Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Mudane Siilaanyo To the Hajj

Recommended Posts

siilaanyo_ahmed_mohamed_moh.jpg

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) - Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta u ambabaxay dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, isaga oo ka qaybgelaya gudashada waajibaadka Xajka ee sannadkan.

 

Guddoomiyaha, mudane Siilaanyo oo saaka subaxnimadii hore ka dhoofay Gegida Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa isaga oo ay weheliso xaaskiisa, Marwo Aamina-weris Sh. Maxamed, waxa sii sagootiyey xubno ka tirsan Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE.

 

Guddoomiyaha oo ay kula kulmeen qolka Marti-sharafta ee Madaarka Hargeysa weriyayaal ka socdey Radio Horyaal iyo Shabakadda Wararka ee Somaliland.org, wax yar ka hor intii aanu halkaa ka dhoofin, waxa uu sheegay inuu u baxayo gudashada Xajka, sidaas darteed aanu ka hadlayn wax siyaasad ah. Waxase uu u duceeyey shacbiga Somaliland, guud ahaan dadka Muslimiinta ah iyo xujaajta uu ka midka yahay ee sannadkan gudanaysa waajibaadka Xajka.

 

“Illaahay waxaan ka baryayaa in xajkaa aanu maanta u baxnay ee aanu niyeyney uu naga aqbalo. Dadka reer Somaliland iyo muslimiinta guud ahaanna waan u soo ducaynayaa oo aanu illaahay ka baryaynaa inuu caafimaad iyo nabadgelyo iyo wadajir siiyo,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by Libaax-Sankataabte:

^^ And he is wearing one flag as a shirt.
;)

 

Siilaanyo is cool. :cool:

:D little bit of everything.

 

He is cool indeed. Mar hadii uu waajibkiisii soo gudanayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Let see if he can keep wearing the SNM gangs' flag when he arrives in the holy lands.

 

He has a window opportunity to desert the rest of the gang and the delusional dream and present himself in Baidoba immediately after completing the Hajj and asking Allah’s forgiveness. I am sure he will be given a ministerial position and I am sure he has a very good shot to be elected the President of the federal government at 2009 presidential race.

 

It might be a chance of lifetime for him..May Allah show him the right path....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this