Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Waararkii ugu danbeeyay ee safarka madaxweynaha Somaliland

Recommended Posts

rayadis111vl0.jpg

 

Warsaxaafdeed ay soo saartay xukumada Somaliland oo uu ku saxeexanyahay afhayeenka madaxtooyda Somaliland oo ka warbixnaya socdaalka madaxweynaha Somaliland mudane Dahir Rayaale Kaahin, waxa uu udhignaa sidan hoos ku qoran, iyada oo nuqul ka mid ah warsaxaafdeedkoodaasi na soo gaadhay ay u qaybiyeen saxaafda.

 

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo booqasho haatan ku jooga Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Ethiopia, waxa saaka salaan sharaf ugu yimid oo ku soo booqdey Hutel-ka uu degan yahay ee Sheraton, Safiirka Ingiriiska u fadhiya Dalka Ethiopia, Mudane, Bob Dewar iyo Masuuliyiin ka socota Safaaradda Dawladda Ingiriisku u leedahay Magaalada Addis Ababa.

 

rayadis113pr7.jpg

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Safiirka Ingiriisku waxay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin, cilaaqaadka ama xidhiidhka labada wadan oo dhinacyo badan ah, waxaanay isla qaadaa dhigeen sidii loo sii xoojin lahaa, xidhiidhka u dhaxeeya labada Wadan, Safiirka Dawladda Ingiriisku waxa uu Madaxweynaha u sheegay in dawladdiisu ay si weyn ula dhacsan tahay nidaamka Dimuqaraadiyadeed, Nabadda iyo Xasiloonida ay Dawladda Somaliland ka hirgelisay Dalkeeda, waxana uu Safiirku ballan qaaday in dawladdiisu ay si buuxda uga taageeri doonto Xukuumadda iyo Shacbiga Somaliland-ba sidii ay u sii xoojin lahaayeen Nabadda iyo geedi socodka dimuqraadiyadeed ee ay gaadheen, waxa kaloo Safiirku uu ballan qaaday in Dawladda Ingiriiska iyo wadamada kale ee ku bahoobay Ururka Barwaaqo sooranka Europe (EEC) in ay ka taageeri doonaan Jamhuuriyadda Somaliland doorashooyinka soo socda, sidii ay waddanka uga qabsoomi lahaayeen, kullankaa dhex maray Madaxweynaha iyo Safiirka Ingiriiskuna waxa uu ku dhammaaday is af garad iyo jawi fiican, isaga oo Safiirku si gaar ah ugu hambalyeeyay Madaxweynaha JSL, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, qaraarkii dhawaan uu ku cafiyey, qaaar ka mid ah dadkii loo haystay argagixisada, kuwa kalena uu kaga dhimay, qaar kalena ka dhaafay dilkii ay ku xukunaayeen.

 

rayadis112sh9.jpg

 

Sidaa si leeg, waxa Madaxweynaha isna ku soo booqday, huteelka uu degan yahay, Safiirka Maraykanka u fadhiya Dalka Ethiopia, Mudane, Donald Yamamoto oo ay weheliso qunsulka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Gobolka Geeska Africa, Marwo, Janice Mastorio-Worth.

 

Madaxweynaha iyo Safiirka Maraykanku waxay ay ka wada hadleen xidhiidhka u dhaxeeya, labada Wadan waxa kale oo ay isla soo qaadeen sida uu Maraykanku ay gacan uga siin lahaayeen Jamhuuriyadda Somaliland, sii xoojinta hannaanka Dimuqraadiyadda iyo Nabadda, waxa kale oo Safiirku uu ballan qaaday in Dawladda Maraykanka ay ka go’an tahay in ay ula dhaqmi doonto, Jamhuuriyadda Somaliland qaab cusub oo hor leh, maadaama Somaliland ay ka jirto, Nabadgelyo iyo Dimuqraadiyad. Madaxweynaha JSL, waxa uu u sheegay isaguna in ay ka go’an tahay in ay ka qabsoomi doonaan JSL, doorashooyinka soo socda, kuna dhici doonaan Nabadgelyo iyo Caddaalad.

 

 

 

Safiirka Dawladda Maraykanku, waxa kale oo uu caddeeyay in Somaliland iyo Maraykanku ay gudo gali doonaan in la dejiyo qaabkii cusbaa ee wada shaqeynta ahaa ee labada waddan, sida ugu dhakhsaha badan.

 

 

 

Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo ay ka mid yihiin, Marwada Madaxweynaha JSL, Marwo, Huda Barkhad Aadan, Wasiirka Arrimaha Debedda, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Af-hayeenka Madaxtooyada JSL, Mudane, Siciid Caddaani Mooge iyo Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Ciise, waxa la filayaa in ay caawa u gudbi doonaan Dalka Sweden oo ay martiqaad rasmi ah ka heleen.

 

 

 

 

 

Qarannews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulan albaabadu u xidhanyihiin oo ay wada qaateen madaxweyne Rayaale iyo Raysalwasaare Males Zenawi

 

meleszenawirt9.jpg

 

Waxa uu xalay kulan ay albaabadu u xidhan yihiin uu dhex maray madaxweynaha Somaliland mudane Dahir Rayaale Kaahin iyo Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Ethiopia, Mudane Males Zenawi, kullankaasi oo ka dhacay qasriga madaxtooyada dalka Ethiopia. Waxa Madaxweyne Rayaale iyo Ra’iisal Wasaare Males Zenawi ay ka wada hadleen arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin, xidhiidhka saaxiibtinimo, ee u dhexeeya labada dal, xidhiidhka ganacsi iyo arrimaha Siyaasadda ee gobolka iyo gaar ahaan xidhiidhka wanaagsan ee u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya sidii loo sii xoojin lahaa.

 

 

 

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa shalay galinkii danbe ka soo degay garoonka diyaardaha ee caalamiga ah ee dalka Itoobiya xagaasi oo madaxweynah iyo waftigiisa si aad u heersaraysa ah loogu soo dhaweeyay madaxweynaha ayaa waxa garoonka kaga hortagay madax heer wasiiro ah oo ku qaabilay garoonka Addis Ababa isla markaasina loo dhigay ama lagu soo dhaweeyay khadiifad cas iyo xidhmooyin ubax ah.

 

 

 

Madaxwweynaha ayaa maanta kulama la qaadan doona diblomaasiyiin shisheeye ah oo ku sugan dalka Itoobiya iyada oo la filayo in uu caawa nuska danbe u socdaalo qaarada Yurub, siiba dalka Sweden iyo dalka Norwey.

 

 

 

 

 

Adan W. Faarax

 

Qarannews

 

Addis Ababa

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2007-06-02 (Hadhwanaagnews) Adis ababa (HWN):-Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu galabta si diiran loogu soo Magaalo Madaxda dalka Ethiopia ee Adis ababa.

 

Weftigan uu horkacayo Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa galabta 5:05 si diiran loogu soo dhaweeyey Madaarka Caasimada Ethiopia ee Adis ababa ee Dalka Ethiopia.

 

Waxa Madaarka Caasimada Dalka Ethiopia si diiran ugu soo dhaweyey Wasiiru dawlaha wasaarada arrimaha dibada iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Magaalo Madaxda dalka Ethiopia ee Adis ababa Ambassador C/risaaq Maxamed Suufi iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibada ee Ethiopia.

 

Waxaanu Madaxweynuhu kulan kula yeeshay Wasiiru dawlaha wasaarada arrimaha dibada iyo safiikii hore ee Ethiopia, waxaanay kulankaasi kaga wada hadleen xaalada guud ee Geeska, khaasatana ta gaarka ee u dhaxeysa Somaliland iyo Ethiopia, ee walaaltinimo, ganacsi, siyaasadeed iyo xidhiidhka guud ahaanba ka dhaxeeya Somaliland iyo Ethiopia.

 

Waxaana Madaxweynaha la dejiyey Hotelka weyn ee Sharoton, waxaana la rajeynayaa inuu caawa la kulmo Ra’isal wasaaraha dawlada Ethiopia Meles zanawi.

 

 

******************************************

 

 

Weriye, mustafe-Janaale

Hadhwanaagnews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

I am more interested in the instructions he received from his master, what are the instructions Jacaylbaro, you are in Addis...fill us in.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ how can JB know that, when it was behind closed door.

 

Definitely Riyaale assured Zenawi that there is nothing to worry about and that the entertainment is in full gear. Maaweeladu si fiican ayeey usocotaa.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Anaga oo dhan waa nala maaweelinayaa. Kuwa hurda waa Soomaalida.

 

Clan wars in Kismayo, Gobolada dhexe, Sool, Nugaal, Sanaag&Bari, Buuhoodle. There is no clan in Somalia today thats not in some sort of war. And we also see whats happening Xamar, Baladweyne, Bargaal.

 

Welcome to reality Somalis :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

And you should all see the Ethopian TV here ,,,,,

 

 

It is not only Zenawi the president is meeting with ,, also the ambasadors and other officials in the country before he proceed to Sweden and Norway.

 

i didn't know he was coming and i went to the airport to receive a friend of mine, suddenly i woke up with a lot of soldiers and military started to more around the airport with guns and pistols ,,,, i thought something is wrong and my friend told me may be there is an official going or coming ,,,,,,,, later i came to know that it was the president arriving from Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland President on a working visit to Sweden

 

 

Today monday 4 may 2007 The president of The Republic Somaliland HE, Dahir Rayaale Kahin arrived in Stokolms arlanda Airport at 10:00 our local time for A Working visit .

 

The President was met with a Red carpet reception by the aeroplane door.He was then welcomed with flowers Of which was handed over to The Preident by Somaliland Children Shortly After He was warmly welcomed to Sweden by Ethiopian Airlines Regional Manager Mr Paulos Sime, Eidarus Sh Adan from The Swedish tax Agency as well as the chairman of Somali Relief Organisation.

 

After the welcoming ceremony the president and his entrouge left towards the Vip Lounge where he was to join the guests amoung them Hans Berglund from The swedish tax agency,Gunnar Andren Member of the swedish parliament,Gunnel Blomgren from the Stockholm county counsel.

 

The President as well as Somaliland minister of foreign affairs left the airport towards the Swedish parliament for the official lunch ceremony that was hosted on their behalf 13:00 by the swedish foreign affairs amongst those who were the participants at the reception was Birgitta Ohlsson Member of Parliament, spokesperson foreign affairs , Swedish liberal party ,liberal party member committee on foreign affairs and other members of parliament.

 

At 14:00 The President and Somalilands Foreign Minister had a meeting with The Deputy Speaker of the Swedish national assembly Liselott Hagberg as well as other members of the parliament from different political parties.

 

The days working events of the president was rounded up by a press meeting at 15:00 after the press meeting the president was escorted to his residential hotel .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Originally posted by Jacaylbaro:

I'm reporting from Addis sxb ,,,,,,,,,,, it was happening in Addis airport.

I worry that when you finally see the light one day, you'd go crazy and run around Dooxa Hargeisa donning a massive beard, being chased by kids.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Rayaale oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Sweden.

 

 

Warsaxaafdeed ka soo baxay xukumada Somaliland oo uu ku saxeexanyahay afhayeenka madaxtooyda, warsaxaafadeedkaasi oo ka waramaaya socdaalka madaxweynaha Somaliland iyo waftigii uu hogaaminaayay ayaa nuqul kamid ah warsaxaafdeedkaasi uu soo gaadhay shabkadani QARAN, waxa aanu u qornaa sidanihoos ku xusan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Weftigii uu hogaaminayey waxay maanta gallinkii hore ka dageen Magaalada Stockholm, Caasimadda Dalka Sweden, waxaana Madaxweynaha iyo weftigiisa halkaasi ku soo dhaweeyay Madax ka socota Dalka Sweden oo ay ka mid yihiin, Ms, Birgitta Ohlsson oo ah Marwo ka tirxsan Baarlamanka, isla markaana qaabilsan Arrimaha Debedda iyo Gunnar Andren oo ah xildhiibaan ka tirsan Golaha Baarlamanka oo ka mid ah Xisbiga Talada haya, iyo Xildhibaan madax ka ah Golaha xukuumada ee Magaalada Stockholm ayaa ku soo dhaweeyay Qolka Marti sharafka ee VIP-ga, waxa kale oo Madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyay dad farabadan oo ka socda Qurba Jooga Somaliland eee deggan Dalka Sweden, dadkaasi oo ka yimid Gobolo badan oo dalka ka tirsan, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen haween iyo Dhallinyaro ku labisan Callanka Somaliland, halkaasina ka qaadayey Heeso iyo Ciyaaro ay ku soo dhaweynayeen Madaxweynaha iyo Weftigiis.

 

Madaxweynaha JSL, waxa maanta qado sharaf ku marti qaadayh Saraakiil ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Caalamiga Xidhiidhka Debedda iy Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilada kana wakiil ah Axsaabta siyaasadda ee dalk Sweden.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu uga waramay Madaxda ka tirsan Dalkaa Sweden ee maanta uu la kulmay tallaabooyinka horumarka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ay ku tallaabsatay gaar ahaan dhinaca, Nabadgelyada, Xasiloonida Dalka iyo Geedi Socodka nidaamka Dimuqraadiyadeed, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu Madaxda u sheegay in ay Somaliland intii tamarteeda ah ay dedaal weyn ugu jirto sidii ay u heli lahayd aqoonsi qaranimadeeda iyo Madaxbanaanideeda waxaana uu u sheegay in ay ka filayaan in arrintaa ay hormood ka noqdaan Wadamada Africa iyo Dalalka Isbahaysiga EUROPE oo ay ka mid tahay Sweden.

 

Madaxweynuhu, waxa uu uga mahadnaqay dalka Sweden oo ay ka go’an tahay in ay Somaliland ula dhaqanto si gaar ah, siiba waxyaalaha ku tacaluqa Horumarka Dalka.

 

Waxa kale oo shirkaa isna ka hadlay Wasiirka Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo si qoto dheer uga hadlay, waxyaabaha ay Somaliland rajeynayso in ay dawladda Sweden ka caawiso, si Waddanku uu u gaadho horumar , isagoo ku ballan qaaday in uu soo hordhigo dawladda Sweden, baahida Somaliland iyo arrimaha dawladda Somaliland ay mudnaanta siinayso in si dhakhso ah wax looga qabto.

 

Weftiga oo hawlihiisa halkaa ka sii wadan doona waxa kale oo la filayaa inay la kulmi doonaan Madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Debedda, iyo Laamaha horumarinta Caalamiga ah iyo Shirkado ka tirsan Waddanka Sweden oo daneynaya Maalgashiga Wadamada Africa.

 

st82d83bbpc7.jpg

 

Qado Sharaftii Maantuna waxay ku dhammaatay jawi is af-garad.

 

 

 

 

Qarannews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Jacaylbaro:

And you should all see the Ethopian TV here ,,,,,

 

 

i didn't know he was coming and i went to the airport to receive a friend of mine, suddenly i woke up with a lot of soldiers and military started to more around the airport with guns and pistols ,,,, i thought something is wrong and my friend told me may be there is an official going or coming ,,,,,,,, later i came to know that it was the president arriving from Somaliland.

loool...as if he is that important...oo toloow maxaa laga ilaalinayaa Itoobiya gudaheedana? Ma in la afduubtay ka baqeen mise waxaa la rabaa in isaga la tuso awoodda Itoobiya oo askartooda ay ku baaciyaan illeen iyaga dhanba waxaas baa lagu harowsadaa. Waxaa igu maqaalo ah in Salaad Cali Jeelle (I call him DABBAAL Cali Jeelle) uu mar la weydiiyey shanta dowladood ee adduunka ugu awoodda badan uu Itoobiya ku daray liiska uu tiriyey...waah waah waxaasaa xoolo ah!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this