Sign in to follow this  
Maaddeey

Khilaafka Shariif Sharmarke!

Recommended Posts

Somalina   

Mr. Jangali waxaa uu sheegay in xubnaha kulanka isugu yimid aysan dhammaantood ahayn kuwo ku fikir ah ra’iisal wasaaraha, hase yeeshee ay ku jiraan kuwo mowqifkoodu yahay dhex dhexaadnimo oo aan cidna u janjeerin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

100918110342__omar_abdirashid_ali_sharma

Cumar Cabdirashiid Cali-Sharma'arke

 

Fadhiga baarlamaanka oo dib loo dhigay

 

Codbixinta kalsooni loogu qaadi lahaa ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, oo lagu waday in ay maanta dhacdo ayaa dib loo dhigay.[/b]

 

Guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa go'aankan ku dhawaaqay. Ma jiro waqti rasmi ah oo uu u qabtay qabsoomidda fadhiga baarlamaanka.

 

Ra'iisul wasaare, Cumar Cabdirashiid, ayaa si xoog leh loogu dhaleeceeyay in uu ku guuldaraystay in uu wax ka qabto kacdoonka sii xoogaysanaya ee Islaamiyiinta gudaha Soomaaliya, waxaana baaqyada loogu soo jeedinayo in u u xilka ka dego horkacaya madaxwayne Sheekh Sharif.

 

Madaxwayne Sheekh Shariif, ayaa shalay booqasho gaaban oo deg deg ah ku tagay dalka Uganda, oo wararku sheegayaan in uu kula kulmay madaxwaynaha dalkaas, Yuweri Museveni, lama oga waxa rasmi ahaan ay ka wadahadleen balse waxaa loo malaynayaa in ay wadahadaladoodu la xiriireen khilaafka madaxda sare ee dowladda.

 

Madaxwaynaha ayaa saaka dib ugu soo ugu soo laabtay Muqdisho.

 

Dowladda taagta daran ee aan cagaha badan ku taagnayn, ayaa si xoog leh ugu tiirsan taageerada ciidamada midowga africa, oo ilaa hadda ka soo jeeda dalalka Uganda iyo Burundi oo kaliya, kuwaasi oo tiradoodu gaarayso in ka badan 6 kun oo askari.

bbcsomali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Muqdisho: Fadhigii Baarlamaanka oo Baaqday

Fadhiga baarlamaanka ee maanta waxaa ballantu ay ahayd in xukuumadda Ra'iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ay hortimaado.

 

Waxaa maanta baaqday kulankii baarlamaanka federaalka ay qorsheysteen inay ku hortimaado xukuumadda ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

 

Inkastoo aan faah faahin rasmi ah laga bixin sababta uu u baaqday kulankaasi, haddana xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa maanta isugu tegay guriga ummadda, kuwaasoo tiradoodu ay dhammeyd 139 xildhibaan.

 

Waxaana muuqatay in kooramkii uu ku furmi lahaa shirka uu u buuxsami waayay.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaan soo xaadirin kulankii maanta u ballansanaa baarlamaanka.

 

Xildhibaanadii isugu yimid kulanka ayaa sheegay inay guddi u saareen oo soo baara sababta uu u baaqday kulankaasi.

 

Xildhibaanada maanta filayay inuu shirka furmo ayaa aaminsan in guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu baajiyay kulanka, sida ay ka muuqato hadalka Caasho Axmed Cabdalla oo maanta guddoomisay kulan gaar oo ay yeesheen xildhibaanada kooramku u buuxsami waayay.

 

Caasho Axmed Cabdalla ayaa la hadashay suxufiyiinta ka dib markii ay ka soo baxeen kulankii ay xidhibaanadu yeesheen, waxayna sheegtay inay qoraal u dirayaan guddoomiyaha baarlamaanka inuu soo sheego sababta uu kulanku u baajiyay.

 

Si kastaba ahaatee xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwanaa fadhigii maanta qorsheysnaa oo ballantiisa lagu gaaray kulan uu baarlamaanku yeeshay khamiistii aynu soo dhaafnay, kaasoo ay ku gaareen in xukuumadda ra’iisal wasaare Cumar Cabdirshiid ay hortimaado baarlamaanka.

 

Xildhibaano iyaguna jimcihii shalay kulan ku yeeshay Hotel saxafi ee magaalada Muqdisho waxay sharci darro ku tilmaameen fadhigii khamiistii uu yeeshay baarlamaanka iyo go’aankii ay ku gaareen in xukuumaddu ay saddex maalmood gudohood ku hortimaado baarlamaanka

SomaliVoa.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Kala iibsiga Xildhibaanada oo caawa gaaray meel sare iyo Shariif Xasan oo la saftay Sharmarke

By waajid

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmad oo Caawa Madax Xanuun ka qaaday isbedelka siyaasada cusub ee Barlamaan soomaaliya kadib markii uu arkay Shariif Xassan oo In Mudda ah Saaxiib Dhow la ahaan in uu la saftayahay Ra’iisul wasaraha Soomaaliya Mudane Cumar cabdirashiir Cali sharmarke

 

Shariif Xassan ayaa jabiyey axdigii uu la galay Madaxweynaha Soomaaliya Maadaama Caawa Ay Magaalada Muqdisho Ka Jirto Kala Iibsi Xildhibaan Iyo Shariif Xasan oo Caawa Boorso Lacag Dhax Dhigay Mudanayaasha Baarlamaanka Si uu Seefta Ugu Bad Baadiyo Ra’iisul wasaraha Soomaaliya Cumar cabdirashiir Cali sharmarke.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif ayaa iminka la sheegay in uu meel cidla ‘ah kusoo dhacay kadib markii uu go’aan muuqaal xun ka soo baxay Shariif Xassan oo Islahaa Waa gacantaada Midig Waxaana Caawa Cad In Madaxwane Shariif La Jahwareersan Yahay Siyadda oo Dhaxda Ka Galay Iyo Isbad Badalka Shariif Xasan Shiikh Aadan .

 

Sidoo kale Raiisul wasare Cumar cabdirashiir Cali sharmarke ayaa siyaabo kala duwan fadhiyo ula qaatay xildhibaanada ugu meylka adag barlamaanka si ay usoo afjaraan jiritaanka iyo sheegashada Sheikh Shariif magaca madaxtinimo ee Soomaaliya Waxaana Laga Baqayaa In Madaxwayne Shariif Qudhiisa Cod Loo Qaado Waxaana Meesha Ka cad In Shariif oo Caawa Meel Cidla Ah Soo Istaagay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Addis-Ababa:Madaxweynaha Puntland oo Madaxda DFKMG ah ugu baaqay inay Heshiiyaan.

 

Addis-Ababa:(Allpuntland)-Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Mudane,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo imika kusugan Dalka Ethiopia ayaa canbaareeyey islamarkaasna muujiyey sida ay dawlada Puntland uga xuntahay Khilaafka adag oo kadhaxeeya madaxda Dawlada Kumeel gaarka ah,waxaana uu ku baaqay in si deg deg ah Khilaafkaas loo joojiyo.

 

Mr,Faroole wuxuu sheegey inuu xiriir toos ah lasameeyey madaxda sare ee dawlada Kumeel gaarka ah islamarkaasna uu u sheegey in loo baahanyahay inay si toos ah u dulqaataan,islamarkaasna ay iska dhaafaan Khilaafka markasta dhexdooda soo kala gala oo Joogto ay ka dhigteen,waxaana uu sheegey in Dawlada Puntland ay kala dhexgalayso labada dhinac.

 

Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed wuxuu sheegey in Dawlada Puntland ay Dhinaceeda ay diyaar u tahay in Ra'iisul Wasaaraha ay qabtaan hadii uu khalad galo islamarkaasna ay dadkeedu yahay dad Wanaaga jecel,wuxuuse sheegey in madaxweyne Shariif uu u egyahay nin aanan diyaar u ahayn xalinta Khilaafkan balse aysan dawladiisu marna ka noogayn.

 

Dhinaca kale Madaxweyne,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Wuxuu sheegey in dawlada uu waqtigeedu gabagabo yahay islamarkaasna aysan wax hor'umar ah gaarin labadii sano ee ay jirtay,waxaana uu sheegey intaasi ay keentay in Wadamada Soomaaliya daneeya ay ka raja beelaan Waxqabadka Dawlada ee Waqtigan,wuxuuna markale Madaxweyne Shariif ugu baaqay in Khilaafkan deg deg loo xaliyo.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

:D

 

Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed wuxuu sheegey in Dawlada Puntland ay Dhinaceeda ay
diyaar u tahay in Ra'iisul Wasaaraha ay qabtaan hadii uu khalad galo
islamarkaasna ay dadkeedu yahay dad Wanaaga jecel,wuxuuse sheegey in madaxweyne Shariif uu u egyahay nin aanan diyaar u ahayn xalinta Khilaafkan balse aysan dawladiisu marna ka noogayn.

I like how he says, "Dawlada Puntland ay Dhinaceeda ay diyaar u tahay in Ra'iisul Wasaaraha ay qabtaan hadii uu khalad galo"... With the emphasis on, "hadii uu khalad galo" :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somalia: Reuters in media war against the Somali prime minister

September 17, 2010

 

Reuters Thompsons, the British news agency, joined the media war against the Somali prime minister by publishing story entitled Somali PM to face confidence vote in parliament. Prime minister Omar Sharmarke is in power struggle with the TFG president Sharif Sheikh Ahmed. “Somalia’s parliament has already voted once to oust Sharmarke and his Western-backed government. But the prime minister rejected the previous vote in May as unconstitutional and refused to resign,” REUTERS reports. The Somalia’s transitional parliament did not voted in May; the former parliamentary speaker, Shekh Adma Madobe, who was booed at my law makers, and told president Sharif that the government lost vote of confidence and asked for the president to accept his resignation as a speaker.

 

President Shariif accepted the speaker resignation and dissolved the government. Prime minster Sharmarke described president Sharif’s decision a violation of the transitional charted. President Sharif reinstated prime minister Sharmarke under the pretext that the former speaker of the parliament has lied to the president about the outcome of a parliamentary meeting.

 

The Reuters reporter, Abdi Sheikh quoted Abdullahi Sheikh Ismail, one of president Sharif’s supporters, who said: “The prime minister has no chance of maintaining his seat. The majority of the legislators will surely vote against him.The other option is that he may resign.”

 

Prime minister Sharmarke told VOA Somali Service that the government has already won a vote of confidence and that there was no need for a new vote of confidence from “anti-law and order people”. “The former parliamentary speaker who lied to the president in May about a parliamentary speaker about the outcome of MPs’ meeting is now a cabinet member and deputy prime minister. icon_razz.gif

 

 

Reuters’s fact-checking procedures were not applied while the story was being edited. Reuters has unwittingly joined a media war against Somalia TFG prime minister. :D

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this