Sign in to follow this  
Maaddeey

Matabaan oo gacanta Al Shabaab gashay

Recommended Posts

Maaddeey   

Shabelle: MATABAAN.

Dagaalo xoogan islamarkaana u dhaxdeeyay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa Saakay waxa ay ka dhaceen degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

 

 

 

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya qeybo kamid ah gobolka Hiiraan Saakay ayaa dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo kuwa Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaca waxa ay ka qarxeen degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

 

 

 

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaaladu ay ahaayeen kuwa culus islamarkaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

 

 

 

Dagaalka ayaa waxa uu qalqal ku abuuray dadkii ku dhaqnaa degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan kadib markii ay ku waabariisteen dhawaqa rasaasta culus iyo mida fudud oo ay isweydaarsanayeen labada dhinac.

 

Wararka ugu dambeeya ee inaga soo gaaraya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in si buuxda ay degmadaasi gacanta ugu gashay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kadib dagaalkii Saakay halkaasi ku dhaxmaray iyaga iyo Ciidamada Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

 

 

Lama oga ilaa iyo hada qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, inkastoo lagu soo waramayo in uu jiro qasaaro soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dadka rayidka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

aniga hadaan dagaal yahan ahay! ilaah igamadhigee , waxaan iswaydiinlahaa su'aalahan.

1.maxaad u dhiman horta?

2.maxay macna oo samayn inaad maalina ku cararto tuulo xun maalina ka cararto?

3.maxaad gaynaysaa tuuladan tagtaye?

4.goormaad gaadhi guusha?

5.Goorma ayaanse fahmayaa ujeedada dhabta ah ee aan u dagaal ugujirno??

6.yaa i habaaray waanigaan gacanta ugalay Alshabab iyo wax lamid ahe ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Xaaladihii ugu dambeeyey ee Degmada Matabaan.

By Somalimirror on 6 Apr, 2010 9:02 AM in Main, Wararka

 

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Saaka aroortii gudaha u Galay Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, Saacado kooban kadibna dib ayey uga gurteed mana jirin Dagaal halkaa ka dhacay marka laga reebo rasaas kooban oo ka dhacayday Duleedka Magaalada.

Sarkaal kamida Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ay laxiriirtay Shabakada Warbaahinta Somalimirror ayaa sheegay in Cutubyo kamida Ciidamadoodu ay Saaka lawareegeen Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Saacado kooban kadibna dib uga laabteen.

 

Wuxuu intaa ku daray in Dagaal sidaa u buuran uusan ka dhicin Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

 

Majiro war ka soo baxay kooxda sheegata Ahlu suna Waljamaaca oo Xubno taabacsan ay horey usii joogeen Dedgmada Matabaan.

 

Xaalada guud ee Degmada Matabaan ayaa la sheegayaa inay haatan Xasiloontahay.

 

 

www.somalimirror.com

 

Daabaco

1 Comment(s)

MARXABA YAA SHABAABUL ISLAAM

MARXABA YAA SHABAABUL MUSLIMIIN

 

ALLAH DHALINTAAS HA NOOGU SOO CELIYO DHULKII WANAAGSANAA,HANA NAGA SAARO QABUURIYIINTA, MASAAJIDADII LOOGA TUKAN WAAYAY.

 

noora | Apr 6, 2010 | Reply

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

61_13.gif

 

Ninkii ka naxaayo ha ka naxo. Naagtii ooynaysa'na haa ooyso, Fawarabul Ciz'za wal Jalaalah, Somalia oo idil ay Mujahideenta gaaraayaan kana tahiraayaan najaasada ee gaalo-raaca meel walbo ay joogaan inshallah. Waxaa sugaayaa kuwa wadaad-xumaha ah(holy scholars) oo Nairobi, Madeenah iyo Dooxa ruz maca kabsah ku cunaayo inay cambaareeyaan oo dahaan "Matabaan in la qabsado waa "fitnah" oo deenta ogalayn, waana xaaram, maxaa dhacay Ilaahay quraan'ka wuxuu ku yiri "wal fitnatu asha'du minal qatl", sidaa daraadeeda, khawaarijta(lol) waa inay joojiyaan fitnada ay wadaan ay markaas sida anaka camal uu hogaan samaan Amiir-ul-Mu'mineen Meles Zenawi( xadeeth-kii, wa low kaana cabdan xabashiyan)

 

Heh. Al-qaafilatu taseer, wa kilaab-ul-xabasha tanbax. Sidaa hanoo ahaato, esteemed and illustrious culomo-abtiyaal :D

 

Matabaan is only a stone's throw away from Shirk wal Zenawi Headquarters in Guriceel. You got Guriceel, you got Galgaduud. You got Galgaduud, you got Gaalkacyo. You grab Gaalkacyo, Puntland falls. Xaal ka ba' :D Is-geejiya, abtiyaal. Bal aan aragno math'hab al-gaalo-raac'nimo wexii laga deefo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Breaking News: Ahlu Sunna Take over Mataban.

 

Xoogag taabacsan Ahlu Sunah Waljamaacay ayaa goor dhow dib u qabsaday Degmada Matabaan oo saaka ay ku soo hiireysteen Xarakada Alshabaab, iyadoo Ahlu Sunah si nabad kula wareegtay halkaas

 

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Ahlu Sunah oo dhowr jiho ka yimid ay kubaareeyeen Degmada Matabaan, ka hor inta aanay Shabaabka qudhooda isaga bixin, waxaana la sheegay in Ahlu Sunah ciidamo gurmad ah uga yimaadeen degmada Guriceel.

 

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Jowhar.com in Xoogaga Ahlu Sunah oo digrinaya ay labo jiho ka soo galeen Matabaan, halka kuwii Alshabaab oo saaka soo galay degmada ay u carareen dhinaca deegaanka Coomaad.

 

Degmada Matabaan ayaa saacado gudahood ay isu gacan dhaaftay, waxaana muuqanaya dagaal aan laga fursan karin oo labada dhinac ay u diyaar garoobayaan, inkastoo Ahlu Sunah ay ka xoog badan yihiin sidii hore.

 

Xoogagii Ahlu Sunah ee ku sugnaa Matabaan ayaa saaka isaga baxay, kadib markii ay arkeen Xoogag fara badan oo Shabaabka ka tirsan, kuwaasoo dhowr jiho ka soo galay, iyadoo Ciidamada uga sugnaa Ahlu Sunah degmadaas ay ahaayeen kuwo aad u yaraa.

 

Lama oga xaalada sida ay isu badali karto, waxaana muuqanaya saan saan dagaal oo dadka deegaanka ay sheegayaan in ay mar walba la filan karo.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

^^ Yaa jaasoos, dhulinimo waxaa kuugo filan inaa la safan-tahay mushrikeen'ta ee qabuur caabud'ka.(even if you don't share their polytheistic beliefs). Ilaahay aakhiro hakula soo saaro zumratu Zenawi wal Mushrikeen. Aamiin. Laakin waxaa ku weydiyay, waa tii Abdulkareem Jaamac iyo Abukar Arman la siiyay jagooyin, ee adiga maxaa banaan'ka ku dhigay, ileen kama howl yarid ragaas ee ? Basaas'nimo waxay uu baahantahay alotta self-promotion ee fadhiga ka kac, duqa. Dheesha yaa lagaa badanin.

 

 

Thanks, Ukhtii Malika, I consider that to be high praise that I am undeserving of. I can only hope to develop the oratorical abilities of the young brother who was giving the moving khutba. "Adeeryaal, yaala isu gambanin, hadaa deenta Alle(ie, Shareecada) qaadan waysaan, wallahi billahi, waxaa lamid noqonaysiin dowladii shariif, meeshay martay aa mareysiin"

 

Cawaale,

 

That young brother has more honour, more dignity, more Iimaan, and more Islam in his left toe than the corpulent 'Holy Scholars' that you watch on TV can hope to have in 10 lifetimes. Taas weligaa ha iloobin, abti. Wax isku dhow ma ahan, mana la isku qayaasi karo dhalinyaro(fit'yatun aamaano bi'rabihim wa zidnaahum hudaa) uu istaagay inay magaca Alle kor yeelaan, iyo niman xirfad ka dhigtay Islaam-ka inay bariis ku cunaan calaa manhaj Fatwa-4-sale. Tom & Jerry ayaga ku haboon inay fiirsadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Polanyi   

ps. Meiji, remember when I said , " WHat goes around, comes around. The grave worshiping mushriks and their Ethiopian lackeys will get their turn too.". Ahlul Shirk wal Zenawi will be be on the run and making tawaf in Adiss Ababa by ramadan, inshallah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

LOL@making tawaf in Addis.

 

Speaking of, from another forum:

 

ahlusunnah wal jamaacah supporters urgent meeting

by HutuKing01 » Tue Apr 06, 2010 4:28 pm

 

the shabaab khawaarij are very close to dhuusomareeb. They captured a town called mareergur. we need to increase the dhikr and make dua's for the mujahideen fi sabillah

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this