Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: PM Sharmarke lands in Puntland

Recommended Posts

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Goor-dhaw soo gaaray Gaalkacyo.

 

 

Ra’iisul wasaaraha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Cumar C/rashid Cali Sharma’arke ayaa waxa safarkiisa ku wehliya wasiirka Ganacsiga dowladda Soomaaliya Cabdirshiid Ciro iyo qaar ka mida ah Xildhibaanada Dowlada KMG ah.

 

Madaxwayneha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamed Faroole iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladiisa ayaa ku soo dhaweeyay Ra’iisal wasaaraha iyo wefdiga la socda Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo, halkaasoo ammaanka aad loo adkeeyay.

 

Wefdiga Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo ay galbinayeen Kolanyo gaadiid dagaal ah, ayaa waxa loo gudbiyay dhinac Hotel-ka “Taar City, halkaasoo ay horey u daganaayeen Madaxda Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed.

 

Muxuu ku saabsan yahay Safarka Wefdigani.

 

Wasiirka Warfaafinta Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Farxaan Cali Maxamuud oo wareysi siiyey La’aanta Af Ingiriiska ee VOA-da, ayaa waxaa uu sheegay in Ra’iisal wasaaruhu ,Madaxda Puntland kala hadli doono sidii Dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland uga wada shaqayn lahaayeen arimaha Milateriga iyo sidii xal kama dambays loogu helo lahaa Burcad Badeeda Soomaalida ee ka qowlaysta Xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

 

”Ra’iisul wasaaraha waxaa u degaanada Puntland safar ahaan u ku joogi doona labo ila 3-maalmood,waxaana u noqonaaya markii ugu horeysay oo uu safar ku tago Puntland tan iyo markii uu noqday Ra’iisul wasaare.waxaan rajaynaaya in safarkiisa ay ku wehelin doonaan Wefdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada iyo sidoo kale Ururada Bulshada”,ayuu yiri Farxaan Cali Maxamuud.

 

Wasiirka ayaa beeniyey in Ra’iisul wasaaraha uu safarkiisa ka dambeeyay dilkii dhawaan Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Wadaado Baaskitaaniyiin ah oo gaareeyey 7-qof kuwa oo lagu dilay shan ka mid ah Masjid ku yaala Galkacyo.

 

”Safarka waxaa u qorshihiisa bilaabmay 3-bilood ka hor,mana u tagaayo arimo ku sabsan Dilalkaasi ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

 

”Maamulka Puntland waxaa u kala hadli doonaa sidii aan isaga kaashan lahayeen dhinaca amniga,waxaa maanta ka dhaca Muqdisho, saamayn waxay ku yeelan karta Puntland,marka iskaashi dhex mara puntland iyo Dowladda Federaalka ah waa arin munaasib ah ayuu yiri” ayuu yiri Mar kale wasiirka warfaafinta dowlada Soomaaliya.

 

Ugu dambayntii Farxaan Cali Maxamuud waxaa u Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed ku amaanay Nabada iyo Xasiloonada ka jirta degaanada ay ka taliso oo ay dadweyne fara badan ku noolyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka arimaha dibadda ee xukuumadda KMG ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay safar Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/raashiid Cali uu maanta ku aaday Maamul Goboleedka Puntland.

 

 

 

Wasiirka arimaha dibadda dowladda KMG Max’ed C/laahi Oomaar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka warbixiyay safar uu ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG uu maanta ku aaday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,waxaana uu sheegay in in Ra’iisul wasaaruhu uu kala hadlayo Maamulka Pumntland arimaha amaanka ee goboladaasi iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen dowladda KMG iyo Maamulkaasi.

 

 

 

Sidoo kale wasiirka arimaha dibadda waxaa uu sheegay in kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay ku fashilmeen afgamboi ay la damacsanaayeen dowladda KMG kuwaasi oo mudo labo bil ah dagaalo iyo weeraro kula jiray dowladda KMG sida uu sheegay.

 

 

 

Ma’ahan Markii ugu horeysay ee dowladda KMG uu sheegato in ay fashiliyeen afgambigii ay xoogaga hubaysan ku doonayeen in ay ku afgambiyaan dowladda KMG ee Soomaaliya iyadoo Madaxweyne Sheekh Shariif uu koor sii horeeysay sedan oo kale uu u sheegay in ay fashiliyeen afgambiga xoogaga hubaysan ay la doonayeen dowladda KMG Ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'isal Wasaaraha Somalia oo ka dagey Galkacayo

17 Aug 17, 2009 - 4:28:11 AM

 

Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid iyo wafti uu hogaaminayo ayaa hadda ka dagey 17 August,2009 Garoonka diyaaradaha magaalada Galkacayo halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Madaxweynaha Puntland iyo golayaashiisa dowladda.

 

Waftiga Ra'isal wasaaraha ayaa waxaa uu ka kooban yahay Wasiiro iyo Xildhibaano kuwaasoo muddo sadex maalmood ah ku sugnaan doonaa Puntland.

 

Wararka Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in Waftiga Ra'isal wasaaraha loo gudbiyey halkii ay ka dagi lahaayeenGalkacayo  iyada oo la filayo in habeenka caawa ay bilaami doonaan wadahadalo dhexmari doonaa labada dhinac.

 

Wadahadaladan ayaa ku saleysnan doona qaabka dowladda Puntland iyo Federaalka u shaqeyn lahaayeen inta la helayo maamul baahsan oo la mid ah kan Puntland.

 

"Ka dagista Galkacayo Raísal Wasaraha Somalia ayaa ka dhigeysa in amaanka degaanada Puntland si buuxda ay gacanta ugu hayso dowladda kadib dilal ka dhacey halkas asbuucyadii la soo dhaafey", sidaas waxaa yiri sarkal magaciisa ka gabsadey oo ka tirsan maamulka Puntland oo la hadley Warsidaha.

 

Sarkaalkaan ayaa warsidaha Garowe Online u sheegey in maamulk sare ee Puntland ugu shaqeyn doono Galkacayo sida magalooyinka kale ee Puntland [Garowe & Bosaso] wixii hadda ka dambeeya taasna ay tahay go'aan dowladdu gaartey.

 

Safarka Raísal wasaaraha ayaa ka dhigaya kii ugu horeeyey ee ku tago maamulka Puntland tan iyo intii loo magacaabey xilkaan.

 

Garowe Online,Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raysalwasaaraha Soomaaliya oo soo gaaray Puntland.

17. august 2009

 

Gaalkacyo(AllPuntlan d)- Raysalwasaaraha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Mr. Cumar Cabdi-Rishiid Cali Sharmaake iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalo Madaxda gobalka Mudug ee Gaalkacyo, waxaana soo dhaweeyey Wafdiga, Madaxweynaha dowladda Puntland oo hogaminaya dowladda Puntland.

 

Raysalwasaaraha dowladda Soomaaliya Mr, Sharmaake waxaa ku waheliya socdaalkiisa xubno gaaraya 18 xubnood oo ka socda dowladda Soomaaliya, oo ay ku jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano.

 

Sadexda masuul ee ugu sareysa Puntland ayaa maanta soo dhaweeyey Raysalwasaaraha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxa ayna uga ku soo dhaweeyeen Garoonka Diyaaradaha oo ay ugu tageen, ka dibna waxa ay usoo galbiyeen Hotelka Taar city ee duleedka magaalada Gaalkacyo kuyaala ayna hada degan yihiin Madaxda dowladda Puntland.

 

Wafdiga ayaa qadada ka dib waxa ay bilaabi doonaan la hadalka Masuuliyiinta Puntland, waxa ayna yeelan doonaan wada xaajoodyo ku aadan xaaladaha laga wada hadli doono, sida ay sheegayaan warar Madax banaan oo ka soo baxaya Magaalada Gaalkacyo.

 

Saxaafada ayaa goor dhaw lasiin doonaa faahfaahin ku saabsan waxyaabaha ay dhinacyadu isla soo qaadi doonaan iyo goorta ay bilaabi doonaan Kulamadaasi oo waxyaabaha ugu muhiimsan ay yihiin xiriirka labada dhinan (Dowladda Puntland & Dowladda Faderaalka), Arrimaha Siyaasadaha dalka iyo Amaanka.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Sons of Puntland, Sharmarke, Jurile, Jangeli, Ciro return, when were these men at war with the TFG? No adeer these are our boys.

 

Where are Ibbi, Shakur, Abdulkadir Ali Omar, Sharif & so on?

 

Puntland is the mother of Somalia, its the "Midnimo Qaran" crap we can not take. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

A good, long overdue homecoming for the PM. The visit to Puntland will strenghten the ties between TFG and Puntland. The TFG need to show to the world that it has support outside their enclave in Mogadishu. Sharif also should head to Groowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this