Sign in to follow this  
Maaddeey

Amal Bank oo la tacziiray

Recommended Posts

Maaddeey   

Maxkamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo dambiyo ku soo oogtay shirkada Xawaalada Amal Banki kuna qaaday xukuno ku aadan dambiyadaasi.

Posted: 4/10/2010 3:03:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

Maxkamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta dambiyo ku soo oogtay shirkada Xawaalada Amal Banki iyadoo ku qaaday xukuno ku aadan dambiyadaasi.

 

 

 

Maxkamada Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ayaa maanta qaaday dacwad ay ku soo oogtay Shirkada Xawaalada Amal Banki kadib markii ay ku eedeysay in qeybo ka mid ah goobaha ay gacanta ku hayaan Wilaayaadka Islaamiga ee xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay ku qeybiyeen Buugaag ay gudahooda ku qoranyihiin ilaa 4 qodob oo ay ku sheegeen in ay dhaawacayaan diinta Islaamka iyo damiirka qofka muslimka ah kuwaasi oo ay ka mid yihiin 1-Faafinta Ciidaha Kirishtanka oo ka kooban 35 Ciidood iyadoona aysan ku jirin labada ciidood ee Muslimka mid ka mid ah, 2 kala qeyb qaeybin lagu sameeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, 3 hal ku dhigyo ay ku magacaabeen xigmad ay leeyihiin Israel, 4 sawiro aan anshaxa u fiicneyn.

 

 

 

Qaadiga guud ee Maxkamada xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab Sheekh Al qaadi Cabdil Xaq oo ka hadlay halkii ay ka dhaceysay Maxkamadeynta Shirkada Xawaalada Amal ayaa waxaa uu sheegay in markii ay Maxkamadu u yeertay Maamulka Shirkada islamarkaana ay wax ka weydiiyeen arimaha buugan, ay ku jawaabeen in buugaani ay daabacday Shirkada qaabilsan xayeysiinta buugaata oo laga leeyahay dalka Hindiya taasoo ay dalab u gudbiyeen iyagoona intaasi ku daray in bugaagta ay qeybiyeen iyagoo koontaroolin taasoo ay sheegeen in si qalad ah ay ku dhacday, waxaana uu sheegay qaadiga Maxkamada in Masuuliyiinta Shirkada ay ogolaadeen wixii xakun ah oo lagu soo rogo.

 

 

 

Sheekh Cabdi Xaq, Qaadiga guud ee Maxkamada xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ayaa sheegay in markii ay arkeen arimaha ku qoran buugaagtaasi ay ku xakumeen Shirkada Xawaalada Amal in ay daanbacdo 70,875 buug oo diini ah iyo inay gubaan inta laga hayo buugaagtii ay horay u soo saareen iyo in mar dambe dalka aysan keeni Karin waxyaabo nuucani oo kale ah.

 

 

 

Goobtii ay ka dhaceysay Maxkamadeynta Shirkada Xawaalada Amal ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Shirkadaasi kuwaaso oo aan wax war ah sin saxaafadii ka soo qeyb gashay xukunkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Xarakada Al-shabaab oo Xukun Ku Ridey Shirkadda Amal Express

April 10, 2010 | NEWS

0 comments

 

Maxkmad ka dhacdey magaalada Muqdisho ayaa xarakada Al-shabaab waxa ay xukun ku rideen Shirkadda Ganacsiga ah ee Amal Express.

 

Xukunka ku dhanka ah Shirkadda ayey sheegeen Al-shjabaab in Buuga Xusuus-qorka ama Kalandarka ah ay Shirkaddu ku faafiyeen oo ku qoreen:

 

- 35 ciidood oo gaaladu leedahay

- Kala qaybinta dalka iyo dadka Soomaaliya

- Halkudhigyo Yuhuudeed

- Sawiro anshaxa ku xun.

 

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtey in ay u yeereen maamulka Shirkadda Amal ayna weydiiyeen in ay ka hadlaan buugtaas, waxaana maamulka Shirkaddu ku jawaabey:

 

In ay buugta u geeyeen shirkad xayeysiiska samaysa oo ku taala dalka Hindiya, waxaana ay noo soo daabaceen buugtaan anaga oo aan wax kontorool ah marin ayaan qaybiney.

 

Xarakada Alshabaab ayaa sheegtey in Shirkaddu ay qiratay khaladkeeda, isla markaana ay ogoshahay waxkasta oo lagu xukumo.

 

Maxkmadda ayaa maanta ridey xukun ah tacsiir sida hadalka loo dhigey:

 

1- In ay daabacdo shirkadda Amal Kurtub gaareysa 70.875 kitaan kuwaas oo isugu jiraa Qur’aan Axaadiis iyo mucaamalaadka.

2- In lagubo dhamaan buugaatii ay soo daabacdeen

3- In aysan dib danbe dalka u keenin waxyaabo caynkan oo kale ah.

 

 

Qaadiga xukunka ridey ayaa magciisa lagu sheegay Shiikh Cabdixaq Cabdullaahi.

 

Xukunka laguma caddeyn halka kitaabta lagu xukumey in ay soo daabacdo shirkaddu la geynaayo ma masaajida dalka oo dhan ayaa loo qaybinayaa mise meelo gaar ah ayaa la geynayaa.

 

Ma jirto cid u hadashey shirkadda oo ka jawaabtey xukunka lagu soo oogay iyo eedaymaha loo jeediyey

 

Shirkadaha gacansiga ayaa sameeyaa buugaag kalander ah kuwaas oo ay sii yaan macaamiishooda, waxaana ku yaalo halkudhigyo xayeysiisyo ah, loogada shirkadda iyo meelaha lagala xiriiri karo.

 

Hoos ka eeg Maalmaha muhimka ah ee ku qoran Kalanderka oo lagu qabsadey Shirkadda:

 

3-Years-01.jpg

 

 

Horseed Media

Muqdishi, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

^What a weird calendar! Amal must be run by some ex-north american fugees wierdos who are not aware of the environment that they are operating in. Halloween, Election Day [whose election day?] Thanksgiving day [my zz], rememberance day [what?] hanukkahday who the hell are they talking to? By just looking at this ill-advised calendar it is pretty obvious to any1 that this will land them in BIG trouble with alshabab law enforcement

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Allamagan as you are aware in the west their is public holidays. Amal has many branches in the west and therefore needs to know these crucial days. As for the hanukkaday and stuff, well jews dominate the banking sector in the world and therefore it's very important you know when their not going to be at work dont you think?

 

I really see no harm in this!!! Infact it's business. What is amal doing is trying to inform the public on those specific days their maybe interruption in the hawala services, thats all it is!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Cowke, this calender will not work or suitable in the islamic world especially todays South somalia where alshabab movement spearheading and setting the agenda. Amal would have been better off to make a custom made calendar featuring more islamic and somali holidays ( i know even somali holidays like maalinti hawenka or xaawo taako will not make happy these guys)

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is really funy. You know, I just recalled they recently hired an Indian manager to run operation or something. This is really true, they hired some indian guy with corporate experiance to help them run the company. I bet he is behind this thing that went all wrong...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Cawke, Diary-ga Soomalida ayaa loogu talagalay!, haddana Ciidaha Muslimka kuma qorna, taas baa yaab leh!.

 

Sawirada anshaxa ku xun maxay ahaayeen?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Maxkamadda Al Shabaab oo Xukun ku ridday Shirkadda Xawaaladda Amal Bank ka dib markii ay u geftay Diinta Islaamka(Halkaan ka daawo Bayaanka iyo Sawirka Buuga).

Saturday, 10 April 2010 11:11 administrator

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta Xukun islaami ah ku riday Mid kamida shirkadaha Xawaalaha ee ka shaqeeya wilaayaadka islaamiga oo lagu helay xad gudub dhanka dhaqanka islaamka ah.

 

 

 

Maxkamadda Guud ee xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta Xukun ku riday Shirkadda Xawaaladda Amal Express kadib markii ay shirkadaasi baahisay Buug ay ku qoranyihiin dhaqamada Yahuuda,Masiixiyiinta iyo kuwa Majuusiyiinta oo dhamaan ah dhaqamo aanay qabin shareecada islaamka.

 

Qaaliga Maxkamadda Xarakada Shabaabul Mujaahidii Sheykh Cabdul-xaq oo maanta saxafaadda Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in shirkadda Amal soo daabacday Buug ay ku dhanyihiin Acyaad Gaalada oo dhan 35 Ciidood iyo muuqaalo Been abuur ah oo ku salaysan qariiradda Somaliya.

 

Buugga ay Amal soo daabacday waxaa laga dheehan karay ka been sheegid wadciga Somaliya iyadoona juquraafi ahaan lagu xusay in Xoogaga Islaamiyiinta ah meelo yar Somaliya ka maamulaam halka AMISOM iyo Qabuura Galeenkuna ay maamulaan inta badan Somaliya sida buugga ku xusan.

 

Mas'uuliyiin katirsan Shirkadda Amal oo goob joog ka ahaa maxkamadd ayaa qirtay dembigaas waxayna ku doodeen in shirkad Hindiya laga leeyahay ay khiyaantay balse ay ku qanacsanyihiin wixii ay shareecada ka helaan.

 

Shabaabul Mujaahidiin waxay ku xukuntay Amal in ay Daabacdo 7875 Kutub kuwaasi oo isugu jiro kutubo qur'aan iyo kuwa kale oo ah kuwa laga barto Cilmiga diiniga ah.

 

 

Hoos ka akhri Bayaankii Maxkamadda ka soo baxay.

amal1_thumb_medium718_1031.jpg

 

Liiska kutubta iney daabacaan lagu xukumay & tiradooda:

amal3_thumb_medium735_1000.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

I wonder if they are going to publish Sharhus Sunnah by Iimaam Barbahaaree, the all important book which talks about leaving the Jamaaca.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this