Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Warlords Vs Courts :

Recommended Posts

Today a new front opened up in the exhausting and hope draining civil war. Instead of talks or reconciliation we have a new alliance made up of the warlords who are now fighting "Terrorism" in Somalia. 1. Who asked them to fight this war. Theirs is an axis of evil.2.When will the people of Somalia learn? War is not the way... Allah we seek your divine guidance, save my people from themselves..

wasiirro.jpg

 

Isbaheysiga La Dagaalanka Argagaxiisada ayaa Maanta loogu dhawaaqay Magaalada Muqdisho

 

 

Wasiirada Cumar Finish, Muuse Suudi, Qanyare iyo Bootaan Ciise

 

C/rashiid Ilqeynte Bashiir Raage iyo Axmed Shukri

 

(Qanyare, Muuse Suudi, Cumar Finish, Bashiir Raage, Ilqeynte iyo xubno kale ayaa ka mid ah Isbaheysigan)

 

Isbaheysi lagu sheegay inuu yahay mid la dagaalamaya Argagaxiisada ayaa Maanta loogu dhawaaqay Magaalada Muqdisho,iyadoo Isbaheysigan ay ka buuxaan qaar ka mid ah Wasiirada hubeysan ee Magaalada Muqdisho iyo Ganacsato caan ah oo ay ka mid yihiin Milkiilaha Hotelka saxafi C/rashiid Ilqeynte iyo Bashiir Raage.

 

Ku dhawaaqista Isbaheysigan ayaa waxaa uu yimid shirar wadatashi ah oo u socday raggan,iyadoo ku dhawaaqista Isbaheysigan lagu sheegay inuu bartimaameed u yahay Wadadaada Maxkamadaha Islaamiga ee Magaalada Muqdisho.

 

Xubnaha Isbaheysigan la dagaalamaya Argagaxiisada ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Ganacsiga, Muuse Suudi Yalaxow, Ammniga Qaranka Maxamed Qanyare, Dhaqan celinta Maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalim, arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Maxamed Maxamud (Finish), Ganacsate Bashiir Raage,Ganacsadaha kale C/rashiid Shire Ilqeynte iyo xubno kale.

 

Bayaan ay soo saareen ayaa waxay ku sheegeen inay la dagaalimi doonaan kooxaha wejiyada soo xirta ee xambaarsan fikiro laga keenay Dibadda,waxayna sheegeen in kooxahan ay ka dambeeyaan dilalka loo geysto Saraakiisha iyo shaqsiyaadka Aqoonta leh ee Somaaliyed.

 

Wasiirka Ammniga Qaranka Maxamed Qanyare ayaa Sheegay in wixii ka dambeeyo maanta aan loo dul qaadan doonin kuwa sheeganaya Maxkamadaha Islaamiga.

 

Iyadoo maanta lagu dhawaaqay Isbaheysigan ayaa haddana waxaa isbaheysigan ku jira nin Maanta dagaal kula jira Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho kaas oo lagu eedeyay inuu dilay bishii July ee sanadkii hore Taliyihii Maxkamada Islaamiga Ifka Xalane, kaas oo lagu Magacabo Cabdi Nuure Siyaad Cali (Cabdi Waal),inuu ninkan uu ahaa Maskaxdii dishay Taliyihii Maxkamadda Ifka Xalane waxaa shaaciyay Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho.

 

Ganacsade Bashiir Raage ayaa sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay degaanka Galgalato oo u dhaxeeyay Maleeshiyadiisa iyo kuwa Xaaji Abuukar Cumar( Caddan) uu ahaa mid ay ka dambeeyan wadado xiriir la leh Dibadda.

 

Hadaba marka loo eego shaqsiyaadka Isbaheysigan ku jira qaar ka mid ayaa la filayaa inay khatar ugu timaado ku jiritaanka Isbaheysigan sida Milkiilaha Hotel Saxafi C/rashiid Shire Ilqeynte, waxaana dhici karta in Hotelkiisu Bartimaamed u noqdo kooxaha Islaamiga.

 

Muuse Suudi oo ahaa hogaamiye kooxeed ka madax banana weerarada lagu haayo Wadaadada ayaa hadda waxaa uu noqday ragga fikir ahaan ka soo horjeeda wadaadada, horey waxaa loo ogaa in Wadaado badan laga dhoofiyay Magaalada Muqdisho,iyadoo howlgalkaas ay fuliyeen Maxamed Qanyare iyo Bashiir Raage.

 

Laakiin arrinta ugu yaabka badan ayaa waxay tahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Finish oo Isbaheysigan ka dhex muuqda, taasina waxaa ay Qatar ku tahay sumacddiisa iyo xiriirka uu la yeelan karo dalalka Carabta.

 

Walow xubnahan ay u badan yihiin dowladda Federaalka haddana lama oga in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ka war qabaan dhismaha Isbaheysiga, sidoo kale lama oga kaalinta uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku leeyahay dhismaha Isbaheysiga, in kastoo Guddoomiyaha Baarlamaanka xiriir Wanaagsan kala dhaxeeyo Wasiirka Ammniga Qaranka Maxamed Qanyare oo ah Maskaxda ka dambeysa dhismaha Isbaheysigan.

 

Ilaa iyo hadda Jawaab kama soo bixin Maxkamadaha Islaamiga ee Magaalada Muqdisho, sidoo kale ku dhawaaqista Isbaheysigan ayaa la filaynin in laga soo dhaweeyo magaalada Muqdisho,iyadoo dadka Nacayb mareykanka iyo Reer galbeedka ay soo badanayaan wixii ka dambeeyay Markii Wargeys ka soo baxa Danmark uu wax ka sheegay Rasuulkeena Suuban.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Midowga maxkamadaha oo ku adkaaday dagaalkii maanta ka dhacay Muqdisho

 

Mogadishu 18 Feb. 06 ( Sh.M.Network) Ciidamada Midowga maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho ayaa la wareegay gacan ku heynta goobihii maanta dagaalka uu ka dhacay ee magaalada Muqdisho, ka dib dagaal qaraar oo ay isaga hor yimaadeen maleeshiyooyin daacad ah u ah isbaheysiga la dagaalanka argagixisada ee maanta lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

 

Dagaalkaan oo sii xoogeeystay maanta maqribnimadii ayaa wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay oo aynu ka soo xiganay saraakiisha sar sare ee maxkamadaha Islaamiga waxa ay sheegayaan in ay ka adkaadeen dhinaca Maleeshiyooyinka daacadda u ah isbaheysiga cusub ee la dagaalanka argagixisada oo ay ku midoobeen qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxaha Muqdisho.

 

Saraakiishaan oo ka gaabsaday in la shaaciyo Magacyadooda ayaa Waxa ay intaasi ku dareen in ay gacanta ku dhigeen maleeshiyooyin daacad u ah Wasiirka Ganacsiga dowladda FS Muuse Suudi Yalaxow iyo Ganacsade Bashiir Raage, oo ay ku qabteen maxaabiis ahaan, kuwaasi oo la tilmaamay in ay ku lug lahaayeen dagaalka.

 

Mas'uul u hadlay maxkamadaha islaamiga waxa uu sheegay in uu faro Cijo leh kaga baxsaday Baabuurtii dagaalka ee ay wateen maleeshiyooyinka hogaamiye kooxeedyada.

 

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyooyinkii la jabiyay ay iminka ku sugan yihiin Aaagga Cakaaro ee nawaaxiga Isbitaal Banadir oo ay ku xoogan yihiin taageerayaasha Cismaan Caato wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeeynta.

 

Dagaalkii maanta dhex maray labada dhinaca ayaa waxa uu sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

 

Waxii ku soo kordha kala soco www.Shabellenews.com

 

Shabelle Media Network, Mogadishu

Daawo bogga sawirada abaaraha

Share this post


Link to post
Share on other sites

News Update: Dagaal13 saacadood socdey oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho- 18.February.2006 Dagaalkii saaka hiirtii waaberi ka qarxay magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyey Maxkamadaha Islaamiga ah ee magaalada Muqdisho

iyo maleeshiyo daacad u ah wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax oo uu hogaaminayo nin lagu magacaabo Cabdi Waal ayaa lagu soo waramayaa in uu sababey dhimasho iyo dhaawac aad u fara badan.

 

Dagaalkan oo ka bilowdey agagaarka Kuliyadii Jaalle Siyaad iyo waliba wadada aada garoonka diyuuradaha ee Dayniile ayaa waxaa loo adeegsadey gaadiidka dagaalka iyo waliba noocda hubka oo uu ka mid ahaa hoobiyaha.

 

Iska horimaadkan ayaa waxaa ku dhintey inta la ogyahay 10 qof waxaana ku dhaawacmey 35 kale oo badankoodu ahaa dad rayid ah oo aan wax lug ah ku laheyn dagaalka balse ay ku dhaceen rasaas wiifto ah iyo madaafiic habow ah.

 

Wariyaha SBC ee magaalada Muqdisho C/laahi Yaasin Jaamac (Soomaali) ayaa soo sheegaya in dagaalkii maanta dhacay uu sababey qax iyo barakac aad u fara badan oo ku dhacay dadkii raydika ahaa ee ka og dhawaa goobaha dirirtu ka dhacdey waxaana la arki karey dad badan oo cagahooda maalaya kuwaasi oo guryahoodii ka qaatey wixii ay qaadi kareen kuwaasi oo isaga cararey rasaastii ay isdhaafsanayeen kooxaha dagaalkaasi ku lugta lahaa.

 

Wariyaheena oo booqdey goobaha dagaalku ka dhacay ayaa wuxuu sheegay in dagaalkii maanta ay si weyn uga dhexmuuqdeen maleeshiyooyin fara badan oo ku hubaysnaa noocyda kala duwna ee gaadiidka dagaalka iyo waliba hubka darandooriga u dhaca.

 

Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho saraakiisha caafimaadka ee ka hawlgala waxay sheegeen in ugu yaraan 20 qof oo dhaawac ah la keenay Isbitaalkaasi, waxayna sheegeen in 2 ka mid ah ay dhinteen kuwa kalena dhaawacoodu halis yahay, sidoo kale Isbitaalka Al-Xayaat ayaa isna la dhigey dad dhaawac ah oo ku waxyeeloobey dagaalkaasi.

 

C/laahi Soomaali

SBC Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga iyo kuwa Hoggaamiye Kooxeedyada oo dagaal fooda is-daray

 

Sabti, February 18, 2006(HOL): Dagaal aad u xoog badan oo socday muddo saacado ah ayay maanta isaga hor yimaadeen maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga iyo kuwa taageera nin lagu magacaabo Cabdi Nuurre Siyaad (Cabdi Waal) oo gacan saar la leh Hoggaamiye kooxeedyada magaalada Muqdisho.

 

Dagaalkan oo ka dhacay inta u dhaxeysa Kuliyaddii hore ee Jaalle Siyaad iyo Warshadda Caanaha ayaa la soo weriyay in uu sababay dhimashada ilaa 20 ruux oo ay ku jiraan haween iyo caruur, halka ay ku dhaawacmeen dhowr iyo 30 ruux.

 

Cabdi Waal oo ka waramayay dagaalkaas ayaa sheegay in ay Midowga Maxkamadaha ku soo duuleen, halka uu Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Sh. Shariif Sh. Axmed uu ka sheegay in ay jidka ku soo jiraan dagaallo abaabulan oo aad u culus, kuwaasoo uu sheegay in ay dhexmari doonaan qabqablayaasha Muqdisho iyo sida uu u yiri inta Muslimiinta ah ee difaaceysa diinta Islaamka.

 

Dagaalkii maanta oo loo isticmaalay hubka fudud iyo midka culus ayaa markii dambe si iskiis ah u qaboobay, iyadoo uu Cabdi Waal sheegay in uusan dagaalkan istaagi doonin oo uu sii socon doono, iyadoo la sheegayo in ay dagaalkaasi ku wehliyeen qaar ka mid ah maleeshiyooyinka hoggaamiye kooxeedyada magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ayaandaro iyo nasiibxumo. Tan inay soo socday dhowr jeer ayaan meeshaan ku sheegay. Dagaal wadaado isku sheeg iyo qabqabliyaal inay dhici doonto waa la wadaa ogaa, laakiin ma laga filaneynin maanta.

 

Dagaalkaan wuuna fidi doonaa, oo Xamar dhan gees ka gees gaari doonaa. Xaafadihii dagaal ugu dambeysay toban sano iyo ka badan ayee ka bilaaban doonaan, sida shaleey ka dhacday Kulliyadii Jaalle Siyaad oo ah agagaarka Tarbuunka. Qax cusub. Dhibaato cusub. Wareer iyo walbahaar cusub.

 

Eebboow ka qabo labadaan sheydhaan, kuwa camaamado isku soo duubay, oo "wadaado" iyo "sheekhyo" jirin iskugu wacaayo, kuwa kalena naftirkooda argagax ku ahaa shacabkii ee dhulka dhigeen 15 sano lasoo dhaafay ayaa maanta argagaxiso la dagaalan shaati ah soo huwaday.

 

Laba sheydhaan is dagaalaayo, maatida waxba galabsan ku leynaayo, oo korkooda hoobiyaha iyo suu'ga iskugu dhiibaayo, kuwa naxariistii Eebbe ka tagtay. Hadee dagaal dhab rabaan, duurkaas ha isla aadaan.

 

I'm really, really saddened. 371.gif371.gif

 

Soomaali yaa habaaray. Yaana habaaray. Intee nagala heystaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Miskiin, wadaadada gardarraa ku maageesaa. They are responsible for everything good in Xamar and without them life would have been difficult. They are the only people you can trust.

 

Adiga meeqa sanaa soomaaliya kasoo maqneed? These guys used to bury the dead day and night while the war raged on and when no one else was willing to risk their lives to dignify the corpses which lay strewn every where. They are the teachers, the guides and the bulwark of the community. They simply gave life to a dead city as much as they could. Muqdisho residents have a lot to thank for in having these honourable men among them. Nimankaan doofaarta ahee diinta aan heysan iyo iyaga inaa isku meel dhigto waa ku gardaran tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maskiin Macruuf,

 

Saxib labada dhinac mid ayaa sheydaan ah, waana qabqablayaasha dagaalka ee dhiigii shacabka markeey cabeen usoo jeestay inay diinta Islaamka iyo dadkeeda halmar ciribjaraan. Marka hadaad wadaadadii sheydaan ku sheegtay, adiga laftirkaaga ma fiyoobid oo midhaa waxaa tahay qolyaha Soomaaliya la jecel Democracy iyo in xukun daaquut ah lagu xukumo. Koley dhowr jeerna waan arkay qoraalo aad ku dhaleeceyneesid culimada iyo wadaadada. Ogow waxa dalkeenii iyo dadkeenii sidaas u galay inaysan aheyn dad culimo ah oo ay ahaayeen dadka isku sheego shuuciyiin, ama aqoonyahan ku sheeg dal gaalo wax kusoo bartay, ama dad askar ahaa oo diin iyo arxan aan intaba laheyn.

 

I personally resent your gross allegations on the part of the culimaa, the only individuals who dedicate themselves for the salvation of their people through sound system that is based on Islam. We have no choice but to follow the reckonings of the learned scholars of our Deen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xoogsade:

Wey Alle-Ubaahne, ii waran bro? Ma guursatay weli?
:D:D

:D iikaadi walaalkiis xoogaa, ninkaan MMA aan iska dhiciyee, diintii iyo culimadii uu usoo dhigtay maanta. Waxaan aduunka ugu nibcahay dadka diintoodana ka faana, dadkalena aan wax ugu oolin. Hadaba maanta waxay mareysaa marxalada dalkii in bur iyo biyo loo kala baxo. Waxa socdana waxay u dhowyihiin dagaaladii Islamka iyo Qureysh u dhexeeyay oo kale. Marka wixii dhiig lahoow kaca, oo jihaadka aan la galno culimada, wixii dhaqaale ahna aan ku taakuleyno si cadowga nala dhashay aan u burburino, diinta ilaaheyna ay u meelmarto.

 

Ilaahow waxaan ku weydiistay inaad soo dadajisid geeri foolxun oo ku timaada dhamaan qabqablayaasha, gaar ahaan intii diintaada ugu shiray inay boqna-gooyaan, cid walba iyo kooxwalba ay u dhasheen, aamiin, aamiin, aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoogsade n Alle Ubaahne....Wadaadada diinta waa ku qaraab sadaan that's not stay that there ain't sincere wadaado, but for most part they have own agendas, and work for their own interests.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is really sad news and wil effect all Somali's. They [warlords]have declared a war on our core values. They will lose this because the people will be united behind the religious groups.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Miskiin sxb, ma sheekadi bargii hore baad durbaba soo celisay? Ninyahow wadaada Islaamka oo kala dambayn iyo maamul maahe wax kale aanan u socon haku xad-gudbin.

 

Alaa-Ubaahne marmarkiisne waad iska badisaa. Meel alle meeshaan kugu arko difaaca dintayadu baad isku xilsaartay. Xilsaarkaadana dee daciifnimaa ka muuqata ee bal wax yar inoo yara kaadi.

 

 

Wadaadadii Islaamka oo guulaystay!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha maxkamadaha oo ku dhawaaqay xiritaanka Dayniile.

 

Muqdisho:-Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay inuu gebi ahaan xiran yahay wixii maanta ka bilowda Garoonka diyaaradaha Dayniile oo aaney cidina ka duuli karin ,kana soo degi karin .

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga digay shaqsiyaadka ganacsigooda uu ku xiran yahay garoonkaasi , isagoo ku baaqay inay ka weeciyaan , maadaama ay la yimaadeen rag uu Qanyare ka mid yahay wax ka baxsan Shareecada Islaamka waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Wadaadkani oo khadka telefonka war ku siiyay Saxaafadda Muqdisho qaarkood ayaa sheegay inay la dagaalami doonaan Maleeshiyaatka taabacsan Isbaheysigii Shalay lagaga dhawaaqay Muqdisho oo uu ku sheegay dhismihiisa inay ka dambeeyaan dalal cadow ku ah Islaamka .

 

Gudoomiyaha midowga Maxaakimta islaamiga ee Muqdisho ayaa ku hanjabay inay ku baacsan doonaan wado kasta oo ay ku arkaan Hogaamiyaasha hubeysan ee Muqdisho oo uu ku tilmaamay kuwa diidan qaranimada iyo nabadda Soomaaliya.

 

Arintan ayaa waxa ay soo baxday ka dib markii dagaalkii xalay ka dhacay agagagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga ay ka qeybqaateen sadax Beebe oo uu leeyahay Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo sababay geerida Maleeshiyo badan oo taabacsanaa Muuse Suudi Yalaxow sida la xaqiijiyay.

 

Dagaalka Maxaakimta Islaamiga Muqdisho ay kula jiraan Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada ay ku dhawaaqeen Hogaamiye kooxeedyada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaya Wadaad lagu magacaabo Aadan Xaashi Ceyrow oo 28 jir ah, indhahana u xiran kaasoo Mareykanka ay kol hore ku sheegeen inuu ka qeybqaatay dagaalkii ka dhacay Toora boora sanadkii 2002-dii, waana nin ad -adag oo aan ogoleyn inay saxaafadda u soo dhowaado ama ay sawir ka qaadaan iskaba daaye cod uu dhiibo.

 

Cali Cabdi Cali (Suxeyfa)

alisuheifa@hotmail.com

alisuheifa@yahoo.com

Waayaha,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha maxkamadaha oo ku dhawaaqay xiritaanka Dayniile.

 

Muqdisho:-Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay inuu gebi ahaan xiran yahay wixii maanta ka bilowda Garoonka diyaaradaha Dayniile oo aaney cidina ka duuli karin ,kana soo degi karin .

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga digay shaqsiyaadka ganacsigooda uu ku xiran yahay garoonkaasi , isagoo ku baaqay inay ka weeciyaan , maadaama ay la yimaadeen rag uu Qanyare ka mid yahay wax ka baxsan Shareecada Islaamka waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Wadaadkani oo khadka telefonka war ku siiyay Saxaafadda Muqdisho qaarkood ayaa sheegay inay la dagaalami doonaan Maleeshiyaatka taabacsan Isbaheysigii Shalay lagaga dhawaaqay Muqdisho oo uu ku sheegay dhismihiisa inay ka dambeeyaan dalal cadow ku ah Islaamka .

 

Gudoomiyaha midowga Maxaakimta islaamiga ee Muqdisho ayaa ku hanjabay inay ku baacsan doonaan wado kasta oo ay ku arkaan Hogaamiyaasha hubeysan ee Muqdisho oo uu ku tilmaamay kuwa diidan qaranimada iyo nabadda Soomaaliya.

 

Arintan ayaa waxa ay soo baxday ka dib markii dagaalkii xalay ka dhacay agagagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga ay ka qeybqaateen sadax Beebe oo uu leeyahay Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo sababay geerida Maleeshiyo badan oo taabacsanaa Muuse Suudi Yalaxow sida la xaqiijiyay.

 

Dagaalka Maxaakimta Islaamiga Muqdisho ay kula jiraan Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada ay ku dhawaaqeen Hogaamiye kooxeedyada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaya Wadaad lagu magacaabo Aadan Xaashi Ceyrow oo 28 jir ah, indhahana u xiran kaasoo Mareykanka ay kol hore ku sheegeen inuu ka qeybqaatay dagaalkii ka dhacay Toora boora sanadkii 2002-dii, waana nin ad -adag oo aan ogoleyn inay saxaafadda u soo dhowaado ama ay sawir ka qaadaan iskaba daaye cod uu dhiibo.

 

Cali Cabdi Cali (Suxeyfa)

alisuheifa@hotmail.com

alisuheifa@yahoo.com

Waayaha,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this