Sign in to follow this  
MoonLight1

VILLA SOMALIA CLOSE TO FALL.

Recommended Posts

hillaac on May 11 2009

 

 

Xoogagga Al-Shabaab oo Jihooyin dhowr ah ka soo weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, Iyo Madaafiic lagu asqeeyay Magaalada Muqdisho.

 

 

War Deg-Deg ah:- Muqdisho,11,May,2009 ,Isniin,(Hillaac.net ) Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xaafado aad ugu dhow Xarunta Madaxtooyada ay ka socdaan Dagaallo Fool-ka fool ah oo u dhexeeya Xoogagga Alshabaab iyo Xoogagga kale ee Dowladda taabacsan, Waxana Dagaalladaasi ay Xaafadahaasi ka qarxeen kadib markii Ciidamada Dowladdu ay ka warhelen Xoogagga Alshabaab oo Madaxtooyada ku soo dhawaaday meelo ku dhow-dhowna Rasaas ka soo tuuraya.

 

Warar hordhac ah oo naga soo gaaraya Dagaalladaas la'isku habeensaday ayaa qeexaya in Xoogagga Alshabaab ay Gadaal u riixeen Ciidamada Dowladda, Waxase Xarunta Madaxtooyada ka soo dhacaya Madaafiic aan kala hakaneynin oo lagu garaacayo Xaafadaha Magalada Muqdisho, Madaafiicda laga soo ridayo Madaxtooyada ayaa ah mid sida la sheegay ay halkaasi ka soo tuurayan Ciidamada AMISOM ee Ilaalada ka ah Madaxtooyada, Waxana jira Dhaawacyo iyo dhimasho Dad rayid ah ay ka soo gaartay Madaafiicda aan loo meel dayin ee ay Villa Soomaaliya ka soo tuurayaan Ciidamada AMISOM.

 

Faahfaahin dheeri oo Dagalladaas ku saabsan Dib baan idinkala soo socodsiin doonnaa haddii alle idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Ciidamada dawlada oo ku dagaalamay gudaha xarunta madaxtooyada.

11. maj 2009

 

 

 

Muqdisho(Allpuntland )-Rasaas xoog leh ayaa laga maqlay xarunta madaxtooyada Somalia gudaheeda , waxaana rasaastaas ay wararku sheegayaan in ay isku adeegsanayaan ciidamada dawlada dhexdooda.

 

Muran ka bilawday telefoon Mopil ah oo ay dhaceen ciidamada Milatariga ayaa keenay in dagaal xoogan u dhex maraa iyaga iyo Police-ka ilaalada ka ah madaxtooyada .

 

Sadex Askari ayaa ku geeriyotay dagaalkaas inta la ogyahay , waxaana ku dhaawacmay laba kale.

 

Saraakisha dawlada ayaa mar dambe xiisada ku baxay oo qaboojiyey , waxaana la qaaday ciidamadi geeriyooday halka ku dhaawacana la dhigay cisbitaal.

 

dagaalka ka dhex qarxay labada ciidan ee dawlada kawada tirsan ayaa ku soo aaday xili dagaal kale uu kaga furanyahay dhinaca mucaaradka.

 

Wariyayaashi ka qeybgalayey shirka jaara'id ee madaxweynaha ayaa indhahooda ku arkay meydadka Askarta iyo dhaawacooda mar ay ka soo baxayeen xarunta madaxtooyada.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xidigo   

I am going to change my mind about Somalia if Alshabaab alshaydaan gets control of that country. Those criminals who are hiding behind religion are going to destroy any hope we have for peace and prosperity.

 

Anyone who condemned the Ethiopian occupation yet cheers for these lunatics who are killing innocent civilians is a hypocrite and a coward. :mad: You all know what I mean ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

JB this article is from Hillac.net which is pro HizbulIslam.

It seems they are very close to the villa and I think t'rrow will be decisive. If the shariif guys hold then they may get some help from other forces.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Al-Shabaab oo afar jiho ka soo weeraray xarunta madaxtooyada Villa Somalia iyo dagaalka oo sii xoogeysanaya

 

 

Mogadishu Monday, 11 May 2009 SMC

 

Wararkii ugu dambeeyay ee aanu ka heleyno goobaha ay dagaalada ka socdaan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaafado aad ugu dhow xarunta madaxtooyada ay ka socdaan dagaallo, kaddib markii ciidamo ururka Al-Shabaab kja tirsan ay soo weerareen xaafadahaasi.

 

Goobaha ay ka dagaalamayaan xoogagga Al-Shabaab ayaa waxay kala yihiin Suuqa Cowska iyo Balka ee Fagax, xaafado ka tirsan Deg. Yaaqshiid, Suuqa Degmada Wardhiigley iyo degaanno kale.

 

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah dhammaanba goobahaasi ayaa la sheegayaa inay haatan ka socdaan dagaaladii ugu xoogga badnaa, waxaana ururka Al-Shabaab oo u muuqda inuu ku gacan sareeyo dagaaladaasi ayaa hadana dhinaca kale ciidamada Dowladda KMG ah waxay wadaan dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn.

 

Ilaa iyo haatan lama oga qasaaraha ka dhashay dagaaladaasi ka socda degaano ka tirsan magaalada Muqdisho, bacdamaa ay dhacayaan iska hor imaadyo fool ka fool ah, waxaana dhinaca kale xaafadaha Muqdisho si xowli leh ugu socota rasaas wiifto ah, taasi oo qasaaraha ay geysatay ay isa soo tarayaan.

 

Dhinaca kale dagaaladaasi wixii ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa, haddii Alle idmo qormooyinkeena dambe iyo wixii ka soo kordha waxyeelada ay geysanayaan dagaaladaasi maalintii shanaad ka socda magaalada Muqdisho.

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Anyone who condemned the Ethiopian occupation yet cheers for these lunatics who are killing innocent civilians is a hypocrite and a coward. You all know what I mean

any alternative sis? Shariif sakiin? :mad: Col Cumar Xaashi :eek: , Abdiraxmaan Abdishakuur :( and the list continous ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this