Sign in to follow this  
Xudeedi

Xingalool: Poet, Politician, Peace Advocate Maxamed Cali Gurey Have Passed Away

Recommended Posts

Xudeedi   

Xingalool: Marxuum Maxamed Cali Gurey oo ku geeriyooday magaalada xingalool oktober 9,2009 ayaa da'diisu aheeyd 92 sano jir isagoo dhashay waxtigii dagaalkii koowaad ee aduunku sii dhamaanayey Soomaliyana dagaaladii daraawiishtu ka socdeen.Marxuumku wuxuu ku dhashay halka aay magaalada Ceerigaabo maanta tahay oo aan markaas magaalo aheeyn.

 

Marxuumka ayaa ka soo jeeda qoys xoolo dhaqato ah oo aanayna ka madhneeyn xadaaradii Waqderiya ilaa beri carbeed (Cadan, Yemen). Marxuumka oo ahaa dhalinyaradii garab taagneeyd Siyaasiyiintii iyo Salaadiintii reer Sanaag sida Cumar Hoori iyo Suldaan Maxamuud Cali Shire markii aay ku unka yeen ururkii siyaasiga ahaa ee U.S.P meesha looyaqaan Golkhaatumo ee duleedka magaalada Laascaanood ururkaas oo dhaliyey xornimadii waqooyiga Soomaliya ay ka qaateen Ingiriiska.

 

Marxuum Maxamed Cali Gurey waxaay saaxiib dhoow ahaayeen Abwaankii iyo wadanigii Soomaliyeed ee Xaaji Aadan (AF-QALOOC).Marxuum Maxamed wuxuu ahaa ninkii xifdiyey isla markaana ku luuqeeyn jiray wixii uu suugaan, murti iyo gabayo uu lahaa Abwaan xaaji Aadan Afqalooc.Marxuum Maxamed wuxuu ahaa abwaan iyo gabyaa aad u yaqaan suugaanta soomaalida.

 

Marxuum Maxamed waxaa uu ahaa beeldaaje,Samadoon, odey beeleed Soomaaliyeed khaas ahaan gobalka Sanaag magaalada ceerigaabo.Waxaa oo ku soo jiray dawladahii hoose ee magaalada Ceerigaabo tan iyo intii Soomalidu xornimada qaadatay haday ahaan laheeyd dawladihii shacbiga haa iyo kuwii militeriga ahaaba. Isagoo ahaa siyaasi heer degmo ilaa heer qaran. Marxuum Maxamed waxaa uu taageeray inay heshiiyaan isla markaana aay nabad kuwada noolaadaan beelihii dagaalka sokeeye ku dhexmaray kuna kala qaxay magaalada ceerigaabo dhamaadkii sideetamaadkii iyo bilowgii sagaashanaadkii arintaas oo hirgashay. Mar dagaal ka dhacay gudaha magaalada ceerigaabo bilowgii sagaashanaadkii dagaalkaas oo dhexmaray beelaha walaalaha ah ee galbeedka ceerigaabo marxuum maxamed wuxuu ahaa Gudoomiyihii ergadii dhexdhexaadinta arintaas oo nabad ku dhamaatay.Marxuumku wuxuu si toosa iyo mid aan aheeynba uga qeyb qaatay Nabadeeyntii Gobolka Sanaag meeshii aay ku qabsoontayba.

 

Marxuum maxamed Cali guray wuxuu ahaa abwaan, siyaasi, wadani iyo odey dhaqameed soomaliyeed oo soomaali ka baxay.

 

Qoysaskan hoos ku xusan iyo qaar kale oo aanan halkan ku xusin Magacyadoodu waxaay tacsi udirayaan eheladii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka geeriyooday MAXAMED CALI GUREY oo ku geeriyooday magaalada Xingalool ee Gobalka Sanaag taariikhdu markaay aheeyd October 9,2009 oo ku beegan 20 bisha xurmada leh ee Dulqicda.Waxaay tacsi dirayaashu ilaahay uga baryayaan qoyskiisa Reer Maxamed Cali Gurey iyo reer Cali Gureyba in samir iyo iimaan ilaahay ka siiyo geeridaa marxuumka ku timi isagana ilaahay hooy amase guri uga dhigo Janadii Farduusa.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHU RAAJACUUN.

 

Dhahar Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Marxuumka oo ahaa dhalinyaradii garab taagneeyd Siyaasiyiintii iyo Salaadiintii reer Sanaag sida Cumar Hoori iyo Suldaan Maxamuud Cali Shire markii aay ku unka yeen ururkii siyaasiga ahaa ee U.S.P meesha looyaqaan Golkhaatumo ee duleedka magaalada Laascaanood ururkaas oo dhaliyey xornimadii waqooyiga Soomaliya ay ka qaateen Ingiriiska.

Ilaah ha u naxariisto. He was a hero indeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this