Sign in to follow this  
Kamaavi

Dhoobley Liberated from Shabab Al-Takfiiri.

Recommended Posts

Abtigiis   

He said he is going to cleanse the city of the Takfiri's. I don't know if he can do, but that is what he said. Anyway, their days are numbered. And yours too, Shakirullah, advocate of the beheaders.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Ciidamo wata ku dhawaad 25-Baabuurta dagaalka ah uuna wato Axmed Madoobe oo u soo Ruuqaansaday Afmadow

 

Ciidamo wata ku dhawaad 25-Baabuurta dagaalka ah uuna wato Axmed oo u soo Ruuqaansaday Afmadow, Kadib markii ay ku hakadeen Xoogaga Alshabaab ee shalay laga soo saaray Dhoobleey iyo Dhaq Dhaqaaq Milatari oo ka socda Kismaayo..

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbooyinka gaar ahaan Xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamo aad u fara badan oo uu Wato Axmed madoobe ay u soo Ruqaansadeen Degmada Afmadow oo ah saldhig Milatari ee xarakada Alshabaab kadib lawareegid uu shalay Aroortii hore uu la wareegay Degmada Dhoobleey oo ah Xadka Soomaaliya iyo Kenya.

 

Axmed madoode oo ah Sarkaal ka Tirsan Ururka Xisbul islaam ayaa ku faanay mar uu la hadlayay saxaafada intii uusan ka anbabixin Dhoobleey in uu maalmo dhaw Tagi doono Magaalada madaxda Kismaayo.

 

 

Sidoo kale wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in Dhaq Dhaqaaq Milatari laga dareemayo Magaaladaasi, Kadib markii la sheegay in uu Gobolo u dhaw Kismaayo ku soo Wajahanyahay Axmed madoobe.

 

Dagaalkii shalay ka dhacay halkaasi ayaa waxaa Xoogaga Alshabaab looga qabsaday sida ay wararku sheegayaan saad Milatari iyo Booyado u dhaamin jiray Biyaha, Balse lama oga in ay dib ugu laabanayaan Alshabaab Deegaamada lagala wareegay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Sheekh Axmed Madoobe iyo ciidamada uu hoggaaminayay ee shalay qabsadey magaaalada Dhoobley ayaa saaka isaga baxey magaalada iyagoo halkaas ka qaatey saabaankoodii iyo waxii gaadiid ahaa ee ay shalay ka qabsadeen ciidankii Alshabaab ee magaalada heystey. Ciidamadii Sh Axmed Madoobe iyo gaadiidkii ay wateenba waxey afka saareen jidka Afmadoow iyadoo aan la garaneynin talaabada xigta ee ay qaadi doonaan.

 

Waxaa sida aan wariyaasheena gobolka ayaa noo xaqiijiyey in ciidamadii Alshabaab kuwii shalay laga saarey Dhoobley qaar kale oo laga soo saarey Diif iyo ciidamo ka yimid Diif, Qooqaani iyo Afmadoow ay dib ugu soo laabteen magaalada Dhoobley iyadoo uusan wax dagaal ahna ka dhicin ay hadda joogeen magaalada Dhoobley.

 

Dagaalkii shalay oo aha mid fajac ku noqdey Ashabaab ayaa laga yaabaa inuu ahaa waji cusub oo Sh Axmed Madoobe lasoo baxay lagana yaabo iney magaalooyin kale la beegsadeen tabtii shalay. DAgaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamo Alshabaab ah ay weerar ku qaadeen saldhiggii Axmed Madoobe ee uu ku lahaa Diif.

 

KismaayoNews oo xalay qadka taleefoonka ku haleeshey gudoomiye ku xigeenka wilaayada Islaamiga ee Jubooyinka Sh. Xusseen Cabdi Geedi isagoo jooga Xamar ayuu sheegey in ay dib ugu laaban doonaan halkaasi, wuxuu ka gaabsaday in uu sheego khasaaraha halkaasi kasoo gaaray.

 

Waxaad mooddaa in sheekadu kusoo laabatay Jugjug meeshaada joog, Xisbul Islaam waxey haystaan Diif maanta, meesha Alshabaabna ay heystaan maanta Dhoobley marka laga reebo gaadiid dhawr oo Axmed Madoobe qabsadey iyo dad ku dhintey dagaalkii Shalay.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Wixii siyaasad ku saabsan Xiinoww halkaad ka toogato uun iga eeg. Overtime, you have proved to be consistent and purposeful. Shariif'kaa iyo TFG framework in la taagero wax dhaamaa majirto. Midda kale, Axmed Madoobe waa the younger brother of Alshabab uun. Macangag kale weeye. Haduu sida Fadiilatu Alsheekh Yusuf Maxamed Siyaad, Indha-cadde, wadani u digo rogto wuu badbadi.

 

EDIT- ceebtaadu waa uun hubsiga faraha badan kolka la yidhaa dad ONLF ah baa la qabtay. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ :D:D:D @fadiilatu Alsheekh Indhacadde

 

Ahmed is strategically positioned more so than the shrewd Indhacadde. He is on bar with Ahlu Sunnah of the central regions. He made a mistake in refusing to take Kenya’s offer; it had no foreign boots on the ground attached to it, and the only condition was to ally himself with the TFG. That was at the beginning of Jubba conflict. Now the Kenyan initiative to prop up the TFG is moving in full swing, he should take advantage of it and swim with the tide. This is the same strategy the defeated Caanoole group refused to implement. They fell victim to Alshabaab’s geopolitical maneuverings and false, but brilliant, categorization of Muslim vs Gaal.

 

Ahmed is not particularly wise, but he is brave and proud and that is quality I admire. Lets hope he grows a pragmatism bone in him enough to see the value of the current TFG.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Abtigiis & Tusbax:

EDIT- ceebtaadu waa uun hubsiga faraha badan kolka la yidhaa dad ONLF ah baa la qabtay.
:D:D

Haddaan taa kaaga warramo qosolkaan kaa dhammayn lahaa. Soo taan wasiir ******** ah oo Shariifka taageera la qadeeyey maaha, oo iri xiriirka Kablalaxa iiga warran...hadda maxaa ka danbeeyey :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Waxaa baryahan way ku caaroodaane muxuu ku yidhi? Dhaba.yacaan taas laga helayn oo na khayaamaysa soo kuma odhan. Waa nala kha'imayaa bay kaga dhagan tahay reeraha baryahan. :D:D

 

Mid sidaa igu yidhi baan ku idhi war ninyahow idinku maad wax khaa'intaan, kolkaasu yidhi nimanku waa munaafaqiin dadka jaahwareeriya. Waa isla jawaabtii hore uun jawaabtiisa danbanna. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

It was a private setting so in su'aalo hoose lays waydiiyyaa way bannaanayd. Gefkii Faroole iyo Mudaaharaadkii Faarax Macallin baan weydiiyey.

 

Nin Caqli badan buu ahaayyoo intaan tuhmayey buu iisheegay; tolkay Puntland waa degay buu yiri, maamulku waa halkiisee, shacabkan laga tegin karin.

 

Sida internetka wax loogu qoro dareenka reerku maaha :D

 

ps. Wasiirku xoogana waa noo dhaartay, haddii wixii Faroole loo noqdo :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

gheele, hadda laftigeedaad i siraysaa. Digniintaydaan qabaa when it comes la macaamilka Tolka. :D:D

 

Xiin, wasiirku dareenka dhabta ah kuuma sheegin. Wuxuuse sheegay waa wax fiican.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aw Tusbaxle,

war ninku wax badan buu ii sheegay'e ee waanan public forum ka sheegin karin ninyahow. Laakiin nuxurku wuxuu ahaa in wixii dhacay aysan wax qaacidda shacbi leh aheyn.

 

Markaan wasiirka la sheekaystay ka dib, baabuurta dhaxbuur naga aada u baqi mayyo kolley anigu :D

 

ps. hadaladiisii waxaa ka mid ahaa PL jabhad ogeenya xoreysa ma noqon karto

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this