Sign in to follow this  
Maaddeey

Khilaafka Shariif Sharmarke!

Recommended Posts

Somalina   

I agree with you Generale, the focus should be on our people.

We will see what happens inside the Villa very soon.

 

May Allah help our people.

 

p.s. If you have wadani songs (xataa PL) post them. I know you listen to music. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Soomalinimo is synonomous with poetry (land of the poets). I started not long ago to listen to suuganta somaliyeed, and learned a great deal about my culture and language.

 

So you see, It is never too late for you, just like is never too late for the chief to turn things around in Mogadishu. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

looooool....will talk in 9months IA, and compare notes.

 

Anigu koley, waxaan baranooyaa sida loo gabyo these days, adigu bal wax na tus. Adigoo Soomali qoraayana halagu arko (aniga inaad iga badiso waan ogahay xataa). :D

 

I got to go now, will talk soon IA. Have a good one walaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is a Soomaali democracy, so no big deal aan arko. Ilaa iyo lixdameyadii ayee jirtay, oo ra'iisul wasaare iyo madaxweynihiisa isqabqabsadaan. Waa xor dadka.

 

The only reason waxaan loogu bixi karo waa in either madaxweynaha awoodiisa la jaro oo ra'iisul wasaaraha la awood siiyo (a la Talyaaniga-style government) ama waa in ra'iisul wasaaraha dhan jago ahaantiisa la baabiyaa oo madaxweyne bas jiro (sida dalal badan adduunka ka jiro).

 

Otherwise, isqabqabsigaan ma dhamaanaayo fiinaa wiito.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muriidi   

khilaafka h.e. president shariif iyo mudane raisulwasaare sharmaarke hadii lagu soo koobo inaysan iskumeel ku shiri karin ,maadaamo mudane raisulwasaare c/rashid sharmaarke uusan ogoleyn in la shido (airocondition) , h.e. president shariif 'se uusan ka maarmin (aircondition)

 

taas ka sokow lakin ..

 

as we got used to , from you folks who are trying to sell us this reality .. what's next ?

 

according to the current events , are you gonna claim that al-qaeda is now opening a base in tokyo ?

 

i remember how some people laughed at this headlne: al-qaeda opens training

camps in cote d'ivoire , but wait maybe it's the tunisians .. or som'n ..

 

.. according to the current events ..

 

.. tokyo ????

 

web page

 

1713118;encoding=jpg;size=200;fallback=d

 

toxic city theory

 

IAEA.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

R/wasaare Cumar C/rashiid oo sheegey in xukuumaddisu aysan hadda u baahneeyn kalsoonida golaha baarlamaanka

Ra’iisal wasaaraha KMG ee soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa hadal qoraal ah u diray guddoonka golaha baarlamaanka kaasi o uga jawaabayey mowshin dhowaan laga soo gudbiyey xukuumaddiisa in ay hortagto golaha baarlamaanka isla markaana ay loo qaado codka ku kalsoonida,

 

qoraalkaan ka soo baxay xafiiska ra’iisalwasaarha ayaa ka dambeeysey mowshin dhowaan ay soo gudbiyeen xubnaha golaha baarlamaanka kuwaasi o dalbaday in XKMG ahi ay hor timaado golaha baarlamaanka si loogu qaado codka ku kalsoonida..

 

qoraalkan oo maanta ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha KMG Cumar C/rashiid ayaa waxa u yahay ki labaad ee uu u gudbiyo guddoonka golaha baarlamaanka.

 

Akhri nuqul ka mid ah warqadii uu RW ugu jawaabay Baarlamaanka:

 

mooshink5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muriidi   

.. maya ,yacni waxaan ka wadaa .. hadaad somali ahayd , wadamada khalijka ha ku xadgudbin ,

 

.. ciidamada ay u.n. 'ta ee filibinka :

 

web page

 

iyo dareenkaada soomaaliga haduu ku kaafin waayay,.. wait

 

sorry ,

 

hadaad rabto dareen sida wadamada khalifka, waa laguu heli ciidamo indonesia :

 

arheeqalmakhtoom.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xukuumadda oo Sabtida Loo Qabtey iyo Jawaabta Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid

 

September 16, 2010

 

Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka ayaa Maanta fadhi isugu yimid inkasta oo fadhiga dib u dhac badan uu ku yimid kadib markii Kooramku buuxsami waayey isla markaana uu aad uga soo daahay Guddoomiye kuxigeenka kowaad oo isagu ku mashquulsanaa soo dhaweynta Shariif Xassan Shiikh Adan afhayeenka baarlamaanka oo maanta soo gaarey magaalada Muqdisho.

 

Fadhigii maanta ayaa xildhibaanada waxaa laga hor akhriyey warqad uu baarlamaanka u soo direy raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke taas oo uu kaga jawaabayey mooshinka, laga keenay xukuumadiisa, waxaana akhriyey Prof.Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (IBBI) Wasiirka Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda, ahna Raysalwasaare ku xigeen.

 

Sidoo kale waxaa laga hor akhriyey fadhigii baarlamaanka Mooshin ka dhan ah xukuumadda Sharmarke, taas oo ay ku saxiixnaayeen 110 xildhibaan, waxaana akhriyey Xildhibaan Sheegow oo kamid ahaa mudanayaashii soo saxiixay.

 

Qaar kamid ah xildhibaanada ayaa goobta ka akhriyey dooda ay qabaan wax yar kadib waxaa shirguddoonku uu gashey arinta in cod loo qaado in xukuumaddu soo weydiisato Baarlamaanka codka kalsoonida, waxaa la sheegay in ay isku raaceen 296 xildhibaan, saddex xildhibaan ayaa ka soo horjeestey hal midna waa ka aamusay, waxaana fadhiyey kulanka 300 oo xildhibaan.

 

Shir guddoonka ayaa ku dhawaaqey in xukuumaddu codka kalsoonida ku soo weydiisato baarlamaanka muddo saddex maalmood gudahood ah taas oo ka bilaabanaysa maanta, waxaana fadhiga baarlamaanka loo bamalay maalinta Sabtida ah.

 

Jawaabta Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid

 

Raysalwasaaraha ayaa isla maanta ka hadley wixii ka dhacay baarlamaanka, waxaana uu ku tilmaamey wax sharci darro ah taas oo ay wateen Raysalwasaare kuxigeenada xukuumadda kuwaas oo kala ah Ibbi iyo Adan Madoobe, waxaan u direy guddoomiye kuxigeenka warqad aan u sheegayo in aan maalinta Sabtida ah hor imaanayo Baarlamaanka isla markaana uu ka jawaabayo eedaymaha ku qoran Mooshinka.

 

Dhegeyso Cumar jawaabtiisa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Muqdisho: Xildhibaanno iyo Wasiirro Kulmay

Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta ee DKMG ayaa VOA-da u sheegay in shirkaasi ay kaga hadleen sida ay uga soo horjeedaan go'aan uu gaaray baaralamaanka.

 

VOA Somali | Washington DC. Jimco, 17 September 2010

Xildhibaano iyo wasiiro taageersan ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta shir ku yeeshay Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

 

Xubnaha shirkaasi ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa wasiirka dastuurka ee dowladda federaalka Madoob Nuunow

 

Maxamed, Cabdalla Boos, Cabdirashid Cirro, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare Cali Axmed Jaamac (Jangali).

 

Kulankaasi ayaa lagu diidanaa go’aankii shalay baarlamaanku ku gaaray in xukuumaddu hortimaado golaha baarlamaanka ayna kalsooni weydiisato.

 

Mr. Jangali waxaa uu sheegay in xubnaha kulanka isugu yimid aysan dhammaantood ahayn kuwo ku fikir ah ra’iisal wasaaraha, hase yeeshee ay ku jiraan kuwo mowqifkoodu yahay dhex dhexaadnimo oo aan cidna u janjeerin.

 

Cali Axmed Jaamac (Jangali) wuxuu sheegay in kulankii shalay ee baarlamaanka meel looga dhacay xuquuqdooda, ayna difaacanayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Polanyi   

I wonder who the next donkey to lead the tfg will be and which SOL donkeys will cheerlead for him like he is the greatest discovery since tobacco. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweyne Shiikh Shariif oo Safar Deg-Deg Ah Ugu Baxay Dalka Uganda

 

September 17, 2010

 

shariif_shiikha-300x200.jpg

 

Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dawladda Federaalka Shiikh Shariif uu safar aan horey loo sii shaacin ugu baxay dalka Uganda, kaas oo ahaa mid deg-deg ah, Safarka Madaxweynaha ayaa waxa xaqiijiyey waaxda warfaafinta ee xafiiska Madaxweynaha.

 

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya, xili uu khilaafka u dhexeeya isaga iyo Raysalwasaare Sharmarke gaarey heerkii ugu xumaa, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa laga sugaayey in uu safar ugu baxo dalka Maraykanka halkaas oo uu ka dhacaayo shirka Qaramada Midoobey ee loo dhan yahay, Shirka loo dhan yahay ayaa ka dhacaaya magaalada New York 20 – 22 September, waxaana ka dhiman muddo laba maalmood ah.

 

Safarka ayaa la aaminsan yahay in uu salka ku hayo sida loo xalin lahaa khilaafka hareeyey Dawladda kumeelgaaka ah, waxaana saakey goor hore u timid Madaxweynaha diyaarad laga soo direy dalka Uganda.

 

Dhanka kale Raysalwasaare Sharmarke ayaa isu diyaarinaaya in maalinta berri ah uu hortago Baarlamaanka si uu uga jawaabo mooshin ka dhan ah oo lagu eedeeyay isaga, waxaana dhici karta in kulankaasi baaqdo, marka le’eego waan-waanta socota.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this