekada sida ay ku dhamaatay. Muna ma waxaa sarta ka soo tuurtay midii jiniga ahayd?

 

Acuudu-billaah acuudu billaahi..billaahi…. muftaaxii iyo kaanshaddii baabuurka ayuu isku beegikariwaayay. Firig…firig..firig…..buuuuuuuuuuuuuffffffffffff intuu xawaare la-yaab leh kaga dhaqaaqay guriga Faarax hortiisii ayuu isagoo aan samafare eegin, oo dhinacna jalleecin dhabbo weyn oo wixii gaadiid Toronto joogay mulacyaynayaan toos ugu dhexdhacay..jiqiiiiiiiiiiiiiiq………bush…bashkakax…dhiiiiiiiiiiiiiiiiidhhhhh…

LOL@bush bashkakax. Sheekada sida loo qoray waan ka helay.

 

Yaa Sheikhana accident ka gashay? Baabuurka asna naagtii jiniga ahayd aa la waday miyaa.

 

Fandhaal: Mahadsanid. Ilaahay waxaan ka baryaa inuusan Kiilo cune inoo soo martin. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

A LA BUGDHABO!

 

Wagii hore dadkii deganaa Afgooye si ay u yimadaan Xamar wey isaga soo lugeyn jireen. Marka waxaa dhacday in jidka uu ku dhibay Bahal isagoo la hari jiray hadba qofkii ugu hub iyo orad yar.

 

Odayaashii xamar ayaa la soo wargeliyey cabsida halista bahalkaas. Haddba iyagoo ka tashanaaya sidii laga yeeli lahaa loogana hortegi lahaa Bahalka Musaafurka ka soo cawdeen, ayey isugu yimadeen Jasuur ku yaala xaafadda Koodka ee xamar weyne

 

Markii odayaashu fool baxsadeen, Shushumow, Bajiye, Qunbo, iyo Baalbaalowna ay qaxwo xaraarey ku cabeen, ayaa waxaa istaagay Xaaji Mardaadi, wuxuuna odayaashii warbixin ka siiyay dhibaatada soo badaneysa ee Baahalkaas, wuxuuna warkiisa ku bilaabay “Akhyaarey dareenaa jiro, Bahalkoo aan la kaseen oo laga cabsahaayo aa cawo gashow duurka ka dafo musaafurka xamar u soo socda, istaqfurowgii hore intii ka dambeysi Lamaatan iyo Sagaal qof aas cunay, xalaa u dambeysi dadkii baahalka aas cunay waxaa ku jirtay Shoobto habarteed, Xaajiyo Faay Abooki, waa tan maroogsinteedii ka dhacday markiis baahalka la rooray, Xaajiyo Faay waxay diiqo u soo wadday gabarteed oo Aaw Aweyska loo soo guuriyay.

Baahalkaas haddii dad ow cuno ka waayo jidka ma leys warsahaayo iniis dirito u soo abbaaraayo koodka iyo Raqayga, wixii kale ee talo ahna akhyaartey u taashaaâ€.

 

Awbaari oo ka mid ahaa akhyaartii halkaas fadhiday ayaa isagoo kor u taagayay Baakoortiisa ku dhawaaqay “ A LA BUGDHABO INTIIS NAGU DHEX BURSAN LUUQYAASHAAN"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

ABOOWE II WARAN

 

Wiil reer waqooyi ah ee yiraado Jaamac ayaa waxey is barteen gabadh la yiraaho Deeqa oo reer koonfur ah. Deeqo waxey mar kasta Jaamac ku

tiradaa Aboow. Jaamacse maba oga waxa loola jeedo Aboow.

 

Maalintii dambe ayuu wuxuu weydiinay will ay saaxib yihiin waxana loo sheegay in Aboow ay la mid tahay Walaal.

 

Maalmo ka dib ayuu Jaamac la kulmay Deeqa iyo hooyadeedi oo wada socda, markaasuu hooyadii ku yiri: "Aboow ii waran?"

Kol haddii Jaamac loo sheegay in Aboow la mid tahay walaal wuxuu u qaatay in Aboow la dhihi karo wiil iyo gabadhba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Akhyaarey dareenaa jiro, Bahalkoo aan la kaseen oo laga cabsahaayo aa cawo gashow duurka ka dafo musaafurka xamar u soo socda, istaqfurowgii hore intii ka dambeysi Lamaatan iyo Sagaal qof aas cunay, xalaa u dambeysi dadkii baahalka aas cunay waxaa ku jirtay Shoobto habarteed, Xaajiyo Faay Abooki, waa tan maroogsinteedii ka dhacday markiis baahalka la rooray, Xaajiyo Faay waxay diiqo u soo wadday gabarteed oo Aaw Aweyska loo soo guuriyay.

LoooL

 

Awbaari oo ka mid ahaa akhyaartii halkaas fadhiday ayaa isagoo kor u taagayay Baakoortiisa ku dhawaaqay “ A LA BUGDHABO INTIIS NAGU DHEX BURSAN LUUQYAASHAAN"

LoooL

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Kabo-Calaf iyo walaalkiis Faarax

 

 

Beri ayaa waxa jiray laba nin oo walaalo ah, labadaa nin mid waxa la odhan jiray Kabo-Calaf, ninka kalena waxa la odhan jiray Faarax, Kabo-Calaf ayaa weynaa Faaraxna wuu yaraa, Kabo-Calaf weli muu guursan, Dadku Kabo-Calaf waxay ku xamman jireen in uu yahay nin doqon ah, Faaraxna uu yahay nin fariid ah oo reerkoo dhan wax laga waydiiyo,

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa dhacday, in degmadii ay degenaayeen Faarax iyo Walaalkiis Kabo-Calaf ay abaari saamaysay

Oo xaaluf iyo biyo la'aani ka dhacday, kadibna roob uu ka da'ay meel aan degmadoodii ahayn, sidii reer miyiga caadada u ahayd ayey soo sahamiyeen meel ay dejiyaan reerkooda oo doog leh, ka dib meel ayey u soo heleen wayna u guureeen, markii ay xoolihii degeen oo nimcadii meesha taalay ay afka dareen, ayey dhalinyaradii billaabeen ciyaaro habeenkii la tumo, sida Wiglada, Heelada, Walasaqada, Jaandheerta, heesahaa oo ay caado u ahayd in la tumo marka roobku da'o ee xooluhu u nimcaystaan, markaas oo dadka reer miyiga ahina ay raaxo dareemaan oo ay ka nastaan biyo la'aan, xoolahoodii dhibayey oo u nasta,

 

Had iyo jeer reer miyigu waxay is guursadaan marka roobku u da'o,

Xitaa haddii ay gabadh iyo wiil sheekaystaan oo ay heshiiyaan waxay odhan jireen, "marka roobku da'o ayeynu is guursanaynaa".

 

 

Ninkii Faarax ayaa waxa uu la sheekaystay gabadh reerkoodu leeyahay degaanka ay u soo guureen Faarax iyo walaalkiis Kabo-Calaf,

Gabadhii ayey go'aan ku gaadheen iney is guursadaan, Iyadoo arintii halkaa ay ugu xidhan tahay Faarax iyo Gabadhii ayaa waxa dhacday iney is laayaan Faarax reerkoodii iyo gabadha reerkoodii. Dagaal xun baa dhex maray labadii reer, rag badan na way iska laayeen labada dhinacba,'Talo ayaa faro ka haadey' oo waxay ku qabsatay Faarax iyo Kabo-Calafba inay meesha ka guuraan oo degaankoodii dib ugu noqdaan,

 

ninkii Faarax ayaa ka samri waayey gabadhii ay is jeclaayeen ka dibna wuxuu go'aan saday in uu gabadhii la soo tago, reer miyiguna waxay samayn jireen, dumarka boqolkiiba sagaashan 90% waa lala tegi jiray, tobanka hadhayna waa la bixin jirey 10%.

 

Sidii caadada u ahayd dadkii hore waxay samayn jireen marka nin gabadh la soo tegayo, wuxuu kaxaysan jirey ilmaadeertii, haddii lagama maarmaan noqon weydo ayuun buu kaxaysan jirey walaalkiis iyo adeerkiis, sababtoo ah marka uu gabadha la soo tago, waxa reerka gabadhu ka dhalatay loo diri jirey walaalkiis iyo adeerkiis iyo aabihiis si ay u soo waydiistaan gabadha,

 

Ninkii Faarax wuxuu ku soo dhex dhacay ilmaadeeradii, wuxuu u sheegay in aanu marnaba dhaafi karayn gabadhaa oo uu jecel yahay, naag kalena aanu il saarayn inta gabadhaasi nooshahay, ilmaadeeradii waxay kula taliyeen in uu iska daayo, waayo colaad xun oo rag layska laayey ayaa ka dhex dhacday labada reer, markaa hadii ay arkaan niman ka socda reerkii ay is laayeen waxay u malaynayaan iney doonayaan in ay rag laayaan. Markaa iyagana waa la laynayaa, sidaas awgeed ayey kula taliyeen in Faarax uu ka samro gabadhaa.

 

Faarax kuma qancin arintaa ay u soo jeediyeen ilmaadeeradii, wuxuu go'aan ku gaadhay in uu keligii iska tago. Walaalkiis Kabo-Calaf oo ***** loo yaqaan ayaa jiridhi aniga ayaa ku raacaya mar haddey ku diideen ilmaadeeradaa. Kabo-Calaf ayaa raacay Faarax waxayna aadeen gabadha iyo meeshii ay degenaayeen, dhulka u dhexeeyaa waa abaar cidlo ah reerana ma yaaliin, mudo illaa habeen iyo maalin gaadhaysa ayey nimankii wadada sii hayeen, maalintii danbe ayey ku soo bexeen degmadii gabadhu ka dhalatay, maalintii oo dhan ayey dhuumanayeen sababtoo ah colaadii ayaa weli sii qoyanayd, casarkii ayey gabadhii oo awr caraabinaysa meel ka heleen, waxayna ku yidhaahdeen "gabadh yahay adiga ayaanu kuu soconaa, waadna og tahay labadeena reer colaadda ka dhex oogan markaa waxaanu doonaynaa ilow iyo ilowba in aad na raacdid caawa"

 

Gabadhu waa naag naago ka tagtay oo fariidnimo meel isla taagtay. Markiiba waxay u sheegtay geed ay ugu timaado caawa. Wakhtigu weli waa go' oo roobku wuu da'ayaa. Afarta jaho ayaa waxa iska soo qabsaday roob, nimanku wax yar oo jicsina ayey siteen intiina habeenkii iyo maalintii ay jidka ku soo jireen ayey soo laasteen. Markii abeenkii dumay ayaa waxa dhacay in nimankii roobkii geedkii hoostiisa uu ku qadhqadhiyo gabadhiina ay ka raagto. Gabadhii waxa ku dhacay walaaladeed iyo ilmaadeeradeed oo geela hor seexan jiray ayaa roobkii guriga ka soo jirsadey sababtaa awgeed ayaanay gabadhu u soo bixi karayn.

 

Nimankii waxay raagsadeen gabadhii markaasay gurigii dudadiisii intay isi soo taageen ayey dhegeysteen meesha ay ka sheekaynayso, dabadeedna way gujiyeen, gabadhiina way garatay in loo yeedhayo markaasay sheeko ay iyagana wax ugu sheegayso walaaladeed iyo ilmaadeeradeedna ay sheeko dhacday uga dhigayso ayey ka sheekaysey.

Waxay tidhi" beri ayaa waxa dhacday nin iyo gadhab ayaa is jeclaa, labadoodii reer ayaa is laayey, nimankii gabadhii way ka samri waayeen , dabadeed waxay soo aadeen gabadha reerkoodii markaasaa roob da'ay sidan caawa oo kale, markaasay nimankii gabadhii la hadleen waxayna ku tidhi, haddii aad gaajoonaysaan caanaha dhiilka ku jira ee xirada adhiga dabadeeda yaala caba, haddii aad doonaysaan in laydin laayona guriga soo gala, haddii aad aniga idoonaysaana geedkii taga"

 

Nimankii gabadha ay walaalaha ahaayeen may fahmin arinta, laakiin waxa markiiba fahmay nimankii gabadha duunayey ee ahaa Faarax iyo Kabo-Calaf. Markiiba waxay qaateen dhiilkii caanaha ahaa ee ay gabadhu u tilmaantay waxayna tegeen geedkii balantoodu ahayd.

 

Markii roobkii is taagey ayaa nimankii gabadha ay walaalaha ahaayeen gurigii ka tegeen oo ay xeradii geela horteedii u hurdo doonteen. Gabadhiina markii ay nimankii ka hoydeen ee ay firaaqo heshay ayey soo aadey geedkii ay kula balantay Faarax iyo Kabo-Calaf. Nimankii gabadhii ayey gacanta qabsadeen oo guure ugu dilaacsheen.

 

Habeenkii oo dhan ayey sii guuraynayeen, markii waagii dilaacay iyagoo maraya meel aan wax dhaqaaqaa joogin cuntana aan sidan ayey gabadhii nimankii ku tidhi: "Ina quraaciya" Faarax oo ah ninkii gabadha la soo tegey ayaa yaabay oo yidhi isagoo la hadlaaya Kabo-Calaf "walaal gabadhu maxay leedahay" ma meel wax lagaucuno ayeynu joognaa waa maxay quraacda ay doonaysaa gabadhu?" ayuu Kabo-Calaf waydiiyey. Wuxuu Kabo Calaf ugu jawaabay: "waxay leedahay ina caddaysiiya" wuu fahmay dabadeed waa la caddayday.

 

Markii ay duhurkii noqotay ayey daaleen ka dibna geed hadh weyn ayey fadhiisteen markaasay haddana gabadhii tidhi: "Ina nasiya" Faarax ayaa haddana yaabay oo yidhi: "walaal sawgana fadhina ee hadhsanayna maaha waa maxay nasashada inoo hadhsani?" Wuxuu haddana Kabo Calaf ugu jawaabay: " Waxay leedahay kabaha inaga bixiya" kabihii aya layska bixiyey wayna nasteen, kadibna galabtii ayey ka caraabeen geedkii,

 

Markii qoraxdu sii dhacaysay ayey gabadhii tidhi: " Degmadii ayeynu soo galnay" Faarax ayaa yidhi: "gabadhu miyey inaga dheer tahay mise way inaga indho fiiqan tahay waa maxay degmada aynaan arag ee ay iyadu aragtaa?" Wuxuu Kabo-Calaf ugu jawaabey: "waxay aragtay haad" Haadu had iyo jeer waxay joogtaa meesha ay oodhu taalo/degmadu taalo. Faarax oo la yaabay gabadhu waxay leedahay iyo sida uu u afgaranayo Kaba-Calaf ayaa waxay soo gaadheen degmadii ay sheegaysay gabadhu. Reer degmada ugu kooneeya ayaa marti geliyey nimankii iyo gabadhii, ka bacdina waxaa loo soo dhigay cunto, sidii reer miyigu samayn jireen marka ay dad marti geliyaan oo ahayd in ama xoolo loo qalo martida ama raashin koob suba ah la soo dhex dhigay iyo caano, reerkii ay u hoydeen na sidii oo kale ayey sameeyeen oo waxay siiyeen raashi koob subag ah la dhex dhigay iyo caano.

 

Gabadhii ayaa waxay ka xishootay si ay subaga ragga hortooda ku shubato cuntada meesha ay ka cunayso, markaasay aragtay ninkii Kabo-Calaf oo subag dhiniciisii ku shubtay ninkii kalena wuu ku shubtay, gabadhii ayaan inyarna looga tegin subagii, markaasay intay fandhaalkii raashinkii dhinacii Kabo-Calaf saartay ayey tidhi: "maanta Kabo-Calafaw hadal aad I tidhi beerka ayuu sidaa ii kala jeexay", markaasaa subagii iyo caanihii oo is wataa waxay u soo dareereen dhinaceedii, waxay faruurtay gacan dhan oo ay u soo raacaan subaga iyo caanuhu, ninkii Kabi-Calaf oo markiiba wax fahmi jirey ayaa fahmay waxay gabadhu u jeedo, oo ah in ay caanaha iyo subaga intay caawa ka shubato raga ay berito ka dheerayso halkaana ay ceebi ka raacdo raggaa, markaasuu isna intuu raashinkii oo dhan isku dhex walaaqay walaaqay ayuu yidh:"Ana hadal aad I tidhi maanta caloosha oo dhan ayuu sidaa ii walaaqay".

 

Gabadhii ayaa ka yaabtay fariidnimadiisa ninkii Kabo-Calaf, markiiba waxay qoondaysatay in uu guursado ninkaa Kabo-Calaf. Markii ay guryo tageen ayey gabadhii tidhi: "Intaasi waxay dhaar iga tahay in aan nin aan Kabo-Calaf ahayni I guursanayn, haddii kale gurigayagii ayaan qabanayaa" ninkii Faarax talo ayaa ku cadaatay oo wuxuu sameeyo ayuu garan waayey, labo mid ayey isu soo taagtay in uu gabadhii dhibta uu u maray ay dib isa noqoto iyo in uu walaalkii oo ka weyn oo dhibtana la soo maray uu u guuriyo gabadha, wuxuu markiiba go'aansaday in uu Kabo-Calaf halkii gabadhii ugu dhiso, gabadhiina waxaa calfaday oo guursaday ninkii Kabo-Calaf. Ninkii Faaraxna halkii ayaa gabadh kale looga doonay.

 

 

Sheekadii Kabo-Calaf iyo Faaraxna halkaa ayey ku dhamaatay.

 

Sheekadan waxa qoray Yasin-Suldaan .

 

Salaama Ka Dheh:..........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mafia   

Sheekooying Cajiib ah ayaad soo bandhigteen akhyaarta, gaar ahaan wiilo.

 

Wiilo, Kaba-Calaf, doqon ma'ahayn. waxaan filayaa wuxuu ahaa nin rageed "casilan." Nin fiiro dheer oo garasho badan ayuu ahaa. waxaan ladhacay marka uu isku walaagay subaga iyo caanaha. Gabadhuna waxay ahayd xigmad socota. siday ugu sheegtay ninmakii soo doonay inay caanaha cabaan oo ay kusugaan geedka. Midaas oo kale ayaan kuwada fiicnaan lahayn....lol

 

Fadlan soo badiya sheekooyinkan xiisaha leh aniguna waan soo raadinayaa, inkastoo dhowr sano aan ku noolahay Maraykanka oo ay maskaxdu igu gabaabsi tahay (dhamaanayso).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

NINKII SHAAHA JECLAA

 

 

waxa jirey nin shaaha aad u jeclaa wax badan ayuu ka cabijirey maalintii danbe ayuu wuxuu ku soo baxay nin yare waalan oo reerkiisii la jooga wuu salaamay salaantii ayuu ka qaaday ninkii shaaha jeclaa ayaa ka codsaday inuu shaah u kariyo , ninkii waalaana wuu ka aqbalay , laakiin wuxuu kariyey laba killi oo mid aad u weyn yahay oo shaah ah , shaahii ayaa bislaaday , ninkii waalaa wuxuu soo qaaday hal kildhi oo kii aadka u weynaa ah 1- wuu ugu shubay wuu cabey 2-wuu ugu shubay wuu cabey 3- wuu ugu shubay wuu cabey 4-wuu ugu shubay wuu cabey 5- hadana wuu ugu shubay ninkii shaaha jeclaa wuxu yidhi bes ninkii yare waalaa ayaa yidhi may kana cab 6-wuu ugu shubay wuu cabey hadana mid kale ayuu ugu shubay ninkii shaaha jelaa wuxu yidhi waar bes igu filane ninkii waalaa ayaa yidhi may walaahi waad cabeysaa ninkii shaaha jeclaa dhaartii ayuu aqbalay oo 7- wuu cabey. ninkii waalaa baa koob kale ugu shubay,

 

ninkii shaha jeclaa ayaa yidhi waar dee cabi karimaayo dee bes hadaba !ninkii waalaa ayaa yidhi waar xilahay furan kana waad cabaysaa ninkii shaaha jeclaa 8-ayaa diiq ku cabey isgoo isku dirqiyaya oo marba u nasanayaa oo is leh wax kastaaba ha ku gaadheene ninka yay naagtu ka furmin markuu laastay ayuu kiligii horedhamaday .

 

ninkii waalaa ayaa intuu dhaqaaqay yidhi waar shaaha cab killi kalaanba kuu soo wadaaye ninkii shaaha jeclaa isagoo yaabsan oo beentii moodaya oo shaahii hore ku xiiqay ayuu arkay ninkii waalaa oo kiligii kale soo sida oo soo socda. ninkii shaaha jeclaa ayaa intuu dharkiisii urursaday cagaha wax ka deyey oo cararay isgoo kabaqa inuu kiligana ku madhiyo , ninkii waalaana wuu kala daba orday wuu baacsaday ,laakiin ninkii shaaha jeclaa ayaa niman meel ku shiraya intuu dhexda u galay yidhi war ninkan waalan iga reeba !!

 

ninkii waalaa oo shaahii sida ayaa yidhi war wuu iska carrarayaa,e shaahan uun baan siinayaa!!! niman kii ayaa yidhi waar ma intaa saa? waar shaaha cab laakiin nikii shaaha jeclaa dhaar ayuu ku maray inaanu shaah danbeba cabi doonin intuu nool yahay

 

Waxa soo diyaariyey:

 

IBRAHIM AXMED SACIID GR

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kulmiye   

walahay sheekoyin fiican baad soo bandhig'teen. aad baad u mahadsan'tahiin. thank you all!

 

 

NIN BAA WARQAD DIRAY

 

Nin baa u tegay saxibkii oo ka shaqeeya immigration office,

markasu ku yidhi saxibki

 

" waxaan islahaa uqor warqad nin saxibkay ah oo london jooga. markaa aad iga eeg inaan wax khalday. oo hadda soomaalidda meelahan joogta lugooyaddaay taqanaaye iga ilaali."

 

***waatanaa warqaddii***

 

You cut my leg, when you told me to go to-Canada- (waad ilug gooysay, markad i tiri aad canada)

now my shop stands up(iminkana dukaankaygii wuu kacay)

and three months later i opened my wife (sadex bilod ka'bacdi xaaskaygiina waan fury)

the oldest girl got married and threw up baby ( gabadhii ugu weyneyd, waa la guursaday oo ilmay tuurtay).

Delete

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^looooooooooooooooooooooooooooooool@now my shop stands up(iminkana dukaankaygii wuu kacay).

 

That is classic!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Sheeekoy sheeko,

Sheeko xariir.

Shini baa wax qortay,

Gofanaa akhriyey.

 

Sheekooyin wanaagsan

ayaad dhamaantiin soo

bandhigteen, halkaa

ka sii wada mararka

aad wakhti firaaqo

ah heshaan ama marka

aad caajistaan.

 

Sheekooyinka aa soo

bandhigaysaan ha

gaabnaadan,kuwo aad

alifteena ha ahaadaan.

 

Bal hadda ana tayda

tuuran lahaa,laakiin

waxaan maanta ka soo

tagay pepsidii marka

int aan hal pepsi ah

meelahan dhow ka soo

qabsan rabo kuraastiina

soo jiita oo sii fariista

shanqartana yareeya

marka aad qoslaysaana

gacmaha saara dhafoorka

marka aad ilmayn rabtaan

iyadna gacmaha saara

dhegahiina marwalbana

shahaadada yaan la

hilmaamin.

 

Waxaan idiin soo wadaa

sheekooyin badan oo

idin ka qoslin doona,

idinka farxin doona,

idinka oohin doona,

idinka caraysiin doona,

isku dhex yaac, acmal.

 

Waxaa suuro gala in

aan isticmaalo magac

yadiina SOL, gaar ahan

akhyarta magacyadoodu

ku xusan yihiin hoos:

Baashe, Bishaaro,Mafia,

Wiilo, Tuujiye, Jabarjaan

Xiin, Fandhaal, Kulmiye,

iyo Afro.

 

Qofkii aan rali ka ahayn in

magaciisa loo isticmaalo

sheekooyinka soo socda isla

haddaba horay hangu soo

wergeliyo inta aanaan ka

laftaha kala bixin magaciisa.

 

Sheekooyinka aan idiin soo

wado waxay u badnaan

doonaan kuwo aydaan horay

u maqal oo jacbur ah.

 

Sidooni a ahaate iska soo

dhawaada, aan isku afuufnee. :Dicon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Sheekadan hoos ku qoran waa tu tijaabo ah

sidaa awgeed hadday idinku socon weydo

fadlan galaas biyo ah iskaga dejiya. icon_razz.gif

 

 

Maalin maalmaha ka mida ayaa xariif ay

Tuujite dhahaan oo meel ardaa ah rag

badan kula cawaynaaya ayaa xariifadiisa

oo la oran jiray Afro ayaa iyada oo ayna

inaba ka qasneyn soo hormartay

meeshii ay xariifkeeda Tuujiye

iyo ragii kale fadhiyeen.

 

Xariifadii Afro ahayd iyada oona libiqsanin

ayey hal lows ah oo ay maalin cadaydii isha

ku sii dhufsatay horaydiiba ka dhufsatay.

Afro oo ku fikiraysa waa habeen oo lagu

ma arko ayaa isla markiiba bishimaha

intay kala fayday ku riixday halkii

lowska ahaa. Nasiib daro Tuujiye oo

ahaa nin aad u fiiro dheer ayaa isla

il bidhiqsi gudaheed isha intuu ku xaday

waxa ay Afro meesha ka waday dabadeed

isa soo kala baaciyey isagoo ku hadaqaya

"Hooy! Hooy! Afrooy! Haddaad halkaa

lawska ah liqdo iyo hadddii aad soo

tuftoba intaba waad iga furantahay

ee la soco."

 

Afro waxay ahayd gabar Illaahay

caqli iyo maskax badan ku

manaystay markay digniinta loo

jeediyey maqashay waxba

ma ayna nixine waxay horay

ooga gaarsiisay jab halkii

lowska ahaa ka mida halka ay

jabkii kalana banaanka usoo

tuftay iyadoo dhahaysa :

" Xabiibi ma rabo in aan hal

lows ah ku kala tagno markaa

jab anaa inoo khaarajiyey

jabkii kalena waa kane hoo

oo adu inoo khaaraji."

 

Ninkii Tijaabo ahaa intuu jabkii

ay Afro soo reebtay horay ooga

dhuftay ayuu waxuu ku yiri orod

oo gurigii qabo. Markuu Afro

diray ka dib ayuu ragii oo

qaar culumo yihiin dib ugu soo

noqday isagoo waydiinaya in ay

Afro saa ooga furantay iyo in kale.

Ragii meesha joogay wax yar mooyee

intooda badani waxay isku raaceen

in arin tani xujo adag tahay oo

culumada waa weyn loola tago.

Sheekh magaciisa la oran Jiray

Sheekh Faran ayaa loo la tagay si

uu bal u furo xujada qabsatay

xariifkii Tuujiye ahaa. Markii

loo sharaxay ee uu sheekaddii dhuuxay

ka dib wuxuu Sh.Faran ku soo

gunaanaday in Tuujiye iyo Afro

ay sii wada joogi karaan.

 

Tuujiye markuu gaaray gurigiisii

ayuu u waramay xaajiyadiisii

Afro ka dibna dood gaaban

oo sidan u dhacday ayaa

dhex martay :

 

Tuujiye: Xaajiyo ma ogtahay

haduuna maanta Sheekh Faran cariga

joogilahayn in dib oo danbeysa aadan

indho ii saarteen?

 

Afro: Maxaa?

 

Tuujiye: Anoo ku dhahay halka

lowska ah haddii aad liqdo iyo haddii

aad tufto labada waad iga furantahay

ayad jab idil iska cuntay.

 

Afro: Ma ogtahay Tuujiyow haddaan

markaa iyada ah rabilahaa in aan kala tagno

jab baad tiriye in isaga dhan aan liqi

lahaa oo aadan dib oo danbaysa

indho ii saarteen?

 

Tuujiye: Bal maxaad u wada

liqi wayday aan aragno meesha aad ka

dhacdee?

 

Afro: Waan ogahay in aad baryahan

danbe tii xumayd ee Wiilo la lahaa aad

meelahaa iska qadhaafataan bal car hal

danbe aan meelaha ku arko haddaanan

gabigiisa dhanba hortaada liqin.

 

Tuujiye: Haddaba waan kuu sheegay

oo haddii aad hadda ka dib hal lows ah wada

liqdo iyo haddii aad jab kaliya ka liqdo iyo

haddii aad kiilooyin dhan dam ka siiso

intaba waad iga furantahaye ee saa ula soco.

 

Afro: War sow horta ma ogid

markaan lowska cunaba in uu jacaylkeenu

laba jibaarmo?

 

Tuujiye: Warka badan naga dhaaf

oo haddalkaanaga maqal waxan ku dhahay

haddii lows danbe aan kugu arko banaanka

ayaad tahay ama dhul ka qaad ama beer

ka soo guro ama suuq ka soo kiilo miiso

lows danbe yaana kaamaqlin oo yaana kugu

arkin.

 

Afro: Tuujiyow haddaas ayaad iska

yeel-yeel-yeeshaa war lowska aan beeraha

ka soo falan ama aan suuqa kasoo

gadan muxuu yahay waa ogtahay

inta jafadaqa yar ee xun la

gado'e markaa gacaliye lows danbe

igu arki maysid haddaad igu aragto

anaa kaa gar daran'e ii soo fariiso

bal oo kaalay shaahan cab.

 

Tuujiye: Afro imaqal oo imaqal

waxa aan ku sheegayo war ama aan kugu

arko ama la dhuumo laakiin lows danbe

hadduu bishimahaaga taabto banaanka

ayaad tahay.

 

Afro: Aboowe naga dhaaf wareerka

badan oo kaalay aan cashaynee.

 

Tuujiye: Ani ma kula cashaynaayi

inta aa ka oranayso lows danbe bishimahayga

saari maayo.

 

Afro: Waa taan ku waayaa

lows danbe bishimahayga saari

maayo'e ee haddaba kaalay oo naga

cashee niyow.

 

Tuujiye: Horta orod oo soo rumayo

dee.

 

Afro: War wax yahow qalaadi haddaa

cashada cunayso soo cun haddiikale intaada

waan kuu ridayaa ee la soco.

 

Tuujiye: Intayda ii rid, wax

yahay gudaafada cuntaayi.

 

Afro: Haddii aad ila cashayn

waydo intaan beri baxo oon soo gato

kiilo dhan ayaan hortaada ku dhilan

doona haddii kale ila soo cun raashinka

intuuna qaboobin.

 

Tuujiye: Okey, Afro. Waan kula cashayni

laakiin lows danbe yaana kaa maqlin.

 

Afro: Balan waaye.

 

~//~

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

^LOL@galaas biya iskaga dhajiya. Armuun glass biya'ah nagu fiilneyn icon_razz.gif

 

Maxaa looska la'iskugu diidaa ,Tuujiyey ma allergy ku ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

LOL^Huuno intii aad ku saxan

lahayd mid caano ah ka daba kabo oo

si fiican bahasha iskooga deji. icon_razz.gifsmile.gif

 

Tuujiye siduu u arkay xariifadiisa

Afro oo dadka hortooda dhulka ka

qaraabsanaysa hal laws ah wuu ka

guban jiray wixii magaca lawska

ku soo hadal qaada ilamaa waagii

danbe loo bixiyey magac u eg lawsle,

Mr.Laws.

 

Reer Tuujiye baryihii danbe waxa loogu

yeeri jiray 'Reer Laws' sidii reer

weligood ka soo ganacsan jirtay lawska.

 

Markaa, Tuujiye intii hore allergy buu

ku ahaa inkastoo markii danbe

isaga iyo reerkiisaba loogu yeeri

jiray isla lawskii uu marka hore

allergy-ga ku ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

:D @ "Hooy! Hooy! Afrooy! Haddaad halkaa

lawska ah liqdo iyo hadddii aad soo

tuftoba intaba waad iga furantahay

ee la soco."

 

War ileen! Oo looska maxaa loogu diiday Afro? Al macnaa, maxay tahay, calaashaan?

 

Waxaa suuro gala in

aan isticmaalo magac

yadiina SOL, gaar ahan

akhyarta magacyadoodu

ku xusan yihiin hoos:

Baashe, Bishaaro,Mafia,

Wiilo, Tuujiye, Jabarjaan

Xiin, Fandhaal, Kulmiye,

iyo Afro.

Habo, iska isticmaal, laakin axsaan samee, naag jamaljaan ah ha u isticmaalin magacayga or mid jaad ruugeeyso, lol thanks. Sida kale, waa OK. Oh, ragganna xaas oogama dhigi kadhid. Thanks. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Afro sheekadeedu tijaabo

ayey ahayd markaa bal ii

yara kaadi aan dib

ugu noqdee. :D

 

Sheekada soo socota adi

iyo baashe waaye.

 

Walaashiis oo ka weyn ayaad

inoo ma talaysaa,

saas ka waran habo? smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this