Sign in to follow this  
Tuujiye

Qabiil !!!!

Recommended Posts

Tuujiye   

Dhacdo Run Ah - Qabiil Baa Dumiyey Qoyskeyga!

Qore: Ikram A. Kaar - Sweden

--------------------------------------------------------------------------------

 

Anigoo hoosta ka guryamaya ayaan ka soo dhaqaajiyey aabe iyo hooyo,hadaan la sii joogo lahaa oo sheekada la wadi lahaa waxaan qabaa inuu aabe hindisi lahaa su'aalo kale oo aan loo dirsan,sidaa daraadeed waxaa danta igu kaliftay inaan isaga soo tago meesha.

Waqtigu wuxuu socdaba xiisihii iyo jaceylkii la isku qabayna uu sii kordho,ayaa maalintii danbe, waxaa maalin maalmaha iiga duwan taleefan ii soo diray Muqtaar oo ii shegay inuu soo dhameeyey casuumadii aan ku imaan lahaa magaalada London, isla markaasna la iga doonayo inaan si deg deg ah ku diyaar garoobo si halkaasi aan u aado.

Waxaa uu intaa ii sii raaciyey Muqtaar inuu u sheegay reerihiisa in gabar uu jecelyahay xirriir la leeyahay inuu doonayo in sida ugu dhaqsaha badan ku guursado. Runtii hadalkaasi aad baan ugu farxay markaan maqlay,hase ahaatee waxaa kaloo uu ii sheegay in reerahiisa ay la jecel yihiin in uu guursado gabar abtigiis dhalay oo joogta London,gabadhaaso ah gabar waaydan danbe lagu qal- qaalinayey sidii uu u guursan lahaa.

 

Gabadha abtgiis dhalay markii ay aragtay sida reer-ka ay ula jecel yihiin iney isku dhisaan labadooda ayey xoogga saartay sidii ay dhinaceeda ku xaqiijin laheyd sheekadaasi,waxaana ay bilowday iney isku daydo sidii ay ugu soo jeedin laheyd xaggeeda. Balse dhabarka ayuu ka jeediyey oo waxuu u sheegay in gabar kale uu xirriir la leeyahay balana uu ka qaaday.

 

Runtii ina abtidiis waxey noqotay mid aan sidaas ku samrin oo ka darnaatay wiilkii ina adeerkey ahaa ee aniga halkan igu noqoday laf dhuun- gashay. Waxaana ay qeyb ka aheyd dhibaatii ka dhex aloolsan tay Muqtaar iyo reerihiisa, kadib markii ay u sheegtay inuu jacel yahay waxa ay ugu yeertay"Cadowgooda".. ..Malaha dhagtay ka maqashay cadowga ee waxa uu yahay ma taqaan.

Cadowga ay sheegeysana waa aniga oo ay soo xansatay meesha aan jooga iyo qolada aan Soomaali ka sheegto. Marka qof cadow lagu tilmaamo amaba haduu jiro dunidan waxaan qabaa iney iyada tahay "Cadowga jaceylka".

Ina adeerkeeygii Feysal ee aan ku tilmaami jiray waayadii hore nin "Jaceylka u ah Nacab ,waxaa uu noqday i qarso, xaal baana siiyey Ina adeerkeey marka aan eegay sida ay u meehanaabeyso Muqtaar ina abtidiis.

 

Zamsam waa gabar uu dhalay Muqtaar abtgiis isku meel ayeyna ku soo koreen waxaana soo korisay Muqtaar hooyadiis Xaajiyo Maryan,waayo aabaheed iyadoo yar ayuu dhintay hooyadeedna sidoo kale, waana rajo ku soo ag kortay guriga xaajiyada, iyada iyo walaalaheed-ba ka sokow Illaahey waxaa gacan qabatay oo soo korisay Muqtaar hooyadiis oo damaano qaaday iney ka wakiil tahay inta ay nool yihiin,sidaas daraadeed carruurta walaalkeed dhalay aad bey uga jeceshay kuwa ay dhashay iyada.

 

Xaajiyo Maryan waagii ay joogtay Soomaaliya waxey balan ku qaaday iney u dhisi doonto wiilka Muqtaar gabadha ay eedada u tahay ee Zamsam hadii cimrigu ku simo marka ay weynaadaan, sidaas daraadeed ay xaajiyada dooneyso iney ka dhabeyso balantaas, iyadoo ay timid xilli ku fiican dhan kasta marka laga eego oo wiilkeeda u noqday mid hana qaaday.

Waayo Muqtaar waxa uu ahaa nin mutacalim ah oo wax soo bartay aqoon sarena leh oo intii wiilkeeda meel kale ka aadi lahaaba balan been ah qoorta gashatay.

Si kastaaba arintu ahaatee isku daygii ay isku dayday Zamsam sidii ay ku hanan laheyd Muqtaar waxey kala kulantay guul darro aaqirkii keentay in sidii BAMB-ka oo kale ay daaha ka rogtay jabkii ka raacay xerro gelintii Muqtaar. Waxaana Zamsam oo arintaasi kaga raadsnaysa garab u sheegtay xaajiyadda in wiilkeedii ay ku hamin jirtay weligeed uu maanta NAAG kale ka raacay.

Xaajiyo Maryan waxaa iyadoon tixgelin wiilkeeda in isaga uu leeyahay dooqa iyo xulashada qofka uu nolosha la wadaagayo ay weydiisay sababta uu u diiday gabadha walaashis ah.

Islaantu waa ogtahay sababta uu u diidan yahay Muqtaar ina abtidiis,balse afkiiisa ayey dooneysaa iney ka maqasho warka Zamsam u sheegtay.

Muqtaar isagoon kala gaban hadalka ayuu u sheegay hooyadiis in gabar uu ku soo bartay dalka Imaaraad-ka uu xirriir kala dhaxeeyo isla markaasna uu jecelyahay in uu guursaddo.

Xaajiyadu warkaas kuma farxin,waase jeceshay wiilkeeda inuu guursado,laakiin waxeysan jebin karin balanqdkii beenta ahaa ay ku soo gashay Soomaliya ee ah in Muqtaar lagu darro Samsam. Saas daraadeed waa iney Xaajiyada oofisaa balantaas beenta ah,habkii ayse ku oofin laheyd ayaa ah mid ja juub iyo qasab ay ku jirto.

Muqtaar waa wiilka keliya ay wiil oo dhan ka qabto islaantu mana jecla in la dulmiyo ama wax uusan rabin lugu qasbo waana wiil u dhago- nugul waalidkiis oo aan hadal ku soo celin kerrin,islamrkaasna aan uga baran -MAYA-xitaa haddey tiraahdo gidaarkan (derbigan) waa wado ee mar ma dhaho hooyo maxaad derbiyada iigu direysaa ee HAYE ayuu dhahaa,saas aawadeed islaanta wiilkeeda xad dhaaf ayey u jeceshay huruweyntana waxaa ku noqotay iney tirhaado "Maan-dhoow guurso Ina abtidaa!"

 

Marka uu Muqtaar ii sheegay sheekadan soo jiitameysay ee isaga reerhiis hooyadii dhexmartay tan iyo markii uu ku laabtay London waxaa mar qura soo koobmay rajadii aan ka qabay nolol wanaagsan iyo aayo- tiin iyo ninkaan is lahaa waad heysaa kii qalmaye ha siideyn.

Waayo wiilka waxaan u qaaday jaceyl daran oo aan marnaba la qiyaasi karin,waxaana gaaray amaba jaceylkiisa sababay qarow aan ku qarwo habeenada qaar,ruuxii dhaqaaqana aan isaga moodo, runtii meel aan talaabada dib ugu celiyo ayaa ii muuqan kari weysay,waxaana niyada ka jecleystay inaan dhaho "Iga raali noqo aboowe haddii xaalkaagu sidan yahay ee mashaakil famil kugu furan yahay Jaceylkaagi Bul Allaah siiyo!"

Hadana waxaan eegaa jaceylka xad dhaafka ah ee aan u hayo,hortiis aan ruux kale u qaadin, gadaashiisana aan ogeyn sida ay xaaladu noqoneyso.

Hadal ayaa iga soo bixi waayey intii yareyd ee Muqtaar ii sheegayey warkaasi mar qura daboolay iftiin-kii ii bidhaamayey iyo rajadii aan ka qabay nolol lagu nagaado.

 

 

Muqtaar qudhiisa waxaa uu ka qoomameeyey inuu ii sheegay xaalada adag ee dhextaala isaga iyo reerkiisa, waxaana isagoo hadalkiisa murugo laga dareemeyey iga codsaday inaan is dejiyo,taladana aan Illaahey saarano ee aan aniga ahay ruuxa keliya uu waqtigan xaadirka ah jecel yahay,islamarkaasna uu qorsheynayo nolol wadaagaan.

 

La Soco Cadadyada dambe Inshaa-allah

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^waa sheeko fiican waxaana jeclaan lahaay inaan ogaado meesha ey ku dhamaandoonto sheekada, hasayeeshee, sheekadaan clear ma aha, paragraph'ka koowaad yaa hadlaya? wiil Muqtaar la saaxiib eh? mase his fiance?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^waxaa hadleysa Gabadha sheekada qortey(ikraam) and Mukhtaar in ninka ay is rabaan....Ur Wlc

 

 

Marka uu Muqtaar ii sheegay sheekadan soo jiitameysay ee isaga reerhiis hooyadii dhexmartay tan iyo markii uu ku laabtay London waxaa mar qura soo koobmay rajadii aan ka qabay nolol wanaagsan iyo aayo- tiin iyo ninkaan is lahaa waad heysaa kii qalmaye ha siideyn.

Waayo wiilka waxaan u qaaday jaceyl daran oo aan marnaba la qiyaasi karin,waxaana gaaray amaba jaceylkiisa sababay qarow aan ku qarwo habeenada qaar,ruuxii dhaqaaqana aan isaga moodo, runtii meel aan talaabada dib ugu celiyo ayaa ii muuqan kari weysay,waxaana niyada ka jecleystay inaan dhaho "Iga raali noqo aboowe haddii xaalkaagu sidan yahay ee mashaakil famil kugu furan yahay Jaceylkaagi Bul Allaah siiyo!"

 

Thankx Tuujiska

 

asxantu

Hadana waxaan eegaa jaceylka xad dhaafka ah ee aan u hayo,hortiis aan ruux kale u qaadin, gadaashiisana aan ogeyn sida ay xaaladu noqoneyso.

Hadal ayaa iga soo bixi waayey intii yareyd ee Muqtaar ii sheegayey warkaasi mar qura daboolay iftiin-kii ii bidhaamayey iyo rajadii aan ka qabay nolol lagu nagaado.

 

Alah wadnahey iga soo ridey, ilaahey wadnaha kama soo ridee, saan u ilmeynaayey bakeeri aan buuxiyey caawa. alah gabadhu calaacal wanaag sanaa, yaa saan aniga iigu calaacalo :D but regardless of the situation and history, i would have married hooyadeey naagtey ii keento.

Naagyaasha they come and go, My hooyo is always my hooyo (ya dig)

Share this post


Link to post
Share on other sites

soomajeeste, inaar sheekadu ma dhameystirna taxanana ma aha sababtoo ah februar 2003 baa la qoray markey goormeey taxmi doontaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waar sheekadani waa maxay, sheekada sida ka daaya.

sheekadani waaba na wareerisee, sheekada ama noo dhamaystira ama naga daaya. Sala calee. Sheekada sidaan u sugaynay uunbaa bidaar dheeri naga soo baxdee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^^ lool@jallaato, ka dhaaf odeyga saas ha oranin.

 

 

Sheekada ani xattaa waan sugi la'ahey, see wax u jiraan mise ayadoo fake aan allifnaa si aan u sii wadno, dantaa nagu kallifi inaan saas sameeno

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

^^^ar gashaanti waaye mandhow-ee mandhay ma dhahdidoo mashaakilna yeyna kugu ahaane :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

waa lakala leexiyaa liin iyo caano!!leeloow leelaa yaa leelaa...........lama suus galay madaadiir!!!

 

LST...sxb see camaladiga waa isku dhex daadatayee? iskala fur fur sxb anta binti yaa akhii!!

 

wareer badanaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raula iyo Wareer Badane, waxaan mooday mid yar oon garanayo oo magaca iska soo badalay. Iga raalli ahaada asxaabta haddii aan khaldamay.

 

Middeeda kale, aaway odayaashii? Nuune, checkmate iyo Garab. Inantani ha iga gar baxdo.

 

Is-af-garanwaagan ay ka sharqamisay halkuu ka yimid haddaanba hadal is-weyadaarsi imaan.

 

Waaban yaabanahaye! Inantu si qarsoodi ah ayay isaga key dhex aragtay malaha. Waxbaa jira. Waa in la baaro sheekadan. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this