Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Somali PM arrives in capital-PICS

Recommended Posts

Fahfaahin dheeraad ah Nur Cadde oo tagey Muqdisho

19 Jan 19, 2008 - 11:57:15 PM

 

Ra'iisul Wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo qaar ka mid ah golihiisa Wasiirada ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

 

Nuur Cade waxa uu salaan ka qaatay saraakiisha ciidamada Somalida kuwa nabad ilaalinta AMISOM iyo kuwa Ethiopia iyadoo mid mid loo kala baray saraakiisha waxana uu si wayn uga mahadceliyay sida kalsoonida leh ee loogu soo dhaweeyay garoonka magaalada Muqdisho.

 

Intaasi kadib waxa uu u gudbay hoolka madaxda sare ee ku yaala garoonka diyardaha Muqdisho halkaasi oo uu saxaafadda kula hadlay.

 

 

Ra'isal Wasaaraha iyo xubnihi so dhoweeyey oo salaan qaadanaya.

"Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada Somaalida meel walba oo ay joogto waxaan leeyahay aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta soo gaaro magaalada caasimada ah ee Muqdisho sidaasi darteed waxa leeyahay shacabka Somaliyed ha ku dadaalaan sidii ay dhibaatada uga bixi lahaayeen anaguna waxaan samayn doonaa tilaabo haboon oo lagu faani karo illaahayna hanala garab galo xilkaan culus", ayuu yiri Ra’iisal wasaare Nuur Cade.

 

Waxa uu si aad ah ugu dheraaday Ra’iisal Wasaraha Soomaaliya doorka saxaafaadda Soomaaliya ay ku leedahay wadanka isagoo ammaan iyo bogaadin u diray guud ahaan bahda saxaafadda madaxabanaan waxaana uu uga tacsiyeeyay dhibaatada adag ee ay ugu shaqaynayaan shacabka waxana uu xusay in saxaafada ka howlgasha magaalada Muqdisho ay dhibaato ka sheganayso dowladdiisa KMG ah isagoo carabka ku adkeyay in arrintaasi ay wax ka qaban doonaan.

 

"Waxaan ogahay in xilikaani uu yahay mid culus hadana waqti dhib badan ayaa la ii dhiibay waxaan jeclahay inaan si hufan oo daacad ah wax uga qabto dhibatada haysata warbaahinta dalka oo dhan sidaana waxa sheegay Wasiirka Warfaafinta xukuumada KMG ahna Ra’’iisal Wasaare ku xigeen Axmed Cabdi Salaam Xaaji Aadan.

 

Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur cade) ayaa muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in dib u heshiin dhab ah laga hir galiyo dalka oo dhan.

 

"Waxaan ka gudbi doonaa qaabka dowladaan wax loogu qaybiyey ee ah 4.5 ka waxana loo gudbi doonaa xili qof walba uu codkiisa dhiibto taasoo aan rajo wayn ka qabo sida ugu dhaqsiyaha badan waxaan heshiis la furaynaa mucaaradka dowladda ka soo horjeeda meel walba oo ay joogaan iyo meel kasta oo ay doonayaan inaan kulan kula yeelano diyaar ayaan u nahay". ayuu sii raaciyay hadalkiisa Nuur Cade.

 

Mas’uuliyiintii ku soo dhaweysay garoonka Aadan Cade Internatianl Airport waftiga Ra''isal Wasaaraha waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere),taliyaha Ciidamada booliska Cabdi Xasan Cawaalle (Qeybdiid),taliyaha ciidamada nabad sugida Maxamed Warsame Darwiish iyo sarakiisha ciidamada AMISOM oo ay wehliyan kuwa ciidamada Ethiopia.

 

Ra’iisal Wasaarha Xukuumada Somalia ayaa sheegey in golihiisa Wasiiradda ay ku shaqayn doonaan magaalada Muqdisho isagoo intaasi ku daray in ay u kuur galayaan xaalada magalada iyo dhibatada haysata dadka shacabka ah ee dagaladu ragadiyeen.

 

Weftigaan ayaa loo gudbiyay xarunta Madaxtooyada Villa-Somalia waxaana galbiyay gadiidka gaashaaman ee ciidamada nabad ilaalinta AMISOM iyo Ciidamada dowladda KMG ah.

 

MM Odowaa,Muqdisho.

Garowe online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nur Cadde oo soo gaarey Muqdisho

 

Ra'iisul Wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo golihiisa Wasiirrada ayaa ka dagay goor dhaweyd Garoonka caalamiga ah [Aadan Cadde] ee Muqdisho, iyagoo kasoo duulay Baydhabo.

 

Wafdigaan oo gaaraya 21-ruux oo uu ku jiro Ra'iisul Wasaaraha Somalia ayaa lagu sheegay socdaalkooda inuu yahay inay wax badan ka ogaadaan xaaladda Muqdisho, iyadoo ay kusoo dhaweeyeen Garoonka Muqdisho xubno badan oo ka tirsan DF.

 

Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay saxaafadda la hadlaan; maanta iyagoo ka warbixin doona imaanashahooda Muqdisho iyo sababta dhabta ah ee ka dambeysa.

 

Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho ayaa waxaa la xiray saakay, iyadoo loo diiday dadka iyo gaadiidka inay maraan halkaas, waxaana Nuur Cadde ay u noqonaysaa markii ugu horreysay ee uu yimaado Muqdisho, tan iyo intii loo magacaabay Wasiirka Kowaad ee Somalia.

 

Ilo wareedyo hoose ayaa waxay u sheegeen Garowe Online in golaha cusub ee Wasiirrada DF ay ku shaqeyn doonaan magaalada Caasimadda ee Muqdisho, iyadoo la sheegay inuu taas go'aan ku gaaray Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

 

Wararka ku saabsan Ra'iisul wasaaraha iyo xubnaha Wasiirradiisa waxaan idinkugu soo gudbin doonnaa wararkeenna dambe.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: RW oo Tagey magaalada Muqdisho.

 

20. januar 2008

Muqdisho(AllPuntland)- Raysalwasaaraha dowlada Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa tagey Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,isagoo ay socdaalkiisa ku waheliyaan Xubno ka mid ah golaha Xukuumada ee Soomaaliya.

 

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhaweyn balaaran loogugu sameeyey Magaalada Muqdisho , ka dib ayadoo ay magaaladu kala xirneed maanta oo dhan.

 

Inta badan Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa xiran mana jiraan cid ka mid ah dadka Magaalada oo goobahaasi maraya ,xataa ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaqdooda la yareeyey.

 

Villa Soomaaliya wadooyinka soo gala ayaa xiran ,waxaana amaanka sugaya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Kuwa Itoobiya ,waxa ayna ciidamadu ku jiraan feejignaan dheeri ah.

 

Warar ku dhow dhow Socdaalka RW Soomaaliya ayaa sheegaya in uu RW la kulmayo Madaxda beelaha ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo Saraakiisha Milateriga oo uu kala hadlayo xaalada Amaanka ee Magaalada Muqdisho.

 

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa lugu wadaa in uu galabta kulan la qaato Saraakiisha kala duwan ,ayagoo looga hadlayo Kulamadan arimaha ku aadan xaaladaha Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya.

 

Faarax Cabdulqaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Is it me or is the prime minister being welcomed like he is a visiting foreign leader.Baydhabo ka duuley Mogdisho aadey why all the fuzz.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Gediid:

Is it me or is the prime minister being welcomed like he is a visiting foreign leader.Baydhabo ka duuley Mogdisho aadey why all the fuzz.

You know,i was about to say this. You would think the guy is travelling to Addis,WTF, This is his freaking hometown,his bloody(literally actually) capital citttttyy!!!

 

Also,ma indhahayga baa,mise habar abuulantay oo abootadey ka weyn baa gaardineysa? :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baidoa has become, ironically, more dangerous for politicians than Mogadishu, what with all the assassinations lately. Ironic because they didn't want to move to Mogadishu due to security concerns.

 

The government of Somalia is only safe if the Ethiopian military is there. They cannot trust their own citizens not to kill them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

This PM walks and talks as a placeholder. No new strategy is forthcoming. Does not know or say when or under what condition would the invading Ethiopians tanks leave. He seems to be counting on the military muscle of Addis as the ultimate solution to the Somali crisis -- tame them policy approach. In short, the man is not independent enough to change the equation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Baashi:

This PM walks and talks as a placeholder. No new strategy is forthcoming. Does not know or say when or under what condition would the invading Ethiopians tanks leave. He seems to be counting on the military muscle of Addis as the ultimate solution to the Somali crisis -- tame them policy approach. In short, the man is not independent enough to change the equation.

*Axem* :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

^ yeah really :D , not bad at all.

 

Originally posted by Faarax-Brawn:

Also,ma indhahayga baa,mise habar abuulantay oo abootadey ka weyn baa gaardineysa? :confused:

L0L. Oo abbaar iyo gaajaa jirto maxa loo lahaa? Sowtan islaamahan is qaadi la'.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this