Sign in to follow this  
nuune

Col.Fartaag killed by ICU, confirmed

Recommended Posts

nuune   

Yesterday we had a report about the capture of Fartaag, now it is being confirmed he died in that battle of yesterday.

 

C/llaahi Sh.Ismaaciil “Fartaag†oo la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday Dagaalkii Dhex maray Maleeshiyada hiiraale iyo kuwa Maxaakimta.

 

 

kismaayo, 23-October-06 ( Qaadisiya.com) Dagaal qaraar ah oo Maalintii shalay gelinkiisa dambe uu ka bilowday duleedka Degmada Bu'aale halkaasi oo ay isku fara saareen Ciidamo katirsan Golaha maxaakimta iyo kuwii uu Barre Hiiraale watay kuna doonayay in uu dib u hanto Maamulka Gobolada Jubbooyinka.

 

Dagaalkaasi ayaa waxa uu bilowday sida Saraakiisha Sar sare ee Maxaakimta kujiray ay ugu warameen Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya duhurkii Saacaddu markii ay aheyd 1:45pm xilliga Muqdisho taasoo meesha ka saareysa Wararka ay qoreen Warbaahinta Soomaalida qaarkood oo sheegayay in Subaxdii hore uu halkaasi dagaal ka qarxay.

 

Ciidamada Maxaakimta ee kusugnaa Degmada Bu'aale ayaa waxa ay mar qura weerar ku qaadeen Maleeshiyada Barre Hiiraale oo iyaguna xilligaasi weerar kusoo ahaa kuwa Golaha maxaakimta waxaana markii Dambe uu Allaah qadaray in Barre Hiiraale uu ku badbaado far Cijiyo leh.

 

Dagaal Ooge Barre Hiiraale ayaa waxaa laga qabsaday illaa 25-gaari oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa kale ayaa waxaa kamid ahaa Gaarigii u khaaska ahaa Barre Hiiraale oo uu Cagaha wax ka dayay markii labada Ciidan ay is fara saareen.

 

Dhinaca kale Abaanduuliyihii Hore ee Maleeshiyada Barre Hiiraale C/llaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag†ayaa shabakadda islaamiga ah ee Qaadisiya loo xaqiijiyay in uu ku geeriyooday dagaalkaasi.

 

Wariye Xasan Xanafi oo lasocda Mujaahidiinta kuwajahan Dhanka Buurhakaba ayaa waxa uu kasoo xigtay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo uu u xaqiijiyay in Ciidamadooda ay kusoo wargeliyeen in Fartaag ay ku dileen Dagaalka sidaasina uu ku geeriyooday.

 

C/llaahi Sh.Ismaaciil “Fartaag†ayaa markii uu dagaalka dhacay ayna isaga carareen Barre Hiiraale Maleeshiyadiisa wixii gawaari ahaa oo ay wateen ayaa waxaa lagu arkay isaga oo dhaawac ah, waxaana markii dambe uu u geeriyooday Dhaawacaasi.

 

Xilligii Gawaaridaasi ay isaga cararayeen Maleeshiyada Barre Hiiraale ayaa la arkayay iyagoo qaarkood qoryahooda la cararaya Xabadna soo ridaya, waxaana suurta gashay in qaarkood lagu laayo goobta inkastoo qaar kale ay isasoo dhiibeen halka kuwa kalena ay baxsadeen.

 

Barre Hiiraale oo lafilayay in uu aadayo Dhanka Magaalada baardheer ayaanan weli gaarin halkaasi, wuxuuna weli kusugan yahay Baadiyaha Halka loo yaqaano dajuuma, wuxuuna kusoo beegmayaa Xilliga dagaalkani uu dhex marayo Barre iyo Ciidanka Maxaakimta kadib markii dhowaan ay kasoo baxsadeen Maleeshiyada Barre Hiiraale

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cumar   

Salam Caleykum

 

Yesterday's report by the maxakiinta was that he was captured and knifed which has been proven to be false. Reliable reports still have to come through.

 

I have just received news that Col. Faratag did not participate in the war but rather was ambushed on his way to Bu'aale.

 

I have also received news that at at most 4 people have died on Barre's side (May Allah have mercy on them) and a greater number on the ICU (may Allah have mercy on them).

 

Wasalam

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ Whether he was ambushed or died in the battle doesn't make sense, he was killed by the ICU, just admit it buddy, gar laba nin kama wada qosliso.

 

 

and why are you saying he wasn't leading the Barre army, that must be a classic joke

 

 

Col. Fartaag Oo La Xaqiijiyay Inuu Ku Geeriyoday Dagaalkii Shalay

 

 

 

Taliyihii ciidanka wasiirka gaashaandhiga dowladda Embagathi Col. Fartaag ayaa lasoo sheegayaa inuu ku geeriyooday dagaalkii shalay ay ciidankiisu kusoo qaadeen degmada Bu’aale. Dagaalkaas oo ahaa mid si wayn loogu hoobtay isla markaana looga qabsaday ciidamada wasiirka gawaari dagaal kuwii ugu tiro badnaa oo dagaal fool ka fool ah lagu kala qabsado ayaa waxa ka baxsaday ciidamo tiro yar oo ilaalinayay amaanka wasiirka Gaashaandhiga.

 

Taliyaha ciidamada weerarka soo qaaday Col. Fartaag oo la isla dhex marayay shalay in la qabtay iyo inuu baxsaday ayaa saakay aroornimadii lasoo xaqiijiyay inuu ku geeriyooday dagaalkii shalay. Ciidamada golaha maxaakimta ayaa wali ku sugan degmada Saakow waxayna sugayaan amar uga yimaada madaxdooda iyo talaabada tan ku xigta oo ay qaadi lahaayeen.

 

wadanka.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cumar   

What is with the hostile approach. I am conveying the news that has reached me. Obviously there are conflicting reports on his capture and the current state of his capture so it is best to keep an open mind what is happening instead of absorbing every information that comes your way.

 

Ps, I am not your buddy but your walaal in deen and please address like a brother in Islam, jazakumallahu khairan

 

salam caleykum

Share this post


Link to post
Share on other sites

It's a pity reallz, but when can you say! It was apparent, a man who lives by the gun usually dies by it, that is if he is intelligent enough to 'save' himself when things get tough like Barre and Morgan seem to do every now and then and in what they excel!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Buaale Oo Hawada Ka Maqan Iyo Maxkamadaha Kismaayo Oo Ku Baaqay In Mutawaciin Loo Diro Gudaha Itoobiya Iyo Col.Fartaag Oo La Hadlay Saxaafadda

Oct 23,2006

by B/Xaawo-Gedo-NN

Ilaa iyo hadda ma jiraan warar rasmi ah oo ku aadan qasaarahii dhowaaca iyo dhimashada ee soo kala gaaray ciidamada wasiirka Gaashaandhigga iyo kuwa maxakaamiimta oo dagaal uu dhex maray shalay degaano ka tirsan gobalka Jubbada dhexe.

 

Warar ka imaanaya magaalada Jilib ayaa sheegaya in dhowaacyo dagaalkii shalay ee dhanka maxaakiimta halkaasi la soo gaarsiiyey, halka dhaawaca dhinaca ciidamada wasiirka gaashaandhigga aan ilaa iyo hadda la soo gaarsiin magaalada Baardheere.

 

Ma jiraan warar sugan oo laga helayo degmada Buaale oo khadka isgaarsiinta ah ay ka gonayd tan iyo markii ay labada ciidan ay isaga horyimaadeen degaano ka tirsan gobalka jubbada Dhexe,halkaasoo la sheegay inay shacab badan ay ka qaxeen. Col.Deeq Caabi Faarax oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidamada wasiirka gaashaandhigga oo sheegay in dhinacooda ay ka dhinteen 5 qof, halka dhowaacana uu ku sheegay inay yihiin ilaa iyo labaatameeyo oo ilaa iyo hadda la keenin magaalada Baardheere.

 

Isku socodka gaadiidka gobollada jubbooyinka ayaa ah mid aad u adag kadib markii ay halkaasi ka curteen roobabkii dayrta oo socon doono ilaa iyo muddo seddex bilood ah.

 

Dhinaca kale, Col.Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidamada xoogga dalka Soomaliya oo u warbixiyey saxaafadda ayaa sheegay inuusan asagu joogin goobtii ay dagaaladu ka dhaceen ee degaanada Buaale. Col.Fartaag ayaa hadaladiisa ay ku soo aadeen kadib markii ay qaar ka mid ah saxaafadaha qaarkood ay shaaciyeen inuu ka qeybqaatay dagaalo la sheegay inay ka dhaceen degaano ka tirsan gobalka Jubbada Dhexe.

 

Dhanka kale, masuuliyiinta Maxakmadaha ee kismaayo oo ka hadlayey munaasabada maalinta ciidda ayaa ku baaqay in la balaariyo Jahaadka maxaakiimta ee ka soconaya guadaha dalka loona gurmado mujaahidiinta ka dagaalamaya dhulka soomali Galbeed ( ******ia) ee dowladda Federaalka Itoobiya.

 

Sh. Maxamed Axmed oo ku magac dheer (Maxamed Cadaa) oo ka tirsan Maxaakimta Kismayo ayaa isagoo la hadlayay dadwayne oo Salaada Ciida kaga qayb galay garoon kubada cagta lagu ciyaaro ayaa waxaa uu ku baaqay in la taageero Dhadhaqaaqa Xoraynta soomaali galbeed ee madaxbabaanida u dirirayay tan iyo 1992.

 

“ waxaa loo baahan yahay in la is diiwaangaliyo oo mutawaciin ay is qoraan oo aad naftiina iyo maalkiinaba bixisaan si gacan loo siiyo walaalaha itoobiyo Gumaysto†ayuu yiri sheekh Maxamed Cadaa oo lagu Naanaysay ninkii masriga ahaa ee lagu magacaabi jiray Maxamed Cadaa oo hogaaminayay 19kii nin ee Carbeed ee gaystay weerarkii 11 september ee lagu qaaday magaalada New York ee dalka Mareykanka.

 

Maleeshiyaadka Maxaakimta ee ilaalinayay dadka tujinayay salaada ayaa alaahu akbar ku qaylinayay markii uu wadaadkaas uu ku dhawaaqayay in ay gudaha dalka Itoobiya ku balaarinayaan hawlahooda.

 

B-Xaawo-Gedo-News Network

Kismaayo-Gedo-News Network

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Does matter wheather he was ambushed or killed? The fact of the matter is he was killed by the UIC and his boss will be next if he does not refrain his activity....

 

 

Go figute:..............

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^LoL War Wiilo goormaad militant noqatay mase Mr ME recruit kugu sameeyey. Anyway, umadaan ma qoostaan, qof xaraan ka dhargey iiman malaha. You would think they will learn from former warlords in Xamar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Aint no Militry, i'm just sick of these warlords. Honestly until they are distroyed they will not stop their activities. You probably heard what C/Qaydiid is doing and how some ppl are supporting him, that is just ridiculous. Why would you support a warlords? People are being Qabiilists and could careless about peace. Somalis needs to get together and fight with these warlords and distroy them once and for all..

 

 

Go figure:...........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this