Sign in to follow this  
wacdaraha_aduunka

A prominent figure hailing from Sool and his take on Somaliland and other issues.

Recommended Posts

Cali Khaliif Galaydh Oo Weraysi Kooban Somaliland.Org Siiyay "waxaan Anigu Dhawr Jeer Soo Jeediyey In Laga Fiirsado

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 12 May, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Hargeysa (Somaliland.Org) Shabakadda Wararka Ee Somaliland.Org ayaa caawa waxaa usuurtagashay inay khadka telefoonka ee magaalada Laas Caanood kula xidhiidho Cali Khaliif Galaydh oo ah Siyaasi ka soo jeeda deegaanka Laas Canood ee Somaliland balse aan gooni isku taagga jamhuuriyadda Somaliland ku qanacsanayn, isagoo socdaalkiisani kaga soo qayb gallaya caleemo saarka garaadka cusub ee Beelaha Laas Canood (*********** ) ayaa su'aashii ugu horaysay ee aan weydiiyey waxay tahay

 

 

 

Su'aal: Cali Khaliif Socdaalkaagan aad caleemo saarka garaadka kaga soo qayb gashay ka sokow halkeed ka taagantahay qaddiyadda Madax banaanida Somaliland?

 

Jawaab: Horta Adeer Maxamed Diridhabaw waxaan moodaayey inaad ka qanacday Somaliland iyo qadiyadeeda sidayda oo kale, anigu waxaan ka mid ahaa siyaasiyiintii deegaankani (Laascanood) ee ka qayb gallay 1991-kii shirkii dibu heshiisiinta beelaha waqooyi (Somaliland) ee lagu qabtay magaalada Burco, shirkaasi oo markii danbana khalad la geliyey madax banaanidana lagaga dhawaaqay, waxaan anigu dhawr jeer soo jeediyey in laga fiirsado balse laab lakaca reer Hargeysa ayaa soomaali inteedii kale ka gooyey, haddana aniga mawqifkaygii wax iska bedelay ma jirto raadinta soomaali ayaan ku jira

 

Su'aal: Waxaa maamulkii Cabdiqaasim kuu doortay mar ra'isal wasaare, laakiin waxaa la sheega in aad laguu xumeeyey, Somaliland gudaheedana aan lagaaga yeeleen wixii koonfur lagaaga yeelay, sharaftaadii ayaa meel lagaga dhacay, cabdiqaasim-na wuxuuba kugu tilmaamay nin aan tallada reerkiisu xitaa ka go'in, ma waxaasi oo dhan oo ku gaadhay ayaad leedahay Somaliland weli kuma qanacsani gooni isku taageeda iyo karaamadeeda?

 

Jawaab: haddii uu masayr shacab yahay sidaad sheegayso maxaa beesha caalamku idiin aqoonsan wayday mar hore, Somaliland waan ogahay in shacab jibaysani go'aan ku gaadheen, marxuumkii ina cigaalna waan kala hadlay in aan soomali sidaa loo kala riixin balse waan eegaya halka ay idinla gaadho, ta aad leedahay cabdiqaasim iyo koonfur ayaa lagugu xumeeyey, ninka wax toosinaya oo dhan ayaa aan la caaya, dee idinkuba waa idinkii ina cigaal wax la ogyahay ku odhan jiray.

 

Su'aal: markaynu ka nimaadno taasi, halkee beeshaadu kaa taagantahay, mansabkii siyaasadda miyaad imika ka fadhiisatay waxaan la socda inaad maraykanka iska degentahay oo aad noqotay nin jaaliyadaha ku maweeliya wuxuu qabtay?

 

Jawaab: (Qosol) Kollay siyaasadda hadda jirta ayaan ii cuntamin, balse waxaan naawilaya soomaaliya inta ay ka midho dhalayso, anigu nin reereed ma ihiye nin soomaaliyeed ayaan ahay.

 

Su'aal: Hargeysa Ma imanaysa mise ku tallo jirtaa inaad timaado, wax xidhiidh ahse ma la leedahay Xukuumadda Somaliland?

 

Jawaab: (Qosol) maxaad taasi uga jeeda Hargeysa waa magaala soomaaliyeed imaatinkeeduna dhibaato iguma hayo, aniga reer iyo qoys ayaa iga degen, anigu reer Hargeysa ayaan ahaa waana goobtii aan siyaasadda ka bilaabay intaanan xamar tagin, xukuumadda wax xidhiidh ah ma lihin, balse waan jecla inaan wada hadalo madaxweynaha.

 

Su'aal: Maamulka Embigathi ee xaruntiisu tahay Baydhabo xidhiidh intee le'eg ayaad ka qabta Cabdilaahi Yuusuf Se ma aqoonsantahay hogaankiisa?

 

Jawaab: Maamulka Baydhabo sidaad sheegtay maaha mid soomaali wada kafaynaya, aniguna mawqif ayaan ka taaganahay inaan soomaali ijtihaadka ay martay lagu sixi karin maanta, cabdilaahi yuusuf dee dagaal ooge ayuunbu halkani ka ahaa, imikana kama ah soomaali dhisid iyo hogaan u noqo eh waa mansabkii hungurigu ka hayey mudada dheer oo uu sheeganayo inuu helay, taasina ma qabo in dhibka soomaali haysata ay ka saarayso.

 

Su'aal: Cali Khaliif waxaad leedahay Somaliland Ma Aqoonsani, Dawladda Cabdilaahi Yuusuf-na soomaali u cuntami mayso halkee laguugu soo hagaaga?

 

Jawaab: (Qosol) adeer diridhabaw soomaali jecaylnimo iigu soo hagaag

 

Su'aal: Aad ayaa laguugu ilaaliya Laas Canood ayaa la yidhi oo ammaankaaga ayaa la adkeeyey maxaa baqdinta intaasi le'eg keenay?

 

Jawaab: (Qosol) waa been cid aan ilaahay ahayn oo aan ka baqdin qabaana ma jirto, shacabkaygii iyo dadkaygii aan jecla ee reer laas canood ayaan hadeer ku dhex jira.

 

Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba)

Somaliland.Org, Hargeisa

diridhaba@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Amateurish, unprofessional questions indeed, the whole interview is based on " Cabdullaahi Yuusuf hadaadan taageersaneyn maad anaga na taageertid anagaa ku sheeganee dhul ahaan marka la yiraahdo"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cacaacal.qam iyo baliis-baliis.quuq

 

Su'aal
: Waxaa maamulkii Cabdiqaasim kuu doortay mar ra'isal wasaare, laakiin waxaa la sheega in aad laguu xumeeyey, Somaliland gudaheedana aan lagaaga yeeleen wixii koonfur lagaaga yeelay, sharaftaadii ayaa meel lagaga dhacay, cabdiqaasim-na wuxuuba kugu tilmaamay nin aan tallada reerkiisu xitaa ka go'in, ma waxaasi oo dhan oo ku gaadhay ayaad leedahay Somaliland weli kuma qanacsani gooni isku taageeda iyo karaamadeeda?

 

Jawaab
: haddii uu masayr shacab yahay sidaad sheegayso maxaa beesha caalamku idiin aqoonsan wayday mar hore...

:D:D:D Jawaab fiican maxaa la siiye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sophist yeah it must be real as this was posted by somaliland.org and also i dont understand why they posted it due to the nature of the comments made about somaliland because o would expect them to hide it as all somalis's do try to cover up comments that are negative to their political goals.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nazir   

Wacdaraha, This is somaliland not somalia sxb we don't cover things up or sweep them under the rug. The man was interviewed and his opinion should be posted regardless of his point of view.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nazir a made coment that was general and not to a specific area of somalia. But what you said was that this doesnt occur in somaliland and that was wrong. But there are many journalists in south and puntland that do report everything.

 

Go to Jamhuriya page and see what happened to the journalist trying to report on Ryaales visit to ethiopia and possible meeting with cadde musse and the journalist from Haatuf who made an interview with Ismail Hurre Buuba about somaliland who' still in jail.Oh this doesnt occur in somaliland according to you. Hope that this doesnt happen to the journalist in the somaliland.org who was brave enough to post this.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Professor Cali Galaydh said,

 

Maamulka Baydhabo sidaad sheegtay maaha mid soomaali wada kafaynaya, aniguna mawqif ayaan ka taaganahay inaan soomaali ijtihaadka ay martay lagu sixi karin maanta, cabdilaahi yuusuf dee dagaal ooge ayuunbu halkani ka ahaa, imikana kama ah soomaali dhisid iyo hogaan u noqo eh waa mansabkii hungurigu ka hayey mudada dheer oo uu sheeganayo inuu helay, taasina ma qabo in dhibka soomaali haysata ay ka saarayso.

I fully agree. The professor is one of the respected Somalis here in the twin Cities as well as his home region of Sool. His response to the questions that was asked were honest, and in accordance of the way he views the situation.Therefore he has full right to express his opinions and there is nothing wrong with that in my view. The Somaliland media has no problem posting it into its websites. Everyone in Hargeysa is fully aware of the stand of Prof. Cali Galaydh regarding Somaliland.

 

Moreover, yes the Jamhuriya reporter was arrested and that should come no surprise to anyone since it's taking place in Africa . The peace and posperity in Somaliland is the thing that draws the most attention and matters the most, not few reporters that have been abused and denied their rights to do their job properly by the spearhead politicians. After all they are Politicians and their actions don't neccesarily reflect of that of the people themselves.

 

Assalamu Calaykum.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

-- Horta Adeer Maxamed Diridhabaw waxaan moodaayey inaad ka qanacday Somaliland iyo qadiyadeeda sidayda oo kale, anigu waxaan ka mid ahaa siyaasiyiintii deegaankani (Laascanood) ee ka qayb gallay 1991-kii shirkii dibu heshiisiinta beelaha waqooyi (Somaliland) ee lagu qabtay magaalada Burco, shirkaasi oo markii danbana khalad la geliyey madax banaanidana lagaga dhawaaqay, waxaan anigu dhawr jeer soo jeediyey in laga fiirsado balse laab lakaca reer Hargeysa ayaa soomaali inteedii kale ka gooyey, haddana aniga mawqifkaygii wax iska bedelay ma jirto raadinta soomaali ayaan ku jira

 

-- haddii uu masayr shacab yahay sidaad sheegayso maxaa beesha caalamku idiin aqoonsan wayday mar hore, Somaliland waan ogahay in shacab jibaysani go'aan ku gaadheen, marxuumkii ina cigaalna waan kala hadlay in aan soomali sidaa loo kala riixin balse waan eegaya halka ay idinla gaadho, ta aad leedahay cabdiqaasim iyo koonfur ayaa lagugu xumeeyey, ninka wax toosinaya oo dhan ayaa aan la caaya, dee idinkuba waa idinkii ina cigaal wax la ogyahay ku odhan jiray.

 

-- Maamulka Baydhabo sidaad sheegtay maaha mid soomaali wada kafaynaya, aniguna mawqif ayaan ka taaganahay inaan soomaali ijtihaadka ay martay lagu sixi karin maanta, cabdilaahi yuusuf dee dagaal ooge ayuunbu halkani ka ahaa, imikana kama ah soomaali dhisid iyo hogaan u noqo eh waa mansabkii hungurigu ka hayey mudada dheer oo uu sheeganayo inuu helay, taasina ma qabo in dhibka soomaali haysata ay ka saarayso.

 

-- (Qosol) adeer diridhabaw soomaali jecaylnimo iigu soo hagaag

 

Anyways, Good answers

 

Whats good about the Professor is that he Addresses all Somali

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this