Sign in to follow this  
xiinfaniin

TFG and Puntland discuss important issues in Garoowe.

Recommended Posts

DFKMG ah ee Soomaaliy iyo Puntland oo lagu wado in ay ka heshiiyaan khilaafkii u dhaxeeyay

 

Isniin, January 04, 2010(HOL): Madax ka socota DFKM ah ee somaliya oo shalay galinkii danbe soo gaaray magaalada Galkacyo ayaa maanta kulan la qaadanaya Madax ka tirsan Maamulka Puntland si la isaga afgarto khilaafka u dhaxeeya DFKMG ah iyo Puntland.

 

Wafdigan soo gaaray Galkacyo ayaa isugu jiro xildhibaano iyo Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Dawlada ,waxaana u jeedka ugu wayn ee ay u yimaadeen ay tahay sidii xal looga gaari lahaa dagaalkii ka dhex dhacay Puntland iyo Gal mudug.

 

Madaxwaynaha Maamulka Puntland DR C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa la Filayaa iney xal ka wada gaaraan dhibaatooyin baryihii ugu danbeyay ka jiray gobolka Mudug iyo khilaafka DFKM ah iyo Maamulka Puntland.

 

Wasiirk Macdanta iyo batroolka DFKM ah ee Somaliya General C/Xasan Cawaale Qaybdiid oo hor kacayay wafdigaasi ayaa xusay in ay rajo wayn ka qabaan xalinta xaalada jira,isla mar ahaantaan ay ku guulaysan doonaan.

 

Dawladda KMG ah ayaa maalmo ka hor sheegtay in ay la heshiin doonaan Puntland, iyadoo ay jireen Siyaasiin ka soo jeeda Puntland oo uu Madaxweynaha KMG ah uxilsaaray xalinta arrimahan, iyadoo ay soo baxayaan warar is khilaafsan oo arintaasi ku saabsan .

 

Maamulka Puntland ayaa iminka u Muuqda mid ah aqbali doona Fariinta ay wadaan Wafdigan ka socda DFGKM ah ee Somaliya ,xilli ay jiraan xaalado murugsan oo dalka ka jira

 

Feysal Maxamed Hassan (Boston),Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe: Mudanayaal ka socda baarlamaanka KMG ah iyo Madaxda dawladda Puntland oo ku kulmaya Garowe.

4. januar 2010

 

 

Garowe(AllPuntland)- Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya iyo Madaxda dawladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku kulmaya caasumada Puntland ee Garowe, iyagoo ka wada hadlaya xaaladaha Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya,gaar ahaana khilaafaadyadii dawladda KMG ah iyo dawladda Puntland ee Soomaaliya.

 

Xildhibaanadan ayaa shalay ka soo dagay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, waxaana ujeedkooda lugu sheegay in ay la kulmaan Madaxweynaha dawladda Puntland Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed oo ay kala hadlayaan xaaladaha dalka iyo in ay dhexdhaxaadin ka dhex sameeyaan Puntland iyo dawladda KMG ah.

 

Madaxweynayaasha dawladda KMG ah iyo Puntland ayaa isku khilaafay wada hadal ay ku qaateen dalka Kenya, sannadkii hore ee 2009-kii markii ay dhinacyadu isku diideen qeybo ka mid ah heshiis horay loo gaaray.

 

Dawladda KMG ah ayaa maalmo ka hor sheegtay in ay la heshiin doonaan Puntland, iyadoo ay jireen Siyaasiin ka soo jeeda Puntland oo uu Madaxweynaha KMG ah uxilsaaray xalinta arrimahan, iyadoo ay soo baxayaan tafaasiilaad kala duwan.

 

Lama garan karo sida uu Madaxweynaha Puntland ku aqbali karo wada hadal waqtigan uu la yeesho dawladda KMG ah ee Soomaaliya, inkastoo ay wararka qaarkood sheegayaan in uu jiro khilaafaadyada qaarkood oo laga gudbay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Puntland ayaa iminka u Muuqda mid ah aqbali doona Fariinta ay wadaan Wafdigan ka socda DFGKM ah ee Somaliya

Finally ,, eh ?? :D

 

 

Good dev ..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Xiinoow Khamiistan ayaan u anbobixi Garowe Insha Allah, anigaa warka inoo keenahaya!

 

Sophist

 

PS: This is a good news!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Insha Allah.

 

JB: Sowtii wiilkii Ingiriis Carre ii dhaartey oo yiri tareesaa kuu qoran hadaad ka degto Hargeisa. Anigu hade maadaama aan Aabe cusub noqdey, waaxaan door bidey inaan Garowe toos uga dego insha Allah oo aan inkaan odeyga ah aanan xiniinyo taaban :D Kaftan.

 

Insha Allah waxaan idin soo mari sadex usbuuc kadib.

 

Sophist

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this