Sign in to follow this  
Che -Guevara

Baydhabo falls to Al-Shabaab

Recommended Posts

Yaa ii yeedhay ???

 

 

Give a little time until the conference finishes in Djibouti and you will see a religous civil war ,,,,, i can already see the signals sxb.

 

Ilaahay ha sahlo ,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-Shabaab officials gave first pardon to the captured TFG MPs and the Governor. The TFG members were later transported out of the city and exiled. -- AllPuntland, Dayniile.

 

At least this is "First Strike" similar to the one given to Wardiile a while back. If these individuals are captured again plotting against Al-Shabaab, we can imagine what Al-Shabaab will do to them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoogaga Alshabaab oo sii daayay Xildhibaano uu ka mid ahaa Xaabsade iyo Abuu Mansuur oo Baydhabo ka sagootiyay.

 

 

Ururka Alshabaab ee galabta la wareegay guud ahaan Magaalada Baydhabo ee xarunta Baarlamaanka ayaa sii daayay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Baay oo ay gacanta ku dhigeen markii ay la wareegeen gacan ku heynta Magaaladaas.

 

Sida ay sheegayaan wararka caawa ka imaanaya Magaalada Baydhabo Ururka Alshabaab ayaa sii daayay Wasiirka Gaadiidka cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade, Xildhibaan Ibraahim ***** Yarow, Gudoomiyaha Gobolka Baay C/fataax Ibraahim Geesey iyo Aadan Saransoor oo ka mid ah Saraakiisha Ammaanka, kadib markii ay galabta ka qabteen Magaalada.

 

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanadaas iyo Ururka Alshabaab uu dhex maray is afgarad, iyagoona iska soo wareejiyay Hubkoodii, waxaana markii dambe ay isaga baxeen Magaalada Baydhabo, iyadoona uu jiray wada hadal hoose oo lagu sii daayay.

 

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ay isku heyb yihiin Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa la sheegay inuu sii dhoweeyay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Mas'uuliyiinta Gobolka Baay, waxaana ay abaareen dhinaca Gobolka Bakool, halkaasoo aan la ogeyn meesha ay uga sii gudbi doonaan.

 

Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa caawa degan iyadoona dadweyne aad u xamaasadeysan ay isugu soo baxeen wadooyinka Magaalada kuwaasoo ku faraxsan la wareegitaanka Magaalada, oo caawa markii u horeysay ay ganacsiga ay furan yihiin, waxaana mudooyinkii hore oo ay Ethiopianka joogeen Magaalada ay aheyd mid ganacsiga galbihii albaabada loo laabi jiray.

 

Xoogaga Alshabaab ayaa gacanta ku dhigay Hub fara badan oo ay Ciidamada Ethiopianka ugu tageen Maleeshiyaadka deegaanka iyo kuwa Dowladda, waxaana Hubkaas oo ay ku jiraan gaadiidka dagaalka uu yahay kii ugu badnaa ee Shabaabka gacanta u galo mudadii labada sano ee ay dagaalka kula jireen Ethiopianka.

 

Qabsashada Alshabaab ee Xaruntii Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo ayaa waxay fariin ku socoto tahay Xubnaha Baarlamaanka ee Jabuuti ku maqan oo markii hore fariisin KMG u aheyd, waxaana muuqata in aanay boos uga banaaneen Magaalada oo ay meel kale sii raadsadaan bacdamaa Alshabaab ay la wareegtay Magaalada oo idil.

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Baydhabo (Al-Shabaab oo sii deysay Xildhibaano dhowr ah oo gacanta ay ku dhigeen)

26. Januar 2009

 

 

Baydhabo(AllPuntland)- Wararkii ugu danbeeyay ee caawa naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in jawiga uu degan yahay, goobaha ganacsiga ay furan yihiin, isla markaana amaanka wadooyinka iyo goobaha muhiimka ay sugayaan Maliishiyooyinka Al-Shabaab ee galabta la wareegay.

 

Maliishiyooyinka Jabhadul Islaamiya, Ururka Al-Shabaab ayaa si rasmi ah gacan ku heynta magaalada Baydhabo la wareegay, waxayna maliishiyooyinkaasi isku dhafan ay wadaan howlgalo lagu xoojinaayo amaanka guud ee magaalada Baydhabo.

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Xildhibaanadii ay gacanta ku dhigeen Al-Shabaab iyo Jabhadaasi isbaheystay in la sii daayey iyagoo aan waxba la gaarsiin, waxaana ka mid ah Xildhibaanada la sii daayey Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade, Xildhibaan Ibraahim ***** Yarow, Xildhibaan Ibraahin Kiish-buur, Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey iyo Aadan Saransoor iyo xubno kale oo saraakiil ciidan ah, kuwaasi oo hubkii ay heysteen ku wareejiyay Xoogaga la wareegay gacan ku heynta Baydhabo, waxayna Xubnahaasi u dhaqaaqeen dhinaca Gobolka Bakool.

 

Sii deysmada Mas'uuliyiintan ayaa ka danbeysay wada hadal dhex maray waxgaradka Gobolka, Saraakiisha Al-Shabaab iyo xubnaha gacanta lagu dhigay, kadibna si nabadgelyo leh loo sii daayey.

 

Ka hor inta aysan la wareegin gacan ku heynta magaalada Baydhabo Al-Shabaab iyo maliishiyo horay ugu tirsaneyd Dowladda KMG ayaa dagaal fool ka fool la galay Al-Shabaab, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha uu dagaalkaasi geystay, sidoo kale waxaa magaalada ka dhacday bililiqo mudo kooban socotay, taasoo hakaday markii Al-Shabaab ay soo galen gudaha Baydhabo.

 

Xaalada ayaa haatan caadi ah, mana jiraan wax cabsi ah oo dadka ay muujiyanayaan, waxaana caawa ay dadku raxan raxan u socdaan wadooyinka waaweyn ee magaalada Baydhabo, iyadoo taasi aan in mudo ah dadku arkin tan iyo markii ay ciidamada Itoobiya gudaha u galeen Baydhabo.

 

AllPuntland, Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Al shabaab are winning the battles, and Puntland and Somaliland are next :D

 

Tolow waxan Djibouti lagu dhisi xagay tegi?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Dabshid:

Al shabaab are winning the battles, and Puntland and Somaliland are next
:D

 

Tolow waxan Djibouti lagu dhisi xagay tegi?

That will never happen! The people of Puntland are not the same quality as those conquered by Al-shabab in Kismayo and Baydoa, PL entity is waay to advanced and organized for these rag-tag militia to handle.

They will all be in flames at the gates of PL, this time around for their own sake they should stop while ahead and focus their attention on the shambles that is the south or else face complete annihilation, to much greed has destroyed many forces before and Al-shabab is not an exception.

Share this post


Link to post
Share on other sites

As Libax reports, this is the begining of alshabaab's political maturity. While it is secondary in my mind how they treat warlords and political has-beens, it's quite releiving to see them embrace the art of politics.

 

Now the reaction from Jabbuuti will be equally important. Lets see how they react to this massive victory and power display in Baydhabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Al-shabaab took over Baydhabo following the looting and lawlessness that came following the departure of the TFG stooges. The last few days has been marked by murders and looting of properties.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

^Baidoa is gone, and nobody likes to paraded on streets, and humiliated, what will be your say,when Riyaale is captured? smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this