Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Biggest gathering of religious scholar in Garowe Puntland Sh. Maxamed Idiris arrives

Recommended Posts

A Nadwo held in Garowe Capital of Puntland has brought various religious scholars together from Puntland, Saudi Arabia and neighbouring regions of Puntland.

 

One late addition to this Nadwo or religious gathering of Ulamaa is Sh. Maxamed Idris a well-known and renowned scholar.

 

This gathering scholars are the fathers of the dacwa in Somalia and in the past many of them were involved in religious inspired coups to establish an Islamic state but many have now laid that aside and are pro cohesion and understanding and work closely together with the authorities as they have seen what many of their past mistakes have lead to i.e. the Al-Shabab youngsters who do not listen anymore to their teachers and educators in Islam who first brought the knowledge of the deen to them.

 

Anyways its a good gathering and hopefully something meaningful for the Somali people as a whole will come out of it.

 

I'm hopeful to that, inshaallaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xadgudubka diineed iyo raadka uu ku yeesho Dacwada iyo Bulshada Sh.C/laahi Dahir Jama.(Dhagayso)

 

Posted to the Web Apr 18, 19:02

 

Garoowe:-Waxaa xalay ka baxay muxaadaradii 2aad Masjidka Al-hudaa ee magaalada Garoowe muxaadaro uu jeediyey Sh.C/lahi Dahir Jama, Shiikha ayaa waxaa uu muxaadaradiisa ugu magac daray الغلو وأثره في الدعوة والمجتمع

 

Shiikh C/llaahi ayaa waxaa uu muxaadaradiisa uu aad ugu qaadaa dhigay qaab kii uu Rasuulkeena Maxamed Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee uu u fidiyey Dacwada,muxaadarada markii ay dhamaatay ayaa waxaa tacliiqiyey muxaadarad Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo aad ugu dheeraaday ahmiyada Dacwada iyo in ay muhiim tahay in laga ilaaliyey xad gudubka marka la fidiniyo diinta Islaamka.

 

 

Halkaan ka Dhagayso Muxaadarada Sh C/llaahi Daahir Jaamac

guji halkan

 

Intaas ka dib waxaa la guda galay in su,aalo kale duwan la wiidiiyo culimada iyadoo culimada ay su,aalo fara badan ay uga jawaabeen dadweynah dhagaysanayey muxaadarada.

 

Halkaan Ka Dhagayso Su,aalaha la wiidiiyey culimada &Tacliiqa Sh Cabdulqaadir

 

riix halakan sidad u dhagaysatid

 

Muxaadaraakda ka socda Masjika Al-hdaa ayaan suurtagal aysan noqon in aan LIve u baahino iyadoo dhinac Internetka Masjidka Al-hudaa ee Garoowe uu saamixi waayey ,muxaadaraadka ayaan wixii na soo gaara aan webka ku soo gudbin doonaa insha Allaahu.

 

 

Halgan.net

Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

The history of the dacwah in Somalia. The teachers of the Al-Shabab reminding the young and the gullible teenagers that Islam did not came in 2006 or 2007 when courts or Al-Shabaab first emerged.

 

Now the teachers in their 50's, 60's, 70's and even 80's have been pushed back and the religious knowledge is accumulated by men in their early teens barely in their 20's or 30's the oldest elder the Shabaab can present is someone in their late 30's early 40's whose siblings are still being nursed.

 

Taariikhdii Dacwada dalka Soomaaliya Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax Sh Cali Warsame.(Dhagayso)

 

Posted to the Web Apr 19, 06:58

 

Garoowe:-Waxaan halkan idiin soo gudbin doonaa muxaadaro ku saabsan taariikh kooban ah oo ay soo martay Dacwadii dalka Soomaaliya waxaa muxaadaradaas qaadaa dhigay Fadiilatu Shiikh Cali Warsame iyo Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax.

 

2 Shiikh ayaa waxaa ay dhalinyaradii dhagaysanaysay Muxaadarada ay ka faaiidaysteen khibra dacwadeedkii ay 2 shiikh la soo noolaadeen , waxaa xusid mudan in uu jiray Shiikh 3aad oo isagan ku qornaa Muxaadarada Shiikh Maxamuud Ciise oo ka mid ah culimada Soomaaliya ugu waaweyn ,Shiikh Maxamuud Ciise ayeysan u suuroobin in uu ka qayb qaato Nadwada iyadoo arinkaas ay ugu wacan tahay khuruuju Cawada oo Shiikh waqti ku qaatay.

 

 

Halkan ka dhagayso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh Maxamed Idirs oo ku biiray culimo fara badan oo ka qayb galaysa Nadwo ka socota Garoowe

 

Posted to the Web Apr 19, 21:08

 

idris.JPG

 

Garoowe:-Sh.Maxamed Idirs oo ka mid ah culimada Soomaali yeed ayaa gaaray magaalada Garoowe waxaan uu ku biiray culimo fara badan oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaali ya , Shiikh Maxamed Idirs ayaa maalinta beri ah la filayaa in uu muxaadaro diini ah ka jeediyo Masjidka Al-hudaa e Garoowe oo ay maalintii 5aad ay ka socoto Nadwo diini ah.

 

Waxaa ka baaqday Nadwo cilmiyeed diini ah oo lagu casumay Shiikh Maxamuud Ciise oo ka mid ah culimada sida weyn looga yaqaan dalka Soomaali ya iyo dibadiisa ,Shiikh Maxamud Ciise ayaa safarkiisa arimo farsamo awgood u soo haleeli waayey in uu ka soo dhoofo dalka Sacuudi Arabia ,Shiikh Maxamuud Ciise ayaa baaqashadiisa waxaa u sabab ah sidda ay noo sheegeen culimada ka qayb galaysa Nadwada isagoo waaxda socdaalka ee dalka Sacuudiga ay ka daahiyeen Khuruuj Al-Cowada.

 

 

Magaalada Garoowe ayaa waxaa gaaray culimo aad u fara badan oo ka kala yimid Gobollada dalka Soomaaliya waxaan la filayaa in ay wacyi gelin iyo muxaadaraad u jeediyaan dadweynaha ku dhaqan Garoowe iyo Gobollada ku xeeran,Waxaa kale oo jira culimada ku sugnaa gudaha dalka Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay gaaray magaalada Garoowe waxaan ka mid ah faduulatu Sh.Yuusuf Aadan ,Shiikh Dr.Bashiir Axmed Salaad, faduulatu Shiikh Cali Warsame ,Shiikh Cabdullaahi Daahir Jaamac,Shiikh Cabdinaasir Xaaji, iyo Shiikh Dr Axmed Xaaji , Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax, Shiikh Daahir Aw-cabdi , Sh.Xassan Maxamed Ibraahim ,Shiikh Axmed CabdiSamad ,Shiikh Maxamuud Abusheyba Sh axmed Maxamed Sulaymaan iyo culimo kale.

 

Culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay Nadwadaan ka bixin doonaa duruus fara badan waxaan ay dadweynaha u jeedin doonaan muxaadaraad diini ah oo ay dad ku ay kaga digayaan in alle Kitaabkiisa ay ka fogaadaan iyo in ay culimada ka bartaan diinta

 

 

Halgan.net

Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh Cabdinaasir Xaaji oo shalay Muxaadaro ka jeediyey Masjidka Al-hudaa ee Garoowe(Dhagayso)

 

Posted to the Web Apr 20, 08:42

 

Garoowe:-Waxaa xalay Muxaadaro diini ah ka jeediyey masjidka weyn ee Al-hudaa ee magaalada Garoowe Shiikh Cabdinaasir Xaji Axmed oo ka mid ah culimada baaca dheer ku leh aqoonta diinta ,Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa waxaa uu muxaadaradiisa ugu magacdaray Baahida ay mujtamac Soomaaliyeed u qabaan Barida diinta iyo in dhexdooda la Islaaxiyo.

 

Sh.Cabdinaasir Xaaji ayaa waxaa uu muxaadaradiiisa soo arooriyey Axaadiisa fara badan iyo Aayaad Quraani ah ,Shiikh Cabdinaasir ayaa waxaa uu caan ku haya in Muxaadaradaadkiisu uu ku saleeyo daliil fara badan oo uu Shiikhu ka soo dheegto Kitaabka Alle iyo Axaadiista Rasuulka Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

 

 

Muxaadarad Shiikh Cabdinaasir ayaan idiin soo gudbin doonaa insha Alllaahu

 

Muxaadarada Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa waxaa dhagaysanayey dad weyne aad u fara badan iyadoo dadweynaha kale ay kala socdeen Radiyaasha lokalka ah halka Shirkada Golis ay u samaysay dadweynaha numbar ay dadku garaacayaan oo dadku kala socdaan muxaadaraadka ay culimada ka jeedina yaan Masjidka Alhudaa.

 

 

Markii Shiikh Cabdinaasir uu dhameeyey muxaadrada ayaa siddii caadiga ahayd waxaa la guda galay in ay culimadu ka jawaabaan su,aalaha ay dadweynuhu ay u soo gudbinayeen culimada ,Shiikh Yuusuf Aadam,Shiikh Cali Warsame iyo Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa ay dadweynaha uga jawaabeen su,aalo tiro badan iyadoo dadweynihii ka qayb galayey Nadwada ay aad ugu faaiidaysteen.

 

Halkaan Ka Dhagayso Su,aalo ay culimada ka Jawaabeen

Halgan.net

Garoowe

 

dhagayso

Share this post


Link to post
Share on other sites

^You're welcome brother.

 

Today the Ulumaa who par took in the religious gathering or nadwo met with the Vice President of Puntland H.E. Abdisamad Ali Shire.

 

Culimada ku qayb galaysa Nadwo ka socota Garoowe oo kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeen Puntlland Gen Cabdisamad.

 

Posted to the Web Apr 21, 11:29

 

Garoowe:-Waxaa shalay kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntlland Jen.Cabdisamad Cali Shire culimo,udiin dhawaan soo gaaray Garoowe iyo kuwo horay ugu sugnaa magaalada ,Culimada ayaa waxaa ay martiqaad ka helleen Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Jen. Cabdi Samada Cali Shire iyo wasiir ka tirsan Dowlada Puntlland kulankaan ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe.

 

 

Culimo,udiinkaan ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen Gobollada dalka Soomaaliya waxaan ay ka qayb galayeen Nadwo cilmiyeed diini ah oo ka socota masjidka Al-hudaa ee Garoowe,culimada ayaa waxaa ay Nadwo ka sakow ay kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa Isimada ,Ganacsata iyo Ardayda.

 

 

Kulanka ay culimada la qaateen Dowlad Puntllnad waxaa ka qayb galay dhinac dowlad Puntlland Madax weyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha dowlada Puntlland Gen Cabdi samed Cali Shire Wasiirada,Warfaafinta Isgaar siinta Hidaha & Dhaqanka Cabdixakiim Axmed Guleed ,Wasiirka Cadaalada & Wasiiru-Dawlada Maamul Wanaaga ee Puntland,Wasiirka Qorsheynta & Xiiirka Caalamiga ah,

 

 

Kulankaan ayaa ahaa is waraysi iyo soo dhaweyn waxaan ay culimadu si gaar ah ugu mahadcelisay Madaxda Dowlada Puntlland sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyey waxaan ay ku dhiiriyeen in culimada ku sugan Puntlland ay dowladu wada shaqayn la samayso iyagoo sidoo kale mahad balaaran u soo jeediyey culimada ku sugan Puntlland sida xilkasnimada leh ee loo soo dhaweeyey.

 

Madaxweyne ku xigeenka Jen.Cabdisamad Cali Shire ayaa culimada ka codsaday in ay dhameeyaan khilaafka ka dhex aloosan dadka Soomaaliyeed dhexdooda iyo in ay soomaali isla raadiyaan waxaan uu ka codsaday in culimadu dowrkooda ay qaataan.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland Jen,Cabdisamed Cali Shire ayaa xusay in ay ka dowlada ahaan si wanaagsan ay u soo dhaweynayaan culimada Soomaaliyeed,culimad qaarkood oo ka hadlay goobta ayaa ugu mahad celliyey dowlada iyo shacabka Puntlland sida wanaagsan oo ay u soo dhaweeyeen , culimada ayaa waxaa ay sheegeen in ay arki jireen dowlad culimada col la,ah oo aan soo dhaweyn balse ay soo dhaweynayaan maamul isku xil qaamay in uu soo dhaweeyo culimada iyadoo dalkii Soomaaliya qaybo ka mid ah ay ka soc daan dagaalo.

 

 

Kulanka culimada iyo dowlada Puntlland ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday jawi

aad u wanaagsan kulankaas ayaa waxaa ka qayb galay culimada dalka soomaaliya ugu caansan waxaan ka mid ah:-

 

 

1-Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax

 

 

2- Sh.Cali Warsame Xasan

 

 

3- Sh.Yuusuf Aadan

 

 

4- Sh.Dr,Bashiir Axmed Salaad

 

 

5- Sh. Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

 

 

6- Sh,Axmed Maxamed Sulaymaan iyo culimo kale

 

M_M_Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Puntland government web portal says this about the conference of the Ulamaa. Interesting stuff. A noble conference indeed.

 

Puntland Engaged in Religious Conference for Social Reform

 

 

Renowned and celebrated muslim clerics from the Somali society have attracted one of the largest congregations to a week-long social reform campaign.

 

The congregations have converged at Al-Huda Mosque in Garowe, the capital of Puntland, for the past week.

 

The spiritual event attracted various categories of staunch muslim residents of Garowe. A great percentage of the faithfuls are youth who are the main targets of the social reform campaign.

 

Members of the Puntland cabinet were in the forefront section of the congregation , in a way, showing their committment to this social reform program. A strategy which is believed to have the capacity, of luring the youth from the alluring tentacles of piracy, and terrorism.

 

The noble muslim clergy at the spiritual conference condemned the attrocities committed in the name of religion,in southern Somalia. The clerics based their argument on the teachings of Islam ; which are aginst the wrongful killing of innocent persons. Furthermore, they stressed the magnitude of sin contained in the killing of a fellow muslim.

 

So far, the star-studded clergy have covered a number of interesting topics capturing the attention of their audiences in a spectacular way. They have presented sermons on; The History of Islamic Da'awa (Preaching and Missionary work) in Somalia, The Violations and Misinterpretations of Islamic Doctrines/Scriptures and Their Effects on Society, Piracy and Terrorism.

 

At the end of each sermon, the faithfuls are treated to a question and answer session. Small question notes are passed on to ushers who type it and present it to the clerics. The clerics then give answers based on the teachings of the Holy Quran.

 

The Somali Islamic scholars will preach to different sectors of the community, during their stay in Garowe.

 

At the end of each session, the learned clergy lead the congregation in a prayer beseeching Allah (SWT)to restore peace and tranquility to the people of Somalia.

 

Stay with us, for the details of this noble conference.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ulamaa say war in the south not permitted and thus unlawful. The spilling of a muslim's blood is strictly prohibited. They also spoke about the history of the dacwah in Somalia.

 

Waxaa maalmahan ka socotay Masaajidka Alhudaa Nadwo Diini ah.

 

puntland-gov.net

 

News202742023104558706.JPG

 

Nadwadan Diiniga ah ee mudada todobaadka ah ka socotay Magaalada Garowe ee Caasimadda Dowladda Puntland gaar ahaana Masjidul Alhudaa ayaa waxa soo jeedinayey Culimo Soomaaliyeed oo ka kala yimid Gobolada Dhexe,Puntland iyo Soomaliland.

 

Nadwadan Diiniga ayaa waxa ka soo qaybgalay Dadweyne tiro badan oo isugu jiray Culimo,Rag,Haween iyo weliba dhallinyaro fara badan,sidoo kale waxaa iyana ka qaybgalay Nadwadaasi qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Dowladda Puntland.

 

Nadwadan socotay mudada Todobaadka ah ayaa waxa ay Culimadu inta badan ay ka hadlayeen Dagaalada ka socda Koonfurta Soomaaliya oo ay ku sheegeen mid aanay Diinta Islaamku banaynin waayo ilaahay ma ogola qof muslim ah oo si gardara ah loo dilo,sidoo kale waxa ay culimadu ka hadleen Taariikhdii dacwada Dalka Soomaaliya,xadgudubka Diineed iyo raadka uu ku yeesho Dacwada Bulshada Rayidka ah,Burcadbadeeda iyo waxyaabo kale oo badan.

 

Sidoo kale Dadweynaha ka soo qaybgalay Nadwada ayaa Culimada waxa ay weydiinayeen Su'aalo kala duwan,culimaduna waxa ay uga jawaabayeen si waafi ah.

 

Culimadan Soomaaliyeed ayaa inta ay joogaan Magaalada Garowe waxa ay muxaadarooyin u soo jeedin doonaan qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Ganacsatada,Dhallinyarada iyo Haweenka.

 

Culimadan Nadwada ka waday Masjidul Alhudaa ayaa waxay ilaahay ummadda Soomaaliyeed uga baryeen in Dowladnimadeedii iyo Qaranimadeedi u soo cesho Colaadana ka dulqaado.

 

News202742023104558706.JPGNews202742023104558706.JPGNews202742023104558706.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:Dawlada Puntland oo qaabishay Culimada ugu Caansan Dalka Soomaaliya..(Faafahin ku saabsan kulankan).

 

Garoowe:(Allpuntland)-Wasiiro & Saraakiil ka tirsan Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa maanta qaabiley Culimo Badan oo ay kamid yihiin kuwa ugu caansan Dalka Soomaaliya,oo isaga kala yimid Gobolada Koonfurta,Gobolada Dhexe,Puntland & Somaliland,waxayna Dawladu Culimadan kala hadashay sidii ay Culimada & Xukuumadu u wada shaqeyn lahaayeen.

 

Kulankan oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed waxaa dhanka Dawlada Horkacayey Madaxweyne Xigeenka Dawlada Puntland isla markaasna ah kusimaha Madaxweyne Jen,Cabdisamed Cali shire,waxaana kala qeybqaatay Wasiirada,Warfaafinta Isgaarsiinta Hidaha & Dhaqanka,Wasiirka Qorsheynta & Xiiirka Caalamiga ah,Wasiirka Cadaalada & Wasiiru-Dawlada Maamul Wanaaga ee Puntland.

 

Kulankan oo Saacado badan socday ayaa waxaa ay Dawlada Puntland Culimada uga warbixisey Qaabka Puntland ay u shaqeyso,iyadoo Dawladu Culimada u sheegtay in ay Muhiim tahay in laga wada shaqeeyo Isu keenida Umadda soomaaliyeed & Doorka ay Culimadu ku leedahay.

 

Madaxweyne Xigeenka Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Jen,Cabdisamed Cali Shire ayaa Sheegey in ay Puntland diyaar u tahay soo dhaweynta & lashaqeynta Culimada Soomaaliyeed,isagoo intaas ku daray in Culimada laga doonayo inay ka shaqeeyaan sidii Dalka Nabad loogu raadin lahaa,wuxuuna Madaxweyne Xigeenku ka codsaday Culimada inay Dhameeyaan Khilaafka ka jira Dalka Soomaaliya.

 

Qaarkamid ah Culimadii kulanka ka qeybgashay ayaa iyana halkaas ka hadlay,waxayna Amaan & Bogaadin usoo jeediyeen Xukuumada Puntland & Shacabkeeda oo ay sheegeen inay sifiican u soo dhaweeyeen inta ay joogeen Puntland,iyagoo sheegey in aysan Malaysanayn in meel Soomaaliya kamid ah ay Xasiloonidan oo kale ugu tagayaan looguna soo dhaweynayo,waxayna Muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin Wadashaqeynta Xukuumada & Shacabkooda u dhaxaysa.

 

Culimadu sidoo kale waxay amaaneen Sida ay Ciidamada Puntland Amaankooda u sugayso,Qaarkamid ah Culimada oo ka yimid Konfurta & Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa dhankooda muujiyey in aysan Malaynayn inay jirto Xukuumad Culimo Amnigeeda Sugta iyagoo sheegey in ay arki jireen Dawlada la dirirta Wadaada balse aysan horay u arag Dawlada Culimada la shaqeysa soona dhaweysa,waxaana ay Sheegeen in ay u Mahadcelinayaan Xukuumada Puntland oo uu Madaxweynaha u yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud.

 

Kulankan ayaa kusoo gabagaboobey jawi aad u wanaagsan,waxaana Kulankan ka qeybgalay Culimada u caansan Dalka Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen:-

 

Sh,Cabdulqaadir Nuur Faarax

Sh,Cali Warsame Xasan

Sh,Yuusuf Adan Qaadi

Sh,Dr,Bashiir Axmed Salaad

Sh,Axmed Maxamed Sulaymaan

Sh,Nuur Daley

Sh,Axmed Jabriil

Sh,Ciise Soofe Duraan

Sh,Maxamed Barow

Sh,Yaasin

 

Culimadan ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Soomaaliya waxay Maalmihii lasoo dhaafay ka wadeen Barnaamijyo Diini ah oo Fatwo u badan,waxayna Diirada ku saarayaan Dagaalada Dalka ka dhacaya & sida aysan Diinta wax lug ah kulahayn,waxayna sidookale Fatwooyinkooda uga hadlayeen Gaalaysiinta Qofka Muslimka ah,Amaanka Culimadan inta ay Masjidka joogaan & Hoteladoodaba waxaa Sugaya Ciidanka AMaanka ee Dawlada Puntland,waxayna Maalmaha Soo socda soo gabagabeynayaan Fatwooyinkooda Diinta ee ay Garoowe ka wadaan.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

Garoowe:Dawlada Puntland oo qaabishay Culimada ugu Caansan Dalka Soomaaliya..(Faafahin ku saabsan kulankan).

 

Kulankan ayaa kusoo gabagaboobey jawi aad u wanaagsan,waxaana Kulankan ka qeybgalay Culimada u caansan Dalka Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen:-

 

Sh,Cabdulqaadir Nuur Faarax

Sh,Cali Warsame Xasan

Sh,Yuusuf Adan Qaadi

Sh,Dr,Bashiir Axmed Salaad

Sh,Axmed Maxamed Sulaymaan

Sh,Nuur Daley

Sh,Axmed Jabriil

Sh,Ciise Soofe Duraan

Sh,Maxamed Barow

Sh,Yaasin

Waa xulkii wallee

Share this post


Link to post
Share on other sites

Two quotes stick out to the eye here.

 

Qaarkamid ah Culimadii kulanka ka qeybgashay ayaa iyana halkaas ka hadlay,waxayna Amaan & Bogaadin usoo jeediyeen Xukuumada Puntland & Shacabkeeda oo ay sheegeen inay sifiican u soo dhaweeyeen inta ay joogeen Puntland,iyagoo sheegey in aysan Malaysanayn in meel Soomaaliya kamid ah ay Xasiloonidan oo kale ugu tagayaan looguna soo dhaweynayo,waxayna Muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin Wadashaqeynta Xukuumada & Shacabkooda u dhaxaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Culimadu sidoo kale waxay amaaneen Sida ay Ciidamada Puntland Amaankooda u sugayso,Qaarkamid ah Culimada oo ka yimid Konfurta & Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa dhankooda muujiyey in aysan Malaynayn inay jirto Xukuumad Culimo Amnigeeda Sugta iyagoo sheegey in ay arki jireen Dawlada la dirirta Wadaada balse aysan horay u arag Dawlada Culimada la shaqeysa soona dhaweysa,waxaana ay Sheegeen in ay u Mahadcelinayaan Xukuumada Puntland oo uu Madaxweynaha u yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this