Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Waararkii ugu danbeeyay ee safarka madaxweynaha Somaliland

Recommended Posts

Madaxweyne Riyaale oo dalka dib ugu soo laabtay iyo su'aalaha laga weydiiyey socdaalkiisa

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 22 June, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu soo dhammaystay socdaal saddex toddobaad qaatay oo uu ku soo maray dalalka Sweden, Norway iyo Talyaaniga.

 

Madaxweyne Riyaale oo markii uu dalka soo gaadhey, madaxtooyada kula hadlay saxaafadda maxalliga ah, waxa uu sheegay in safarkiisu uu ahaa mid guul ku soo dhammaaday, isaga oo si gaar ah u xusay Talyaaniga oo uu sheegay in albaabkiisa oo xidhnaa uu soo furay.

 

"Si kooban markaan uga hadlo safarkayga waxaan ku tegey Norway, Sweden iyo Talyaaniga. Waxaan ku soo ururinayaa – su'aalaha idinkaan idiin dhaafayaaye – Guul bay ahayd uu safarkaasi ku soo dhammaaday, " ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale.

 

"Talyaaniga oo meel inaga xidhan ahayd albaabkaasi inuu inoo furmay baan idiin sheegayaa oo aan ku soo guuleysaney oo Talyaanigu uu inala macaamili doono mustaqbalka dhow, " ayuu raaciyey.

 

Waxa kale oo uu sheegay in safarkiisa uu markii horena ka bilaabay Addis Ababa, haddana uu ku soo gebagebeeyey.

 

Madaxweyne Riyaale, waxa uu sheegay in warkiisu ka soo horreeyey, taas oo uga jeedey warsaxaafadeedyo uu soo dirayey Afhayeenka Madaxtooyada oo la socdey weftiga Madaxweynaha. Sidaa darteed, waxa uu sheegay inuu ka jawaabayo wixii su'aalo ah ee ay saxaafaddu weydiinayso.

 

Madaxweyne Riyaale oo marar badan Suxufiyiinta, Golayaasha iyo dadweynahaba u tilmaama inay wax soo bartaan ama sharciga bartaan, waxa la weydiiyey su'aal ku saabsanayd Aqoontiisa iyo sababta uu wax uga qabanwaayey ama u maarayn waayey, musuqmaasuqa baahay, caddaalad-darrada iyo cabashooyinka kale ee la xidhiidha ku dhaqankiisa sharciga iyo dastuurka? Waxana uu ku jawaabey,

 

"Horta anigu ma ogi waxaad aad ka sheekeeynayso, adiga ayaa og, musuqmaasuqna ma jiro, caddaalad darrona ma jirto, maxkamaduhuna waa maxkamado xora. sharcigana aan kaaga warramo, horta Madaxweynaan ahayoo dastuurka ninka ilaalinayaan ahay, 10 sannona waanan ku shaqeynayey. Hota dastuurka ha la raaco ayaan idhiye sharciga ma yaqaanaan maan odhan, ha qaloocin, dastuurka ha la raaco ayaan, idhi dastuurkana in la raaco waa waajib nin laga baryayaana ma jirto aniga layga baryimaayo, cid kalena laga baryimaayo."

 

Madaxweyne Riyaale waxa uu beeniyey warar soo baxay intii uu Talyaaniga tegey oo sheegaya inuu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Cabdillaahi Yuusuf.

 

"Waa been, lama kulmin, war been ah bay ahayd, ninkii sameyeyna isaga ayaa sameeyey, cid walibana way ogtahay wasiir Embaghati oo meesha joogayna muu jirin, " ayuu yidhi.

 

Madaxweyne Riyaale oo socdaalkiisa Talyaanigu aanu ku jirin qorshaha socdaalkiisa oo ahaa Sweden iyo Norway, waxa uu sheegay in markii uu dalka ka dhoofayey uu Talyaaniga ka haystey martiqaad rasmi ah, balse uu qariyey inuu sheego.

 

"Horta markaan halkan ka dhoofayey marti-qaad rasmiya ayaan ka haystay Talyaaniga, laakin maan sheegin maadaama aan cadow badan aynu leenahay ilaa inta aan meesha gaadhayey waayo danteena ayaa ku jirtay inaan ka sii warramin sinaan danaheena u gaadho, " ayuu yidhi mudane Riyaale.

 

Waxa kale oo la weydiiyey in Talyaanigu yahay dalalka Yurub ee sida weyn uga soo horjeeda Somaliland, si weynna ugu xagliya dowladda Soomaaliya ee Cabdillaahi Yuusuf, waxa uu sheegay in aanu Talyaaniga wax gaar ah saarayn, balse, uu ka mid yahay dunida oo aanu jirin dal keliya oo aqoonsan Somaliland.

 

Madaxweyne Riyaale, waxa uu difaacey tallaabadii Shirkadda Itoobiyan Airlines ku soo rogtey madaxda Somaliland in la baadho ka hor inta aaanay diyaaraddaas fuulin.

 

Madaxweyne Riyaale waxa socdaalkiisa ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Dibadda, marwada Madaxweynaha, Xoghayntiisa gaarka ah iyo Afhayeenka Madaxtooyada. Waxaana ku soo dhoweeyey madaarka Madaxweynekuxigeenka, Guddoomiyayaasha Baarlamaanka, wasiirro iyo dadweyne la soo abaabuley.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland Oo dalka ku soo laabtay

 

 

Hargeysa(QARAN)- Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa galabta Dalka dib igu soo laabtay ka dib markii ay soo dhamaysteen booqashooyin shaqo oo ay ku tageen wadamo ka tirsan Yurub.

 

Madaxweynaha oo maanta gelinkii danbe ka soo degay dhabaha diyaaradaha Egal ee Casimada isagoo la socday diyaarad khaas ah oo ay leedahay shirkadaha diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa hadal kooban oo ku siiyey saxaafada Xarunta Madaxtooyada kaas oo ku saabsanaa socdaalkii uu ku tegay wadamadaa iyo wixii uga soo qabsoomay waxa uu yidhi[Marka hore waxaan filayaa in warkaygu iga soo horeeyay sicid baana idiin soo dirayay markastaba,Si koobanse hadii aan uga hadlo safarkayaga waxaan ku tegay Sweden,Norwey iyo Talyaaniga waxaan ku soo ururinayaa wixii su’aal ah idinkaan idiin dhaafayaaye safarkaasi wuxuu ahaa mid guul ku soo dhamaaday waxa kale oo aan idiin sheegayaa Talyaaniga oo mudo inaga xidhnaa albaabkaasina wuu inoo furmay oo waa ku soo guulaysanay]ayuu yidhi Madaxweynuhu

 

Madaxweynaha waxa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin,Wasiiro,Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Qaranka,iyo Dadweyne kale oo fara badan .

 

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo safarkooda ku soo khatimay Itoobiya waxa ay halkaa kula soo kulmeen Raysal Wasaaraha Itoobiya Ato Melez Zenawi iyagoo isla soo qaaday xidhiidhka labada Dal iyo Xalaada ka aloosan mandaqada Geeska Afrika

Weftiga waxa habeenkii xalay casho sharaf ugu sameeyay Hutel Sheraton ee magaalada Adis-ababa Wasiirka Arimaha Dibeda Itoobiya Zayoum Musfin iyadoo uu goob joogna ka ahaa Wasiiru Dawlaha Arimaha Dibeda ee Itoobiya Tekda Alomu iyo Wasiirka Arimaha Dibeda Somaliland Cabdilaahi Max’ed Ducalle

 

 

Madaxeynaha Waxa Safarkiisa ku wehelinayay Murwada Kowaad Huda Barkhad Aadan,Wasiirka Arimaha Dibeda Cabdilaahi Max'ed Ducalle,Xoghaynta Madaxweynaha Axmed Ciise,iyo Siciid Cadaani Afhayeenka Madaxtooyada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this