Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Warlords Vs Courts :

Recommended Posts

Ciidamada maxkamadaha Islaamiga ah oo ku guulaystay in ay hawlgab ka dhigaan garoonka Dayniile

 

Muqdisho, Feb. 18, 2006 (WDN) - Ciidamada maxaakiimta islaamiga ah ee gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay oo dhan dagaal kula jiray ciidamo taabacsan isbahaysi la baxay la dagaalanka argagixisada ayaa maanta dib u riixay ciidamadii ka soo horjeeday. Waxa ciidanka maxkamadaha maanta ay ku guulaysteen in ay hawl gab ka dhigaan garoonkii dayaaradaha dayniile ee magaalada Muqdisho.

 

Mar maanta aan booqday furinta hore ee dagaalka ayaan kusoo arkay goobo fara badan oo maalintii shalay ahayd gacanta ugu jirtay maleeshiyada isbahaysiga oo ay la wareegeen ciidaamada maxaakiimtu.

 

Jabka ku dhacay ciidanka isbahaysiga ayaa lagu sheegay tashwiish dhexdooda soo galay iyo ciidanka maxaakiimta oo fadhiistay wadooyinkii gurmadka ciidamadu ay ka heli lahaayeen.

 

Warar la isku halayn karo oo aanu helnay ayaa iyana sheegaya in Maxamed Qanyare oo ah hogaamiyihii ugu horeeyey ee weerarka la galay maxaakiimta ay kaga baxeen dagaalka isbahaysigii uu watay ka dib markii maleeshiyooyinkii kale ee la safnaa ay isaga carareen goobihii dagaalka.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo aan maanta wareysi la soo yeeshay ayaa sheegay in ciidanka maxaakiimtu ay gacanta ku dhigeen maxaabiis fara badan oo ciidankooda la dagaalamayey. Taas oo guul u noqotay ciidamada maxkamadaha. Waxa Shariifku intaas ku daray in haatan maleeshiyadii kale uu niyad jab ku dhacay. Waxa kale oo sheekh Shariif caddeeyay in ciidanka maxaakiimtu ay horey usii socdaan, isla markaana guulo isdaba joog ah ay soo hoynayaan.

 

Sheekh Shariif ayaa ku tilmaamay isbahaysigii shalay Muqdisho looga dhawaaqay mid aan shaqayn karin maadaama bulshadu ay si weyn uga soo horjeedo.

 

Waxyaabihii la yaabka lahaa ee maanta aan ku soo arkay furinta dagaalku waxay ahayd dumar gawaari wata oo xaafadaha magaalada ka yimid. Kuwaasi oo raashiin iyo rasaasba u qeybinayey ciidamada maxaakimta, mooraalkana u dhisayay.

 

Midka mid ah haweenkii maanta aan ku soo arkay aagga dagaalka ayaa ii sheegtay in wax walba ay u hureyso difaaca diinteeda, hogaamiyaasha iminka dagaalka wadana ay yihiin xammaaliyaal Bush uu kireystay.

 

"Waxay tiri adeerayaashay Qanyare iyo Muuse dagaalka aad diinta kala soo horjeedaan ka laabta inta birtayada ay tahay mid la celin karo " . Waxa ay haweenaydaasi ugu baaqday hogaamiyaasha shalay isbahaysiga samaystay in ay Alle u towbad keenaan isla markaana waxyaabihii ay ku hadleen kasoo laabtaan inta goori goor tahay.

 

Shacabka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ku sugan ayaa iminka u muuqda kuwa dareenkoodu uu kascan yahay oo kasoo horjeeda isbahaysiga magaalada looga dhawaaqay. Waxa ay shacabku xireen dhammaan wadooyinkii isbahaysigu uu gurmadka marsiisan lahaa.

 

Si kastaba ha ahaatee reer Muqdisho ayaa si weyn u diiday isbahaysiga Muqdisho looga dhawaaqay ayagoo ku baaqay in laga hortago isla markaana hogaamiyaasha aasaasay laga codsado in ay ka tanasulanaan qorshaha ay ku dhawaaqeen.

 

Maxamed Cumar Aadan

WardheerNews, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Someone wrote warlords now declared war on "our core values."

 

What exactly are those values?

 

Having isbaaro? Murdering the few and between intellectuals that still stayed put in our country?

 

Creating bogus, so-called "Islamic courts" that most oftenly target the unarmed people who commit petty crimes, in dark contrast to those who perpetrate heinous atrocities that walk freely in the city, under the clan insurance?

 

And why, pray tell, is suddenly what the warlords declare now is against "our core values?"

 

Is that mean what they were doing before this wasn't against these newfound "core values?"

 

We witnessed day in and out in this virtual gathering who cheered constantly, lest others didn't take notice, the most brutal warlords who were against the basic human value -- living in peace and security.

 

Why wasn't this "core value" emphasized then? Talk about misplaced values.

 

If you really want to know about waxaan loogu yeero "Maxkamadaha Islaamka," look no further than this forum. We have plenty of pseudo-wadaado, whose day shirt is seeflaboodnimo and wanna-be wadaadnimo; at night, these same gentlemen change their shirts to qabyaalad when their qabiils interest becomes paramount.

 

About Maxkamadaha, what is so Islaan about having isbaaro, and when keenly requested to remove, where expected to obliged instead refused, calling it a "legitimate kontaroolo," and not isbaaros?

 

What is so Islaan about murdering in day light and in the brink of dawn our scarce and endangered breeds of intellectuals such as the late Cabdiqaadir Yaxye?

 

It is open secret where those who murdered him hail from. This secret group belongs the same function who are constantly --and as we write -- targeting civil society officials and other high ranking military members.

 

The old suspicion fell on Amxaaro stooges doing those deadly tricks. But that allegation was dispelled when the likes of Yaxye became a target, because in their seeflaboodnimo mentality thought the victim was too cozy with Westerners and must be eliminated. [The victim's wife made this allegation, pointing the assasination was orchestrated by a man by the name of Ceyroow, who was said participated the Afghan wars. To date, this man never denied the allegation. He is a high-ranking member of Maxkamadaha Group.]

 

What is so Islaan about raiding legitimate video renting and other make-shift cinemas that may have played Hindi movies or soccer games, but keeping a blind eye the isbaaro their distant cousins have a few yards away?

 

This Maxkamadaha Group is a supported by a questionable businessmen, such as the man who controls the natural port of Ceelcadde. This is the same man who doesn't want the main, international port in the capital opened because it may undermine the revenues from his natural port. His nemesis, Bashiir Raage, at least doesn't misrepresent his religion. You cannot claim to be wadaad and then bini aadenka waxee ku noolaan lahayeen oo deeqda ugu soo dagi lahayd u diidid.

 

In a nutshell, Maxkamadaha is exactly like their associate "Sheekh" Yuusuf Indhacadde: One group of same coin. If Indhacadde is wadaad and is entitled to the title "sheekh," then our so-called "core values" were twisted to begin with. Very interesting their bedfellow is not only a fake wadaad warlord and occupier, but a [alleged] major drug grower.

 

As Qanyare said the other day, warlords waa is cadeeyeen and it is about time Maxkamadaha is cadeeyaan -- wanting power and doing any means and whatever to achieve it. Just when we thought we have had enough power hungry functions comes this.

__________________

 

Adiga meeqa sanaa soomaaliya kasoo maqneed?

Aniga Soomaaliya [Xamar] 2003 aan tagay, aad iyo aad aan ula socday wixii meesha ka socday. Teeda kalena kala saar, the genuine wadaado and the fake ones. The genuine ones aren't power hungry, oo hub ma qaataan, kii kasoo horjeedana qoorta kama gooyaan. These genuine ones even formed their group now since these power hungry men misused their name. They now call themselves, to distinguish from these seeflabood men, Ahlul Sunna wal Jameeca.

 

It is that latter group kuwa nabad raadiyo, oo Soomaalida nabad maalin iyo habeen ugu wacdiyo. Not kuwa moor.yaan baroon saaran wato oo meel weeraro, ama duulaan ku ah markii la arkaba, hadana isbaaro dhiganaayo. Ii sheeg sababtee u weerareen Kulliyada Jaalle Siyaad since they darn knew it that it was controlled by a major warlord? Yaa aakhiro looga masuul dhigaa maatida daraad ku geeriyootay dagaalkaas, oo ay ku jireen ciyaal barbaar iskool isku diyaarinaaye?

Share this post


Link to post
Share on other sites

MMA, ma waxaad la shir timid Maxkamadaha Islaamiga ah baa C/Qadir Yaxye dilay? Ma waxaa kuu siiman ragga, intii karaankooda ah, isku dayey inay sharciga iyo kala danbaynta soo celiyaan iyo kuwa shan-iyo-tobankii sano shacabka qoor-sagaarada ku hayey?

 

Alla maxaa wax laysku qaldayaa! Fairness, good MMA, has become the casualty of your argument here indeed.

 

Truth is that these Islamic courts in that troubled city had genuinely attempted to improve the lives of Mogadishu residents. They attempted to impose a sense of law and order at least in their jurisdiction. They can’t, and frankly they should not be expected to, fill the void of lack of government. But their effort should be appreciated notwithstanding its shortcomings.

 

These Islamic entities should not be blamed mysterious incidents that happen under the darkness of lawlessness. And with all fairness they should never be equated with known murderers whose product is the blood of thier people. To do that is gross injustice, saaxiib. Granted that there are a lot of loopholes in the Islamic courts net, so to speak, but we all know who’s real and who’s not.

 

One could discuss, without intellectual dishonest, the legitimacy and effectiveness of these makeshift courts, but for Allah’s sake lets not question the intent of these good sheikhs, and even worse, yaanaan ayyaga iyo tuugta isku weel wax ku siin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

^I´m of MMA´s view on this issue, too much assasinations, in the cover of religion has taken place in Mogadishu, Mogadishu has no religious problem, but political problem.

 

The last thing Somalia needs is an Islamic revoloution, The so called "courts" are nothing but the cover of few politically inclined "wadads".

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

lets
not question
the intent of these
good sheikhs
, and even worse, yaanaan ayyaga iyo tuugta isku
weel wax ku siin

sxb xiin, malaha wadaada ku sheega markey qoorta ka jarayeen dad shacab aan hubeysneyn sida al fagh-hi studio dakkan dakkan laga dhigey iyo kuwa kaloo fara badan lamaadan socon bey ila tahey,

 

wadaado dadka gumaadaya xaggeed ku aragtey adiga?

wadaado hubeysan oo awood raadsi xaggeed ku aragtey?

wadaado qofkii ku amar diida ciqaabaya xaggeed ku aragtey

wadaado dadka ku amar taakleeya inteed ku aragtey

 

bal ka soo jawaab su'aalahaas laciif saqiirka ah

 

Tuugta kalena waaba tuugo,taas la iskuma heestaba, illeen qabqable waa un tuug sababtoo ah dad shicib buu asna laayaa xoog ku heestaa, haddee kuwan wadaadana iyaguna ma dhaamaan qabqablayaashan, runta yaan laga leexanin oo wixii jiro hala isku sheego, yaan la isku maaweelinin qabqable iyo wadaadada yaan la is barbardhigin, runta marka la taabtana waxba isma dhaamaan, waa laba kooxood oo hubeysan, hal u jeedda iyo mawqifna leh, taasoo ah "awwood kororsi iyo xukkun doon"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pi   

Gosh! As if Muqdishu didnt have enough problems. They have perverse 'pious' men too! I think every part of Somalia was able to get rid of these power-mongering pious men. Its high time that good ole Muqdisho did the same!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khayr   

Originally posted by Pi:

Gosh! As if Muqdishu didnt have enough problems. They have perverse 'pious' men too! I think every part of Somalia was able to get rid of these power-mongering pious men. Its high time that good ole Muqdisho did the same!

^^^

 

Still a Zero, no matter how many times you try to change your 'COLORS'... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pi   

Sheikh Bum Bum, do you really belive that these Sheikhlings are blameless? These so-called religous frauds commit grave injustices in that city day in and day out. Do they still keep some semblance of order? Yes. But they are no more innocent than the warlords. Actually, they are warlords. Religious Warlords vs Secular Warlords. Same shidh!

 

P.S. Dirgression: Whatever happened to telling us about how velocity is ingored in physics, dude!Come back to this thread I want to teach you a painful lesson in mathematics and physics. Free of charge! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

It is very sad that war erupted in MOgadishu,when everyone was hopin for better future, Somalis must be unlucky. :(

 

wado5.jpg

 

wado3.jpg

 

wado7.jpg

 

Wadaaddii isku sheeg, Waa wada dhiig yacab,Masaakiinta bay maskax ka khaldayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MMA, you seem to have some valid points regarding those who prtend to be wadaads or associated wit them all. I have been against many so called wadaads for example Inda Cade and so on. Yet one must not be blind to whats happening in Mogaishu. A group of warlords who have been against everything, the governments before and this one. Against removing roadblocks, against unifying the forces of the city. They who have used the clans to divide, blunder and to enrich themselves have gone too far. We are Muslims and today we know what state Muslims are in. If we allow these men to start a war against what they term "Whabisam" then there will be 100 times more grief.

 

Who runs the education centres, the relief work, the money transfer businesses. What segments of our society does the best and are more trusted with the least clanistic view point. Without a shadow of a dount it is the people we refer to as Wadaads.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Dadkiinnaan wadaadada dacaayadeynaayo maka war qabtaan in Afar dayuuradood ee nooca helicopterska ah shalay yimaadeen Muqdisho inkastoo waxba aysan samayn oo iska noqdeen sida dad badan sheegay? Dagaalkaan waa mid iyaga(mareykanka) qandaraas looga soo qaatay. We all know that all you need to tell the Americans to garner their suport is to mention "argagixiso".

 

Anyway, Qanyare waa looga baxay heshiiskii magaaladana wuu isaga cararay in kastoo uu kusoo ridaayo hub magaalada isagoo qabilkiisa dhex fadhiya outside Muqdisho. Airportka Dayniile waa laga qaatay sida la sheegay, Yalaxoow wuu uga baxay ballantii after his clansmen told him they won't fight for him and will watch him butchered. Yalaxoow however gave saddex gaari iyo hub to Qanyare. Xawayaanka la yiraahdo C/raShiid Ilqyebte(I think) oo ka dhashay Atto subclan isagana qabiilkiisaa uga digay inuusan magacadooda ku qaraaban oo uusan ka sugin wax caawimaad ah. He was simply told he is not representative of the clan. Waxaa laga sugaayaa inuu raadiyaha ka hadlo oo ka raalli geliyo culumada handadaadiisa qabiilkeygana ma matalo yiraahdo. Atto meesha waa ka maqan yahay. We hope he dies the death of a pig on his way to Muqdisho.

 

These courts have our full support regardless of who says what. Reer Muqdisho know who is good for them and who uses their clan to advance personal interests and turns the guns on them any time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadkiinnaan wadaadada dacaayadeynaayo maka war qabtaan in Afar dayuuradood ee nooca helicopterska ah shalay yimaadeen Muqdisho inkastoo waxba aysan samayn oo iska noqdeen sida dad badan sheegay? Dagaalkaan waa mid iyaga(mareykanka) qandaraas looga soo qaatay. We all know that all you need to tell the Americans to garner their suport is to mention "argagixiso".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoogsade nooloow waligaa saaxiib. MMA wuu ogyahay runta laakiin dantiisa shaqsinimo ayaa ka weyn inuu runta u dhag raariciyo. Sidaas darteed maanta dagaalkii dhacay waxaa is helay xaq iyo baadil, waxaana ilaahey guusha siiyay xaqii. Muhiim maahan shaqsiyaad morale-koodii daciif noqday in wax laga weydiiyo arimaha Soomaaliya maanta ka jira.

 

Ilaahey diintiisa wuu xoojiyay, alxamdulilah.

 

N.B: Last night I had the chance to participate a radio debate about this very issue, and I along other experts agreed everything except the few aspects of the spineless government of Mr. Yusuf. Alxamdulilah, we'll defend the integrity of our religious leaders, insha-Allah, under any cost.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuunow, wadaadadda dadka gumaada xaggee joogaan saaxiib?

 

Gartu ilaah bay taqaan adeer; maxaakiimta islaamiga ahi la mid maaha jirrida hubaysan ee xamar joogta. Maxaakimtu waxay leeyihiin ahdaaf iyo mabaadii'i ku salaysan diin. ha iska dhac-dhaceen mar-marka qaarkood laakiin guud ahaan waxay qabtaan shaqo anfacda shacabka xamar.

 

haddaad leedahay maxay waddaadaddu siyaasadda u galayaan, saaxiib waa lasoo dhaafay samankii wadaadka mihnaddiisu ahayd inuu xirsina gooyo tahliilna tufo. kuwani waa kuwo fahamsan inaan masiirka ummadda cidina ka xigin ooy hoggaankeeda ula simanyihiin dadka kale.

 

haddaad leedahay maxay u hubaysanyihiiin. dee saaxiib dantaa tiri. bal adigu xamar tagoo ku noolow difaac la'aan. taa waxaad ku dartaa ciddii rabta inay dadka amnigooda iyo sharciga wax ka qabato oo ay magaaladana kula noolyihiin jirri hubaysani, bal noo sheeg sida ay hubla'aan wax u qabankaraan.

 

haddaad leedahay mar-mar bay dagaalamaan, dee hadde iyana waa waaqica xamar iyo xaalkeeda.

wadaadaddu dhaliil la'aan maaha. wax baddan bay qaldaan, waana dhac-dhacaan. hase yeeshe waxaanan laqi karin in adiga iyo MMA aad tiraahdaan jirridda bay la mid yihiin.taasi waa caddaalad xumo.

 

malaha waxaad rabtaan inaad mucaaraddaan waadaado diinta iyo siyaasadda isku walaaqaya. taasi maaha qab-qablanimo ee waa siyaasad xalaal ah oo ku abtirsatta diinta. gaaladu waxay u yaqaanaan asalraacnimo iyo islamist. ragga Bush na waxay ugu yeeraa arga-gaxiso. muslinka fiicanise wuxuu ogyahay inay yihiin mirihii saxwada islaamka.

 

nuxurku hadalkaygu waa in wadaadadddu dhaliil leeyihiin meel ay joogaanba, laakiin iyagga iyo ragga dhiiga dadka ka beecmushtaraa ilaah ba naleh isku mid maaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this