Sign in to follow this  
Kamaavi

Dhoobley Liberated from Shabab Al-Takfiiri.

Recommended Posts

Kamaavi   

Waxaa Warsidaha Dhanaan.com si isdaba joog ah ugu soo dhacaya warar iyo faah faahin dheeraad ah oo la xidhiidha khasaarihii ka dhashay dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Dhoobley a ee loogu awood sheegtay ciidamadii Al-shabaab ee ku sugnaa magaalada.Wararkii ugu dambeeyey ayaa waxay xaqiijinayaan in dagaalka saaka ciidamadii Al-shabaab looga dilay 9 askari halka 7- baabuurna loogaga qabsaday .

 

Khasaaraha soo gaadhay ciidamadii qabsaday magaalada ee uu hogaaminayey Sheekh Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay hal dhimasho ah taasoo tirada wadareed ee khasaarihii ka dhashay dagaalkii saaka ka dhigaysa 10 ruux.

 

Dagaalka ayaa qarxay saaka barqanimadii kolkii ciidamo ka amar qaata Sheekh Axmed Madoobe ay magaalada ka soo galeen dhan aan laga filaynin iyadoo isla markiina ay xabadu ka qaraxday gudaha magaalada saacado yar ka dibna ciidamadii Al-shabaab laga foodhiciyey magaalada.

 

Al-shabaab ayaa dagaalkii saaka lagaga qabsaday 7-baabuur oo isugu jira nooca loo yaqaano tiknikada iyo kuwa lagu raaxaysto iyadoo baabuurta gacanta lagu dhigay uu ka mid yahay baabuurkii gudoomiyihii maamulkii Al-shabaab ee magaalada Dhoobley Maxamed Carab.

 

Ciidamadii Al-shabaab ee laga saaray magaalada ayaa ku baxay dhanka wadada aada Husingoo iyadoo sida wararku sheegayaan lagu daba jiro oo ay sii baacsanayaa ciidamadii Sheekh Axmed Madoobe.

 

Dhanka kale Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Sheekh Axmed Madoobe uu goor dhow shir jaraa'id ku qaban doono gudaha magaalada Dhoobley kaasoo uu kaga hadli doono dagaalkii saaka ciidamdiisu kula wareegeen magaalada Dhoobley.

 

Wararka ugu dambeeya ee xaalada Dhoobley iyo guud ahaan jawiga kacsan ee Jubooyinka kala soco Dhanaan.com

 

Dhanaan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

War Deg-Deg ah: Dhoobleey oo laga qabsaday Alshabaab

 

Published: 18 February 2010

 

KN: War hadda naga soo gaaray dagaalkii maanta ka biloowdey Dhoobleey ayaa sheegaya in magaalada Dhoobleey ay ka baxday gacanta Alshabaab

 

 

 

Warka oo ay nasoo gaarsiiyeen wariyeyaasheena Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaalka magaalada la’iskala baxay, walise uu socdo, magaalada ay la wareegeen ciidamadii saakay soo weeraray ee uu watay Sh. Axmed Madoobe, wallow hubanti la’aan ay ka taagantahay ciidamada qabsaday ee rasmiga ah kuwa ay yihiin.

 

Natiijada dagaalka ayaa is badali karta daqiiqad kasta maadaamaa uu dagaalka wali socdo.

 

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmeysaa kadib markii 24 kii saac ee ugu dambeeyey xuduuda lasoo dhoobey ciidamo Soomaali ah oo aad u badan oo dhawaan tabobar ciidan ugu soo dhamaaday

 

Wixii war ah ee kusoo kordha kala Soco KismaayoNews

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Sh. Axmed Madoobe iyo Ciidamo uu hogaaminayo oo Dhoobley qabsaday

 

14j85t0.jpg

 

Warar deg deg ah oo hordhac ah oo hada nasoo gaadhay ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo uu hogaaminayo Sheekh Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe) ay saaka weerar ku ekeeyeen magaalada Dhoobley waxogaa ka dibna ay la wareegeen magaaladii iyagoo gacanta ku dhigay gaadhigii gudoomiyihii magaalada Dhoobley Maxamed Carab.

 

Sarkaalkan sare iyo ciidamo daacad u ah ayaa la wareegay magaalada kadib iska hor imaad culus oo ay la kaleen maleeshiyaadka al-Shabaab oo iyagu halkaasi horay ugala wareegay Xisbul Islaam oo uu kasoo jeedo Axmed Madoobe.

 

Dagaalka oo goos-goos ah ayaa waxaa uu iminka ka socdaa meel u jirta magaalada Dhoobley ku dhawaad 40-50 kilo mitir, sida loo xaqiijiyay shabakada kismaayotimes.com.

 

Qabsashada magaalada Dhoobley ay qabsadeen ciidamada Sheekh Axmed Madoobe ayaa ku soo beegantay laba maalin un ka dib kolkii ay Al-shabaab shaacisay in ciidamadii Axmed Madoobe ay kala wareegeen fadhiisinkii ugu dambeeyey ay ku lahaayeen gobolka Jubada Hoose oo ahaa deegaanka Diif.

 

Wixii warar ah ee ka soo kardha dagaalka ka socda deegaankaasi Dhoobley dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaaIinsha’allah.

 

Kismaayotimes.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Alshabaab( Alkharaab) oo Dagaalkii Dhooblley Ku Jabtay Magaaladana Lagala Wareegay.

 

 

Ciidamada daacad u ah Axmed Madoobe iyo Xisbul Islam ayaa saaka La wareegay magaalada dhooblay, halkaas oo ay maamulaan degmada Dhooblay. Axmed Madoobe ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Dhooblay iyagoo dadku u lulayeen caloomo qoyan.

 

Dagaalka ayaa qarxay saaka barqanimadii kolkii ciidamo ka amar qaata Sheekh Axmed Madoobe ay magaalada ka soo galeen dhan aan laga filaynin iyadoo isla markiina ay xabadu ka qaraxday gudaha magaalada saacado yar ka dibna ciidamadii Al-shabaab laga foodhiciyey magaalada.

 

Al-shabaab ayaa dagaalkii saaka lagaga qabsaday 8-baabuur oo isugu jira nooca loo yaqaano tiknikada iyo kuwa lagu raaxaysto iyadoo baabuurta gacanta lagu dhigay uu ka mid yahay baabuurkii gudoomiyihii maamulkii Al-shabaab ee magaalada Dhoobley Maxamed Carab.

 

 

Dagaalka Alshabaab Laga Saaray Magaalada Dhooblay ayay Ku jabeen Iyagoo Lagala wareegay 8 Baabur oo Kuwa Gaashaaman ah Iyo Qalab Ciidan oo Badan.

 

Wararka ka soo Baxaya Magaalada Dhooblay Caawo ayaa sheegaya in Magaalada ay Degan tahay Balse uu og yahay Axmed Madooba in Alshabab soo Rogaan Celin Iyagoo Dadka Deegaanka Diyaar u yihiin in Iska Caabiyaan Xoogaag Alkharaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Xaaji Dhagax.:

I wonder if he got help from the TFG troops who are now stationed in Libooye ? But anyway its good news!

^^More like it seems that he got help from the locals.

 

Wareysigii Sheekh Axmed Madoobe iyo qaar kamid ah shacabka Dhoobley oo ka hadlaya dagaalka halkan ka dhagayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

General Duke should at least now be man enough to congratulate Sheikh Ahmed Madoobe.

 

Xinnfanin is right, Madoobe should use this chance and join the TFG. Hadii kale, all his struggle will be in vain.

Share this post


Link to post
Share on other sites

You know what, try to call Ahmed and ask him where he is and if he's still going to capture the Juba Regions.. :D

You can also ask him why he and his pack Hyenas fled as soon as the lions arrived.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this