Sign in to follow this  
Maaddeey

Khilaafka Shariif Sharmarke!

Recommended Posts

Maaddeey   

100906154531_somali_386x217_nocredit.jpg

 

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo ifbaxayay khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo Raiisul Wasaaraha Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

 

Khilaafka u dhexeeya labada dhinac ayaa waxa uu salka ku hayaa dastuurka cusub ee la doonayo in loo sameeyo Soomaaliya.

 

Raiisul Wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa BBC uga warramay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Shariif.

 

bbcsomali.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Shariif iyo Sharmaarke oo qoorta isugu jira, kadib khilaaf ka soo dhex baxay

 

 

Midnimo

 

September 4, 2010 Markacadeey

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Khilaaf iyo mad madow xoogan ayaa soo kala dhex galay madaxda ugu sareysa dowladda soomaaliya, iyadoo ay muuqato kala fikir duwanaan salka ku haya dastuurka ay dhowaan xukuumada soo bandhigtay.

 

Inkastoo khilaafkan uu ahaa mid madaxda dowladda ku ekaa, ayaa durbaba ku fiday xubnaha baarlamaanka iyo hey'adaha dowladda, waxaana uu salka la galay arrimo badan oo quseeya jiritaanka dowladda.

 

Gudiga madaxa banaan ee dastuurka oo dhowaan soo bandhigay nuqulo ka mid ah qoraalada qabyada ee dastuurka ayaa waxaa gaashaanka u daruuray Madaxweynaha soomaaliya Shariif shiikh axmed oo ku amray in la hakiyo.

 

Madaxweyne Shariif ayaa si gaar ah uga carooday warqad qoraal ah oo uu R/wasaaraha u qoray beesha caalamka, taasoo ku qotontay howlaha dastuur u sameynta, iyo gudi wada jir ah oo uu R/wasaaraha dhisay.

 

R/wasaare cumar C/rashiid oo la hadlayay Idaacada VOA laanteeda afka soomaaliga ayaa ugu horeyn qiray khilaafka isaga iyo Madaxweynaha u dhaxeeya, isagoo ku tilmaamay kala fikir duwanaansho kaliya.

 

Laakiin waxaa uu r/wasaaraha ku tilmaamay in la diido dastuurka mid aan habooneyn, waxaana uu ku baaqay in marka hore muhiim tahay in madaxda dowladda ay ka hadlaan.

 

R/wasaaraha ayaa cadeeyay in dastuurkan uu meesha ka saarayo nidaamka Kmg ah oo ay dowladda ku dhisan tahay, taasoo uu xusay inay soo jirtay 10-kii sano ee u dambeeyay dowladdihii soo maray.

 

Khilaafka dastuurka ee soo kala dhex galay madaxda dowladda ayaa waxaa iyana maalmo ka hor qaadacay xildhibaano boqolaal gaaraya, kuwaasoo durbaba bilaabay olole ka dhan ah xukuumada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reliable sources told me that Shariif stopped the delivary of Xalwo Kismaayo to Sharmarke. And Sharmarke got angry, stood up and called the whole UN to tell them about what Shariif did.

 

Shariif said that he was concerned about the health of Sharmarke's cabinet and he wants them to work harder for the Somali people. While Sharmarke sees this as a deliberate attempt of Shariif to give all the Xalwo to his own clan and therefore sabotage his cabinet which is build on the 4.5 TFG consensus.

 

WILL BE CONTINUED.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

R/wasaaraha KMG “majiro khilaaf shaqsi ah oo igala dhexeeya madaxweyne Shariif

 

 

 

Ra’iisal wasaaraha KMG ee soomaliya oo Cumar C/rashiid oo warramayey laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu ka hadlay mowqifkiisa ku aadan qeylada ka taagan dastuurka qabyada ah isagoo sheegey in xukuumaddiisu ay qorsheeyneeyso in ay guddi sharci yaqaano ah u saarto isla markaana loo bandhigo dadweynaha markaa ka dibna golaha wasiirada la marsiiyo oo ay isku raacaan sidoo kalena loo gudbiyo golaha baarlamaanka si ay u sharciyeeyaan.

ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid waxaa kale oo uu intaasi ku daray in goor hereba ay ku dhaqaaqeen howshasi oo uu sheegey inay socon doonto ilaa laga gaaro bisha December.

R/wasaaraha KMG Cumar C/rashiid waxaa kale oo wax laga weydiiyey sida madaxweynaha KMG ahi uu uga biyo diidsan yahay qoraalkan qwabyada ah ee dastuurka isagoo sheegey in sida hadalka uu u dhigay madaxweynuhu uu aaminsan yahay in la sii wado howsha baarlamaanka isagoo intaasina raaciyey in go aanka madaxweynuhu uu ku gaaray dib loogu noqdo dastuurkii soomaaliya ee sanadihii lixdamaadkii taasi oo uu ra’iisal wasaaruhu ku tilmaamay mid aan loo baahneyn oo aan la jaan qaadi karin xaaladda jirta,

dhinaca kale ra’iisal wasaaraha KMG Cumar C/rashiid ayaa qiray in isaga iyo mdaxweynuhu ay ku kala qeybsan yihiin sida loo wajahayo mustaqbalka soomaaliya isagoo intaasina ku daray in isagu uu aamin san yahay in laga gudbo marxaladda KMG ah.

 

raii sal wasaaraha KMG ayaa waxaa kale oo uu sheegey uu jiro qorshe sida hadalka uu u dhigay lagu abaabulayo golaha baarlaanka taasi oo ku tilmaamay in ay tahay qorshe lagu marinhabaabinayo xubnaha baarlamaanka taasi oo uu ula jeedo kulamada madaxweynaha KMG ahi uu la yeelanaayo xubnaha baarlamaanka

 

http://www.hornafrik.com/?p=4211

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Adan Madoobe oo la saftay Sh.Shariif

 

14 Sep 14, 2010 - 7:19:06 AM

 

Ra'iisul wasaare ku xigeenka DF ahna Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Sh. Aadan Max'ed Nuur [Madoobe] oo shalay iyo maanta shirar jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xukuumada Somalia ay hortagayso baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado.

 

Sh. Aadan Madoobe ayaa sheegay shalay in baarlamanku uu mooshin ka keenay xukuumada isaguna uu aqbalay, madaama uu ahaa ku simaha Ra'iisul wasaaraha, wuxuuna ku eedeeyay Sharma'arke inuu dhegaha ka xirtay mooshinkan.

 

"Baarlamaanku xaq ayuu u leeyahay inuu dowlada ka keeno mooshin, markaan ra'iisul wasaaraha gaarsiiyay arinta mooshinka, wuxuu iga dansaday taleefoonada" ayuu yiri Sh. Aadan Madoobe oo sheegay in xukuumada uu horgeynayo baarlamaanka.

 

Ra'iisul wasaaraha Somalia oo ka jawaabayay hadalada uu saxaafada ka sheegay Sh. Aadan Madoobe ayaa sheegay inuusan awood u lahayn inuu arin sharci ah ka hadlo, maadaama aan laga ansixin baarlamaanka.

 

"Aniga ayaa magacaabay Sh. Aadan Madoobe, welina lama horgelin baarlamaanka, marka khalad ayay ku tahay inuu arin sharci ah ka hadlo, aniga ayaana mooshinka ka jawaabay, runtiina waxa uu ku kacay Madoobe waa fowdo ka dhan ah DF" ayuu yiri Sharma'arke.

 

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul Wasaare Sharma'arke ayaa u muuqda mid kala jiitay xubnaha dowlada, sida wasiirada iyo xildhibaanada, iyadoo xubnahaas ay la kala safan yihiin labada mas'uul ee muransan.

 

Madaxweyne Sh. Shariif ayaa horay u diiday dastuurka cusub, waxaana uu sheegay inuu damacsan yahay inuu xilka ka qaado Ra'iisul wasaaraha Somalia oo uu ku eedeeyay inuu warqad u qoray beesha calaamka uuna soo bandhigay dastuur.

 

Shir Jaraa'id oo uu maanta [sep 14] ku Villa Somalia Sh. Aadan Madoobe ayuu ku sheegay in xukumadu ay u baahan tahay inay kalsooni weydiisato baarlamaanka, isagoo sheegay in mooshinka laga keenay xukuumada uu yahay mid sharci ah.

 

Madaxda DF ayaa khilaafkooda waxaa walaac xoogan ka muujiyay beesha calaamka iyagoo ku tilmaamay mid sabab u noqon kara burburka xukuumada la aqoonsan yahay ee ka jirta Somalia.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

:D waa wax laga yaabo abti.

_________________________________

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku laabtay Muqdisho kulanna la qaatay xildhibaanno iyo wasiiro

 

Talaado, September 14, 2010 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah dib ugu laabtay Muqdisho, iyadoo ra'iisul wasaaruhu uu durba kulan la qaatay xildhibaanno iyo wasiirro ka tisran dowladda.

 

"Waxaan la idinka doonayaa inaad xallisaan khilaafka taagan, waayo khilaaf aan la xallin karin ma jirto, waxaan diyaar u ahay inaan la shaqeeyo hay'adaha dowladda, mana jirto meel aan ku iri shir hala qabto iyo tirada xildhibaannada hala dhimo," ayuu yiri ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo la hadlayay xubnaha uu maanta la kulmay.

 

Ra'iisul wasaaruhu, wuxuu sheegay inaan loo baahnayn in howlo badan ay dowladda horyaallaan oo aan loo baahnayn in madaxda dowladdu ay iskhilaafaan, wuxuuna sheegay in dalka uu ku sugan yahay xaalad khatar ah.

 

"Dalkeenna halka amnigiisu marayo waa la arkayaa, waxaan haysanaa fursd aan ka helayno caalamka, mana habboona in lagu lumiyo khilaaf, idinka ayaa la idin kaga baahan yahay inaad tustaan qofka qaldan khaladkiisa, waayo awoodaas idinka ayaa leh," ayuu Sharm'arke u sheegay xubnihii uu la kulmay.

 

Kulanka dhexmaray ra'iisul wasaaraha iyo xubnaha isugu jira xildhibaannada iyo wasiirrada ayaa ahaa mid saxaafadda loo ogolaaday inay goobjoog ka ahaato, wuxuuna Sharma'arke ****olka ka rogay in midnadu ay tahay mid wanaagsan.

 

"Waxaan wax ku nahay midnimo, waa inaad faragelisaan khilaafka, oo aad xal ka gaartaan, weliba khilaafka siyaasadeed waa midka ugu sahlan ee la xallin karo," ayuu Sharma'arke ku boorriyay xubnaha uu la kulmay.

 

Ugu dambeyn ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo safar dibadeed ku maqnaa maalmihii lasoo dhaafay ayaa si deg-deg ah dalka ugu soo laabtay, kadidb markii mooshin laga keenay xukuumaddiisa, wuxuuna codsaday in wadashaqeyn ay dhexmarto baarlamaanka iyo xukuumadda, lana qabto qofkii qaldan.

 

Dhanka kale, Ra'iisul wasaare ku xigeenka koowaad ahna wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Sheekh Aadan Madoobe oo isaguna maanta shir jaraa'id ku qabtay madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda looga baahan yahay inay kalsoonida weydiisato baarlamaanka.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ra'iisul wasaaraha DKMG ah oo ku eedeeyay Madaxweynaha inuu wado qorshe xukuumadda lagu ridayo

 

Talaado, September 14, 2010 (HOL) −

 

Ra'iisul wasaaraha Somaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Sheekh Shariif, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowaldda oo isaga taageersan inay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay xilka kaga tuuraan xukuumadda uu horkacayo.

 

"Runtii weerarkan waa mid ay siyaasad ka dambeyso, waxaana caado ka noqotay Soomaaliya marka la gaaro xilliyadan oo kale in la abuuro walaac la isaga horkeenayo madaxda dalka, balse waxaan ku talin lahaa in lawada hadlo oo aan lagu deg-degi in wax la tuuro," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

 

Sharma'arke, wuxuu aad u dhaliilay hadalkii kasoo baxay ku xigeenkiisa ahna ku simaha xilkiisa Sheekh Aadan Madoobe, isagoo ku tilmaamay mid uu aad ula yaabay, isla markaana lagu fowdaynayo xukuumadda uu hoggaaminayo.

 

"Xildhibaannada baarlamaanku waa inay si dhab ah ula xisaabtamaan hay'adaha kala duwan ee dowladda, lana raadiyo halka uu khaladka ka jiro, waxaana diyaar u nahay xukuumad ahaan inaan wixii khalad ah ee nalagu helo aan qaadano," ayuu yiri mudane Sharma'arke.

 

Ra'iisul wasaaruhu, wuxuu ****olka ka qaaday in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay inay soo bandhigto waxqabadkeeda, gaar ahaan dhinacyada dib u heshiisinta, ammaanka iyo howlaha kale ee xukuumadda, balse baaritaanno kuwaas oo kale ah lagu sameeyo Madaxweynaha hay'adaha kale.

 

Mudane Sharma'arke ayaa sheegay in khilaafka taagan uu ka dhashay in la xisaabtam dhab ah lagu sameeyo hay'adaha dowladda iyo xilliga KMG ah oo soo jirtay tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991 laga baxo.

 

Toddobaadyadii ugu dambeeyay ayaa soo ifbaxay khilaaf xooggan oo u dhexeeya madaxweyne Sheekh Shariif iyo ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid, waxaana labadan mas'uul ay ololayaal ay isaga soo horjeedaan ka kala wadaan Muqdisho iyo Nairobi.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Although I don't like Mr XALWO Cunoow but he is right in this occasion coz the only way this so called constitution can be implemented is through the Parliament.

 

Afguduud is out of touch in the reality , he wants referendum and he doesn't even control a district in the whole country.

 

Afguduud dugsigaa ku noqo yaa dhaha, his time is up, he was used and now faces the music.

 

Alla jabkooda jecliyaa yaa jigjiga iigu keen aan jamta kaguree!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Nina, dhibaatada na heysata waxa ka mid ah kuwa ugu waaweyn in dhibka & xumaanta Tolka indhaha laga qarsado, kuwa kalena toosh laga daba qaato. Tusaale, Cumar C/Rashiid & Shariif waxaa boqol jeer (esagerazione ;) ) fiican Cumar, haddana waxaad rabtaa in Cumar tago!, haddii qabiilkaaga, dadkaaga, reer xaafaddaada aad rabto iney wanaagsanaadaan, xumaanta kala dagaal oo wanaagga bar, lakin 'kayga aa kaaga ka fiican -no matter what- sida asxaabta qaar ma soconeyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

^^^Saakiin inuu tago waa rabaa, is that mean I hate his clan too? Oh my!

 

Abti, Cumar wuxu dawlada u qabtey, oo u kursiga ugu dhegen yahay ma fahmin. Adiga ma ii sheegi kartaa wuxuu qabtey ama ku fiican yahay hadaad ogtahay?

The guy can't even speak to the media without stumbling.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^Hadalka miyaad ragga ku kala soocdaa? ;) Sakiin inuu tagona waa rabtaa Shariifoowna uu joogo miyaa??, labadooda isku wax bey u taaganyihiin, ha wada tageen iyagaa far & faraanti ahaaye.

 

Doqonimo ka weyn maa jirto inaad Ra'iisal Wasaarahaaga oo safar ku maqan aad afar reer tolkaa ah Villa Somalia ku soo ururisid si aad banaanka ugu dirtid, iyadoo dawlad ku sheegta dhan qalqiil ku jirto. Cumar -atleast-intaas wuu gartaa, oo Aljazeera wareysigiisa ayuu ku sheegay intaas.

 

Ps. dafiictinimo guud ayaa iga dhan wada heysata, ee LIBAAXYADA soo raac :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

lol@LIBAAXYADA soo raac. Si daacad ayaan u qosley.

Dumarka xuquqdooda ma og yihiin horta?

 

About safarka Omar, dantiisa uu baxay (buying votes) and crying to the UN.

 

Shariif meets everyone in the Villa, ma asagaa meel kale ku shiro (xataa tolka). ;)

Wax bedela maad heysaa Sharif oon ahayn Zubeyr ama Mansur?

Cumar iyo Saakiinse waa la bedeli karaa (very easy weliba) ogow.

 

 

p.s. good night...waa inoo galin danbe abti.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Sharma’arke oo xildhibaanada iyo wasiirada ugu baaqay in ay khilaafka xaliyaan.

Muqdisho (Sh. M. Network) Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo maanta si deg deg ah dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa kulan Xarunta Madaxtooyada waxaa uu kula qaatay xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo xildhibaanada Barlamanka KMG.

 

Cumar C/rashiid Cali Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya waxaa uu intii kulankaasi uu socday uu soo hadal qaaday khilaafka kala dhaxeeya Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo muushinka ay ka keenaan mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya, waxaana uu sheegay in xiligaani aan loo baahneyn in ay is qab qasadaan madaxda dowladda xili dowladda KMG Soomaaliya ay wajaheyso dagaalo ay ku hayaan xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda.

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa xildhibaanadii iyo Wasiiradii kulanka ka soo qeyb galay waxaa uu ugu baaqay inay u istaagaan oo ay dhexda u xirtaan sidii ay u xalin lahaayeen khilaafka ka dhex jira isaga iyo madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ee maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysaneysa.

 

Mr Sharma’arke ayaa soo hadal qaaday talaabooyin uu sheegay in ay haatan meel wanaagsan marayaan kuwaasi oo wax looga qabanayo amaanka dalka Soomaaliya, waxaana sidaasi darteed xildhibaanada barlamanka uu kula taliyay inay xiliyaan waxyaabah ka qaldan masuuliyiinrta dowladda KMG Soomaaliya.

 

Imaanshiyaha deg deg ah ee Ra’iisul wasaare Sharma’arke uu ku yimid Magaalada Muqdisho iyo baaqaan ku aadan dhex dhexaadinta isaga iyo Madaxweyne Shariif ayaa imaanaya xili maanta uu baaqday kulan mudanayaasha Barlamanku ay ku yeelan rabeen magaalada Muqdisho taasoo lagu waday in lagu horkeeno Xukuumada KMG Soomaaliya walow arinkaasi uu kasoo horjeestay Ra’iisul wasaare Sharma’arke.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Shariif oo Barlamanka ka hor hadlay iyo Sharma’arke oo diiday hortaga Barlamanka.

Muqdisho: (Sh. M. Network) Mudanayaasha Barlamanka ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, iyadoo kulankaasina uu qudbad dheer ka jeediyay Madaxweyne Shariif, halka warqad jawaab celin ahna ay ka timid Ra’iisul wasaare Sharma’arke.

 

Kulankaani mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya ay ku yeesheen Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho oo ahaa mid aan caadi aheeyn islamarkaana uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka KMG Soomaaliya ayna ka soo qeyb galeen 305 xildhibaan iyo madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu maanta ka dhacay Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

 

Kulanka ayaa ugu horeyn waxaa furey gudoomiye ku xigeen koowaad ee Barlamanka waxaana uu sheegay in madasha kulanka ay xaadir ku yihiin mudanayaal kor u dhaafaya 300 oo xildhibaan sidaasi darteedna Kooramka mudanayaasha Barlamanku uu yahay mid buuxa.

 

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo Makaroofanka lagu soo dhaweeyay ayaa halkaasi waxa uu ka jeediyay qudbad dheer iyo hadalo aad u ad adag kuwaasi oo uu ku dalbanayay in loo baahanyahay in isbadal daruuri ah dalka Soomaaliya laga sameeyo.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliya ay soo mareen xukuumado kala duwan islamarkaana intii uu xilka hayay dhowr jeer xukuumada lagu sameeyay isku shaandheyn dhinaca golaha wasiirada ah, waxaana uu tilmaamay in taasi aanay waxba ka badalin xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif oo hadaladiisa ay u muuqdeen kuwa uu ku doonayay in isbadal loogu sameeyo xukuumada KMG Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin khilaaf ka dhexjira madaxda dowladda, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay iin uu xaqu u leeyahay in uu Ra'iisul wasaare soo magacaabo hadii uu waxqaban waayana uu xaqu leeyahay in uu ku soo celiyo Madanayaasha Barlamanka.

 

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday gudiga Madaxa banaan ee dhawaan soo bandhigey qoraalka qabyada ah ee dastuurka Soomaaliya, waxaana uu madaxweyne Shariif Sheegay in gudigaasi aanay aheeyn kuwa sharci ah maadaama aysan ansixin Barlamanka KMG Soomaaliya.

 

Markii Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya uu qudbadiisa gaba gabeeyay ayaa mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya waxaa loo qeybiyay Muushin ka dhan ah Xukuumada KMG Soomaaliya oo ay ku saxiixnaayeen 111 xildhibaan kuwaasi oo dalbanayay in Xukuumada KMG Soomaaliya la horkeeno Mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya si codka Kalsoonida ay u weydiisato.

 

Intaasi kadib ayaa gudoonka Barlamanka KMG Soomaaliya waxaa la soo gaarsiiyay warqad jawaab celin ah oo ka timid Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya, taasoo uu Ra’iisul wasaare Sharma’arke ku sheegayo in Xukumada KMG aysan marnaba hortagi doonin Barlamanka KMG Soomaaliya maadaama sida uu sheegay taasi uusan qabin sharciga dowladda KMG Soomaaliya.

 

Warqadda ka soo baxday Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sidoo kale waxaa looga soo horjeestay hadal madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya uu ka horsheegay mudanayaasha Barlamanka kaasi oo ku aadanaa in aysan sharci aheeyn gudiga Madaxa banaan ee Dastuurka Soomaaliya, waxaana Mr. Sharma’arke uu ku adkeystay in gudigaasi uu yahay mid sharci ah.

 

Gaba gabadii kulankaasi ayaa waxaa ka hadlay ku simaha gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka KMG Soomaaliya C/wali Ibraahim Sheekh Muudeey waxaana uu sheegay in Maalinta beri ah Xukuumada kMG ay hor imaan doonto islamarkaana mudanayaasha Barlamanka lo sharaxi doono Muushinka Xukuumada kMG Soomaaliya ee Maanta loo qeybiyay.

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

NALA SOO XARIIR Webmaster@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this