Sign in to follow this  
Kamalu Diin

Suldaan Cismaan oo ka Tanaasushay Baaqoodii Shareecada ee ay kaga dhawaaqeen magaalad

Recommended Posts

Wararkii ugu danbeeyey

 

Somaliweyn - Hargeys - 12/12/06

 

Kooxdii Suldaan Cismaan oo ka Tanaasushay Baaqoodii Shareecada ee ay kaga dhawaaqeen magaalada Burco

 

Weftigii isugu jiray golayaasha qaranka oo uu hugaaminayey wasiirka wasaarada maaliyada Cawil X.Cali Ducaale oo mudo laba todobaada ku sugnaa magaalada Burco ayaa maanta si rasmi ah u soo af jaray muran ka dhashay baaq ay hore u soo saareen Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar iyo koox wadaado ahi.

 

Munaasibad oo maanta lagu khatimayey arintan oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka isla markaana ay ka qayb galeen weftigii xukuumada, iyo in ka badan boqolaal xubnood oo ka mida madax dhaqameedka iyo wax garadka Beesha galbeedka Burco ayaa gudi is ku dhafan oo loo saaray xalinta arintan ayna ku jiraan kooxdii baaqa soo saartay waxayna kaga dhawaaqeen goobtaasi go’aamo ka kooban afar qodob oo lagu gunaanaday aritan.sida uu warkan noogu soo diray Weriye Yuusuf Ilkacase oo jooga magaalada Burco

 

Go’aamada laga soo saaray shirkaasi:

 

Go’aamadan laga gaadhay arintan waxaa kamid ahaa

 

In beesha galbeedka Burco ay aqoon santahay kana dambaynayso shuruucda iyo qawaaniinta u taala S/land

In beesha galbeedka Burco aanay soo saari Karin baaqyo aanay u dhamayn ama aanay cid u igman

In shuruud la’aan lagu sii daayo Suldaan Cismaan Suladaan Cali iyo xubnaha laxidhan

In la fuliyo ku dhaqanka Shareecada isdii madaxwaynuhuba ku dhawaaqay.

Gudoomiyaha gudida xalinta Cawil Yuusuf Dhiif oo ka hadlayey arintan ayaa cadeeyey inay go’aamadani ku soo urureen is fahan.

 

Sidoo kale Cabdi Xaashi Xuseen oo u hadlayey gudida ee horey u soo saaray baaqa muranka dhaliyey ayaa cadeeyey in ay ka tanaasuleen nuxurka baaqooda, ka dib markii ay u arkeen inuu dhaliyey is fahan la’aan iyo cunfi ayna ka markhaati kacayaan jiritaanka go’aamadan.

 

Xildhibaan cumar nuur waaye oo ka mida xildhibaanada golaha guurtida ayaa isaguna xusay in baaqan loo arkay inuu qaranka wax yeelayo: arintan oo kalr horay ayey dhibaato u keentay oo waxay ahayd fedaraal ayaanu nahay, hadaanu reer hebel nahayna dhib ayey keenaysaa” ayuu yidhi.

 

Wasiirka hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed oo u hadlaayey dhinaca xukuumada ayaa waxa uu cadeeyey inay xukuumad ahaan ku qanceen go’aankan isla markaana aanay u qabanayn arin cids danbe, wasiirku isaga oo ka hadlaya arintaasi waxa uu yidhi” baaqani kama madhnayn gacan dibadeed oo wsiilo looga dhiganayey in xukun lagu helo, waxaanu si wayn u dhaawacay sumcada qaranka iyo golayaasha burcona yaan koox yari wareerin”.

 

Baaqan maanta laga soo saaray go’aamadan waxa muddo laba todobaadka hor lagaga dhawaaqay magaalada Burco kaasi oo sheegay in 71 xubnood oo kamida Beeshan loo xilsaaray fulinta shareecada isla markaa waxa uu dhaliyey in xukuumada S/land xabsiga u taxaabto Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar iyo Maxamed Faarax Aadan oo ahda ku xidhan xabsiga Mandheera kana mid ahaa xubnihii ku saxeexnaa baaqaa.

 

Laakiin wasiirka wasaarada duulista hawada Cali Maxamed Warcancade ayaa isaguna hadalada shareecada laga hadlayo ku tilmaamay inaan sooomaaliland diin iyo dawlad toona uga dabo fadhiisanayan koonfur, wasiirku isaga oo ku kaftamaya arintaasi waxa uu yidhi” horta qoladiinan reer burco xadhiga waaad neceb tihiin laakiin waxaan idin leeeyahay waxa keenaya iska daaya oo iska daayay hebel ayaa ciidan isku wareejiyey, waayo? Waxaaan u malaynaa waa baqdin aniga laftaydu beri aan is qabanay xaajigii ( ina cigaal ) ayaan ciidan isku wareejiyey oo waan baqay , markaas idinkula yaabi maayo oo baqdunina waa jirtaa”.

 

Ugu danbayntiina Suldaan Maxamed Xirsi Qani ayaa isaguna daboolka ka qaaday in baaqan ay qaranka S/land ka raali gelinayaan, iyadoo xubnaha kulankan gebegebada ka hadlay ay ka mid ahaa Xildhibaan Xuseen Ibraahin Rooble oo kamida golayaasha Wakiilada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

News. the issues you can draw from here are.

1) waxa laga sheegayo ma runbaa in reer burco wax la wadaan Xasan Dahir Awes?

2) Maxaa hada keeney in lagu dhawaaqo Shariada?

3) Sow dawladu dowlad muslim ah meyeeysan ahayn?

Raga mas'ulka ah mayeeysan ilaah ka cabsoon?

4) Xageese na geeyn doonata hadii ay sidaas rimowdo?

5) Ma u maleysaa in dariishada laga soogalo la doonayo, iyadoo ilunku furan yahay? hadii umada taas loo horseedo, maxaa ay keenaysaa?

6) Mise mid keenaysa waxa ka waagsan waxa hada jira?

7) ayaa dhibaato u arko? oo ay dhibaysaa? Maxaase dhibaya?

8) Nimankan wata sheekadaan Xornimada Somaliland daacad ma ka yihiin? mise ka ma aha?

9) Dadka arinkaan ku raacsan intee bay le'eg yihiin?

10) xageese ku eg yihiin? mise ku faafsan yihiin goboloda dalka oo dhan? or meelo ka baxsan dhalka sida Somalia?

11) etc.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Marka geela loo heesayaa goroyo u heestaa nin yahay.

 

Rayaale didn't make a mistake in this regard. It was the Suldaan we're talking about here. The suldan is the one who held that idiotic conference in Burco and calling shareeca for one SUB CLAN.

 

Any one who came up with ****** isolated ideas like that should be dealt with. They are creating nothing but division. Look at the press release in Burco by his clan men in public. He was condemned big time.

 

I'm glad Rayaale had the balls to make such decision.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

No one is beyond the national interest.

 

Adiga yaa kugu yidhi society dhan oo meel ku wada nool baa wada xalaal quuta yaala. Kuwa xidhan yaa ku yidhaa waa wada daacad iyo inocent. Waa laga yaabaa in dad nadiifihii ku gubtaan but I grantee you that number ain't that high. Anigu garan maayo halkaad warkan keento iyo cida dadkoodu laga xidhxidhay with out a Legitimate case.

 

Jail iyo dad been lagu xidh xidho saaxiib waxba kamaad soo arag baan u malaynayaa caga dhigo. I was there over the summer and I didn't see umad la qafaasho oo been lagu xidh xidho. Laakiin hadad adigaoo midayo qarsanaya aad diin dadka kula soo hoos gabato sidii oo ay kufaar yihiin, your asz wil be in jail. That is why he was elected. To make sure peope obey the law of the country. Meesha ma maqaaxi baad u haysataa..sow dawlad maaha. No body is above the law saaxiib.

 

Xoriyad iyo sharaf baan kyu maray Somaliland from Lawya cado to Burco. Wax six xun ii eega ama dsu'aal qaldan i waydiiya maan arag.

 

 

Meerkii nimankan loo seeta dheereeyay 5 qof oo inocent ah oo ajanabiyaa lagu dilay Somaliland for what? Xaalada runta soo warayso saaxiib deetana ka hadal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^jaylaani,how can we make that better is the question,it's not that I am critising the success of SL,mida kale waxanaad iga cabanayso magaran,sida nin raga iila hadal,meesha ilmo ciyaal ah kuma aragtide?

 

if no is above the law,then I have Riyale for human rights abuse against humanity,so put his as% in jail then right.I can's see a criminal accusing others of crimes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Red Sea, are you still debating about this issue, man go to Mogadishu and set up a clan court, prefrably for your sub-clan as that is the solution to all problems in your eyes. Shiekh Xasan & Sharif for leaders of Somaliland... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Kamalu Diin:

News. the issues you can draw from here are.

1) waxa laga sheegayo ma runbaa in reer burco wax la wadaan Xasan Dahir Awes?

2) Maxaa hada keeney in lagu dhawaaqo Shariada?

3) Sow dawladu dowlad muslim ah meyeeysan ahayn?

Raga mas'ulka ah mayeeysan ilaah ka cabsoon?

4) Xageese na geeyn doonata hadii ay sidaas rimowdo?

5) Ma u maleysaa in dariishada laga soogalo la doonayo, iyadoo ilunku furan yahay? hadii umada taas loo horseedo, maxaa ay keenaysaa?

6) Mise mid keenaysa waxa ka waagsan waxa hada jira?

7) ayaa dhibaato u arko? oo ay dhibaysaa? Maxaase dhibaya?

8) Nimankan wata sheekadaan Xornimada Somaliland daacad ma ka yihiin? mise ka ma aha?

9) Dadka arinkaan ku raacsan intee bay le'eg yihiin?

10) xageese ku eg yihiin? mise ku faafsan yihiin goboloda dalka oo dhan? or meelo ka baxsan dhalka sida Somalia?

11) etc.

Red Sea this is your last chance to show us your stand please answer these quetion as Somalilander brother.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Originally posted by Mr.Red Sea:

if no is above the law,then I have Riyale for human rights abuse against humanity,so put his as% in jail then right.I can's see a criminal accusing others of crimes.

How dare you support Turki and his crew and than talk about justice? There are people who are still salivating for the blood of these victims and all your naive eyes can see is Rayaale. No matter what he did than, he's the part of the solution now. I don't think he deserves to be a president but you can't define destiny.

 

If you wanna persecute him, you should have done that when he was running for presidency not when he is sitting in office. It doesn't work like that especially when he didn’t commit any crimes in the CURRENT Somaliland. Yes, like many others in the past or the present Somaliland administration, he was part Siyad Barre regime. He might or might not kill some body. Only ALLAH knows that Among other things ,that issue will be dealt with when situation is right.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jaylaani:

quote:Originally posted by Mr.Red Sea:

if no is above the law,then I have Riyale for human rights abuse against humanity,so put his as% in jail then right.I can's see a criminal accusing others of crimes.

How dare you support Turki and his crew and than talk about justice? There are people are still salivating for the blood of these victims and all your naive eyes can see is Rayaale. No matter what he did than, he's the part of the solution now. I don't think he deserves to be a president but you can't define destiny.

 

If you wanna persecute him, you should have done that when he was running for presidency not when he is sitting in office. It doesn't work like that especially when he didn’t commit any crimes in the CURRENT Somaliland. Yes, like many others in the past or the present Somaliland administration, he was part Siyad Barre regime. He might or might not kill some body. Only ALLAH knows that Among other things ,that issue will be dealt with when situation is right.
Red Sea we are all asking you to show your stand. let be loose as you wish please asnwer our quations. please one more time

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Hey people need to elt Red Sea be, he supports the Clan Courts of Mogadishu that does not support the very existance of Somaliland.

 

Who according to Faisal Warrabe are working with Djibouti to destroy Somaliland.

 

He supports a group that has Xasan Turki a man alleged to have killed many Somaliland civiliansa by Somalilanders.

 

Red Sea, stick to your principles man, go to Mogadishu and defect from this unholly thing called Somaliland, and set up a Court and lead jihad against the ognorant folks of your region....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this