Sign in to follow this  
Tuujiye

MURTI [(Saddexley)] for dhalinyarada Cireysatay

Recommended Posts

Tuujiye   

Baashe sxb hada kahor waa taan ku idhi anaa ku heli doona gabay ka hadlaya dumarka..

 

waxaan helay gabaygan. Waan jeclaan lahaa in aan ku daro xoogaa yar oo dhinaceyga ka socda laakiin se waxaa si wanaagsan u dhawaajiyey Odaygan.

 

Amaan Dumar

 

Maxamed Nuur Fadal (HJ)

 

1. Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso

2. hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye

3. dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye

 

4. dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise

5. hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane

6. meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay

 

7. dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay

8. dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda

9. dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo

 

10. dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso

11. cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda

12. dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile'e

 

13. saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda

14. sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay

15. waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay

 

16. dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho

17. ee ay dhabeelnimiyo qurux dhuuxa ka iftiinto

18. dhugta lugha iyo faayahay dhebel u sii dayso

 

19. kolkay socodka dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo

20. dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe

21. dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaade

 

22. inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye

23. dhadhab igula looshiyo hurdada dhool anoo ladaye

24. dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde

 

25. sidii malagga ruuxayga dhigay laygu kaa dherere

26. inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya

27. dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa

28. dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya

 

 

wareer badanaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Maahmaaho Xarafka A

 

 

1. Aadme la aragyaaba, dhib la arag.

2. Aan wada hadalno waa aan heshiino.

3. Aar qoyey dacawo la mood.

4. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.

5. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.

6. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.

7. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.

8. ****** calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh.

9. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa

10. Aburku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa

11. Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.

12. Abuur iyo waano abuur baa horreysey.

13. Adduun i khatal.

14. Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id.

15. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.

16. Adhi jiri ma kala abaal waydo.

17. Adhi jiri xil bay wadaagtaa.

18. Adhi magantii ma barriiyo.

19. Adhi shidho laga daayo.

20. Adhi-jiri ma kala abaal weydo.

21. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.

22. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.

23. Aduun wey ki amoodeey ogaaw.

24. Af aamusani marti ma sedo.

25. Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa.

26. Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.

27. Af aanad lahayn lama qabto.

28. Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha ku daaqdo.

29. Af daboolan dahab.

30. Af Daboolan, Dahab waaye.

31. Af hadlaaba aamus.

32. Af jabtay sideedii ma noqoto.

33. Af jooga looma adeego.

34. Af macaan gacan macaan baa dhaanta.

35. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa.

36. Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa.

37. Af waa kane, maxaa lagu aamaa

38. Af wax cunay xishoo.

39. Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).

40. Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.

41. Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.

42. Af-ka nool abooto mudac.

43. Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.

44. Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa.

45. Afkii dab yiri ma guban.

46. Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.

47. Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog.

48. Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.

49. Alla aamin ma iisho.

50. Alle watow wehel uma baahna.

51. Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin

52. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.

53. Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe

54. Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh.

55. Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.

56. Ammaan lama dhu-dhumiyo.

57. Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.

58. Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.

59. Amxaar la arag yaaba ferenji xaaji.

60. Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha.

61. Aqal libaax lafo lagam waayo.

62. Aqoon la'aani waa iftiin la'aan.

63. Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran)

64. Arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh.

65. Aroos lagama raago, lagumana raago.

66. Arrad waa dan uskagse waa doqonniino

67. Arrimo rag waa mudacyo afkood.

68. Arrin aan sidii **** riyaad la feydin, ma fayoobaato.

69. Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso.

70. Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday.

71. Arrin xumo abaar ka daran

72. Atoorku intiisuu guun ku yahay.

73. Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan.

74. Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun.

75. Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay

76. Awrka danbe awrka hore socodkiisuu leeyahay.

77. Ayax teg eedna reeb

78. Ayaydaa taag darran iyadoon tabar lahayn bay dadka isku taagtaagi.

 

ps. bal kudara walaalayaal.

 

wareer badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

feebaro, waraa maxaa daldalee bisinkee, saan u akhrinaayay aaba gacmihii i kaduutay :D

 

 

aniga kisteey waa tanaa,

 

1. Nin wax cunay xishood.

"A man who has eaten something becomes shy."

 

2. Waa dhalaankii dhalmada hooyadood baray.

"These youth taught their mother to give birth."

 

3. Talo walaal diide taagoogta ayuu kajabaa.

"One refusing a sibling's advice breaks his arm."

 

4. Mukulaal mininkeeda joogta miciyo libaax bay leedahay.

"A cat in her house has the teeth of a lion."

 

5. Rag tag lama dhago ee wuxuu ku tago ayaa la tusiya.

"One doesn't tell a man 'go away' but one shows him something so he will go."

 

6. Nin cimrigiisa dheerada geel dhalaya ayuu arkaa.

"A man prolonging his age sees a camel giving birth."

 

7. Naag waa guri ama god ha kaga jirto. (or) Naag ha kaga jirto guri ama god.

"Your woman should be in the house or in the grave."

 

8. Kun ka koodi kowna ka guurso.

"A thousand assignations, one marriage."

 

9. Ragna waa shaah, dumarna waa sheeko.

"Men for tea, women for talk."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Feebaro:

quote: ceesan yaroo mina shaakiriin sheeg?

injir booda ladiina toorey taclamuuna sheeg?

kashiita yareey minal aalkolo sheeg?

Boolbaro lee waxaan easy waayee!

 

ceesan yaroo mina shaakiriin waxaa waaye shoobaro. waatuu laxda dhmatay laan katuugaaye.lol.

 

injir booda ladiina toorey taclamuuna waa injir tacsi utaal oo taarey ee ari ku qasho raadineysa.

 

kashiita yareey minal aalkolo waa bajaqda dariskaga oo aalkuliistada ah waaye.

 

wax ale maa heysaa waraa soo gamo?

 

wareer badanaa
loooooooooooooooool ala beerka...you guys are just too funny. Ana labaan gamanaaya suga.

 

Dooli telefoon diraaya kadaba taagtaagsadow yaa ku dhalay caasanyaroo minishakitiin.

 

Iyo Wariiri waaso qaadayaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^^ ma fiyoobid walaahi, bisinka maxaa akhrinee dabangaale daba taag taagaayo taagtaagsanayo tuur leh oo taleefan diraayo abidkeey ma maqlin :D , waaka baxsatay cawdu minakal fawqal quluubi meeqa bajiiye aa soo cuntey, feebara aan weediiyay su'aashas asagaa warshada bajiyaasha kaaba manager ka ah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Glasseyegirl..AKA indho bakeeri..lol...

Tnx Abaayo macaan.

 

Waa u jeedaa in aa soo tuuratay labo foorjo oo tacbaan ah oo wili bareela saaran..lol..

 

Raula kusoo darso kistoo yaaqee naga daa is macneeska..lol..

 

wareer badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Oday kawaanle ah baa hada kahor tiriyey gabay jaceel ah...sidatan buu yiti.

 

jeceeel:

 

war jeceeelku wa dhabe hadi cuntada aye ku dhadhamiwaydo virusku wu kuhayaa e gabadha iga dawee ku dhee hadi kale maryaha tuure wa talow nin weynee iyada ku so nixiyee hadi ay so noqonweydo iska gashoo maryaha mid kale rajici marka noohh......

 

Aaaaaaaaaaaa

 

wareer badanaa!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

waraa feebaro, geedkaas aad sawirka ka dhigatay avatorka aa idilay, xariifkaas koo qaaxub uu u egyahay, fajiistana waa u egyahay, tirfatoorena waa yahayba, calooshii shaqeesatana waaye, waana caatha qaate.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

waraa Caadi maba tihid adi..loooooooooooooool...

Guygaan wuxuu i soo xasuusiyaa "amjidkhan" maxa suusataa...lol..

 

wareer badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

OOOOOOOOOOOOOOOK

This thread is back..

 

hada xoogaa aan u gudubno

 

QOSOL IYO MAAD

 

Sheekoyin gabal gabal ah ayaan sheegi doonaa oo qosol iyo maadba iskugu jira.

 

1. Nin baa waxa uu maqlay iyada oo la leeyahay masjidka jaamac ayaan kusoo tukaday, masjidka jaamac ayaa muxaadaro ka jirtaa IWM(iyo wixii la mid ah), waxa uu moodey in masjidku leeyahay nin jaamac la yiraahdo, markaasuu yiri jaamac allaha ha u naxariistee masjidkiisu qurux badanaa!!

 

2. Nin baa la yiri maanta maxaad suuqa ka soo iibsatay? Waxa uu yiri intuu suulka iyo murugsatadda laabay laba loor oo bariis ah, farta dhexe intuu taagay, ayuu misana laabay faryaradda iyo faadumada, markaasuu yiri, iyo labo loor oo bur ah. markaasaa la yiri maxaad far dhexaada u taagtay? markaasuu yiri; si aaney burka iyo bariiska isugu darsamin!!

 

maxaa la bartay...

1. Masaajidka in uu leeyahay magacyo laakiin uusan qof la heyn.

 

2. Faryaree=pinky finger

faadumo= ring finger

far dhexe=middle finger

murugsato=the finger next to the middle finger

Suul ganbar=thump

 

looooooool....waxaas baa lagaa dhahaa maad iyo qosol...

 

i have more...

 

wareer badanaa!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this