Sign in to follow this  
Meiji

The graveyard of the Extremists: Dhusomareeb

Recommended Posts

Meiji   

The silly surprise incursion of the extremists into Dhusomareeb was swiftly dealt with by the Sufi forces with the geeljire blood.

 

Galgaduud is truelly the graveyard of the extremists, their main leaders have perished there: Cayrow, TimoJilic and many more to come.

 

-------------------------------------------

 

Xaalada Degmada Dhuusa Mareeb oo degan iyo Qasaarihii dagaalada oo sii kordhay

 

Xaalada degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka G/gaduud ayaa saaka degan, iyadoo ay ku waabariisatay Bandow ay ku soo rogeen Culimada Ahlu Sunah, kadib markii shalay gelinkii la wareegeen.

 

Sida ay sheegayaan wararka waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay, waxaana dhimashada ay hada mareysaa ilaa 40 ruux oo dhimasho ah, kuwaasi oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayay.

 

Ciidamo fara badan ayaa lagu arkayaa gudaha Degmada Dhuusa Mareeb, kuwaasoo ammaanka si adag u sugaya, waxaana wararku sheegayaan in Ciidamo fara badan xalay ku baxeen wadada aada dhanka Koofureed oo aheyd halkii Shabaabka ka soo weerar tageen.

 

Saraakiisha Ahlu Sunah ayaa guulo ka sheeganaya dagaalka, waxaana dad goob joogayaal sheegeen in magaalada xalay ay bilqanayeen Meydad fara badan oo ahaa dhinacii ka soo horjeeday ee Shabaab.

 

Xarakada Alshabaab oo magaalada gacanta ku hayay 10-saacadood ayaa laga fara maroojiyay galabnimadii shalay, markii gurmad xoogan ay Ahlu Sunah ku rogaal celisay dagaalka, kadib markii aroortii hore laga soo saaray.

 

Ka sokow qasaaraha ayaa waxaa jira dad si bareer ah loo dilay iyo kuwa la gowracay oo lagu eedeeyay in ay geysteen Shabaab, markii ay la wareegeen Magaalada, waxaana dadka la dilay ku jiray nin madax ka ahaa Shirkada Isgaarsiinta Telsom.

 

Boqolaalka ruux ee ka barakacay magaalada ayaa afka aadiyay deegaanada miyiga, waxaana ay ka cabsi qabaan in hadii ay soo laabtaan in dagaaladu ay saameeyaan, waxaana dadka ay yihiin kuwa eegaya hadba xaalada sida ay isu badasho.

 

Si kastaba ha ahaatee dagaalkii shalay ayaa ahaa mid labada dhinacba ay jilbaha isugu dhigeen, kuna waayeen dad muhiim ah, waxaana dagaalkaas uu ahaa kii ugu xumaa ee abid labadan dhinac dhex mara, tan iyo markii dagaalada ay ka dhex bilowdeen sanad ka hor.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

the Ahlu sunnah forces will be victorious against the extrimists who only understand the language of force. if these terrorist gain upper hand in central region puntland will give them a lesson they will never forget for a long time as it did in 1992 . the defeat of dhusuomareb is the beginning of the end of alshaab terror

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

http://mustaqiim.com/News428.htm

 

I really feel sorry for the countless Somali teenagers the extremist warlords have brainwashed into suicidal operations.

 

The extremist warlords have abused the Somali youth for their warlord ambitions more than the previous secular, pseudo-clan warlords did!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

^^

 

They can come but will they stay is the question?

 

Dhusomareeb is their graveyard, they paid heavily for their last incursion.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

It is really sad in ilmahaan yaryar tuute dagaal loo soo geliyey oo dagaal la geliyey kadibna sidaan looga cararay. I don't think inay Shabaab Dh/Mareeb saldhig ka dhigan karaan waayo gobolkaani guud ahaan waa gobol ay suufiyaashu saldhig adag ku lahaayeen weligoodba magaaladaanuna waa mid ay taageero xooggan ka haystaan dadka degaanka. Plus ma ahan meel dagaal iyo ciidan ku cusub yahay sida degaanno ku yaal koofurta. Iyadoo sida la ogyahay ay Dh/Mareeb saldhig u ahayd Qaybta 21aad taasoo bilo lagu dubtay 1990. Midda kale waxay tahay dhallinyaradaan aan degaanka aqoon oo goobo badan oo Soomaaliya ka mid ah ka yimid amaba dibeddaba iyo magaalada oo runtii hareeraheedu u badan yihiin bannaan guryaheeduna gaagaaban yihiin oo aan lahayn meel ay difaac ka geli karaan Shabaab balse Suufiyaashu intay ka baxaan oo degaanno ka mid ah nawaaxiga ku dhuuntaan iskuna soo hubeeyaan ayay dagaal lixaad leh ku soo qaadayaan. Suufiyaashu waxay mar walba ka heli karaan taageero joogto ah dadka degaanka amase gobolka itiisa kale sida Caabudwaaq, Guriceel iyo Mareer-gur iyo weliba gobollada Hiiraan iyo Mudug iyo meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya balse Shabaab Jowhar iyo Xamar meel uga sokaysa ma leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabaab waxaan gumaca rasaasta ahayn mayaqaaniin.

 

Hardly will this teach them a lesson, they will never stop and will keep coming to their deaths and to kill more. Very sad indeed!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this