Sign in to follow this  
xiinfaniin

A literary dual with A T!

Recommended Posts

Sakhar,

Saaxiib, sharmuud adiga kaama wado. waxaan ka wadaa gabaygii aad soo tirisay iyo midkaan aan meesha ku qorey waa isku hal gabay oo Sayid maxamed baa tiriyey. Raali iga noqo hadii aad si kale u qaadatey. ....I am out on this thread.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inkastuu shaxaad yahay midkaa inanku noo sheegay

Marhadduu intuu shiin cuskaday shiishay xarafkiisa

Oo uu xiin la shawroo haddana gabay ku sheekeeyey

Alleylehu shujjaac inuu yahaaan maanta idin sheegay

 

Ha yeeshee ninkii shidani waa yara shiddoobaayee

Shariifyada u maagaayo iyo sheeko xumadiisa

Shacabkuu hoggaankoota nacay shamal tilmaankiisa

Dagaalada shareed ee dalkii shoolida ka yeelay

Shiqaaqada saxwada iyo markaan sheexda nagu taalla

Sheel-sheelintu doonayyiyo ninkaan shaqfadl'aantiisa

Sharka iyo shiddada taagan iyo shahad xumaanteenna

Ragga sharraxa noo simahayyee shalabka noo qaatay

Oo inay shu'eenteen dhisaan nadar kusii sheegay

Jabbuuti iyo shirkeediyo raggaa showrka nabad qaatay

Ee shacabka naafada ahee shiishka lagu toogtay

Inay jeerkan wada shaafiyaan rabaya shaankooda

Shiddaday wadaan ee kudhibi sheeg haddaad garato!

 

Shanta nabada jecel baan ahayn shallay darraadiiye

Shilka nagu dhiciyoo xarbiga shaamka naga yeelay

Shisheeyahay nawada shiidayoo shiilay shacabkeenna

Shiddadaas wixii dhalay abtow sheeg haddaad garato!

 

Shukriyo and sahriyo waan jeclahay sharaf udkoonkoode'e

Sharta lagula kacay wey dhibtaa shuqul xummaadkiiyye

Hayeeshee shiffay doonayaan shacabkan liitaaye

Shariifyadii haddaad diiday oo tuurtay shaqalkoodi

Bal iisheeg xalkaad hayso ee show-shabka ukeeni!

 

Shaqfadii marraantaa waxun bay shalalablaysaaye

Shanqadheedu waa shawqo iyo shayxun marantiiye

Inta sheekhu noo maqanyahuu sheedda hore joogo'o

Shib inaad tiraahdaa ku wacan shuqul gobeediiye

Ka shin dhowr intaan nabadda guud dooni sharafteeda

 

Allow ma iri!

Share this post


Link to post
Share on other sites

The dialogue thread is a genuine one! This is however is a playful literature exercise between A & T and me. The man has some potential and I want to cultivate him further!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Maadaama nin waliba xaraf qaatey bal anna aan 'G'da ka wardoono!

 

Guluf!

 

Gabbal dheer guluf horor ah haddaad geesiyo u weydo

Ku gedaansho ninaad col kala tihiin afarta geenyoodba

Oon warmahiyo Leebkiyo kuu go'nayn gudin masaar toona

Oo ay gacalladaa baqqatin gaadhoo ilmadu gobo'leyso

Eeri go'an go'doon uu ku dhigay gurmad aan la sugihayn

Hadba talada tii kula gudboon laab gubashadeed dheh

Gargaar kuuma noqon karo Xirsoow anagaaba gowracane

Galabaan fogayn gaalla duul la timi maxas gumaadeene

Na gamuunte gooraan la galabsan gaantaalna noo yimiy e'

Geyi nabdooniyo geella dhalay unbay nagu galaafteene

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ga'du waa the stuff of the rookie :D

 

Try shiink adeer---in the words of Mohamed Dheeg of Hargeysa,

 

Shirbo iyo cayaar bay ahayd shalayto deelley'e

Kumanyaalki ShooxBoole ee Shaacirka is moodey

Shan midhlii xaskuu galay markii shiinka loo rogaye

 

Mid kalena waa digniin shaafiya oo waa shuruud adage

Nin geeraar Shaxaad uu ku helay shir isla soo taagey

Iyo Shuqyareey Heesba waa laga shisheeyaaye

Shafkay hays daraan ragay cadyiin shaarubaa sare'e :D

 

Isku sheega iyo biyo fatalaq shiinka loo geline

 

Adeer meesha A & T baa larabaa in lagu aaso!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reer Bari iyo Reer galbeed aan aragno midkii gabay ku badiya

Waryaa reer galbeed meelbaad kaga dhacdey...maad atleast reer hargeysa iyo reer buuhoodle/Laas Caano noo soo dirtid :D

 

.....

 

 

Gabay niman shib ka ahayn,misna shaacir ku ahayn

Aan shaqalka ugu dhigin,madka iyo khifiyo shalaq

Oo xarafka sheegiyo,xuduuddana shirrabihayn

Oo shooliyoo oran,shafkaygaa wax jiifaan.

Sheegaye midkaasuna (A&T),asna waa shiddiyo hoog!!

 

...

How many times are you going to repeat this stolen bayd? Waxaad leedahay adeer masraxa la imaw

 

Sakhar iyo Emporor fadlan ragga isu dhaafa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Xiin,

 

That's according to you, adeer. Don't try to standardize your views smile.gif . Now, I believe 'ya'leeyda' is the hardest to attempt, which only few great poets such as the Sayidka, Dhoodhaan, M. Dacar and others have managed to do. Shiinleedy isn't all that.

 

Besides, the important should be placed on the meaning and message of a poem, rather than its 'alliteration', to which you seem to negate everything. 'G' is know for its ability to express messages meaningfully. If I were interested in the number of letters I can conjure up, I would have tried the difficult 'Ya' :D .

 

PS: Waan u jeedaa in aad A&T iska daba dhigatay adeer, balse wuu iska kaa dhicin doonaa smile.gif .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oo adiguna maxaa ku dhibayo? Saw shiddo iyo hoog doon matihid?

 

Adeer waxa ku gubaya waan garinyee bal waxaan u mileyanayaa in aan lehelay ninka aad daba-socotid.

 

Edeb yeelo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@Ragga isku dhaafa.

 

ALadiifow, nin reer sheekha oo caalim ah baa Gaalkacyo waa hore tegay. Dadku wuxuu damcay inaan diinta Islamka baro oo tacliimiyyo. Laakiin mid fooxiyye ah oo dadku u xaraysnaayyeen baa wadaadka u arkay inuu qatar kusoo fool leh yahay! Wuxuu go aan ku gaaray inuu wadaadka iska qabto.

 

Dadku magaalada Galkacyo buu iskugu yeeray oo wuxuu yiri aniyo wadaadkan badowga ah ee magaalada dhowaan yimid bal noo garnaqa.

 

Fooxlihii: wadaad quraanka ma taqaannaa ?

Wadaadkii: haa wallaahu aclam.

Fooxle:war aclamtaada ma aqaanne, quraan ma taqaannaa baan ku weydiiyey!

Wadaadkii: haa

Fooxle: qul huwallaahu axad sax ma tahay?

Wadaadkii: haa

Fooxle:Allaahu samadna sax ma tahay?

Wadaadkii: haa

 

Adigu suuratul ikhlaas bu ku dhammeeyey oo wadaadkii haa ka yeersiiyey. Markuu dhammeeyey buu inta dadkii caamada ahaa ku jeestay yiri: asagoo af qushuushleh buu haa leeyay, oo wadaadkii bahal dharbaaxa labada indhood ku dhuftay. Dadkii baa inta soo yaacay yiri: War culumada kala qabta :D

 

It was said the said sheekh left the city and settled in Dhagaxbuur, culumada kala qabta, he thought was more offensive then a slap from what he thought was an ignorant heckler!

 

edit: lol@Paragon. I think your Ga'ley was great but I want inaan A & T inaan jiq uga dhigo, haddii kale hadhow buu wuxuu oran Paragon ba waa ku gabyey ee maxaa aniga laygu diidayyaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ :D Walaahi waad igga qoslisay.

 

 

It was said the said sheekh left the city and settled in Dhagaxbuur,
culumada kala qabta, he thought was more offensive then a slap from what he thought was an ignorant heckler!

Laakiin waxaan umaley adiggu hada inaad ka wax dhirbaaxay tahay....SOL-na Gaalkacyo tahay icon_razz.gif mise kaasi waa A&T.

 

 

....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Paragon, you must've gotten the jist of that stroy :D !

 

ALadiif, war ma sheeko kalaad rabtaa inaan ku sheego? A & T is the ignorant heckler who attempted to slap sh. Xiin, ALadhiif is the one who innocently said culumada kala qabta, or in your case ragga isku dhaafa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Xinn

 

That I differ with you on only one issue naturally limits the amount of ideas in the poem. I cannot fabricate issues that aren't there. Nonetheless, I think this will give you a lesson or sort in modern peom writing which is all about understandibility. Yours is more Arabic than Somali, and it is quite difficult to follow for the young audiences. I guess mine caters to the needs across ages. Quraan iyo Riyaatu-saalixiin kaad miciinsatay markaad Af-Somaligii kugu yaraaday.

 

Sharbin maayoo dhoodaan oo wuu sharaxayaayee

Shabeeladda maxaa laba ka dhigay sheeda kala haysta

Sheeg waaguu yidhii waxaa inaga xiga shan iyo dheeraade

Shalay sheekadii dhacdaa haddana sheekhyadu wadaane

Shariifyada maxaa laba ka dhigay shaambadaha qaata??

 

Sharkii uu midkood shiribay ee shaaca laga qaaday

Shan kun iyo kolkii ay dhinteen Shaafi iyo Shaaxin

Shir inaan galaan rabaa oo shaaha la I siiyoo

Sharaab inaan cabaa haboon oon shandado miisto

Shabakadaha waa in laga daawadaa shaati caddidayda

 

Sheekhi warkiisii markuu sheed u socon waayay

SHABABKAA halgamayaan rabaa inaan la showraayee

Shaydaan dadkaa uu leexsadee uu shanshada gooyey

Shaamareer ayey igu noqdeen aan shakaal qabane

Shilkaha wiilashaa saaran ee shiddaya baaruuda

Sheekh iyo shariif iyagaa ii ah oo sharaf ku maamuusan!!

 

Shanta nabada jecel eed sheegatiyo Xinnow shuqulkaagu

Shanqadhaa aad bixinaysaa ma aha shaafi baa imane

Shirqool muuqda baad ka odhan sheikh baa kuu maqane

Sharooto bishimaha inaad nooga xidho yaad shushubaysaaye

Shaadali inaan YEY la shubto markaan shiidayoo nacayba

Shaalka inaad dhigata ood shuwaal kale laacdo

Shara-calla ayaan idhi oo waa sheekoo ila shiiqsan

 

Sharoobooyin badan oo shaqlan yaan kaa urinayaaye

Shiffo inuu ku siiyaan ka baryi shayga kaa garani

Intaadse meeshan uun shalalaxleyn sheeko baraleeyda

Show inaad taktaa haboonaan laheyd hoyga ina-YUUSUF???

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Originally posted by xiinfaniin:

It was said the said sheekh left the city and settled in Dhagaxbuur,
culumada kala qabta
, he thought was more offensive then a slap from what he thought was an ignorant heckler!

Looooool@ Xinn's honesty! I am actually the grandson of that Sheikh who fled to Dhagaxbuur. Dharbaaxadii awoowgaa baad wali ila daba socotaa, markaasay Paragoon, Abdilatiif, Sakhar iyo rag aan waxba ogayni leeyihiin ""Gabbyaaga aan kala qabano"!!

 

I know you are logged in, inaad wax warqad ku qorqoraysid waa la socdaa ood tolkii isugu yeedhay. The book of the EIGHTH EPOCH reads, "They Shall come togather and scribble down innuendos, but We shall see through their mischiefs and expose their proses disguised as poems".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this